Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

CIA-da oo Jawaasiista ay qoronayso Liwaad ku sameeya Cajaladana ka duuba iyagoo liwaad lagu samaynay

Recommended Posts

Interesting read on how Al-Shabaab sees their critics and spy's lol

 

Waxay ahayd 1924 kii markii Khiilafadii ugu dambaysay ee Cuthmaaniyiintu burburtay intaa wixii ka dambeeyay waxaa soo kordhayay dhibaatooyinka gaaladu ku hayso dadka muslimiinta ah iyadoo maalin kasta aad arkayso dhacdo cusub oo kaa yaabinaysa.

 

Markii Sahyuuniyadda Yuhuudda ay qabsadeen Qudus waxay markiiba bilaabeen falal aad u fool xun oo ka baxsanaa dhaqanka bini aadamka intii uu soo jiray falalkaasna waxaa ka mid ahaa in ay sameeyaan Shabakad soo afduubta xubnaha muslimiinta dagaalka kula jirta hogaaminaya ama ehelkooda qayb ka mid ah isla markaana ay inta Qowmuluudnimo ama liwaad ku sameeyaan ugu hanjabaan haddii uusan la shaqayn in ay sawiradiisa gidaarada ama darbiyada ku soo dhajin doonaan arinkaas ayaa suuragaliyay in ay adeegsadaan dad aad u tiro badan oo ku jiray Jamaacaadka Jihaadka kula jiray sidaana ugu suuraga gashay in ay dilaan rag badan oo ka mid ahaa hogaamiyaasha Jihaadka kula jiray Yuhuudda.

 

Gaaladu waxay aad u jecel yihiin in ay sii wadaan fal kasta oo ay is leeyihiin wuxuu guul u keenayaaa qorshohooda sidaa awgeed falka an in Fawaaxish iyo Qowmuluudnimo lagula dhaqmo dadka ay Jawaasiista ka dhigayaan wuxuu u muuqday mid saamayn ballaaran ku leh wax qabadka sirdoonkooda sidaa awgeed waxay bilaabeen in ay arinkaa ka dhigaan tiirarka uu ku taagan yahay Sirdoonkooda gaar ahaan marka ay la macaamilayaan Muslimiinta waayo waxay og yihiin in ruux muslim ka ah ay yara adagtahay in si fudud ugu shaqeeyo sidaa awgeed waxay nidaam ahaan ka dhigeen in liwaadka lagu sameeyo ruux kasta oo muslim ah oo ay jaajuus ka dhiganayaan.

 

Mashruucaan fooshaxun wuxuu u soo gudbay dalal badan oo Muslimiin ah waxaan ugu horeeya dalalkaas Masar Xukuumaddii Jamaal Cabdinaasir ayaa inta la xusuusan yahay Yuhuudda ka soo minguurisay arinkaa waxayna aad ugu isticmaaleen Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyadoo illaa maanta ay aad uga jirto Masar waxaase xusid mudan in Anawar Saadaat iyo Xusni Mubaarak ay arinkaaasi ahaayeen tiirarkii ugu waaweynaa ee ku dhaqmay waxay aad ugu balaariyeen qorshahaas qaybo badan oo ka mid ah Bulshada sida in ay cidda ay Siyaasadda isu hayaan ku inta xiraan oo jeelka ku jirdilaan ka dibna Liwaad lagu sameeyo si uu uga tanaasulo hankiisa sidaasadeed, sidoo kale waxaa arinkaa lagu fooshaxun lagu fuliyay Ducaad iyo Culumo waaweyn si aysan u fatwood wax ka soo horjeeda nidaamka dawlada iyadoo ducaadaas lagu yaqaanay in ay fatwoodaan Jihaadka iyo in Xukuumadda ay tahay riddo?

 

 

Xabsiga marka laga soo daayo ayay ducaaddaas bilaabi jireen iyagoo cabsanaya in sawiradii fooshaxumaa lasoo bandhigo u hadli jireen sidii in ay yihiin Afhayeenka Dawladda. Halka ducaad badan si kasta oo loo cabsi galiyay uu allah sugay illaa aakhirkii uu allah Shahaado ku irzaaqo waxaa kale oo jirta in ducaad badan xaasaskooda inta jeelka loogu keenay lagu horkufsaday ama fawaaxish badan lagu sameeyay si uu mowqifkiisa diiniga ah u badalo waxaa jiray in Culumo waaweyn Hablahooduu ama gabdhihii ay dhaleen lagu horkufsaday si ay mowqifkooda u badalaan arinkaana guul ayay ka gaareen marka la eego sida ay u daciifiyeen Culumadii aadka uga soo horjeeday Shuuciyadda iyo Dimuquraadiyadda.

