Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Carooday Wafdiga Laga Soo Celiyay Kismaayo Una Yeeray Saraakiisha Ugu

Recommended Posts

Saalax   

Muqdisho (RBC Radio) Waxaa goordhaweyd xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya loogu yeeray Saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ka dib markii maanta wafdiga dowlada laga soo celiyay magaalada Kismaayo.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale oo ka socota ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ay kulan kula leeyihiin xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Kulankaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu ka carooday wadi ka socday dowlada iyo AMISOM oo maanta loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.

Ila wareegyo lagu kal doonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in kulankaan uu haatan ka socdo madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana ay u dhanyihiin dhamaanba saraakiisha ugu saraysa AMISOM.

Maanta ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa laga soo celiyay wafdi ka socda dowlada Soomaaliya iyo waliba AMISOM, kuwaasi oo ahaa gudi uu dhowaan madaxweynuhu u magacaabay Jubooyinka.

Saraakiisha AMISOM ayaa wafdigaan waxay ku wargaliyeen in gudaha magaalada aysan gali Karin isla markaana hadii ay magaalada galaan amaanka wafdigaan aysan sugu Karin.

Wararka ayaa sheegay in saraakiisha ururka Raaskambooni ee gobalada Jubooyinka ay sheegeen in wafdigaan ka socda dowlada Soomaaliya aysan u golayn in ay yimaadaan magaaladaasi kismaayo.

RBC Radio

xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Gen. Axmed Madoobe iyo Gen. Indhocadde isku wakhti bay derejada qaateen, isku qaabna waa ku soo galeen siyaasadda (dhibaatada ex- Madaxweyne sharif ayaa ka tegey oo labadan derejo aysan u qalmin siiyey). I know inaysan isku mid ahayn laakiin waxyaabo dhawr ah ayey wadaagaan. I think by now SOLers should know that I am not a fan Indhacadde, balse waxaan la yaabay, waxa Indhacadena tuke cambaar leh ka dhigay Axmed Madoobena hoggaamiye khatar ah ka dhigay. Haddii la isku raacay in Indhacadde la aamusiyo oo aan weliba ka mid ahay dadka ugu horreeya ee aaminsan in Indhacadde uusan maamul degan iyo ciidan midna horboodin, sidoo kale waa in Axmed Madoobe jidkaas la mariyaa, hadii kale dhibaato ka culus ayuu keeni karaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Apophis;886710 wrote:
The real question is why did the president include "general" crosseyes in that delegation? It's as if he sent them knowing they will be turned back.

lol Apo, horta malla hubaa in Indhacadde wafti la socdey? Taas aan ogaanno marka hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This shows that axmed madoobe has lots of leverage at the moment and they already are not allowing govt delegations in kismayo.

 

Axmed madoobe is in charge and it seems as if the kenyans are a bit in the background.

 

If hassan sheikh doenst do the right thing now the situation might change.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;886738 wrote:
This shows that axmed madoobe has lots of leverage at the moment and they already are not allowing govt delegations in kismayo.

 

Axmed madoobe is in charge and it seems as if the kenyans are a bit in the background.

 

If hassan sheikh doenst do the right thing now the situation might change.

What is the right thing the president should do to diffuse the tension, yaa Xaaji?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this