Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Magaaladda Marka Caddeey Captured

Recommended Posts

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow gaaray halka lagu magacaabo Ceel-Jaalle oo ku taal afaafka hore Magaalada Marka, iyadoo Ciidamada huwanta aanay wali gudaha u gelin magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalo culus oo saaka ka dhacay deegaano u dhaxeeya Shalanbood iyo Lambar Lixdan ayaa kadib Ciidamada dowladda u suura gashay inay qabsadaan deegaano dhowr ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada isbaheysanaya ay dagaal xoogan kala kulmeen deegaanka Ceel wareegow, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay jidka ugu hortageen.

 

Ciidamada isbaheysanaya oo dhowr wado ku kala socday ayaa ugu dambeyn duhurnimadii maanta ay gaareen degmada Shalanbood oo ah degmo muhiim ah.

 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Xaamud ayaa sheegay inay soo dhamaatay howshii Marka, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen degmada, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo dagaalada ka dhacay deegaanada saaka weerarka ku qaadeen.

 

Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo saraakiishooda ayaa isaga baxay magaalada Marka saaka aroortii, markii gulufka dagaal uu ku soo dhowaaday, waxaana ka hor inta aanay ka bixin ay ku dileen Kooxo Hubeysan ilaa afar ruux oo ay ku jireen dad Ganacsato ah.

 

Xaalada magaalada Marka ayaa ah mid kacsan, waxaana xiran dhamaan goobaha ganacsiga, iyadoo ay jiraan dad isaga baxay oo tuulooyinka hoos-yimaada u cararay.

 

Deegaanka Ceel-Jaalle ayaa aheyd xarun lagu tababaro Ardayda ka soo qalin jebisa Dugsiga Sare xilligii dowladii hore.

 

La soco wixii ku soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowlada oo la wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Sh/hoose ee Marka

 

Ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay guud ahaan gacan ku heynta xarunta gobolka Sh/hoose ee Marka kadib markii saaka ay u ruuuqaansadeen dhankaasi.

 

Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saakay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka waday deegaano hoos taga magaalada Marka ayaa ugu danbeyn gacanta ku dhigay magaalada Marka waxaana haatan ciidamadu ka dhex wadaan xaafadaha magaaladasi howlgalo ammaanka lagu xaqiiijinayo.

 

Dadweynaha ku nool magaalada Marka ayaa Caleemo qoyana iyo sacab ay ku soo dhaweyay ciidamada iyagoo aad ugu faraxsan soo gaaridooda mar hadii iminka ay ka bexeen gacantii cadawga Alqaacidada ee in dhawaalaba dhibaatada ku hayay.

 

warkaasi oo dhameystiran iyo sawiraba kala soco Radio Muqdisho Insha’allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

This is a great news but I hope those beautiful old houses in the town are spared destruction. They are what make Marka romantic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Amisom oo la wareegay Marka

 

August 27, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhoweyd gaareen ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isgarabsanaya.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan magaaladaas ciidamada ayaa soo galay daqiiqado ka gor magaalada Marka iyadoona gebi ahaanteedba gacanta ku dhigay.

 

Wararka soo baxaya ma sheegayaan khasaaraha uu sababay isku dhacyo magaalada ka dhacay inta aysan ciidamada si buuxda gacanta ugu dhigin magaalada.

 

inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay weerar ciidamada Dowlada ay saaka ku qaadeen magaaladaasi marka hadana waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan oo goobo qaar oo ka tirsan gobolka ay ku dagaalameen labada dhinac .

 

Waxii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka xiga.

 

Daalacatey :103

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarunta Gobolka shabeeladda dhexe ee Marka oo in mudo ah ay ka talinayeen xoogaga a Alshabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay magaaladaas kadib markii duulan culusi kaga yimi Ciidamada Dowladda oo kaashanaya Nabad dhaliyayaasha AMISOM.

 

Subaxnimadii hore ee saaka Ciidamada Dowladu waxay ka ruqaansadeen deegaanka KM-60 ee Gobolka Sh/hoose intii aysan gaarin Marka waxay la wareegeen gacan ku haynta Ceel Wareegoow,Kali Caafimaad iyo weliba Buufoow oo dhamaantood kaabiga ku haya Marka.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladdu waxay si rasmi ah u sheegteen in si buuxda gacanta ugu dhigeen Magaaladda hase ahaatee warar madax banaan oo laga helayo goob joogayaal ku sugan gudaha Magaalada waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladdu aysan weli soo gelin gudaha Magaaladda halka xoogagii Alshabaab ay isaga baxeen guud ahaan saldhigyadii ay ka deganaayeen .

 

Waxaa jira warar madax banaan oo sheegaya ka hor intii aysan Alshabaab isaga bixin in ay ku dileen Magaaladda 2 nin oo ganacsato mase jirto ilaa hada cid si rasmi ah u xaqiijisay.

 

Shiine Culay

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

(RM:-27-08-2012):—– Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed oo Kaashanaya kuwa Amisom ayaa maanta si Buuxda ula wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka ee xarunta Gobalka shabeelaha Hoose Halkaas oo Haatan Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidanka Qalabka Siday ay ka wadaan Howlgaalo Amaanka Lagu Xaqiijinaayo.

