Sign in to follow this  
Liibaan

Raisul Wasarihii Hore Prof. Cali Khaliif Galeydh Oo u Taagan Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Liibaan   

images?q=tbn:ANd9GcTcUekwUitvV69s_Pe54e0t3iKtbFRVbYaMFc8W4r2NXf3TrEtPxnYOLsQvfQ

 

 

 

Boocame Online:

War Hada Soo Dhacay! Xaflada Qaban Qaabada Raisul Wasarihii Hore Halyey Prof. Cali Khaliif Galeydh Oo u Taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Socota (Live)

 

 

War hada Shabakada Boocame Online Soo gaadhay Ayaa sheegaya In Raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Pro Cali Khaliif Galaydh uu Utaaganyahay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa hada kasocda Xaflad hor dhac ah oo Loo Samaynayo Pro Cali Khaliif Galaydh, Kuna saabsan Mowqifkisa Siyaasadeed.

 

Iyadoo dhinaca kalana uu Warbaahinta Lahadli Doono Maalinta Beri ah Si rasmi ah na Ugu dhawaaqi doono Mushaarax Nimadiisa Tartartanka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Shacabwayna Soomaaliyeed ayaa siwayn ufilayey in Halyeey Cali khaliif uu Isu soo istaago Xilalka dawlada Cusub ee dalka Laga sugayo.

 

Isku soo wada Duuboo Mr Galaydh Ayaa Lafilyaa inuu 70 % ku guulaysto Xilkaasi Qaran.

 

Arinkan Ayaa waxaa Siwayn uga Naxaya dhamaan dadka kasoo Horjeeda Horumarka Jamhuuriyada Soomaaliya Iyo Maamul-Goboleedka KHaatumo State

 

Boocame Online

 

 

Aqoonyahanada-SSC1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

sharif-mahiga-a-kreem.jpg

 

MadaxWeyne Sheikh Shariif, Dr. AbduKariim Jama, Iyo Mahiga " Waxaa Loo-Baahan Yahay In Baarlamaanka Lagu Soo Daro shakhsiyaadka Ay Soo Magacaabaan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed"

 

 

Waxaa goor dhaw si wadajir leh Saxaafadda Magaalada Muqdisho ugula wada-hadlay Madaxweyne Shariif iyo Dr Augustine Mahiga, ka gadaal markii kulan ballaaran ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, ayaa waxay kulan ay uga hadleen sidii hogaamiye kooxeeyadii loogu soo dari lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xilligaan laga baxaayo Xilligii Ku Meel Gaarka, lana doonaayo buu yiri in la-dhaqan geliyo Roadmap-ka, isla-markaana haddii aan hogaamiye kooxeeyada lagu soo darin ayaa wuxuu sheegay inay keyni kareyso arin khatar badan, sida uu sheegay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab ama ujeedo gaar ah oo hogaamiye kooxeeyadii looga saari karo buu yiri Baarlamaanka cusub, maadaama aysan jirin buu yiri wax dambiyo ah oo ay Maxkamad ku heshay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay inaan shaki iyo murun toona la-gelin ka mid noqoshada hogaamiye kooxeeyadii ay kaga mid noqonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee xilligaan dalka loo-sameynaayo.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, oo goobtaasi isna ka hadlay ayaa ka gaabsaday in u ka hadlo arinta uu murunka badan ka taagan yahay ee hogaamiye kooxeeyadii, oo xilligaan dib loogu soo daraayo Baarlamaanka cusub.

Hase yeeshee Dr Augustine Mahiga ayaa wuxuu sheegay in uu soo jeedinaayo in si deg deg ah lagu soo dhameystiro Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, isagoona si maldahan u sheegay in loo-baahan yahay in Baarlamaanka lagu soo daro shakhsiyaadka ay soo magacaabaan Odayaasha Dhaqanka.

Mahiga ayaa saacadihii la-soo dhaafay ogolaaday in hogaamiye kooxeeyadii lagu soo daro Baarlamaanka cusub, bacdamaa uu sheegay inay sidaasi ogolaatay Qaramada Midoobe, isla-markaana aysan jirin buu yiri wax dambiyo ah oo lagu helay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ali Khalif Galayr is working hard in Xamar to get Speaker of the Parliament position ,

Ali Khalif Galayr is the talk in Mogadishu today Rumours is he will win by a landslide . He has the support of major players and unlimited votes .Farmoajjo is working 24 hrs , meeting the dblock elders , asking them to stop Ali Khalif Galary from running.

