Sign in to follow this  
Haatu

Dowladda oo wadda qorshe ay doonayso inay maamul ugu samayso deegaannada Jubboyinka (XOG)

Recommended Posts

Haatu   

Muqdisho (RBC) Isqab-qabsiga Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa gaaray meel xasaasi ah ka dib markii ay Madaxda Dowlada Fedraalka Soomaaliya ay damaceen inay iyaga la wareegaan hawlaha maamul u samaynta gobolladaas taasina ay keentay ay ka hor yimaadeen beelaha dega jubooyinka.Guddi ka kooban dhammaan beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka ayaa toddobaadkan dib uga noqday magaalada Muqdisho kuwaasoo ka yimid magaalada Nairobi ka dib markii ay madaxda dowladda isku qilaafeen maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Sida Raxanreeb ay u sheegeen xubno ka mid ah guddigan waxaa markii ugu horeysay ay sameeyeen guddiga hindise hordhac ah oo ku saabsan qaabka loo sameynayo maamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo la isku yiraahdo “Jubbaland” illaa hadda qorshahan ma ahan mid kama dambeys ah, sida odayaasha qaarkood ay u xaqiijiyeen Raxanreeb balse waxaa jira wada tashiyo dheeraad ah oo ku aaddan waqtiga iyo sida loo dhisayo maamulka goboladaasi yeelan doonaan.

 

Madax-weyne Xasan SHiikh Qorshahiisa.

 

Guddiga odayaasha beelaha Jubbooyinka (DHanka dowladda) waxay soo jeediyeen in la ururiyo ergo ka kooban 500 ergay oo ka kala socota dhammaan beelaha degan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo kuwaasoo u fariisanaya shirweyne “dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta Jubbaland” kaasoo lagu qaban doono magaalada Kismaayo ugu dambeyn bisha Disembar ee sanadkan, sida qorshuhu yahay. Shanta boqol ee ergay ayaa u dhigma sida ergadii 825 ee ansixinta dastuurka ee Muqdisho isugu timid bishii August ee sanadkan.

 

Ergada shanta boqol xubnood ka kooban ayaa soo xuli doona baarlamaan heer gobol ah oo ka kooban 65 xildhibaan oo lagu saleyn doono habka 4.5 (afar beelood iyo bar) kuwasoo meteli doona golaha wakaiilada ee maamulka Jubbaland, sida ilo wareedkan sheegayo waxaa la qorsheynayaa doorasho madaxweyne maamul goboleed oo ay dooran doonaan baarlamaanka 65 xildhibaan ka kooban ee gobolku yeelanayo.

 

Waxaana arrintaan ka soo hor jeeda beelaha deegaannada Jubbaland oo iyagu in muddo ah soo waday shir ay maamul ugu samayniyaan deegaannada Jubooyinka iyadoo waliba uu ku soo biiray maamulkii horay loogu dhawaaqay ee Azaaniya, kuwaasoo sida muuqata aan aqbali doonin in geedi socodkii nabadeed ee ay soo wadeen la burburiyo laguna bedelo qaab ka duwan rabitaankooda, waxaana arrintaas taageeraya beelaha gobolka xooggooda iyo dawladaha deriska ah oo ay Kenya u horayso. [AKHRI WARBIXIN HORE]

Marka la soo afmeero olalaha iyo la tashiyada ay xulafada Madaxweynaha hadda ka wadaan Muqdisho, ayey ballantu tahay in odayaasha ergada ah (dhanka dowladda) ay tagaan Kismaayo halkaasna laga furo gogosha beelaha ay ku kulmayaan si loo sii ambaqaado dhismaha maamul goboleedka cusub ugu dambeyn bisha Disembar ee sanadkan.

 

Dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horey culeysyo badan ku saareysay odayaasha in iyada loo hogaansamo ayaa qorshahan u aragta mid suurtagali kara, isla markaana qancin kara dhammaan beelaha degan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo qaar badani horey ay shaki uga muujiyeen dadaalada qaarkood ayna sheegeen in faragelin shisheeye ay ku lamaantahay, iyadoo ay qaar kalana ku doodayaan in dalka oo dhanba ay faro gelinta shisheeyaha ka jirto.

Raxanreeb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not a bad idea at all, and he has my vote on this , whatever good or bad it's something that come from Somalis not bloody Kenyans and that should be commended.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Nairobi (RBC) Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay kulan looga arinsanayey doorka hawlgalka ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD ee ku wajahan dhanka rayidka kadib hawlgalada militari ee hadda ay ka wadaan Soomaaliya.

