Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Laasqoray welcomes the new governor of laasqoray+VIDEO

Recommended Posts

Somalia   

Come on, you can do better than that, 4 guys with their security posing for them at a random location, a welcome to some I guess.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Laas-qoray oo si weyn loogu soo dhaweeyay Masuuliyiinta cusub ee degmadaasi

August 31st, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Waxa magaalada xeebeedda degmada Laas-qoray iyo deegamada hoos yimaadaba si balaan loogu soo dhoweeyay masuuliyiinta maamulka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay degmadaasi.

 

Mauuliyiintani oo ka koobnaa gudomiyaha cusub ee degmada laas-qoray Maxamed Hayaan Cashare iyo xog-hayihiisa Maxamed Axmed (Caano-boodhe) ayaa markii ay gaadheen duleedka magaalada laas-qoray waxa halkaasi kaga hor-yimi oo si diiran ugu qaabilay waayeelka iyo waxgaradka deegaankasi ee degmada laas-qoray oo watay gaadid aad u tiro badan uu ka babanayo calanka Somaliland, sida uu ku soo waramay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf).

 

Masuliyintaasi waxay kaantaroolka degmada laas-qoray salaan sharaf ku siiyay koox ka mid ah ciidanka qaranka Somaliland ee fadhisinkoodu yahay magaalada laas-qoray intaa kadibna waxa weftiga Gudoomiyha cusub halkaasi looga sii gelbiyay dhinaca gudaha degmada laas-qoray.

 

Waxanay masuuliyyintan cusub ee degmada laas-qoray fagaaraha degmadasi kala hadleen dadwaynaha ku dhaqan gudaha degmadaasi oo si weyn isugu soo baxay Waxaana ugu horayn-ba halkaasi ka hadlay gudoomiyaha cusub ee degmadaasi laas-qoray Maxamed Hayaan Cashara oo ka mahad celIyay sida diiran ee bulshada reer laas-qoray aanay ugu kala hadhin soo dhowaynta maamulkooda cusub.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay wax ka qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee degmadaasi. Waxaanu intaasi ku daray in laga fulin doono mashaariic badan oo horumarineed.

Waxana gudoomiyaha cusubi balan qaaday inuu maamulkoodu xooga saari doonan sidii degmadoodu ula tartami lahay degmooyinka kale ee dhigooda ah waxaanu intaasi raaciyay in mudnaanta siin doono wax ka qabshada dhinacyada adeegyada bulshada sida caafimaadka waxbarshada, biyaha iyo ka faaiidaysiga khayraadka badda.

 

Waxa isagu halkaasi ka hadlay xoghayaha cusub ee degmadaasi Maxamed Maxamed (Caano-boodhe) oo isna dhiniciisa ku nuuxnuuxsaday sida xukuumadda ay uga go’an tahay wax u qabashada dhamaanba bulshada bariga Sanaag.

 

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno aad u tiro badan oo isagu jiray cuqaal, waayeel, waxgarad, iyo haweenka degmadaasi oo dhamaantoodba shaaca ka qaaday siday ugu faraxsan yihiin mamulkan cusub ee xukuumada Somaliland ay xiligan u soo magacawday iyo siday ay diyaarka ugu yihiin inay la shaqeeyaan.

 

Intaa kadibna waxa Gudoomiyaha iyo xoghayuhuba booqdeen xeryaha ciidamada ee Booliska, Ciidanka qaranka iyo ciidanka xeebaha.

 

Talyaha ciidanka qaranka ee fadhiisinkoodu yahay degmada laas-qoray Maxamed Salaax Tusbaxle oo isna halkaaasi warbixin ku siiyay masuuliyiinta cusub ee maamulka degmada ayaa shaaca ka qaaday sida ciidankoodu diyaarka ugu yihiin difaacida dalkooda iyo la shaqaynta maamulkoodan cusuba.

 

Waxa kale oo masuuliyiintani cusubi kormeer ku soo mareen dekada degmada laas-qoray iyo dhismahii hore wershada kaluunka laas-qoray oo ay si mug leh ugu kuur galeen baahiyaha iyo duruufaha ku gadaaman.

 

. masuliyiinta cusub ee maamulka degmada laas-qoray intii aanay gaadhin magaalada laas-qoray waxay ay sii mareen tuulooyinka u dhexeeya degmoyinka Badhan iyo Laas-qoray ee buurta cal madow sida. Tuulada Xabaasha, iyo mash xareed oo ay kula kulmeen dadka deegaamadaasi ku dhaqan.

 

Waxa kale oo maamulkan cusub ee degmada laas-qoray intii ay ku sii jeedeen dhinaca laas-qoray si weyn loogu soo dhoweeyay magaaloyinka Badhan iyo Hadaaftimo oo ay ku sugnaayeen dadwaynihii kasoo xagaa baxay xiligan kulaylaha degmada laas-qoray iyagoona halkaasi mid mid ugu gacan qaaday dadkii soo dhoweeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Somali philosopher;863220 wrote:
one time i saw an old british colonial map that showed garowe and bossaso as british somaliland territory. the job is not finished.

True, they might as well go full house.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this