Sign in to follow this  
General Duke

Xaalada Dalku Maraayo/is It the Beginning of End of Somaliland... Secessionist fear for the project.

Recommended Posts

Waxa caawa qoraalkan iigeeye waxa dalka ka socda iyo xaalada uu maraayo, oo aad moodo in dadkii biyo qabow lagu shubay oo wax ka hadlayaaba aan la hayn waxa wadanka ka socda. Waxa xaqiiq ah oo cambaarayn mudan xildhibaan isku sheegayaasha labada gole oo gabay waajibkoodii shaqo ee loo igmaday oo aad moodo in ay ku mashquulsanyihiin danahooda gaar ka ah.

 

Taaso keentay in xukuumadii Kulmiye ay cidla ka heshay oo ay kubada dhinaca ay doontaba u laado

 

Waxa aynu aragnaa siyaasada arimaha debeda oo aan meel loogu hagaago lahayn oo imika u eeg in himiladii iyo naawilkii gooni isku taagu uu hog ku sii dhacaayo oo Dawladii Soomaaliland ay ku dhex milantay Soomaaliye oo ay gaadhay in uu wasiirkii arimaha debedu ku hambalyeeyo Soomaliya distoorkii ay ansixiyeen isaga oo og in distoorkaasi qeexayo in Soomaaliland ka mid tahay maamul goboleedyada Soomaliya. Waa arin laga yaxyaxay oo fajaciso iyo amakaag ku noqotay umadii reer Soomaaliland. Hase yeeshee aan cidi ka hadlin.

 

Bal arimahan dhowrkii bilood ee u dambeeyey dhacay eega;

 

1- Hambalyada Wasiirka debeda Soomaaliland u diray xukuumada Somaliya iyada oo aynu ognahay in uu distoorkaasi ka mid dhigaayo xuduudaha Somaaliland kuwa ka mid ah Somaaliya. Hamalyadii

 

xukuumada ee ay u dirtay markii baarlamaanka la ansaxiyey

Share this post


Link to post
Share on other sites

2- Ururka xagjirka ah ee Al-Islaax ee Hargaysa lagaga dhawaaqay, lana garankarin in ay dawladu wax lug ah ku lahayd ama wax ka ogayd.

 

............Note the new President is a member of the Al-Islax party and hence.......

Share this post


Link to post
Share on other sites

3- Madaxda TFGiiga ee sida caadiga ah wadanka ku soo galaysa iyo soo dhawaynta xuxuumada.

 

.. Aparantly TFG MP's and others were coming and going as they pleased and holding meetings with Secessionist heads in Hargaysa..

Share this post


Link to post
Share on other sites

4- Fashilaadii shirkii Turkiga ee wasiirada dawladu kaga qaybgaleen. Shirkaasoo ay markii hore qaadaceen oo ay yidhaahdeen labada maalmood, maalinta hore ee arimaha horumarinta iyo dhaqaalaha lagaga

 

hadlaayo ayaanu tagaynaa, oo markii dambena laga war helay in ay kii ay diidayeen ka qaybgaleen. Ku andacoodkii wasiir Xaabsade lagaga reebay ee la yidhi baasaboorka Soomaaliland ayaa lagaga reebay.

 

Taas oo ah mid aan caqliga saliimka ahi aanu qaadan Karin. Waxa isqaban wayday macsuumad ayaa na loo fidiyey iyo baasaboorkii Soomaaliland ayaa la diiday. Baasaboorku miyaanu ahayn kii uu wasiir

 

Xaabsade iyo saraalkii kaleba ay Ingriiska ku galeen. Takale, kaba soo qaad in laynoo diiday, miyaanay sharaftu iyo karaamadu ku jirin in aad adiguna diidid oo mar hadii jiritaankaaga la diidanyahay aad

 

adiguna diidid, shilimaad yarina xitaa ha kugu seegeene . Soomaalidaa hore uga maahmaaday, “waan baqtiyayaa looma bahala cuno”, labaatankii sono ee horeba waynu nooleen Turkina maynaan aqoon, ee

 

side wax u jiraan? Waa su’aale u baahan faaladeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

5- Bayntii laga yaabay ee wasiirka arimaha debedu saxaafada ugu sheegay markii uu gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kiiniya iyo wasiirku ay diyaarad soo wada raaceen iyagoo ka soo kicitimay Nayroobi, oo

