Sign in to follow this  
Liibaan

KHatumo People Celebrate President Prof Hassan Sheikh's Election Victory In Taleh,LasAnod,Buhodle...

Recommended Posts

Liibaan   

xasan-shiiqoo_5.jpg

Former PM Prof. Cali Khaliif campaigning for presidential candidate Prof. Hasan Sheikh Mohamud, September 9, 2012

xasan-shiiqoo_6.jpg

Prof. Hasan Sheikh Mohamud

 

 

September 09, 2012

 

Musharax Prof. Xasan Sheekh oo Qado Sharaf u Sameeyey Xildhibaanadda cusub

Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh oo isana ka hadlay kulankaa yaa ku sheegay in "Musharax Xasan Sheekh uu yahay Ruux Ka Walwala Xaaladda Dalka Soomaaliya lehna dareen Qarani islamarkaana Taariikh Wanaagsan ku leh Bulshadda Soomaaliyeed iyo Aduunkaba"

 

http://www.midnimo.com/2012/09/09/musharax-xasan-sheekh-oo-qado-sharaf-u-sameeyey-xildhibaanadda-cusub/

 

http://boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2364&catid=34&Itemid=53

 

_________________________________________________________________

 

Hassan-Sheikh-Mohamud-008.jpg

 

Deg Deg:- Dabaal Deg Ka Socda Caasimada Taleex Iyo Magaalada Laas Caanood, Buuhoodle, Xudun, Boocame, Widhwidh Iyo Dhamaan Deegaanada Maamul Goboleedka KHaatumo State Of Somalia

 

http://horufadhi.com/2012/09/10/deg-deg-dabaal-deg-kala-socda-magaalada-buuhoodle/

Waxaa guud ahaan ba Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ka Socda dabaal degyo kala duwan kuwaas oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin cida ku guulaysatay hogaanka dalka.

 

Hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa waxa gudaha Magaalada Buuhoodle laga maqlayaa dhawaqa rasaasta kala duwan kuwaas oo farxad iyo damaashaad loo ridayo, iyadoona taas lagu nisbaynayo rajada cusub ee uu dalku galo.

 

Dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay rajo wacan ka muujiyeen waxqabadka iyo waliba barnaamijyada dhanka horumarineed ee uu la imaan doono madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya, iyagoona si weyn u soo dhoweeyey doorashadii xalaasha ahayd ee madaxweynaha lagu soo doortay iyo waliba qaabkii ay u dhacday, waxa ayna sheegeen in doorashadaasi ay ahayd mid si xaalaala u dhacday loogana baahan yahay hogaanka cusub inuu la yimaado waxqabad tayo leh.

 

Sidoo kale dad weynaha ayaa aad ugu riyaaqay in 21 sano kadib ay doorasho ka dhacdo dalka gudihiisa, iyagoona sheegay in taasi ay tahay horumar balaadhan oo lagu talaabsaday lagana sugayo ganacsatada soomaaliyeed in ay maal gashtaan dalkooda hooyo si horumar balaadhan looga gaadho dhinacyo badan.

 

Si kastaba ha ahaatee xaalada dalka soomaaliya ayaa haatan ah mid aad u wacan una muuqata in ay mar labaad dib u hanan doonto soomaaliya qaranimadeedii iyo magicii ay hore u lahayd isla markaasna ay dad badan kusoo noqon doonaan dalka kuwaas oo iyagu ka cararay dagaaladii ka dhacay gudaha dalka oo rajo wacan ka qabay in ay kusoo laabtaan dalka marka laga gudbo xiliga kumeel gaadhka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

walaalkis;867507 wrote:
Great news

Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah , waxey Guul u tahay shacabka KHaatumo Iyo Dhamaan Shacabka Dalkeena Soomaaliya.

 

Waa doorashadii ugu horeesay ee ka dhacda dalka gudihiisa, masha allah.

 

Hambalyo Prof. Hasan Sheikh Mohamud

 

 

 

xxxx.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

War Dag Dag Ah:- Damaashaadyo Kasoconaya Caawa Magaalada Laas Caanood, Kadib Doorashada MadaxWeynaha Cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud

 

Wararka Naga Soogaadhaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi ay caawa kasocoto Damaashaadyo iyo Dabaal dagyo ,kuwaasoo lagu Taageeryao Madax Waynaha Cusub ee dalkasoomaliya Ee caawa kugu guulaystay Madax weyen xasan shekh maxamuud.

