Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali Ambassador to Kenya its up to the Somali goverment to establish an admin in the juba regions

Recommended Posts

Ameeriko: Dowladda ayaa leh maamul sameynta

 

31 Oktoobar, 2012, 17:26 GMT 20:26 SGA

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur Ameeriko

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u warramayay BBC ayaa sheegay in AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliyeed taasina ay ka mahadcelinayaan, laakiinse waxa uu meesha ka saaray in aanay weligood joogeyn Soomaaliya, oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka.

Dhinaca kale Danjiraha waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

Dhawaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in door rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Danjire Cali Ameeriko oo Ka Horyimid Dadka Deegaanka inay Maamul ugu Sameyaan Gobolada Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe “Jubaland”

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Nairobi (RBC) Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay kulan looga arinsanayey doorka hawlgalka ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD ee ku wajahan dhanka rayidka kadib hawlgalada militari ee hadda ay ka wadaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa dhanka dawlada Soomaaliya uga soo qeybgalay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Kiinya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo hadal ka jeediyey kulanka, kana hadlay arimo fara badan xaalada dalka ah.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD sidii ay ucaawiyeen dawlada gaar ahaan dhanka amaanka oo uu sheegay inay gacan fiican ka geysteen.

Hase yeeshee wuxuu si adag u difaacay mowqifka Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ku wajahan arinta Kismaayo iyo maamul u sameynta gobolkaasi inay tahay arin u taalla dawlada Soomaaliya.

“Arimaha gobolada Jubbooyinka iyo Kismaayo waxay dawladu wadaa qaab maamul loogu sameynayo, waxaana u aragnaa shaqo u taalla dawladeena, IGAD kaliya waxay ku ekaan doontaa caawimaad oo kaliya” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Danjiruhu wuxuu cara baababay in ay jireen kulamo dada deegaanada Jubbooyinka ay wadeen, isla markaana looga arinsanayey arimaha Jubbooyinka isagoo sheegay in arimuhu ay mar walba yihiin kuwo Soomaalida ku eg.

Hadalka ee maanta jeediyey danjire Maxamed Cali Nuur ayaa soo baxay xilli shalay dawlada Soomaaliya ay cadeysay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ay wado oo meel dhexe ay marayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I get the feeling that the government in Mogadishu is focusing to much of its precious time on the juba regions. I mean today there were troubled situations in Hiiraan region a police commander was killed, Ethiopian troops came in with their armed vehicles the city is under curfew now.Fighting erupted near baydhabo, and few days ago another military commander was killed Somali artists are still being killed in Mogadishu. The country is still with out a government its seems like these guys have the time of their life. Sure they can comment on Kismayo here and there but the city is in good hands for now the government should set its priorities straight this is how the situation looks like now.

 

Amin-Arts.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this