 

Khatuum will benefit if Galayr wins as their territory is occupied , Rer Khaatuum are back in Somali politics as they are causing earthquake Mogadishu .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Prof Cali Khaliif Galeyr oo Ku Soo Biiray Musharixiinta u Taagan Xilka Afhayeenka Baarlamaanka

 

Muqdisho (RBC) Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu wadaa in maanta shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qaban doono ku shaaciyo inuu yahay musharax u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadiisu ay dhacayso 26-ka Agoosto.

 

Ilo wareedyo ku dhow Prof Cali Khaliif ayaa Raxanreeb u sheegay in Cali uu waday beryahan la tashiyo uu la yeelanayay dhinacyo kala duwan uuna go’aansaday inuu isu sharaxo xilka afhayeenka baarlamaanka oo dad badani ku loolamayaan.

 

Maalintii shalay waxaa musharaxnimadiisa ku dhawaaqay Prof C/risaaq Cismaan Juriile iyadoo ay horey u taagnaayeen Mustaf Dhuxulow, C/laahi Goodax Barre iyo Prof Maxamed Cismaan Jawaarey oo dhamaantood ku kala xiran siyaasiyiin kala duwan.

 

Xubnaha guddiga doorashada ee loo saaray doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa shalay shaaciyey in maanta oo Khamiis ah ay bilaabayaan qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo labada ku xigeen. Waxayna guddigu soo bandhigeen shuruudo ay ka mid tahay bixinta lacag isdiiwaangelin ah oo u dhexeysa saddex kun doolar illaa kun doolar.

 

Si kastaba cid kasta oo ku soo baxdaxilka afhayeenka baarlamaanka waxay u taagan tahay in mid ka mid ah saddexda beelood ee awooda ku loolama ay weyn doonto labada kursi ee kale ee kala ah madaxweynaha iyo raysul wasaaraha, taasoo sidoo kale fasiraad u ah in musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood ay ka bixi doonaan loolanka haddii nin ay isku beel yihiin uu ku guuleysto tartanka afhayeenka baarlamaanka.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Cali Khaliif Galeyr Ayaa Lagu Wadaa In Maanta Shir Jaraa’id oo uu Muqdisho Ku Qaban Doono Ku Shaaciyo Inuu Yahay Musharax u Taagan Xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo Doorashadiisu Ay Dhacayso 26-ka Agoosto.

 

Ilo wareedyo ku dhow Prof Cali Khaliif ayaa Raxanreeb u sheegay in Cali uu waday beryahan la tashiyo uu la yeelanayay dhinacyo kala duwan uuna go’aansaday inuu isu sharaxo xilka afhayeenka baarlamaanka oo dad badani ku loolamayaan.

 

Maalintii shalay waxaa musharaxnimadiisa ku dhawaaqay Prof C/risaaq Cismaan Juriile iyadoo ay horey u taagnaayeen Mustaf Dhuxulow, C/laahi Goodax Barre iyo Prof Maxamed Cismaan Jawaarey oo dhamaantood ku kala xiran siyaasiyiin kala duwan.

 

Xubnaha guddiga doorashada ee loo saaray doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa shalay shaaciyey in maanta oo Khamiis ah ay bilaabayaan qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo labada ku xigeen. Waxayna guddigu soo bandhigeen shuruudo ay ka mid tahay bixinta lacag isdiiwaangelin ah oo u dhexeysa saddex kun doolar illaa kun doolar.

 

Si kastaba cid kasta oo ku soo baxdaxilka afhayeenka baarlamaanka waxay u taagan tahay in mid ka mid ah saddexda beelood ee awooda ku loolama ay weyn doonto labada kursi ee kale ee kala ah madaxweynaha iyo raysul wasaaraha, taasoo sidoo kale fasiraad u ah in musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood ay ka bixi doonaan loolanka haddii nin ay isku beel yihiin uu ku guuleysto tartanka afhayeenka baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Prof. Cali Khaliif Galeydh oo Si Rasmi Ah u Shaaciyay Inuu Yahay Musharax Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

 

Musharaxa Utaagan Xilka Madaxtinimada Dalka Soomaaliya Pro Cali Khaliif Galaydh oo Qudbad dhinacyo badan Taabanaysa Kajeediyey Munaasibada Xaflad balaadhan oo uu Kaga dhawaaqayey Hamigiisa Siyaaasadeed Ayaa Sheegay.