 

Waxa caaw gudaha magaalada Laascaanood Lagu arkayay dadwayanah Ku dhaqan magaalasaas Oo isugu soobaxay Wdooyinka Waayay ee magaalada iyo waliba Laamiga,Dadka Oo ubadnaa Dhalinyaro iyo haween ayaa sitay boodh Waayan iyo Sawirada Madax Waynaha Cusub Ee Dalka soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in booliska siilaanyo ee magalada laascaanood ay wadan dhaqdhaaqyo Ay doonayaa inay kaga hortagaan dadkan isugu soobaxay barxadaha kaligadisan ee magaalada laascaanood.

 

Dad waynaha isugu soobaxay wadooyinka magaalada laascaanood ayaa waxay ku dhawaaqayeen Ereyo ay kamid ahaayeen”Maanta Maanta Waa maalin Wayn: iyo Sidoo kale Halku dhigyo ay ku taageerayeen Isbadalka Caawa kadhacay Somalia

 

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

hassan-3.jpg

 

 

Deegaanada Maamul Goboleedka KHaatumo State oo Ay Ugu Horayso Caasimada Taariikhiga ee Taleex oo Looga Dabaaldegay Caawa Madaxweynha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Prof Xassan Sheekh Maxamuud

 

Nugaalmedia.com

 

 

Wararka aanu ka helayno Caasimada ku Meel gaadhka ah ee Maamulka Khaatumo Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, Fantasiye iyo Damaashaad lagu soo Dhoweynayo Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka bilaabmay halkaa ka dib Markii lagu Dhawaaqay Natiijadii Doorashada.

 

Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa Dadweynaha reer Khaatumo u arkaan inuu yahay Masuul sii anbaqaadi kara Shaqadii wanaagsanayd ee uu qabtay Madaxweynihii Hore Shariif Sh Axmed.

 

Dhanka kalana Dhawaqa Rasaasta Ka dhacaysa Qoryaha lidka Diyaaradaha iyo Boobayaasha Culus ayaa laga Maqlayay Xeryaha Ciidamada Maamulka Khaatumo oo iyaguna Shacabka reer Khaatumo la wadagayay Farxada Madaxweynaha Cusub ee loo Doortay Xilka Mudada 4 Sanno ee soo socda.

 

Deegaanka Tukaraq ayaa sidoo kale waxa ka Bilaabmay Isu Soobax Balaadhan oo lagu soo Dhoweynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamuud, waxana Goor Dhow aanu idiin soo Gudbin doona Codadka Qaar kamid ah Sacabka Reer Taleex oo u Hanbalyaynaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SomaliNationalist;867542 wrote:
Khatumo state should play it's cards right regardless of who is socalled president of Somalia

Insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gaashaan   

Khaatumo soo tay shariif ku sidkanayd goormeey dhinacan u booday??? Ninkani wuxuu ka mid ahaa Musharixiintii 13ka ahaa oo ku midoobay inay iska ceshaan shariifyo iyo Abdiwali,,,,,, so guushu waa saaxiibo badantahay!!!!!!!!!!!!!!!

 

Cagaha u dhiga,,,,,reer ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Gaashaan;867574 wrote:
Khaatumo soo tay shariif ku sidkanayd goormeey dhinacan u booday??? Ninkani wuxuu ka mid ahaa Musharixiintii 13ka ahaa oo ku midoobay inay iska ceshaan shariifyo iyo Abdiwali,,,,,, so guushu waa saaxiibo badantahay!!!!!!!!!!!!!!!

 

Cagaha u dhiga,,,,,reer ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Gaashaan, waxaa tahay nin aan waxba la socon, war ma heysid, wax badan baa kaa danbeeye.

 

Look this is before the election.

