Sign in to follow this  
khalid abuukar maxamed

Wefdigii Indhacade iyo Goobaale ee Kismaayo yimid oo loo diiday inay ka soo degaan

Recommended Posts

Wafti dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Magaaladda Kismaayo oo ay xubno ka yihiin General Goobaale,General Saxardiid iyo General indhacade oo Xasan-Dulmi-Jadiid u magacaabay arimaha Juboland iyo dhuxusha laga dhoofinayo Dekedda ayaa loo diiday inay ka soo degaan diyaaradii ka soo qaaday magaaladda Muqdisho,waana arin laga murugoodo maanta in Madaxweynihii loo hanweynaa uu ******** Indhacade iyo ******** Goobaale Kismaayo u xilsaaro inay wakiil uga noqdaan,waxaana arintan looga shakisan-yahay inuu talo ku soo jeediyay C/qaasim Salaad Xasan oo ka mid ah La Taliyaasha Madaxweyne Xasan.

Wefdigaan laga soo diray Madaxtooyadda Muqdisho ayaa ujeedadiisu aheyd inay diyaariyaan saldhigyo loogu tala-galay ciidamo Muqdisho la doonayey in laga soo daabulo si ay ula wareegaan amaanka Magaaladda Kismaayo,balse waxaa shirqoolkan ka warhelay,Ciidamadda Jubaland ee Axmed Madoobe hogaaminayo,iyagoo amar ku-siiyay diyaaradii uu soo diray Madaxweyne Xasan-Dulmi-jadiid inay dib ugu noqoto Magaaladda Mqudisho,waxaana arintan ku farxay soona dhaweeyay Shacabka ku dhaqan Goboladda Jubooyinka iyo Gedo Kismaayo

 

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulka magaaladu ku gacan saydhay imaanshaha gudidaas maadama aan lagala tashan imaanshahooda caasimada Jubbooyinka ee Kismaayo.

 

Dawladda Xasan-Dulmijadiid ayaa lagu eedeynayaa inay farogelin ku hayso habsami u socodka maamul u sameynta deeganada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya, horey ayuu u sheegay Mr: Sheekh in dawladdisu ay maamul u sameyn doonto Kismaayo halka uu sheegay in reer Hiiraan u madax banaan yihiin maamulkooda, haseyeeshee ciidamada isgarabsanaya ee ku sugan Kismaayo ayaa Hangool faraaroleh iskaga haya farogelinta Muqdisho, ayagoo danahooda ka wata halkaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Posted by SEK5 on November 6th, 2012

Xogta rasmiga ah ee wafdigii shalay oo ay taariikhdu ahayd 05/11/12, dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia waxay diyaarisay wafdi ay ugu tala gashay inay u dirto Gobolada Jubbada hoose, Jubada dhexe iyo qaybo ka mid ah Gedo, sida Ceelwaaq.

 

Haddaba, xog annu helnay waxaa noo suura gashay in xubnaha wafdiga dowladda ay ka koobnayeen 8 xubnood, oo Saddex kamid ahi ay ahaayeen saraakiil horay xasuuq ba’an oga gaystay goboladaasi.

 

Xubnaha Wafdigasi waxa hogaaminayay Gen GOOBAALE, Gen, Indha Cadde, iyo Sargaal 3-aad oo ka mdi ah saraakiisha qaybta ciidamada aagga Afgooye, 5 xubnood oo xildhibaano ah, oo mid ka mid ahi uu yahay dadka deegaanka kana soo jeedaa jubada dhexe, haddaba, sida aannu xassuusanno, laba maalin ka hor ayay ahayd markii wafuud ka socota dowladda jahuuriyadda federalku ay soo booqdeen magaalada Kismaayo, wafdigaasina waxa hogaaminayay wasiirkii hore ee gaashaandhigga ee xukuumaddii badbaado qaran iyo taliyihii ciidamada xoogga dalka ee federalka.

 

Haddaba, waxaa iswaydiin mudan, in dowladda Madaxweyne Hassan Muhumad Ulusow uu u bareero in gobolada hadda kasoo kabanaya dhibaatada iyo aafooyinkii, dibindaabyadii ay u gaysteen dadkii hogaaminayay isbahaysigii dooxada jubba ee laga xoreeyay goboladaasi muddo dheer, in maanta oo ay Somalia yeelatay xukuumad federal ah, in dib loo soo cesho dagaal oogayaal dunuub wayn oo aan la iloobi karin ka gaystay goboladaasi inay SHAATI DOWLADEED usoo xirto, oo booqasho ay ugu soo dirto dadkii ay barikaciyeen oo dadkoodii xasuuqeen, isla markaasina dambiyo xuquuqul insaanka sharaftiisa dilaya ka galeen goboladaasi.

