Sign in to follow this  
Liibaan

Gudoomiyaha GolahaSare ee Khaatumo State Dr Cali Ciise oo Loo Badinayo Inuu Noqdo Raisul-Wasaaraha

Recommended Posts

Liibaan   

War deg deg ah: Dr: Cali Ciise Cabdi oo Muqdisho ka soo degey.

October 2, 2012

 

 

 

Muqdisho:-(RT)Dr: Cali Ciise Cabdi ayaa daqiiqado ka hor ka soo degay garoonka dayuuradaha ee Aadan Cade international Airport.

 

Dr.Cali Ciise Cabdi oo ay weheliyeen xubno Diblumaasiyiin Caalami ah ayaa markii uu yimid Muqdisho waxaa soo dhaweeyey saraakiil iyo madax kale oo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISON.

 

Dr: Cali Ciise Cabdi oo la’aaminsanyahay inuu yahay Raisul-awasaaraha cusub ee Somaliya iyo xubnaha la socday ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

 

Dr: Cali Ciise Cabdi wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka dalalka Afrika* ugu aqoonta iyo Khibrada badan, marka laga hadlayo arimaha dhaqalaaha, Siyaasada,siyaasada iyo xalinta Khilaafaadka caalamiga ah.

 

Hadaba waakuma Dr.cali Ciise Cabdi ayaa*ah *nin aqoontiisu gaadhsiisantahay PHD,Khibradiisa shaqona ay ku simntahay 40sano oo shaqa heer caalami ah oo uu aduunka ka soo qabtay,Hogaaminta ayaa sida ay noosheegeen dadka yaqaanaa waxa uu Macalin Jaamacadeed ka soo noqday dalka Maraykanka 1980s .

 

Dr.Ciise waxa uu hormuud ka ahaa 30Sano hay’adaha dhaqaalaha aduunka kuwa ugu waawayn sida hay’ada lacagta aduunka ee loo yaqaano IMF(International Monitoring Fund)oo uu madax ka ahaa qaybteeda Afrika in ku dhow 20Sano,sidookel ayuu Dr.Cali ka shaqeeyay fadhiisinta dhaqaalaha baaxaadegayay ee wadama Africa ah sida Ethiopia,Uganda, iyo Tanzania,Khibradiisa shaqo ayaa ah sida loogu istaajiyo cagihiisa wadan bur buray iyo fadhiisinta dhaqaalaha iyo horumarinta.

 

Dr.Ciise *ayaa la sheegay inu aad ugu xeel dheeryahay arimaha dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha oo uu u leeyahay iyana Khibrad aad u heer saraysa taasoo la sheegay inuu dhamaan wadamada soo koraya u jaangooyo miisaaniyada dhaqaalee ay ku hawlgalaan sanad walba,wuxuuna iminka Director kayahay hay’ad la yidhaahdo HEZB oo fadhigeedu yahay Addis-ababa *oo kalatalisay wadamada loo yaqaano dunida soo koraysa(Developing*Countries)dhaqaalaha ,maamulka iyo horumarka wadamadaasi soo koraya,waxa ay intaasi ku dareen dadka aqoonta dheer u lihi inuu yahay Nin daacadnimo badan cadaaladana wax walba ka horeysiiya.

 

*

 

Realtaleex News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Gudoomiyaha G10 Golaha Sare Khaatumo State Dr. Cali Ciise Cabdi Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud oo ku dhawaaqi doono Mudana Ali Esse Abdi inuu noqdo Prime Minster-ka Cusub Ee Somalia.

 

 

*

 

 

War lagu kalsoon yahay oo aanu goor dhoweyd ka helnay madaxtooyada Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey in mudane Ali Esse Abdi*uu ku sugan yahay madaxtooyada ka dib markii uu maanta ka soo degey magaalada Muqdisho.

 

 

Ali Esse Abdi oo ka soo jeeda gobolada Khaatumo State Of Somalia ayaa diyaarad gaar ah lagaga soo qaaday magaalada Adis-ababa isagoo shalayna shir kula qaatay beesha caalamka magaalada Nairobi.

 

 

Weftigan balaadhan ee la socodey Prime Minsterka oo u badnaa Ajnebi ayaa waxaa ka mid ahaa safiiska wadanka mareykanka u fadhiya dalka Kenya.

 

 

Imaatinkii weftigan ayaa naloo xaqiijyey inay ka hortageen ciidkan*Amisom iyo weliba ciidan u gaar ah madaxtooyada Somalia kuwaas oo loo sii gelbiyey dhinaca madaxtooyada.

 

 

Xidhiidh aanu la sameynay qaar ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyey in mudana Ali Esse Abdi caawa u hoydey Villa Somalia iyadoo la filayo ku dhawaaqistiisa.

 

 

Kala soco Xargaga Online xaflada caleema saarka Prime Minsterka cusub Ee Somalia mudane Ali Esse Abdi oo ka soo jeeda Khaatumo State.

 

 

XOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

GedoOnline

 

Dr Cali Ciise Ma Dhabaa Inuu Loo Magacaabayo Ra’isulwasarahn

 

http://gedoonline.com/?p=46859

October 2, 2012.

 

Muqdisho(GMN)-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka soo degay Dr Cali Ciise Cabdi oo la sheegay inuu noqon doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

 

Garoonka Muqdisho ayaa waxaa Dr Cali ku soo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegayo in Madaxtooyadda ay u gudbiyeen.

 

Dr Cali ayaa saacado ka hor waxa uu ka soo dhoofay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Jaaliyadda Soomaalidda.

 

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa waayadan waxa uu ku howlanaa inuu soo magacaabo shaqsiga noqon doona Ra’isulwasaraha Soomaaliya.

 

Ilaa hada si rami ah looma oga saacada Madaxwaynaha uu ku dhawaaqii doono Ra’isulwasaraha Dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Liibaan';876389 wrote:

Gudoomiyaha G10 Golaha Sare Khaatumo State Dr. Cali Ciise Cabdi Oo Soo Gaadhay Magaalada Muqdisho

 

 

Weftigan balaadhan ee la socodey Prime Minsterka oo u badnaa Ajnebi ayaa waxaa ka mid ahaa safiiska wadanka mareykanka u fadhiya dalka Kenya.

 

 

XOL

Confused

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mustafe   

Ilka-dahable;876392 wrote:
dadkaan filalka madaxwaynaha akhrisanaya waa in wax laga qabtaa

 

Some are claiming that its the president's head chef who is causing all this mischief. Apparently, all the other presidential staff are closely supervised, but the president's main cook frequently puts food and drinks on the presidential table then nonchalantly examines any file that happens to be sitting by. As if that wasn't bad enough, he goes back to the kitchen, shares the private info with his assistants and they in return share that info with their relatives in the evenings and the next thing you know is that we are reading it here on Somaliaonline. If there is anything we Somalis do effectively is sharing information, although the accuracy of the information shared is always questionable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this