Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Latest Mogadishu Pictures

Recommended Posts

Banaadir University Graduation and ten year anniversary

 

Jaamacadda%20Banaadir%201.JPG

 

Jaamacadda%20Banaadir%203.JPG

 

Jaamacadda%20Banaadir%207.JPG

 

Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Munasaabad lagu xusayay sannadguuradii 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Jaamacadda Banaadir ayaa shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay hoteelka Safari ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaas ay kasoo muuqdeen ku dhowaad 100 arday oo xilligan ka qelin-jebisay kuliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacaddaas.

 

Xafladdan oo ahayd mid si wanaagsan loosoo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin, macalimiin, qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda, madaxda jaamacadaha kale ee dalka mas’uuliyiinta ka howlgala isbitaallada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horreyn u hamabalyeeyey 86 arday oo ah dufcaddii ugu horreysay ee sanadkan ka qelin-jebisay kuliyadaha kala duwan jaamacadda, kuwaasoo isugu jiray 17 gabdhood iyo 69 wiil, isagoo sheegay inay waxbarashadooda wateen xilli aad u adag, wuxuuna u rajeeyey inay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan aqoonta ay barteen.

 

Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka 12-sano ka hor loo aasaasay jaamaacadda Banaadir, kuwaasoo uu sheegay inay ahayd sidii loo buuxin lahaa kaalintii ay baneysay jaamacaddii ummadda ee ku burburtay colaadihii dalka ka socday 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

 

“Jaamacadda waxaa lagu billaabay kuliyadda caafimaadka; maantana waxay sii marayaan toddoba kulliyadood oo ka kooban laamaha kala duwan ee cilmiga, waxay kaloo leedahay dugsiga taqaqasuska caafimaadka iyo xarunta daraasaadka aqoon darsadka ah oo dhawaan aan furi doono. Ujeeddooyinka loo aasaasay jaamacadda waxaa kaloo ka mid ah inay soo saarto jiil leh aqoon guud iyo mid gaar ahaaneed,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa ku daray.

 

Guddoomiyaha jaamacada banaadir ayaa intaa ku daray in Jaamacaddaas ay ka howlgalaan shaqaale gaaraya 215, macalimiinta jaamacada ayuu xusay in 20% ay haystaan shahaadada PHD-ga, 60% ay heystaan shahaadada loo yaqaan Master, labaatanka harayna waxay howlan yihiin inay diyaariyaan shahaadaha PHD-ga.

 

“Waxaa jaamacada laga aqoonsan yahay waddamo badan oo caalamka ka mid ah; iyadoo arday jaamacadda ka baxday ay howlo badan oo aqoonta ku saabsan ka wadaan jaamacado badan oo caalamka ku yaalla. Jaamacaddu waxay xubin ka tahay dalad ay aasaaseen sagaal jaamacadood oo Soomaali ah, taasoo la yiraahdo Somali-Run, sidoo kale waxay xubin ka tahay ururka jaamacadaha Afrika kan Carabta iyo kan Muslimka, sidoo kale iskaashi dhanka aqoonta ah ayaa waxaan la leennahay 20 jaamacadood oo ku yaalla Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxayna xiriir wada-shaqeyneed la leedahay hay’ado isugu jira kuwa Qaramada Midoobay iyo qaar kale oo caalami ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Guddoomiyaha Jaamacada ayaa sheegay in muddadii ay jaamacaddu jirtay ay ka qalin-jebiyeen 385 arday oo isugu jira 300 oo wiil iyo 85 gabdhood; kuwaasoo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee jaamacada, isagoo xusay in ardayda ka qelin-jebisay sannadkan ay ku jiraan 17 aqoonyahan oo markii ugu horreysay bartay cilmiga beeraha, isagoo xusay in ardayda jaamacadda ka qalin-jebisay ay leeyihiin dalad ay ku mideysan yihiin.

 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in xilligan ay jaamacadda dhigtaan arday gaaraysa, 1,715 isagoo xusay in 105 ka mid ah ay ku jiraan kulliyada caafimaadka; taasoo ka dhigaysa ayuu yiri kuliyada caafimaadka ee ugu weyn Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inay qorshaha ugu jirto inay kordhiyaan tayada waxbarashada jaamacadda, isagoo mahad u jeediyay dowlada Sacuudiga iyo hay’adda caafimaadka dunida ee WHO oo uu sheegay inay jaamacadda ugu deeqeen sheybaar weyn oo caalami ah.

 

Waxa sidoo kale munaasabaddaas ka hadlay qaar ka mid ah macallimiinta, ardayda iyo waaliddiinta ardayda wax-ka-barata jaamacadda Banaadir iyo mas’uuliyin kale, iyadoo halkaas looga mahad-celiyey qaar ka mid ah agaasimayaasha isbitaallada Muqdisho oo ardayda Jaamacada caafimadka ka caawiyay dhinaca farsamada.

 

http://hiiraan.com/news/2013/mar/wararka_maanta9-21176.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis;925532 wrote:
I wasn't trolling, just offering a factual replying to a previous poster. If I was trolling I would say something like "Mashaallah, Mogadishu is coming back" or similar banal shyt.

ok but i don't want a political discussion in this thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

It's as if in Af Soomaali ey ka faanaan. Who told them it's ilbaxnimo to speak/write foreign languages?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu;925539 wrote:
It's as if in Af Soomaali ey ka faanaan. Who told them it's ilbaxnimo to speak/write foreign languages?

saaxiib my university is a swedish one and they mostly use english too like that board oo kale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

oba hiloowlow;925542 wrote:
saaxiib my university is a swedish one and they mostly use english too like that board oo kale

I couldn't care less but I still bet Swedish is given importance but this one Somali is nowhere to be found. However, if look at videos from back in the day of Jaamacadda Ummadda, you'll see forget posters, even building names like Kulliyadda Dhaqaalaha was in Soomaali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

oba hiloowlow;925571 wrote:
Abbaas im glad you like it & wlc to SOL sxb!

thnks sxb, i feel more welcome now :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this