 

 

Masar arinkaan samayntiisa waxaa u qaabilsanaa Ciidanka Amni Dawliga oo ahaan ciidan loo tababaro sida xayawaanka oo kale oo aan ka xishoonayn waxkasta waxaana waxyaabaha lagu tababaro ka mid ah in qaarkood ay fawaaxish ku sameeyaan ehelkooda sida in askariga laga dilo damiirka ayaa la leeyahay walaashaa kufso iyo wax ka daran ciidankaa markii Xusni Mubaarak la badalay iyagana magacii ayaa loo badalay laakiin shaqadii waa isu mid. Dadka reer Masar waxaa dhexdooda ku shaacsan in Ciidanka ay Yuhuuddu u taliso.

 

 

CIA-da Maraykanka ayaa iyana sanadihii ugu dambeeyay aad u isticmaashay arimahaan fooshaxun meelaha ugu badan ee ku isticmaashay waxaa ka mid ah Ciraaq oo ay dad badan ku dhibaayeen in inta jirdil aad u baahsan ku sameeyaan ruuxa ka dibna isagoo aan awood lahayn Liwaad ku sameeyaan si ay Mujaahidiinta ugu soo jaajuuso ama bartilmaadsigooda ugu sahlanaato sida caddaanka ah waxaa aad loo wada xusuustaa sawiradii Abuu Gariib ee foosha xumaa waxaan aniga shaki iiga jirin in dadka sawiradaa ku jiray ay ahaayeen kuwo la doonayay in ay Jawaasiis noqdaan.

 

Soomaaliya marka aad si fiican u eegno waxaa cad in arinkaani uu jiro waxaad aad u dareemaysaa in wadaado badan oo aad u jeclaa mujaahidiinta in ay maanta yihiin kuwa ugu daran ee dura Muslimiinta gaaladana ka aamusa waliba waxaad arkaysaa in culumada qaarkooda uu Mowqifkooda is badalay waxyar ka dib markii mid kasta la xiray.

 

 

Axmed Keyse wuxuu ka mid ahaa Jamaacada Ictisaam waxaa lagu xiray Jabouti ka dib wuxuu noqday Jaajuus u noqday CIA da Maraykanka waxyaabaha su'aasha ku abuurayaa dadka waxaa ka mid ah maxaa sababay in ruux jaamici ah oo aqoontiisa diimeedna fiican tahay in uu jaajuus noqdo waxaana qasab ah in sababtu ka wayntahay lacag waayo Axmed Keyse lacag la'aani mahayn oo markii la xirayay Diyaarad ayuu saarnaa wuxuuna haystay shaqo ku filan oo ka soo saaran karo nolosha qoyskiisa marka la eegana lacagta uu Maraykanku siinayay maahayn lacag aad u badan waa wax aan gaarayn 2 Kun oo doolar. Arinka ugu cajiibsan waxa uu yahay markii la soo daayay Axmed Keyse wuxuu awoodayay in uu si toos ah ugu biiro Mujaahidiinta iyagana uga warbixyo dhagarta lala maagan yahay oo CIA da xabsi ugama jirin, intaa marka la isu daro waxaa kuu muuqanaysa in ay dhici karto in waxyaabahaas foosha xun aanay ka marnayn meesha si qofka naf ahaan xabsi loo galiyo oo uusan jawaasiisnimada ku qasbanaado waxaana dareemaysaa marka uu ka sheekaynayay Sirdoonka Maraykanka iyo kulamada uu la yeeshay waxaa kuu muuqanaysa in uu aad u necbaa sirdoonkooda iyo waliba ashqaasta uu la shaqaynayay.

 

 

Waxaa arinkaa sii caddaynaya arin cusub oo kale oo ku saabsan Isxaaq Cumar Xassan oo ka mid ahaa jawaasiista u shaqaynayay CIA isla talaabadaii Axmed Keyse ayaa lagu shaqaaleeyay Xabsi ayaa la galiyay Cajaladna waa laga duubay markaa ka dibna wuxuu qabtay hawl aad ugu muhiim ahayd gaalada oo wuxuu ku guulaystay in dad badan oo Muslimiin ah sababtiisa lagu dilo Isxaaq marka uu ka sheekaynayo dhibaatada Xabsiga ka qabsatay hadaladiisa waxaa ka mid ahaa ''wixii ay igu samayn kareen way igu sameeyeen'' kelmadaas waxay muujinaysaa in ay jiraan waxyaabo badan oo foolxun ku qabsadeen jeelka waxaana soo xusuustay halkudhig soomaalidu adeegsato kaas oo aad u soo shaac baxay waqtigii Fitanka iyo Dagaaladii qabaliga ahaa kuwaas oo markaa Jahbad magaalo soo gasho ay dadka magaaladaa dhibaatooyin badan ku sameeyaan haba ugu badnaadeen Kufsiga Dumarka waxaa jirtay in oraah kaliya lagu soo koobo wixii xumaan ahaa ee meeshaa ka dhacay taas oo ah '' wixii ay samayn kareenba way sameeyeen''.