 

Hassan Ulusoow, waxaa uu hadda soo faagayaa in Somalia ay ku noqoto meeshee laga soo ceshay, rajada umadda ceeldheer ayuu ku ridayaa hadduusan caqliga shaqaynin oo aysan Dowladda Federalka ahi aysan talada dalka iyo nidaamka ay Somali kala qoratay oo isku aamintay aysan fara-faraha ka dayn, waxaa hubanti ah in Somalia ay meelxun ku dambayn doonto, dagaalkii sokeeyana aan la hurayn inuu soo noqdo, si taasi looga dawoobo, waa in dowladda dhexe ay ka fiirsattaa waxii keeni kara isku dhac dadka iyo dowladda ah.

 

waxaa sharaf mudan, dadka reer JUBBOOYIN oo idil, oo shalay ka hortagay inaysan raggaasi kasoo dagi karin Kismaayo madaarkeda, kadib markii ay ******** in qabqableyaashiii umadda goboladaasi dhibaateeyay in shaati dowladeed losoo xiray, waxayna arrintan booqashada daba socotay oo ay ahayd SAHAN MILITARYoo lagu ogaanayay xoogga meesha maraya iyo qalabka ay sittaan ciidamada hadda gacantya kuhaya goboladaasi badankood.

 

Beesha Caalamka waa ay ka dharag san tahay qaabka uu’u socdo Hassan Ulusoow, waana SPOILER aad iyoa ad oga soo horjeeda nidaamka FEDRALISM-ka iyo dadka deegaanadooda inay hoos kasoo dhistaan si ay nidaamka guud ola qabsadaan oo usoo gaaraan gobolada kale ee nidaamka federalka ah ku jira oo aayahooda ka tashaday.

 

 

 

Xigasho Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

WTF are Indacade and Goobaanle doing and involved in Kismayo, these two warlords are the ones that looted, maimed and killed the innocents in Shabeele and Jubooyinka regions. Indhacade was that man who burnt the whole of Dhoobleey city.

 

If this is true, then this President is big time qabyaaladiiste, the other side must send Hiraale, Morgan and Jees too to represent the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The NGO government is exposing itself.

 

___________________________________________________

 

Posted by Pi1 on November 7th, 2012

Kismaanyo (PI):- Madaxweynha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud ayaa Col. Goobaale oo lagu tiriyo in uu ka mid ahaa dagaal oogayaashii Soomaaliya uu u magacaabayo in uu qayb ka noqdo saraakiisha ciidamada ee magaalada Kismaayo.

 

Dadweynaha ku dhaqan gobollada Jubooyinka ayay layaab iyo amakaak la noqotay Magaacabida sarkaalkan saacadihii la soo dhaafay la hadal hayey, madaama uu Goobaale ka soo jeedin Magaalada Kismaayo hadda ka horna uu ku jiray kooxihii xooga ku qabsaday xilligaas oo khasaare farabadan iyo taariikh lama ilawaan ah uu ku reebay dadka iyo deegaanka Kismaayo.

 

Goobaale dagaalkii ugu danbeeyey ee uu galo wuxuu ahaa kii 2007-dii Kismaayo lagaga saaray Ciidamadii DFKM ah ee Soomaaliya.

 

Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay magaaladu kacsantahay, dadkuna ay walaac ka muujinyaan in dagaal ooge aan lala xisaabtamin xaqdaro lagu soo magacaabo, waxayna carabaabeen in arrinkaasi ay u arkaan mid dib loogu waxyeelaynayo dadweynaha magaalada Kismaayo.

 

Dhinaca kale warar laga kalsoonaan karo oo aanu ka helnay saraakiisha Raaskaamboniyiinta iyo kuwa Dawlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegaya in aysan u dulqaadan doonin khaladaadka noocaas ah islamarkaana aysan aqbalayn magacaabida Goobaale.

 

Madaxweynaha Somaliya ayaa booqashooyin uu ku tegay Baledweyne iyo Baydhabo waxa uu kaga codsaday dadaweynahooda inay maamul samaystaan halka Kismaayana uu sheegay inuu maamul u samayn doono taasina waxay dadweynuhu u arkeen mid miijinaysa in aan lagaga qaybgalinayn masiirkooda iyo mustaqbalkooda umadeed.

 

Haddii arintan haatan soo ifbaxaday ay socoto, waxaa laga yaabaa in ay keento khilaaf ragaadiya Dawladda cusub oo aad moodo durbaba in ay ku dhaqaaqday talaabooyin aan miisanayn, kana foga xaqa iyo xaqiiqada ay tahay in bulshada soomaaliyeed lagu hago.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Last time you said it was just tolka suffering from it, but now it seems nearly every Somali is afflicted, up to and including Ina Gheele in Jabuuti :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Raskambooni.

 

Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah xubnihii la socday wafdigii maanta dawlada u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo loo diiday inay galaan magaalada Kismaayo dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa Raxanreeb uga waramay sidii ay u dhacday falkii ishortaaga ahaa ee ay saraakiisha ururka Raskambooni ku sameeyeen maanta.

