Sign in to follow this  
Macallinka

Farmaajo - Banaanbax Lagu Taageerayo oo Mogadishu Kadhacay

Recommended Posts

Waxaa manta Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ay ka soo qayb galeen kumaanan ka tirsan Shacabka Magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxayaasha oo aad u badana ayaa waxaay iskugu soo baxeen Wadada Maka Al Mukaraama ee Bartamaha Magaalada Magaaalada Muqdisho waxaayna ku qaylinayeen taageerada ay u hayaan R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxameed Farmaajo oo asagu ka mid ah Musharaxiinta lo saadaalinaayo in ay ku gulaystaan Doorashada Madaxweynenimada Somalia ee Magaalada Muqdisho ka dhacaysa Maalinta Isniinta.

 

Bananbaxayeesha oo watay boorar u ku xardhan yahay R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahai Maxamed Farmaajo ayaa waxaay socod ku soo mareen inta badan Magaalada Muqdisho ayaago mujinaya Shucurtooda .

 

Muuse Xaayow oo ah Oday Somaliyeed oo jira 80 sano ayaa ka mid ahaa Mudaaharadayaashi manta ka soo qaybgalay bananbaxii lagu taageerayay Musharax Farmaajo asago saxaafada la hadlayaana waxaa uu yiri.

 

“Aniga waxaan ahay Awoowe Somaliyeed waxaan jira 80 sano Cafimaadkaygana ma ficnayn waxaa manta bananka isoo bixiyay in aan cimrigayga inta ka dhimaan nabad ku qaato oo Dowlada soo socota aan ka helno daryeel Caafimad iyo Xanaano Shalay markaan dhagaystay Khudbadi Farmaajo waxaay igu riixday in aan manta ka soo qayb galo bananbaxaan anigoon caafimad ahaan ficnayd Farmaajo waxaan u arka ninka kaliyah ee Wadanka samatabixin kara islamarkana nadiif ka ah waxyaabo badan Farmaajo waxaan u arka ninki na xanaaneyn laha hadaan nahay Wayeelada Somaliyeed Xubnaha Barlamanka Cusub waxaan ka codsanayna in ay codkooda siiyaan Mudane Farmaajo” ayu yiri Muuse Xaayow.

Dadki manta iskugu soo baxay bananbixi lagu taageerayay Musharax Farmaajo waxaa ka mid ahaa Ex: Xildhibaan Muuse Cali Jamaac oo ka mid ahaa Xildhibaanadi hore ee Somalia Muuse waxaa uu Xildhibaanada nasiibka u yeeshay in ay galaan barlamanka cusub ka codsaday in ay codkooda siyaan Musharax Farmaajo oo aan u arko shaqsi nadiif ah oo Soamlia qaadsiinkara tubta toosan.

 

Sido kale Anigo ku hadlaya Magaca Xildhibaanadi hore ee Somalia waxaan ka codsanaya in xildhibaanada cusub ay no hiliyaan si aan u helno balanqaadki Farmaajo uu u sameeyay Xildhiibaanadi hore ee ahaa in uu siin doono Mushaarki ka maqna 10 ki bilood ee Cabdiweli gaas Xukunka hayay iyo sido kale in uu Xildhibaanadi hore siin doono lacag howlgab ah ” ayu yiri Xildhibaan Muuse Cali.

 

Hoyo Caasha Cabdili oo ka mid ah Hoyooyinka dagan Magaalada Muqdisho oo ayadana dareenkeeda mujinaysay ayaa waxaay sheegtay in Golaha barlamanka cusub ee Somalia ay si toos ah u mataalan Shacabka Somaliyeed Shacabka Somaliyeed meel kasta uu jogo na uu mujiyay dareenkooda iyo cida ay rabaan marka Aniga uma tilmaamayo Shaqada Barlamanka Cusub ee Somalia wa in ay go,aamiyaan dareeenka Shacabka ay mataalan ayay tiri hoyo Caasha Cabdile.

