Sign in to follow this  
Jamal Hassan

Cabinet predictions?

Recommended Posts

He is the wife of Asha Haji Elmi, he in under her strings and we all know who will be calling the shots. He has no experience nor the type of education required to pull Somalia out of this predicament. A Bachelor degree is carried by 22 year olds. Shirdon is a toothless prime minister and a notorious Narcotic trader. His qualifications did not take him this far his wife did. Farmaajo or Barre would have been a far better choice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

General Duke;877717 wrote:
They will be dumb-jidiid folks.

:D This might be the closest but I wouldn't bring my predictions out to the public yet. All I can say is I expect less diaspora unless it is going to be even zero diaspora.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jamal Hassan;877756 wrote:
He is the wife of Asha Haji Elmi, he in under her strings and we all know who will be calling the shots. He has no experience nor the type of education required to pull Somalia out of this predicament. A Bachelor degree is carried by 22 year olds. Shirdon is a toothless prime minister and a notorious Narcotic trader. His qualifications did not take him this far his wife did. Farmaajo or Barre would have been a far better choice.

Let us be realistic, he is all we have today.:D People without a degree became good leaders and at least he has one. Let us not be too negative please.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Is qab qabsi dhinaca beelaha ah oo ka taagan wasiirada ugu muhiimsan DF + Magacyada Xubnaha ugu cad cad.

Posted by Alaxmed on October 7, 2012 in Wararka | 0 Comment

 

 

Madaxweynaha Somalia ayaa magacaabay wasiirka 1-aad ee dalka Somalia oo laga warsugayay muddo ku dhow bil cida uu u xulan doonno waxana ugu dambeyn nasiib u hellay Dr Saacid Faarax Shirdoon oo ah nin dhaqaal yahan ah isla markaasna mudo kasoo shaqeeyay meelo badan.

 

Wararka hoose ee laga helayo Xafiiska madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Somalia xasan Shekh Maxamud ayaa shegaya in wasiirada qaar ay muran ka taagan yihiin sida loo qeybinaayo xukuumadda Ra’iisul wasaare Dr Saacid uu soo dhisaayo.

 

Wasiirada muranka uu ka taagan yahay waa wasiirada ugu muhiimsan sida wasiirka arrimaha gudaha,iyo Wasiirka Maaliyadda.

 

Xogta hoose ee laga hellay xafiiska madaxweynaha waxay sheegaysa in ay jiraan shax wasiiro madaxweynaha horyaala kuwaas oo qaarkood aysan suura gal ahayn inuu magacaabo iyadoo ay jiran qaabka qeybsiga beelaha ee xilalka dowladda Somalia.

 

Wasaaradda Maaliyadda.

 

Wasiirka Maaliyadda ayaa ah wasiirka muranka ugu xoogan uu ka jiro waxa madaxweynaha uu doonayaa inuu u magacaabo wasaaraddaas Haween wuxuuna qorshaynayaa Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda uu ka dhigo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ah xildhibaanad ka tirsan dowladda cusub kana tirsanaan jirtay xukumadihii kmg ahaa.

 

Fowsiyo waxay soo noqotay mar wasiirka Haweenka iyadoo xilkaas mudo haysay waxaana ay kamid noqotay Xildhibaanada cusub ee dowladda Somalia waxana door Muhiim ah xilligaan ka qaadatay ololahii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaana la sheegaa inay loolan culus u gashay sidii Madaxweyne Xasan sheikh ay ugu muujin lahayd daacadnimadayda iyo howlkarnimadeeda iyadoo xildhibaano badan oo u dhawaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Musharaxiin kale ay si fudud ugu soo leexisay dhanka Madaxweyne Xasan SHeekh oo ugu dambeyn loo doortay madaxweynaha Somalia.

 

Fowsiyo waa mid kamid ah Tiirarka Kursiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana Madaxweynaha kula balamay in laga dhigayo Gabadhii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka maaliyadda ka noqota dalka Somalia iyado madaxweyne Xasan Sheekh oo Fagaaraha ka sheegay tiro dhowr jeer ah in haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha uu Haween u magacaabi doonno wasaaradda Maaliyadda taas oo muuqanayso in Fowsiyo ay tahay Wasiirka maaliyadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Somalia oo warqadayda ay taallo.

 

Beelaha digil iyo Mirifle ayaa si xoogan ugu soo horjeestay in Fowsiyo Maxamed Sheekh laga dhigo Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda waxayna sheegayaan inay tahay mid sharci darro ah oo lagu tumanayo Dastuurka iyo habka qeybsiga beelaha xilalka dowladda.