 

Wafdigan ayaa ka koobnaa toddobo (7) xubnood oo dhanka dawlada Soomaaliya ka socday isuguna jiray ururada bulshada rayidka, saraakiil dawlada ah iyo ganacsato, waxaa sidoo kale wafdiga la socday illaa shan xubnood oo ka tirsan xafiiska AMISOM ee Muqdisho iyo saraakiil dhanka warbaahinta u qaabilsan AMISOM.

 

Mid ka mid ah xubnaha wafdiga oo galabta markii uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho la hadlay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay in saaka abaare 8:30 ay ka duuleen garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana xilli wax yar ka hor duhurkii ah ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, markii ay diyaaradooda caga dhigatayna ay u yimaadeen saraakiil ka tirsan kooxda Raskambooni oo ku wargelisay inaysan diyaarada ka degin ayna dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

 

Xubnaha wafdiga la socday diyaarada waxaa ka mid ahaa:

 

1- Baarliin Maxamed Cali (Baarliin Cadami) – oo ah gudoomiyaha guddi dawlada dhowaan u magacawday arimaha Jubbooyinka.

 

2- Col. C/laahi Cali Caanood- oo ah taliyaha guutada 2aad ee ciidanka militariga dawlada Soomaaliya.

 

3- Ganacsade Salaad Gabayre - oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

 

4- Jen Cismaan Subagle - oo ka mid ah abaanduilayaasha ciidamada dawlada.

 

Maxay ahayd ujeedada safarka wafdigan ku tageen Kismaayo?

 

Sida Raxanreeb Baarliin Cadami oo ah gudoomiyaha guddiga loo saaray arimaha Jubbooyinka, ujeedka safarka maanta wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo ay ku gaaraan magaalada Kismaayo, ayna u socdeen saddex arimood oo muhim ah.

 

- Waa marka koowaade in masuuliyiinta ciidamada ku sugan Kismaayo, odayaasha dhaqanka iyo maamulkii dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo ee ku-meelgaarka ahaa ay kala hadlaan sida loo ambaqadi karo dhismaha iyo diyaarinta maamulo heer deegaan ka soo bilawda oo laga hirgaliyo gobolada Jubbooyinka.

 

- In laga tashado sidii xal loogu raadin lahaa dhuxusha ku xaniban magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda taasoo dawlada iyo Qaramada Midoobay ay diideen in dibadda loo dhoofiyo, arintaasoo si gaar ah uu uga hadli lahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga Salaad Gabayre oo wafdiga ka mid ahaa.

 

- Arinta saddexaad ee ujeedka socdaalka wafdiga waxay ahayd amaanka guud ahaan gobolada Jubbooyinka, iyadoo si gaar ah looga tashan lahaa hawlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee hadda hakadka ku yimid.

 

Markii saraakiisha Raskambooni ay amreen in wafdiga ka yimid Muqdisho ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen ayaa waxay diyaaraddii wafdiga siday oo ay iska lahayd shirkadda SKA Air and Logistics ay dib ugu soo duushay magaalada Muqdisho oo ay soo cagadhigatay garoonka Muqdisho.

 

Dawlada Soomaaliya weli kama hadlin wafdiga ay u dirtay Kismaayo ee dib loo soo celiyey. Sidoo kale saraakiisha Raskambooniyiinta gacanta ku haya Kismaayo kama hadlin sababta ay u soo celiyeen wafdiga ka yimid Muqdisho.

 

Wafdigan ayaa noqonayaa kii labaad ee dawlada ka socda ee taga Kismaayo, iyadoo socdaalkii ugu horeeyay toddobaad ka hor magaaladaasi ku tageen wafdi uu hogaaminayey wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee dawlada Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

 

Khilaafka Raskambooni iyo dawlada

 

Muran weyn ayaa beryahan ka dhex taagnaa dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaanka ururka Raskambooni ee hadda ka arimiya Kismaayo. Sida ilo wareedyo ku dhow arimaha waxay Raxanreeb u sheegeen in arinta ubucda u ah khilaafka ay tahay labo waxyaabood;-

 

Arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka oo hogaanka Raskambooni, gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe uu doonayo in dadka deegaanka looga dambeeyo, taasoo taageero uu kaga heysto dadka deegaanka iyo dawlada Kiinya oo IGAD ka tirsan, isaga laftiisuna wuuba cadeeyay taasi (AKHRISO). Halka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulufadiisa ay doonayaan in Madaxweynaha looga danbeeyo.

 

Arinta kale ee sii kicisay xiisada ayaa ah muranka ka dhashay mamnuucista dhuxusha Kismaayo taalla taasoo haddii ay dhoofi lahayd dhaqaale soo gelin lahayd maamulka Kismaayo.

 

Dabcan, waxaa intaa dheer in beryihii la soo dhaafay labada dhinac ay isweydaarsanayeen hadalo lidi isku ah, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii saraakiisha dawlada ee booqatay Kismaayo ay Muqdisho ka sheegeen in Raskambooni aysan ahayn urur ay dawladu aqoonsan tahay.

 

Arinmaha ku xeendaaban maamul u sameynta Jubaland ayaa u muuqata mid lagu sii kala fogaanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this