Sign in to follow this  
Paragon

Book: RAAXADA GUURKA

Recommended Posts

Paragon   

This is an interesting book in marriage guidance. I hope it helps those who are married already.

-------

RAAXADA GUURKA - ( www.sabriye.20m.com )

 

ARAR

 

Waxaa mahad leh Allihii awooweheen Aadan dhoobo ka abuuray, kolkuu afartan jirsadayna ruuxa ku afuufay, markuu ubad iyo xaas u baahdayna Xaawo kadhex uumay. Alle ha u naxariisto Rasuulkeennii Muxammad (SCW) uu ka doortay una soo diray dad oo dhan, Eebbena ha inagu daro kuwa uu Aakhiro u shafeeci doono....Aaaaamiiiiin.

 

Dad badan baa aaminsan in sida ragga iyo dumarku isu doortaan, isu guursadaan isuguna galmoodaan oo laga sheekeeyaa ay tahay wax ceeb ah oo ku habboon in afka laga qabsado, waxaana weeye waa siday ku andacoonayaane, wax Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog. Inay jiraan dhibaatooyin u baahan in la xalliyo, ha yeeshee daawadoodii la garan la' yahay, waxaad ka dareemi kartaa sida degdegta ah ee aqalgalka dabadii uu u baabo'o jacaylkii ay labada ruux isu qabeen intaanay guri degin, iyadoo durbaba kolka toddobada laga baxo aad arkeysid inuu billowdo kala-did iyo khilaaf laga yaabo inuu burbur ku keeno gurigii goor dhowayd la dhisay.

 

Culimada jinsigu waxay cilmi baaris ku caddeeyeen in boqolkiiba siddeetan (80%) sababaha furriinka keenaa ay ka dhashaan qolka jiifka, waxaanay yiraahdeen: (Labada qof ee isqaba hadduu mid waliba kaga maqsuudo kan kale qolka jiifka, waxay markaasi u badan tahay inay dhibaato kasta oo kale isugu dulqaataan, si laab furnaan ahna u wada daweeyaan).

 

Haddaba aniga oo arrimahaasi oo dhan maanka ku haya, doonayana in aan bal intii karaankey ah gacan ka geysto sidii guri kasta oo Soomaaliyeed looga dhigi lahaa janno ay ku raaxaystaan inta kudhex nooli, ayaan akhristaha sharafta leh usoo bandhigayaa buuggaan aan u bixiyey: (Raaxada Guurka).

 

Buuggu waxa uu ka kooban yahay siddeed baab oo kala ah:

 

1- Gogoldhigga Guurka, oo ka hadlaya waxa ay diinta Islaamku ka qabto guurka, faa'iidooyinka guurka iyo caqabadihiisa, iyo guud ahaan sifooyinka la isku doorto rag iyo dumarba kolkay arrintu guur joogto iyo guri abaabul.

 

2- Aqalgalka, oo ku saabsan sidii gabadha ninkeeda loogu dhisi lahaa looguna guri geyn lahaa, sida loo baahan yahay inuu ninku afadiisa cusub u qaabilo habeenka aqalgalka iyo guud ahaan waxyaabaha dhacaya habeelkaasi oo bekra jebintu ay kamid tahay.

 

3- Galmada, oo akhristaha sharafta leh hordhigaya manhajka guud ee galmada oo ka kooban hordhac, galmo iyo gunaanad, si koobanna sharraxaad uga siinaya qaababka galmo ee dunida ka jira kuwa loogu aqbali ogyahay.

 

4- Caafimaadka Galmada, oo si kooban u faaqidaya inta jeer ee galmo lagu celcelin karo iyadoon caafimaadka qofka waxba u dhimin, dhibaatooyinka ka dhasha galmada la sameeyo xilliga uurka iyo ta dhacda xilliga ummusha iyo guud ahaanba sidii lagu daryeeli lahaa xubnaha taranka ragga iyo dumarka.

