Sign in to follow this  
General Duke

Dumb-Jadiid is a waste of time..: A report

Recommended Posts

Dowladii la soo dhisay waxaa hogaankeeda qabtay nin aan horay looga aqoon saaxada siyaasada Soomaaliya, laakiin asbuucyo ka bacdi la sheegay inuu yahay nin xisbi ka tirsan , xisbigaas oo Bahwadaag la ah dad aan looga baran inay soomaaliya ka keeni karaan Xal samata bixin kara shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya maadaama Qabiil ku dhisan tahay , madaxda sidda loo qayb sadayna ay salkeedu noqday in Madaxweyne Xasan Sh. Maxmuud Culusow uu *soo dhisay Raiisal wasaare cusub oo ka soo jeeda Beesha ******* , raiisal wasaarahaas oo looga fadhiyo inuu soo dhiso dowlada wanaagsan oo shacabka Soomaaliyeed rajadii u soo celin karta, waxaase soo baxaya in madaxweynaha Federaalka Cusub uu noqday nin aan ku shaqayn fakirkiisa gaarka ah ee siyaasadeed , waqtigaana ay soo baxayso ifafaalo ah inaan marnaba looga fadhiyin wax wanaag ah oo qancin kara shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha ay dagaalada hala keeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khatarta Bur-bur ee kusocota Dowlada Xasan Sheekh iyo muuqaalkeeda iyo sidda loo dareensan yahay

 

Waxaa lawada qirsan yahay in kolkii la doortay madaxweynaha cusub asbuuc kaddib inuu booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne , wuxuuna waqtigaas u sheegay shacabka goboladaas inay iyagu xaq u leeyihiin inay dowlad goboleed samaystaan , halka maamulka deegaanada Jubbooyinka uu sheegay in dowlada ay maamul u smaynasyo, halkaas waxaa ka soo baxay jileeca siyaasadeed ee ugu horeeya ee uu leeyahay madaxweynuhu waqti uusan *soo dhisin dowlad dhamaystiran, wuxuuna halkaas ku dhumiyey Qabiilada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka & Gedo oo ah *beesha *******, waxaana banaanka usoo baxay waqtigan *in beesha ******* ay markiiba Shaki xoogan ka qaaday Hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha iyo Rag ay isku siyaasad yihiin, Siiba dowlada Puntland oo Federaal ku dhisan oo Indhaha ku haysta sidda ay uu shaqaynayo Madaxweynaha Cusub.

 

Khataraha siyaasadeed ee fashilinaya dowlada Xasan Sheekh waxaa kaloo ka mid ah dowlada Kenya oo ka mid ah Ciidamada AMISOM, *aageedana uu yahay deegaanada Jubbooyinka ayuu isku dayey Madaxweye Xasan Sheekh inuu si toos ah ugu furo siyaasad maldahan, wuxuuna Xasan Sheekh dowlada Kenya sidda Puntlandpost ay soo xiganayso uu Warqad uu u diray inta aysan qaban mahaalada Kismaayo , Warqadaas oo uu ku qoray *in Kenya ay hakiso Qabashada magaalada Kismaayo , isagoo qiil ka dhiganaya inuu ku mashquulsan yahay Soo dhisida dowlada cusub , halka uu taageeray hambalyana uu u diray ciidamada kale ee AMISOM ka socda ee ku soo qul-qulaya Soomaaliya , sidda Ciidamada Jabuuti ee gaaray Hiiraan iyo kuwa dowladaha kale ee Muqdisho ku soo qul-qulaya, waxaana dadka aqoonyahanka ee Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Jubbooyinka & Gedo ay isla markiiba dareemeen Cadowtinimafa ku jirta Xasan Sheekh inta ay le’eg tahay , waxuuna bidhaamiyey Madaxweynuhu sidda uu ugu dhegan yahay dhaxalkii uu ka dhaxlay kuwii isaga ka horeeyey oo siyaasadoodu ahayd dhulbalaaarsiga iyo barakicinta shacabka deegaanka Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xagee wax ka qaldan yihiin , yaase la taliya Xasan Sheekh?

 

Khataraha fashilinaya Siyaasada Xasan Sheekh waxaa soo labeeya ama sadexeeya *waa isagoo xiriir dhow iyo mid siyaasadee la leh rag lagu magacaabo (****** Action Group), kuwaas oo hadafkoodu yahay siyaasad aan la aqoon waxay ku salaysan tahay markii aan baarnayna kooxdaas siyaasada ay aamin san yihiin waxaa soo baxday *inaysan lugaha kula jirin wax Soomaaliya iyo wanaageeda ka shaqaynaya *aan ka ahayn ( ******* nacayb) , qolooyinkaas ayaa la xaqiijinayaa inuu Lug ku leeyahay Xasan Sheekh ama uu wax ka dhegeysto, hadde waxaa la isweydiinayaa nin Neceb ama qaba fakirkii 1991-dii lagu xasuuqay Beesha ******* oo ka mid ah halbowlaha Qaranka Soomaaliyeed , Soomaali ma raadin karaa ?? mase yeelan karaa Han Qaran?, Qaran Soomaaliyeedse ma hogaamin karaaa … Waa maya Jawaabtaas oo kooban.