 

Kulanka waxaa dhanka dawlada Soomaaliya uga soo qeybgalay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Kiinya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo hadal ka jeediyey kulanka, kana hadlay arimo fara badan xaalada dalka ah.

 

Danjiraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD sidii ay ucaawiyeen dawlada gaar ahaan dhanka amaanka oo uu sheegay inay gacan fiican ka geysteen.

 

Hase yeeshee wuxuu si adag u difaacay mowqifka dawlada Soomaaliya ee ku wajahan arinta Kismaayo iyo maamul u sameynta gobolkaasi inay tahay arin u taalla dawlada Soomaaliya.

 

“Arimaha gobolada Jubbooyinka iyo Kismaayo waxay dawladu wadaa qaab maamul loogu sameynayo, waxaana u aragnaa shaqo u taalla dawladeena, IGAD kaliya waxay ku ekaan doontaa caawimaad oo kaliya” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

 

Danjiruhu wuxuu cara baababay in ay jireen kulamo dada deegaanada Jubbooyinka ay wadeen, isla markaana looga arinsanayey arimaha Jubbooyinka isagoo sheegay in arimuhu ay mar walba yihiin kuwo Soomaalida ku eg.

 

Hadalka ee maanta jeediyey danjire Maxamed Cali Nuur ayaa soo baxay xilli shalay dawlada Soomaaliya ay cadeysay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ay wado oo meel dhexe ay marayaan.

 

Dhanka kale qaar ka mid ah ergooyinkii farsamada ee maamul u sameynta Jubbooyinka oo haatan dib ugu laabtay magaalada Nairobi kadib markii ay socdaal dhowaan ku tageen Muqdisho ayaa iyaguna ku cawday in dawlada ay kala kulmeen cadaadis iyo cagajugleyn markii ay wadatashi ugu tageen saddexda masuul ee dawlada ugu sareysa.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Only in Somalia will people get angry if their president says something about their region but if kibaki or haile mariam deselegn says something no one ever complains.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;884657 wrote:
Only in Somalia will people get angry if their president says something about their region but if kibaki or haile mariam deselegn says something no one ever complains.

Well said xaaji. This explains everything. I guess the late dictator wouldn't attack his own

countrymen up north , if they would have listen to him .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaalkis he would dictators fight and die in office while carrying a gun and attack every one who questions their authority.2012 Somalia has an elected President with no dictatorship a different world a different time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This president and the late dictator , there is a big difference. Back then our country was built under that

system and there was no 4.5 . What we had than compare to today ,I rather have yesterday's system.

Eventhough there was a big corruption and property being taken by the government to help his own , we still had

law and order . And anyone against it was aiming thier own interest like snm, ssdf,usc

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaalkis;884707 wrote:
This president and the late dictator , there is a big difference. Back then our country was built under that

system and there was no 4.5 . What we had than compare to today ,I rather have yesterday's system.

Eventhough there was a big corruption and property being taken by the government to help his own , we still had

law and order . And anyone against it was aiming thier own interest like snm, ssdf,usc

There wasn't a 4.5 but there was a M.O.D. alliance similar to the 4.5 the only difference was the M.O.D was one clan.One clan sucking all the resources of the Somali state can you imagine that. So one would say the 4.5 is more inclusive compared what we had before But on the other hand the thing is to legitimize the actions of the pre war era countries such as Somalia use not primordial but human rights the past enlivenment of the state to reinforce and strengthen the tribal nation of the state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You said one clan sucking all resources isn't that what's happening in all regions right now ? There is no democracy

In regions. What happened in the pre war era was unfortunate but few people took responsibility

to thier own hands . After the collapse of the dictator , we all witnessed how people took advantage of that

By forming self declared leadership instead of working toward common goal for greater nation and this goes on

until this day .

 

Let's get something clear , somalis don't believe in collective goal but one group goal .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thats why the notion of modern Somali statehood was a failed experiment its self and when some certain people thought that they could misuse the resources of the Somali nation for their own clannish gains. Than u will get total collapse of a nation, and when you are dealing with nomadic people and when their salience of national identity isn't even that strong than you know that something is really wrong. The root of the problem lies deeper son much and much deeper.This is just the beginning what you are seeing let clan federalism further evolve and you will see more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this