Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Latest Mogadishu Pictures

Recommended Posts

Daqane   

Mogadishu stadium to be renovated according to FIFA building auditors in Mogadishu.

 

Burburka Stadium Muqdisho oo qiimeyn lagu sameeyay si dib loogu dhiso .Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu culeys ku saarayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay ka guuraan garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab, Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka iyo Lex Vander oo ah kabiirka hada dhisaya garoonka Stadium Banaadir waxaa ay booqdeen garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyagoo soo kormeeray qeybaha uu garoonku ka kooban yahay soona qiimeeyeen baaxada burburka garoonka soo gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu weydiisanayo ururka FIFA in uu garoonkan dib u dhis ku sameeyo.

 

“Booqashadeenu waxaa ay xambaarsaneed sadex muhiimadood oo waaeyn, tan koobaad waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM loo muujiyo in wali ay naga go’an tahay in garoonku uu kusoo laabto gacanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo in xiriirku uu ka dhur sugayo ciidamada AMISOM in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii hore oo ahaa in ay garoonka ka guurayaan, xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu doonayaa in uu qiimeeyo dhibaatada garoonka islamarkana uu dib u dhis ku sameeyo, taasina waa muhiimada labaad ee booqashadeena tan sadexaadna waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM culeys lagu saaro in garoonka ay ka baxaan, maadaama kusii jiritaankooda garoonku uu dib u dhac ku keenay cayaarihii gobalada ee aanu damacsanayn bishan in aan bilowno”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed maanta soo saaray.

 

Waxaa uu xoghayuhu sheegay intii booqashadu socotay in khabiirku uu madaxda xiriirka siiyay talo iyo tusaalooyin ku aadan dib u dhiska garoonka oo xiriirku uu la kaashanayo ururka FIFA si cows artifishal ah loogu golglo si La mida stadium Banadir oo iminka howl ku socoto.

 

Intii ay socotay booqashadaas oo muddo saacado ah qaadatay ayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa ay kulan muddo dheer socday la yeesheen Captain Angua oo ah sarkaalka xukuma ciidamada fadhiya Stadium Mudisho iyo saraakiil kale iyagoo weydiiyay in ay sharaxaad ka siiyaan sababaha hor taagan in ay fuliyaan balan qaadkoodii ahaa in ay garoonka ka baxaan bishan December.

 

“Saraakiisha AMISOM waxaa ay muujiyeen sida ay ugu diyaarka yihiin in ay garoonka ka baxaan, iyagoo xusay in madaxda sare ee AMISOM ee dagan garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku war geliyeen dalabka xiriirka islamarkaana ay filayaan in dhawaan ay war ka keenaan”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

 

“Waxaan u sheegnay taliyeheena ugu sareeya inay muhiim tahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in la siiyo fursad uu dib ugula wareego garoonkiisa waxaana aad ugu rajo weynahay in arrintu ay dhanka wanaagsan ku dhamaan doonto”ayuu captain Angua u sheegay masuuliyiinta xiriirka kubada cagta.

 

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in xiriirku uu muhiimad weyn siinayo garoonka Stadium Muqdisho oo uu doonayo in uu ku qabto tartamada waaweyn maadama uu yahay garoonka ugu weyn dalka.

 

Dhanka kale garoonka stadium Banadir oo iminka ay dhiseyso FIFA laguna qaabeynayho cows artifishal ah ayaa xiriirku sheegay in wixii ka dambeeya bisha Febraayo ee sanadka soo socda uu diyaar noqon doono si cayaaro loogu qabto.

 

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Xakiin Xuseen Guuleed ayaa siyaabo kala duwan usoo booqday garoonka dhismuhu ku socdo.

 

“Waxaan uga mahad celinayaa ururka FIFA sida uu ugu dadaalay in kubada cagta Soomaaliya ayan bur burin in kabadan 20 sanadood oo dalku fowdo iyo dowlad la’aan ku jiray, waxaan dhanka kalana amaan u jeedinayaa mutadawiciinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo howl qaran oo balaaran dhabarka u dhigtay”ayuu wasiirka arrimaha gudaha u sheegay saxaafada mar uu booqday garoonka Stadium Banadir ee dhismuhu ku socdo.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka kubadacagta Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in socdaalada madaxda dowladu ay ku tagayaan goobaha kubada cagta ay muujinayaan xiriir laba geesood ah iyo wada shaqeyn baaxad leh in ay leeyihiin dowlada soomaaliyeed iyo xiriirka kubada cagta dalka.

 

01-4.jpg

01-5-e1356771578748.jpg

01-13.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Municipality of Mogadishu to carry out large-scale reconstruction projects

 

The Municipality of Mogadishu will soon implement large-scale development projects to renovate the capital's 16 neighbourhoods and strengthen the capacity of local authorities.

 

Construction workers renovate a bombed-out building in Mogadishu. The government will soon start large-scale development projects after years of heavy fighting reduced much of the city to rubble. [Mustafa Abdi/AFP]

 

Construction workers renovate a bombed-out building in Mogadishu. The government will soon start large-scale development projects after years of heavy fighting reduced much of the city to rubble. [Mustafa Abdi/AFP]

 

Related Articles

 

The reconstruction activities fall under the $9.6 million Dan Guud project, which is funded by the US Agency for International Development (USAID) and part of the Benadir administration's strategic plan for 2013, municipality spokesman Mohamed Yusuf said.

 

"This project is an important part of a larger plan put in place by the city to repair the infrastructure of Mogadishu," he told Sabahi. "Each of Mogadishu's 16 districts has been allocated $606,000 for rebuilding the infrastructure of the capital so that it can be transformed into a modern city that can compete with other capitals."

 

After two decades of fighting, much of Mogadishu's once vibrant atmosphere has been ruined. But after al-Shabaab was forced from the city in August 2011, the government has worked to rebuild the city and restore it to its former glory.

 

He said the project will begin in eight districts: Yaqshiid, Dharkenley, Waberi, Hamar Jajab, Warta Nabada (formerly known as Wardhigley), Hiliwa, Bondhere and Daynile.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

69th Anniversary of the Somali Police Force held at he Gen. Kaahiye Police Academy.

 

mogadishu-police-flag.jpg

mogadishu-police-military.jpg

mogadishu-police-traffic.jpg

mogadishu-police-band.jpg

mogadishu-police-women.jpg

mogadishu-police-darawish.jpg

The Darawish rapid response unit marches in step. The unit was re-constituted in July to provide security for Somali officials. The unit was originally formed by former president General Mohamed Siad Barre in the early 1970s as a national military unit.

mogadishu-police-trucks.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this