 

uu wasiirku yidhi gudoomiye ku xigeenka Nayroobi ayaanu kuwada kulanay, gudoomiye ku xigeenkuna yidhi diyaaradaanu kuwada kulanay. “Go figure”.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

6- Tii ugu dambaysay ee kulankii wasiirada lagu ansaxiyey in xujaajta reer Soomaaliland sanadkan ku dhoofaan baasaboorkii Somaaliya. Arinkaas oo aan la garanaynin u jeedasiisa iyo cida lagu raaligalinaayo ama lagu naas nuujino. Waxayse ka mid tahay siyaasada guracan ee wadanka ka socota

Share this post


Link to post
Share on other sites

7-Dawlada Norway oo wadanka keentay odayaa dhaqmeed lagu sheegay in ay Puntland iyo Somaaliya ka socdaan. Taasoo laba arimood laga dheehan karo. Ta hore oo la odhan karo nimankani wadanka waxay ku soo galeen

 

kalsooni iyo ogolaansho ay ka haysteen xukuumada iyo wasaarada arimaha debedda. Ta labaad ee lagu sifaynkaraana waxa weeyey, nimankan cidiba may ogeen ee sida ay kuwa kaleba ku soo galaan ayey kuwana ku soo galeen.

 

Laakiin anigu shakhsiyan waxaan qabaa in ay dawladu ogayd wafdigan Soomaliya ka socda oo aanay dawladu islahayn sidii ay ku fashilantay ayuu arinku ku fashilmi doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

8- Ku dhawaaqidii wasiirka arimaha debedda ee uu saxaafada ugu waramayy in Soomaaliland la siiyey derejo loo aqoonsaday(special status or observers) in ay kaga qaybgasho ururka IGAD, taas oo noqotay mid aan waxba ka jirin fadeexad iyo siyaasad xumana wadanka iyo dawladaba u soo jiiday, cidina aanay wax ka odhan.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

9-Waxa waxaasoo dhan isku fuuqsaday arinkii waxan oo dhan dhalay ee ahaa in dabarkii laga jaro shakhsiyaadka shirarka Soomaaliya taga ee ku andacooda in ay Somaaliland metelaan, taasoo manta dhiirin galisay in saraalkiil

 

xukuumada Soomaaliland mansabyo u hayey ay ku biiraan baarlamaanka Somaaliya, aan waxbana ku ahayn in xiligay doonaan soo noqdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

10- Ugu dambayntii waa kawada war hayseen ardaydii reer Soomaaliland ee Moqdisho ku basbeeshay ee dhibaatadii halkaa kaga dhacday u soo jiiday wadankeena iyo qaranimadeenaba fadeexad wayn.

 

Lama soo koobi karo waxa dalka ka socda, waxa intaa dheer siyaasada gudaha ee wadanka ka socota oo iyaduna maqaal gooniya u baahan.

 

Wa bilaahi Tawfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites

=Xaaji Xunjuf;868170]Ever since Cabdi Cawar lost some people see Somaliland every where:

Has Abdiweli not done well. All these achievements with Somaliland, Federal passports, attending London meeting, NW students going to Turkey via Mogadishu was achieved under his watch..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

miskiin duke wuu isku buuqay

 

sxb we know waxa ku gubaaya its the same condition that makes faroole constantly scream for attention we have worked out that budhlayn waxa haysata kalsooni la aan, hence the constant screaming for "we here too".....

 

ever since somaliland convinced the international community that there is only and will ever only be somaliland and somalia north-south, pirate boys have been on losing streak...

 

followed by the OIL magicaly turning to WATER remember the oil duke loool

 

and top it all cabdi cawar made a fool out of himself...

 

duke tell us how fanoole is coping we heard he was running around garowe half naked and no shoes....

 

 

sxb show some balls and keep the wailing on the minamum... you kinda embarrassing yourself dee...

 

hadaad baqaysaan se dee isu kaayo dhiiba sl will gareentee budhlands safety lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol@ my secessionist brothers. Repeating the same lines about my person dies not hide the fact that as Somalia improves, the secessionists get vet more worried..:D

 

Also I did not compose these tear jerker articles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

duke sxb

 

raga calaacalku uma fiicna.. i know adiga iyo cabdi cawar ba karbaash baa idinku dhacay... but wailling like an old woman...

 

common now... heres a tissue son...

 

dont worry son.... guest what they found new oil well in faroole back side ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this