 

5- Turxaan-bixinta Nolosha Qoyska, oo isagu xoogga saaraya waajibaadka ninka ka saaran xaaskiisa, waajibaadka naagta ka saaran ninkeeda, iyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka yaryar ee ka dhasha dhaqanka qofka kolkuu dhex joogo guriga iyo qolka jiifka.

 

6- Ciniinnimada Ninka,, oo sida aad cinwaankaba ka garataan ka hadlaya ciniinnimada ninku waxa ay tahay, waxyaabaha keena iyo siyaalihii loogu daaweyn lahaa hab dabiici ah dhakhtar caafimaadna aan u baahnayn.

 

7- Uuraysiga iyo Madhalaysnimada, oo kuu oggolaanaya inaad wax ka ogaato hubka iyo saanadda uu uurku ka samaysmo oo ah xawada ninka, ugxanta naagta, iyo siday u falgalaan. Waxa kale ood baran doontaa caadada, xilliga ay timaado iyo xiriirka ay la leedahay uuraysiga. Waxa intaa dheer madhalaysnimadii, sababihii keenayey iyo weliba sidii looga hortegi lahaa.

 

8- Nafaqaynta Qoyska, oo isna si faahfaahsan u sharraxaya cuntooyinka aynu cunno, nafaqooyinka laga helo iyo weliba sidii haweeneyda uurka leh, tan wax nuujisa iyo ubadka intaba loo siin lahaa nafaqooyinkay u baahan yihiin marxalad kasta oo noloshooda kamid ah.

 

Buuggaani ma aha qiso intuu qofku akhriyo dabeeto qashinka ku derayo, balse waxa weeye daraasad cilmiyeed ku salaysan diin, caafimaad, dhaqan iyo caadooyin, lana uruurinayey in ka badan toban sanadood, lagana tixraacay buugaag mowduuca ku saabsan kuwii ugu magac dheeraa uguna macquulsanaa. Haddaba waxa waano iga ah inuu qof waliba barto, carruurtiisa iyo xaaskiisana baro, kadibna meel u dhigo ubadka uu awoowaha u noqon doono.

 

Waxa aan rajeynayaa in buuggani wax badan ka beddeli doono nidaam nololeedka qoysas badan oo Soomaali ah, kolka ay akhriyaan una kuurgalaan xikmadda ku duugan, nolol maalmeedkoodana ku dabbakhaan.

 

Eebbow wuxuu buuggaani wanaag leeyahay ummadda waafaji, wuxuu xumaan leeyahayna ka wareeji, aniga iyo waalidkeyna Jannadii naga waraabi Aaaaamiiin.

 

Qoraha Buugga

Sabriye Macallin Muuse

----

 

There are other interesting articles about different aspects of GUUR which Sabriye has written. For more info...visit his hompage www.sabriye.20m.cm

 

PS: Kamila thank for refering me to this book walaashiis ... Buggani aad ayuu u wanaagsan yahay, very helpful and educative.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buubto   

Asalaamu Aleikum Wr Wb

Jamaal waad ku mahadsantahay ogeysiiska waa loo bahanyahay buugagtaan oo kale. any info where i could get the book from? the website doesn't say anything.

Share this post


Link to post
Share on other sites
mahdi-   

On the other day, a friend of mine with this book --RAAXADA GUURKA-- came to see me as I got the opportunity to read the very first few pages of this NEW book all of whom urgently mad me realize the great deal of xigmah within the Book, as that forced me to order it from the Auhtor. Very interesting and intriguing book for those of us whom are able to read Somali. As for the author, he has been widely acclaimed by his Somali readers for the apearance of RAAXADA GUURKA, at least my friends and I did, and you will do the same as well, after U see it. The One and the ONLY of its kind though!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomad

 

Haddaad Buuggan akhrisay, ma nooga waarami kartaa ( Book Report and critique)?

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this