Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Bacaac from Bugland - Badhan baa nalaga qaatay

Recommended Posts

Xaalada Gobolka Sanaag.

 

 

Wasiirka Deegaanka Somaliland oo mashaariic ay Somaliland ka fulisay Degmada Dhahar xariga ka jaraya.

Gobolka Sanaag waxaa ka jira wakhtigan xaalado badan oo u baahan in wax laga qabto Siyaasada Soomaaliland ee ku wajahan Gobolka ayaa moodaa inay ka dheeraysay tan Puntland oo sanooyinkii u danbeeyey uu yaraaday saamaynteeda & joogitaankeeda gobolka.

 

Sanadkii 2011 sida ay sheegtay Xukuumada Somaliland waxay ku bixisay Gobolka Sanaag $ 350,000 lacagtaas oo loo adeegsaday mashaariic Horumarin ah sida dhisamaha Iskuulo, Suuqyo, Maxkamado & goobo Caafimaad halka sanadkii 2011 Xukuumada Puntland aysan wax mashaariic dhanka Horumarinta ah ka fulin gobolka talaabadaas oo kor u dhaaqay taageeradii Soomaaliland oo horay gobolka aan ugu halayn saamayn fiican wiiqdayna kalsoonidii lagu qabay Xukuumada Madaxweyne Faroole.

 

Beesha Aadan Siciid oo ka mid ah Beelaha Gobolka shir dhowaan uga qabsoomay Deegaanka Caroweyn waxay si cad u sheegeen inay ku biireen Soomaaliland ayna Kalsoonidii kala noqdeen Puntland iyagoo sabab uga dhigay in Xukuumada Madaxweyne Faroole ku fashilantay siyaasadii Gobolka waxayna wefti u dirsadeen Hargaysa weftigaas oo si diiran loo soo dhoweeyey.

 

 

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid.

Waxaa isna ka socda Gobolka Mashuuraca lagu sheegay in Deked loogu dhisayo Degmadda Laasqoray mushruucaas oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay dad badnina ka muujiyeen sheki .

 

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo isagu ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland ayaa dhowaan Waraysi uu bixiyey si kulul ugu weeraray Mushruucaas kuna sifeeyey mid dano kale laga leeyahay wuxuuna yiri :-

 

“Ma jiro Deked laga qodayo Laasqoray, qorshuhu waa in la gurto khayraadka dabiiciga ah arrintaasina maahan mid aanu yeelayno shirkii noogu xirmay magaalada Mindigale si cad ayuu shirku uga hadlay arrintaas go’aan ayaana ka qaadanay : Ayuu yiri Garaad Cabdulaahi oo waraysi siinayey mid ka mid ah Idaacada ka hawl gala Puntland.

 

Maamulka hada la magcaabay & Xukuumada Madaxweyne Dr. Faroole waxaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan xaaladaha gobolka Sanaag oo isagu ka dib dhacsan Gobolada kale ee Puntland .

 

 

http://horseedmedia.net/2012/10/09/madaxweynaha-puntland-oo-xilkii-ka-qaaday-gudoomiyihii-gobolka-sanaag-taliyihii-ciidamada-booliska-gobolkaas/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this