 

'Liibaan';867504 wrote:

 

xasan-shiiqoo_5.jpg

Former PM Prof. Cali Khaliif campaigning for presidential candidate Prof. Hasan Sheikh Mohamud, September 9, 2012

xasan-shiiqoo_6.jpg

Prof. Hasan Sheikh Mohamud

 

September 09, 2012

 

Musharax Prof. Xasan Sheekh oo Qado Sharaf u Sameeyey Xildhibaanadda cusub

Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh oo isana ka hadlay kulankaa yaa ku sheegay in "Musharax Xasan Sheekh uu yahay Ruux Ka Walwala Xaaladda Dalka Soomaaliya lehna dareen Qarani islamarkaana Taariikh Wanaagsan ku leh Bulshadda Soomaaliyeed iyo Aduunkaba"

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

640x392_12475_237223.jpg

4cac606746c3b6ece68d52c926e0.jpg

 

“I congratulate all Somalis. The people are taking a new direction. You are now ending the difficult path and taking a new one,” Mohamud told a cheering crowd of well-wishers after his election, Reuters reported.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Madaxwaynaha cusub waan so dhowaynayaa. Ilaahay xilku qaaday ha u fududeeyo waa nin diin iyo aqoonba ka muuqato. Shacabka somaliyeed oo dhana waa inay dhinac istagaan si dalka u nabad u helo iyo horumar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Y5AYr.jpg

 

Banaanbax Weyn oo Madaxweynaha Cusub Prof. Xasan Sheikh Lagu Soo Dhoweynayo oo Caawa Ka Dhacey Magaalada Buuhoodle Iyo Deegaanada KHaatumo State

 

Waxaa isla xilgii ladoortey madaxweynaha cusub kadib banaanbax balaadhan oo soo dhaweyn ah uu ka dhacay badhtamaha caasimada magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn.

 

Banaanbaxan ayaa waxaa lagu soo dhaweynayey madaxweynaha cusub ee isla caawa la doortey Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Dadka isu soo baxay ayaa waxey isugu jireen dhamaan qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay bulshada sharafta leh ee ku dhaqan caasimada gobolka Cayn ee Buuhoodle. Daweynihii isu soo baxay ayaa halkaa waxey kusoo bandhigeen gabayo, buraanburo iyo heeso wadaniya oo kahadlaya isku duubnida iyo wada jirka shacabka soomaaliyeed.

 

waxey kaloo halkaa shacabku kusoo bandhigeen cayaaraha quruxda badan ee hidaha iyi dhaqanka soomaaliyeed, waxaa kaloo aad ugu duceeyey madaxweynaha cusub odayaasha, islaamaha iyo dhamaan wax gardkii goobtaa isugu yimi, waxeyna dhamaantood ugu duceynayeen in ilaahey xilkaa culus madaxweynaha la garab qabto.

 

KHaatumo2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

?image=332557

 

Jaalliyadda Khaatumo State Of Somalia Ee Ku Dhaqan Wadanka Ingiriiska Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Diraysaa Madaxweynaha Cusub Ee Dawlada Federaalka Soomaaliya

 

Dhamaan shacabweynaha soomaaliyeed gaar ahaan Jaalliyada khaatumo state of Somalia ee ku dhaqan wadanka midowga boqortooyada ingiriisku waxay Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaan Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si shacri ah ugu guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha Cusub ee dawlada federaalka soomaaliyeed.

 

Waxaanuna leenahay Mudane Madaxweyne ilaahay ha ka dhigo kii isugu keena shacabka soomaaliyeed, ee isagu u kala jajabay gobolaysiga, ilaahay ha ka dhigo kii dib u soo celiya karaamadii iyo sharaftii ay ummadda soomaaliyeed ku dhex lahayd caalamka.

 

Ugu dambayntii Mudane Madaxweyne waxaanu ku leenahay ilaahay ha ku fududeeyo xilkaasi culus, mas’uuliyadaasi culus ee laguu dhaariyey, laguguna aaminay, hana noqon mid mara dhabadii xatooyada ahayd ee ay mareen kuwii ka horeeyey, mar walbana ku dadaal sidii aad u soo noolayn lahayn kalsoonida iyo walaalaynta shacabka Soomaaliyeed.

 

Guul Iyo Gobanimo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Oh! Khatumo...how green was my valley! Where is the progress, reconstruction, recovery in darwiishland???? Khatumo was used as a springboard for the known quantities and supporters don't get it. Very dissappointed in leadership.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this