 

Waxaa daraasaad dheer oo si fiican loo qiimeeyey sheegaysaa *in raga la talinaya madaxweyne Xasan Sheekh ay ka mid yihiin raga qaba siyaasada ******* Nacaybka oo ay ugu horeeyaan C/qaasim Salaad Xasan oo ah ragii lugta ku lahaa Barnaamijka Soomaali lugaha u dhigi waayey ee 4.5, waa raga ku sugan Muqdisho , lataliye gaar ahna u ah Xasan Sheekh, Waxaa Liiska ku jira Yuusuf Garaad oo xoojinaya barnaamij kale oo la sheego oo lagu magacaabo ( Irir) oo aan la aqoon meesha uu u socdo iyo sidda la isuugu xiri karo dad aan is aqoon , dhaqan iyo Luuqad aan meelna iska soo gelin , xattaa aan Xuduud lahayn . waxaa kaloo meesha ku jira Xisbi kale oo lagu magacaabo Dam-jadiid oo ay ku jiraan Kooxo Al-islaax sheeganaya , laakiin Shaar Qabiil gashan, Waxaa kaloo talada Xasan Sheekh Wax ku leh rag ka tegay Qurbaha oo beesha ****** u badan, kuwaas oo xattaa magaalooyinkii qurbaha ay ka tageen aan wax Sumcad ah ku lahayn,waxbarasho ay kala tageen iska daaye, *taladiisana wax ku leh. Haddaba arrimahaas aan kor kusoo sheegnay waxay dhibaato ku yihiin in la gaaro wax guul ah oo dib usoo celin kara qaranimadii Soomaaliya , waxaana la saadaalinayaa in dowlada Xasan Sheekh uu haddii sidda ay tahay ay ku sii socota in mari doonto wadadii dowladii C/qaasim Salaad ee ku salaysnayd ka shaqaynta musuq-maasuqa iyo naaxintii kooxihii dhulbalaarsiga ee deegaanada Koonfureed ee qariiradeeda uu wax ka dhisay 1991-dii C/qaasim Salaad Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa kusoo biiray Kooxaha aan soo sheegnay ee talada iyo Siyaasada dhanka Xun kaliya ka eegay..

 

Cali Ameerika ayaa kusoo biiray saxaafada dagaalka Jubbooyinka, waxaana loo dhiibay hadaladan oo la yiri Tahliishii kugu degtaye saan u hadal , wuxuuna hadalkiisana u dhigay sidan AMISOM maamul nooma dhisayaan Soomaalida ayaa dhisanaysa iyo dowladeeda, hadaladiisa waxaa laga dheehan karaayey Luuqadii Taxi wadayaasha oo ay xirfadiisu ahayd, waxaana hadalkiisa uu *ka maqnaa Waxa loogu yeero Diblumaasiyada, waxaan shaki *ku jirin nin darawal ah inuusan noqon karin Dublumaasi, waana sidda uu u hadlaye wuxuu leeyahay Cali Ameerika dadka deegaanka ayaa dhisanaya Maamulka Jubbooyinka, waana sidda ay tahay , dhanka kale wuxuu ka leeyahay AMISOM ma u dhisayso Maamul Jubbooyinka. Cali haddii la weydiin lahaa Yaa maamulka dhisanaya Wuxuu ku celin lahaa AMISOM maamul nooma dhisayso.

 

Cali Ameerika wuxuusan ogeyn in Meeshu aysan ahayn Jowhar ee waxa laga hadlaayo ay yihiin Jubbooyinka iyo Gedo , isagana meel uu ka soo galo aysan jirin Bal dhegeysta *Waraysi uu siiyey BBC-da oo ku celcelinayo hal hadal oo uu 100 jeer ku celceliyey oo ka baqaayo inuu hilmaamo wuxuuna u dhigay hadalkiisa RIIX:*AMISOM nooma dhisayso Maamul, looba joogee bal aan dhowrno Wiilka taladiisa meesha ay salka dhigato. Waxaase wanaagsan Cali Ameetika uu ku ekaado mukhalasnimada uu ku joogo Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;885657 wrote:
the government is working under HAG we have to fight it. :eek:

i kinda like HAG they support Somaliland Quest for statehood they once invited me to one of their gatherings

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this