 

Bananabaxaan oo dadki ka hadlay aay aad u badnayeen ayaa waxaa uu aha mid si nabad galyo ah ku socday ayado dibadbaxayaasha ay si dagaan oo ilbaxnimo ku jirto dareenkooda u mujinayeen ayaa waxay ugu danbeyn ku soo Aruureen hoyga uu Magaaalada Muqdisho ka dagan yahay Musharax Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo halkaas oo bananbaxayaasha ay si guud codsi ugu direen Xubnaha Barlamanka Somalia kaas oo ay ku codsanayeen in ay dortaan Musharax Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo.

 

Bananbaxa lagau taagerayay Musharaxnimada Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ee ka dhacay saka magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo adaya xili maalinta bari ah lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada barlamanka Somalia ayado Xubnaha ugu cad cad in ay ku gulaystaan doraashadaasina ay ka mid yihiin Musharax Maxamed Farmaajo, Musharax Sh. Shariif Sh .Axmed , Musharax Cabdilahi Axmed Cadow Musharax Cabdilahi Baadiyow Musharax Cabdiweli Cali Gaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibadbaxyo lagu taageerayo Musharixiinta Shariif Sh. Axmed iyo Farmaajo oo saakay Muqdisho ka socda

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saakay aad u kacsan, waxaana waddooyinka waaweyn saakay isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo kala taageeraya in Madaxweynaha loo doorto Shariif Sh. Axmed ama Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), iyadoo ciidamada ammaankana ay si weyn u ilaalinayeen in bannaanbaxyadaasi ay isku rogaan fowdo iyo falal amniga dalka khatar kara.

 

Gawaari lagu soo xiray samaacado waaweyn isla markaana lagu dhejiyay sawirada Madaxweyne Shariif iyo qaar kale oo lagu dhejiyay sawirada Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Max'ed Farmaajo ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah dadweynaha bannaanbaxyada dhigayay oo aanu su'aalo ka weydiinay sababta keentay inay bannaanbaxyo ku taageeraan qaar ka mid ah musharaxiinta u tartameysa jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Shabakadaan in bannaanbaxyadooda ay culeys ku saarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo doortaan musharaxa ay doonayaan.

 

Dhinaca kale dibadbaxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho maalmahaan ay harqiyeen boorar la suray waddo kasta iyo luuq kasta oo ku yaala Muqdisho ayna ku sawiran yihiin musharaxiin fara badan oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda KMG ah Prof. C/Weli Maxamed Cali Gaas, Ra'iisal Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, Prof. Xasan Sheekh iyo kuwo kale oo fara badan.

 

Maxamuud Axmed Xasan

Web Updating, Somaliweyn Website

xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com

www.somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Bannaan-bax hadduu ka celin waayey in la eryo, sidee kursi ugu celin karaa?. Kii hore looga eryay kursi PM aas ahaay, kanoo mid Presidente eh maas bannaan bax keeni karaa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;866094 wrote:
Bannaan-bax hadduu ka celin waayey in la eryo, sidee kursi ugu celin karaa?. Kii hore looga eryay kursi PM aas ahaay, kanoo mid Presidente eh maas bannaan bax keeni karaa?
:D

lol Ama ha helo ama yuusan helin dadkaan shacabka ahi waxay si xor ah u muujinayaan rabitaankood. Taas ayaa ah arinka muhiimka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;866099 wrote:
Farmaajo seems to pay folks to get out there and demonstrate.
:D

If he has all that money he would have paid MPs to vote for him but I doubt he has such a money.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xeefow   

One time their will be a time when we tell our grandchildren that there was a man called Farmaajo that brought unity and stability back to Somalia. What a hero! I wish Farmaajo all the best.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xeefow   

Mooge;866121 wrote:
farmaajo and his Tayo Party spreading the wealth again.
:)
:)

If you must know, its not the people who are voting but the parliament. But then again Farmaajo doesn't need to buy of the parliament his work ethic is his currency. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Xaaji Xunjuf;866276 wrote:
The People of Mogadishu like Faarmajo no doubt about that.

Abdiweli supporters wants us to think that he pays the whole of mogadishu. In their closed mind they cannot understand that somalis want Farmaajo based on his policy. Its simply really the people of second republic want Farmaajo in and Sharif out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this