 

Ciidamadani oo saakay waabarigii ka ruuqaansaday deegaanka KM-60 ee gobolka Sh/hoose,waxaana ka hor qabashada magaalada Marka ciidamadu xaqiijinyeen ammaanka deegaanada Ceel Wareegoow,Kali Caafimaad iyo weliba Buufoow oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.

 

Abaaro 12-kii duhurnimo ee manta ayeey ciidamada waxaa ay si buuxda ula wareegeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose,waxaana haatan baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo haraadiga horjoogayaasha kooxda Al qaacidada Soomaaliya eek u dhuumaaleeysanaya gudaha xaafadaha magaalada Marka,waxana howlgalada baaritaanada si gaar ah u fulinaya ciidamada Xooga dalka gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

 

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM,waxaa ay isku fidiyeen deegaano farabadan oo hoos taga magaalada Marka halkaasi oo ay ku raad joogaan firxadka horjoogayaasha Al shabaab iyo maleeshiyaadka ay marin habaabiyeen.

 

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM marka ay gudaha u galayeen magaalada Marka kalama kulmi wax iska cabin ah oo kaga yimaada maleeshiyaadka Al qaacidada Soomaaliya kuwaasi oo ka cabsaday una babacdhigi waayay quwada xoogan ee ku wajahneeyd bilaabayna in ay isaga carararan magaalada Marka iyo deegaanada ku xeeran.

 

Kahor inta aysan isaga baxsan magaalada Marka waxaa ay saaka dileen dad rayid ah oo ka mid ha dadka ku nool magalada Marka oo gaarayay illaa 5-dhalinyaro ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadka ay gabadoodfalada ka baxsan bini’aadanimada u geysanayee maleeshiyaadka gabaloodku sii liicayo.

 

Dadka ku nool deegaanada hoos taga magaalada Marka iyo gudaha magaalada waxaa ay maanta u tahay maalin ciida ah maadama laga dul qaaday cadaasi iyo dhibaato xoogan oo ay ku hayeen kooxda Al qaacidada Soomaaliya,waxaana ay caleemo qoyan iyo niyad sami sacab dheeri ah ku soo dhaweynayaan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaa oo qaadayay heeso soo dhaweyn u badanaa.

 

Marka sawir buxda laga bixiyo muuqaalka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ee maanta ciidamada qalabka sida la wareegeen,waxaa ka muuqanayay saameeynta uu ku reebay fikirkii Alqaacidada Soomaaliya,waxaadna kaga bogan doontaan sawirada quruxda badan ee aan ka soo qaadno insha’allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;861242 wrote:
The race for kismayo is ending . I wonder which force will reach kismayo first ?

My bet is on Amisom loool, kenya aint doing a shit, thats good though we all know their hidden Agenda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

very smart move by shabaab, they are litrely playing chess with them. I dont know why pro Amisom forces are celebrating? victory can only come when you subdue your enemy by killing and capturing them not by taking land. From the day shabab started vocating their threnches few hundret meters from vila somalia till now amisom have not maneched to kill and capture a significant number of shabab, maybe 30?60?120? fighters in the last 12month. They have lost very few fighters in the last 12month, but in the same 12 month they have incresed their fighting forces with atleast 6000 fighters if you dont belive me write " shabaab tababar" in google and you will find this headlines evry month

 

 

Maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo tababar loo soo gabagabeeyay.. ,Sabti 18 August 2012

 

Al Shabaab oo 200-Dagaalyahan Tababar Ugu Soo Xiray Degmada Afgoye.., 3 apr 2012

 

Ciidamadi ugu badnaa oo tababar soo dhameyta xarakada Al Shabaab ... 16 May 2012

 

Al-Shabaab oo boqolaal ciidamo ah tababar ugu soo gebagebeeyay degmada Buulo Burde.. 1 jul 2012

 

Al Shabab oo dagaalhanayo cusub tababar ugu soo xiray degmada celbuur... 7 feb 2012

 

Xarakadda Shabaab oo tababar u soo gabagabeysay boqolaal askar... 3 jan 2012

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdi they are weak al shabaab sanad ay xamar ka maqantahay and yet waxba ma suubin, do u remember when AY captured xamar the muqawamada started attack within a month, marka raggan awood maleh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Marka hore waa guul u soo hoyatey ummadda Soomaaliyeed.

Midda labaad waa su'aal ku socota Mooge. Who is capturing Marka now? Abdiweli? Well he is not even a PM now? He is an MP. So this will not go on his CV.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Abwaan;861383 wrote:
Marka hore waa guul u soo hoyatey ummadda Soomaaliyeed.

Midda labaad waa su'aal ku socota Mooge. Who is capturing Marka now? Abdiweli? Well he is not even a PM now? He is an MP. So this will not go on his CV.
:D

Abdiweli is still acting Prime Minister of Somalia. Sorry you didn't know that ninyoow.

 

Abdiweli vowed before the year ends most of Somalia will be captured and you see the fruits today of his policy which he layed out for his country. In general we allways knew AMISOM is the firepower power behind all military operation but it is Policy that matters.

 

Abdiweli's policy is underway and unless someone else takes over office and changes that, the same policy of captureing the whole country he planned will be executed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this