 

Fowsiyo Maxamed Sheekh Waxaa ay kasoo jeeda Beesha Eelay ee ********* waxana ay isku jufo yihiin guddoomiyaha Barlamanka Prof Maxamed Cisman jawaari oo isna ah Eelay ee ********* isla markasna aysan dhici Karin in labo qof oo Eelay ay qaataan xilalka ugu muhiimsan dowladda ee Digil iyo Mirifle kasoo gaaraya Saamiga dowladda.

 

Fowsiyo Ayaa ah qofka ugu dhow Madaxweynaha marka laga hadlo Shaqsiyaadka kasoo jeeda Digil iyo mirifle ee dowladda ku jira ama siyaasada ku lugta leh iyadoo Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Baydhabo ay si cad u sheegtay inay Xildhibanada Digil iyo Mirifle ay codka siiyeen Madaxweynaha isagana laga rabo inuusan ilaabin.

 

Fowsiyo Maxamed Sheekh Ayaa haatan kamid ah xildhibaanada cusub ee dowladda iyadoo horey ugu tirsanaan jirtay waxaana ay tahay qof siyaasadeeda ku xeran hadba qofkii Mas’uul sare iyadoo aan ka dheeraan mas’uulkas,waxaana ay ka shaqeyn jirtay goob harqaan ama dawaar ah oo ku taallo Magaalada Dupai halkas oo ay isku barten xaaska Madaxweynihi hore dalka Somalia C/laahi yuusuf waxaana ay kala hadashay seygeeda oo ay isbartay kadiban Fowsiyo ayaa wixi markas ka dambeeyay siyaasada ku dhexjirtay waxayna jeceshahay in loogu yeero Magaca DRs.

 

Beelaha Laysaan iyo Hadame ayaa ah labada beel ee isha ku haaya xilka xildhibaanad Fowsiyo ay ku haminayso ee Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda waxaana jira dagaal u muuqda laba dhinac laakin ah saddex dhinac oo kala ah Beelaha Eelaay,Laysaan iyo Hadame waxana marka hore ay Beelaha Laysan iyo Hadame ay doonayaan inay iska saaraan beesha Eelay iyo Damaca Fowsiyo Maxamed Sheekh kadibna loolan final ah uu dhexmaro Laysaan iyo Hadame.

 

Fowsiyo ayaa u muuqanayso inay ugu dambayn ay ku adkaan karto loolanka siyaasaded iyo ceyrsiga labadan xil Ra’iisul Wasare xigeen ahna wasirka Maliyadda.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

 

Beesha Habar gidir ayaa loolan adag ugu jirta sidii ay ku heli lahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka waxana soconaya kulamo ay qaar kamid ah raga raba kursigaas ay marti qaadyo ku sameeyan hoteelada Muqdisho, waxaana ay u badan tahay inay heli doonto.

 

Hase yeeshee Jufooyinka hoose ee beesha Habar gidir ayaa isku garbinaya xilka Wasiirka arrimaha gudaha Somalia waxana ragas ay kasoo kala jeedaan Jufooyinka kala ah Sacad,Ceyr iyo Saleeban.

 

Yuusuf Garad cumar madaxii hore BBC-da.waa nin u dhashay Jufada Ceyr.

 

Nin magaciisa lagu sheegay Kabreeto oo haatan ka mid ah maamulka Dekadda Muqdisho,waa nin u Dhashtay Jufada Sacad.

 

Cali Maxamed Nuux( Tima Jilic) oo ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaliyeed.

 

Yuusuf Garad ayaa isaga tagay magaalada Muqdisho isagoo lagu arkayay magaalada Neyroobi,waxana la sheegay inuu noqday qof fashilmay wuxuuna waydiistay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka dhigo Wasiirka Arrimaha gudaha markas ayaa shuruud looga dhigay inuu odayaasha Jufadiisa uu taaageero ka raadsado uu dhankaas kasoo galo.

 

Cali Tima jilic ayaa kamid ah raga sida weyn loola xiriirinayo inuu noqdo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka,Waxaana ay saaxibo isku dhow yihiin Ra’iisul Wasaare Dr Saacid oo u dhaxda Xildhibanad Caasho Xaji Cilmi oo Jufo hoose ay isla yihiin Cali Tima Jilic.

 

Si kastaba Ra’iisul wasaaraha ayaa wali soo magacaabin golihiisa wasiirada isagoo sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad wanaagsan oo dalka samata bixin karta xiligan.

 

 

http://caasimada.com/is-qab-qabsi-dhinaca-beelaha-oo-ka-taagan-wasiirada-ugu-muhiimsan-dowladda/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this