 

 

Arimahaasi waa in Muslimiintu il gooni ah ku eegaan gaar ahaan waa in si fiican loo ogaadaa in ruuxa hadlayaa ama Jaajuuska noqonayaa waxkasta oo lagu sameeyaa nooc kasta oo ay noqdaan maaha in aad jaajuus u noqoto gaalo ee waa in aad la dagaalanto kana aargudato mana kuu banaana adigoo sumcadaada ilaalinayaa in aad sabab u noqoto in dad muslimiin ah la laayo sidoo kale waxaa jiray wadaado badan arimahaas fooshaxun lagu sameeyay dalka Masar ay ku qasabtay in heshiis lagula galo in Mujaahidiinta FATWA kula dagaalamaan ilaa maantana ay muuqato arimahaas Muslimiinta dhexdooda in ay jiraan wadaado Muslimiinta aad u caaya, ku sheega wax kasta oo xun hadana ka aamusan gaalada iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan Muslimiinta waliba kuwii gaaladu soo wakiilatay ku sheegaya in ay yihiin Waliyu Amri ay daacadiisu waajib tahay.

 

 

Marka aan u soo noqdo Jamaacada Ictisaam waxaa jira dhawr wadaad oo lagu xiray ama Sirdoonku la kulmeen iyagoo ku dacwaysanaa in ay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa Taageereen qaarna Safarkii laga xannibay wadaadaas waxaa ugu horeeyay Sh C.raxmaan Abyad oo Denmarka lagu xiray, Sh C.raxmaan Sh.Cumar oo isna dhawr jeer CIA la kulantay safarkiina laga xannibay iyo wadaado kale dhamaantood waxay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda Dimuquraadiyadda isla markaana Fatwoon jiray in Dastuur ciddii ku dhaqantaa ay ku gaaloobayso iyo in Jihaadku yahay xalka umadda si gaalada la isaga celiyo maantana waxaan wada hubnaa in ay is badal weyn ku yimid dhinac kasta oo kuwii ay shalay gaalaysiiyeen ay maanta Islaam ku sheegayaan in Gaaladii ay la shirayaan ilaa Safiiradii in waliba qaarkood Xalane Amison kula soo shireen sida uu sameeyay C.raxmaan Sh Cumar waxaana ognahay in cadaawadii gaaladu aysan is badalin ee wadaadadu iyagu is badaleen waxa sababay anigu ma garanayo laakiin shaki weyn kama qabo in ay jirto sabab ku qasabtay arinkaa marka la eego dhaqanka gaalada adeegsanayaan.

 

 

Gaaladu sidoo kale waxaa gaarsiiyay jawaasiistooda heer marka dambe ay ka mid noqdaan maamulka sare ee dalka markaa ay joogaan waxaa aad uga yaabay in Wasiir ka tirsanaa dawlada Pakistaan uu si cad u sheegay in uu yahay Qowmuluud, sidoo kale waxaa sanadkii 2010 ka dhacday Ingiriiska dacwad loo haystay Sacuud CabdulCaziz Bin Naasir Aala Sacuud oo ka mid ah boqortooyada reer Sucuud ninkaasi wuxuu Hotel ku yaalla London ku dilay Bandar Bin CabdalCaziiz oo Suudaan u dhashay arinkii dilkiisa intii lagu jiray waxaa caddaaday in Sacuud CabdulCaziz Bin Naasir iyo ninkaan Suudaaniga u ahaa shaqaale isla markaana uu Qowmuluudnimo ku samayn jiray waana wax caddaan ah.

 

 

Ha la yaabina ruux markii hore manhajkiisa toosanaa haddii aad aragtaan isagoo si deg deg ah wixii shalay uu taageersanaa oo aan waxba iska badalin isagu la leexday in ay dhici karto in sida ku dhacday Axmed Keyse iyo Isxaaq Cumar Xasan isla ku dhacday laakiin aanu wali u fashilmin sidooda ee uu Hawshii ku jiro.

 

Source: http://amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=7662:cia-da-oo-jawaasiista-ay-qoronayso-liwaad-ku-sameeya-cajaladana-ka-duuba-iyagoo-liwaad-lagu-samaynayo-warbixin&catid=59:maqaallo&Itemid=86

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this