Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Breaking: RIP Mohamed Hashi Dhamac Gaarriye

Recommended Posts

Rag haduu is af dhaafo

aayatiina wadaago

afkaa laysku gartaayee

is afwaajiya maaha

isu soo ura maaha

-Adigoo hebel diidan

eryo reer hebel maaha

isu weersada maaha

udahaaga cun maaha

Wallee Ubucduu taabtay halkaaa .................... Allah yarxamah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Ha laguu ilmeeyee

Horta dhimo af maahee

Eeggoo la noolyiyo

Ifkaan kaaga baahnahay

Wax yar oo aqoonsiya

Oon aad u buurnayn

Oo weliba eegay

Igu sii amaahoo

Ictiraafka buuxee

Aakhiro markaan tago

Iilka igu sugaayiyo

Ayaantaan xabaal galo

Oohintaan mutaystiyo

Account-kayga laga jaro

 

Gaariye (AHN)

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Inaalilahi Wainaa ilayhi Raajicuun.. AUN.. Indeed i will be missed! May Allah give him his mercy..

Laba oorya walaaliyo ilmaadeer is maquunsha

lama sheegin aduunkee marka aan ugu liito

mar aan eeda sokeeyiyo ilmahayga ku waayo

mar aan aayo la'aanta seedigay ugu aaro oo

walaashay asay qaado mar haday aqalkayga

haddii layga adkaadiyo hadaan raystey idhaahdaba

mar lay oohin u tahay bal maxaan istafiiday

This is indeed true and sadly we don't learn from it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Garnaqsi   

Great poet! May he rest in peace.

 

I love Fad Galbeed. It's beautiful.

 

Gabbal-dhaca cadceed-yahay

U sii faano-guratee

Casar gaaban liiqii

Godka weeraraysaa!

Go'e fuley miyaad tahay?

Waa maxay garmaamadu?

 

Ma googooska sagalkiyo

Gamasyada shucaacaa,

Gaade kaa horreeyiyo

Gurigaad ku hoyan layd

War ku gubay ka soo direy?

 

Mise gabadhan dhoolkiyo

Gu'goo shaalka xaytiyo

Fad galbeed la moodaa,

Kolkaad gelin is-dhugateen

Guluubkaagii shiikhoo

Dib-u guradku waa baqe?

 

Mise ganac-jabkaagiyo

Waxaad galabta mudataad

Intay goori goor tahay,

Dayax soo lug-gu'i laa

Sii war-geli is-leedahay?

 

Gedgeddoonka hirarkee

Iyagoo garaaro leh,

Gaatin-socodka laafyaha

Xarragada u gaarka ah

Goonyahaaga tiiciyo,

Gaardiga daruuraha

Kugu gaaf-wareegee,

Gumucaad ridaysiyo

Goolli-baadh fallaadhaha,

Shafka kaga garaacdee

Isu rogay guduudkee,

 

Dhiiggooda gobo'liyo

Giirgiirka caadka leh,

Ku sibbaaqday guudkiyo

Gara-saar-dabtoodii

Maxaa maanta gaasirey?

Miyay kugu giriifeen?

 

Mise waxay ka giigeen

Gobaad haybaddeediyo,

Gantaalaha jacaylkiyo

Kalgacaylka beereey

Indhaheedu ganayaan?

 

Afartaa siddiri-gam

Waxaan gocanayaa weli,

 

Tiiyoo gareyskiyo

Marta debec u gunuddoo

Guranaysa hoobaan,

Oo aan geyaankeed

Geesaha ka filanayn,

Dabayshii gadoodee

Uurkayga garatee

Gaadmada ku qaaddee,

Gosha iyo horaadkiyo

Gaaddada u faydiyo,

Garba-duubka maraday

Durba "geb" isku siisiyo,

Gabbashada xishoodka ah

Gorodday lulaysiyo

Ugubnimo-gandoodkii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Does anyone know the poem he wrote about the irony UN meeting on Children's Day and the State (I think this was Egypt) clearing the streets of homeless children. Heard it at the recent Gaariye event and loved it. In the mean time... this is one of my favs...

 

Adami

Aadmiyahaw hallaysani!

Ambadyahaw wareersani!

Maqal ereyadaydoo!

 

Buuraha ag joogsoo

Amakaag daraaddii,

Ilmo gabax ka siiyoo!

 

Cirka sare u eegoo

Xiddiggaha astaysoo

Arag felegga meeroo!

 

Onkodkiyo hillaaciyo

Ufadaa dhacaysiyo

Uurada waraysoo.

 

Ololkeeda Gooraan

Aammus oo dhegeysoo

Shimbiraha la ooyoo.

 

Badda "aw"-da haysiyo

Waxa uurka ugu jira

Axadhoo garwaaqsoo.

 

Dhulka aad u baadhoo,

Webiyada ordaayiyo

Daruuraha indheeyoo.

 

Oogada jalleecoo

Ciirada aroortiyo

Dabaylaha af gara oo.

 

Uduggooda kaymaha

Urso oo jeclaysoo

Ku ilwaadso dooggoo.

 

U abtiri naflaydoo

Ayaamaha tilmaansoo

Aabiga bilaashka ah,

Waa inaad illowdaa!

 

Afaggaalayaashiyo

Cadceeddeenna oloshiyo

Awrka samada yaa yidhi,

Aadmigay u shidanyiin?

 

Ifkoon cidi ku uunnayn,

Miyaan Dirirku oognayn?

Ururradu miyaanay

Kaa ayni weynayn?

Ilayskooda goormaa

Loo daaray awgaa?

 

Hadmaa felegga oosha ah

Amar buuxa lagu yidhi

Ku ekaw dadkoo qudha?

 

Haddaad eegga madhataan,

Miyaanuu iftiimayn,

Sidiisaa ahaanayn?

 

Aadmiyahaw hallaysani!

Amarkaagu waa been!

Waxaad uur wadaagtaan

Ugaadhaa wareegtoo

Ugbaadkiyo caleentaad

Uur wada gasheenoo.

 

Uumiyaha dhammaantii

Ilma-adeer gudboon iyo

Isir baad tihiinoo;

Noolahaad arkaysaa

Waa ul iyo diirkeed;

Waa sida indhaha oo

Kolkay midi ilmaysaa

Ta kaleeto ooydaa;

Looma uumin keligaa

Inay kuu adeegaan.

Ammuuraha badh baa sir ah;

Sida xaal u eg yahay

Ujeeddadu ka xeeldheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Gaariye wuxuu ahaa hal-abuur, Abwaan aqoonna u dheer tahay, wuxuu ahaa shakhsi suugaantiisa aad ugu cabbiri yaqaan arrimaha bulshada oo fiiro dheer kuna oddorosa. Ilaah ha u naxariisto inta badan waan dhegeystey ama akhriyey suugaantiisa balse hal mar ayaan fursad u helay inaan live uga mid noqdo dadkii daawanayey isagoo ka hadlayey gole magaalada London oo waxay filayaa waxay ahayd 2006.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this