 

“Inuu Xilkan isu soo istaagay Inay Kaalinta Ka qaato Horumarinta Dalka, Isalmarkaana uu Wax wayn Kaqaban doonoo Tayaynta Baarlamaanka, Islamarkaana ay mudnaatooda u heli lahaayeen” Ayuu yidhi Mr Galaydh.

 

Goobta Munaasibadu ka socotay Ayaa Markaasi waxaa Ka dhacay Sacab & Kalsooni balaadhan oo Loo muujinayo Musharax Dr Cali Khaliif Galaydh Oo utaagan Xilka Gudoonka Baarlamaanka dalka.

 

Iskusoo wada duuboo Musharixiin tiro badan ayaa utaagan Xilka Gudoonka Baarlamaanka Waxaana Hada Ugu Cad cada 3 Musharax oo uu Qay kayahay Pro Cali Khaliif Galaydh.

 

Dhinaca kalana waxaa Lafilyaa Inay maal maha soo aadan ay Soo baxaan Musharixiin kale oo Utar tamaya Xilka Gudoonka Baarlaamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dr.Cali Khalif”Waxanu Wax Badan Kal saari Doona Awoodaha Barlamaanka, Fulinta Iyo Maxkamadaha”

Dr Cali khali Gadhay Ra’iisal wasaarahii Hore Ee soomaaliya Oo hadana ah Musharax Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa Ka Hadlay Arimo Badan Oo Quseeya Dhanka Kala shan dhaynta Awoodaha Barlamanka Iyo Madaxda dowlada. Isagoo Hadal ka Jiidinayey Xaflada Ku Soo gaba gaboowdey xarunta Hoetlka saxafi ee maagalada Muqdisho ayuu ka Hadlay Arimaha barlamaanka Iyo waxa Uu ka Badali doono Hadii uu xilka Qabto. ;waxanu wax badan ka badali doona awoodaha barlamanka iyo awoodaha madaxda dowlada,waxa soomaaliya ragaadiyey ayaa ah inaysan dhowrayn waxa ku qoran Tastuurka oo aah ka bulshada kala hagaya”ayuu Yidhi Gr Galaydh. dhanka kale waxa uu ka hadlay inay aad u ilaalin doon qodobada Tastuurka Uu Dhigayo Isagoona Siweyn ugu Dheeraday inay bar lamanka yahiin Haa’yada Kal hagaysa Dowlada Iyo Sharci Dajinta ayna Muhim tahay inay Shaqadooda ahaato mid Aan fara galinayn Awooda Madaxda Dowlada. Soomaaliya Oo 20-sano Ee ugu danbeyey Ay Ka Jireen Is qabsi udhexeeya barlamanka iyo madaxda Dowlada aya musharaxa gudoomiyaha Barlamaanka Soomalaiya Dr.Cali Khaliif galaydh waxa Uu sheegay inay Iyagu ka Shaqeyn doonan hurumarka dalka Iyo Dhowrida sharciga Dalka. Waxa Uu siweyn ugu dheeraday Ahmiyada Xiliagni ay u leedahay dalka in laga Shaqeeyo Sidii Loo dhisi lahaa laakiin aan laga Shaqayn In La bur buriyo,waxana Sidoo Kale Goobta Ka Soo qeyb galay Xubanaha Barlamanka Iyo siyaasinta Soomaaliyed. Madaxda maamulka khaatumo Ee goobta Ku sugnaa aya sheegay inuu Cali khalif Yhaay Shaqsiga Matalaya Dadka Degaanka Khaatumo ayna Soo Dhaweynayaan Iyagoo Dhaman Isku duuban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Prof. Galeydh topped over 180 of the PM to vote for him, and Farmajo realized that Prof. Galaydh has high chance of becoming the Spearker. Farmajo has less chance to be the president so he shouldn't tried on Galaydh to give it up. The man is in mission, and Khatumo and many Somalis are behind him.. Corrupted and the thief Gaas should be back to Niyagara Falls..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Siyaasi   

Corrupt Gaas, Honest Galeyr. That reminds me of the famous somali joke, Qiyaamaha waxaa lagu gartaa markaad aragto X oo geel dhacaya iyo Y oo ka celinaya.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

A_Khadar;859843 wrote:
Corrupted and the thief Gaas should be back to Niyagara Falls..

looool. desperate times call for desperate measures miya shekadadu. hada waxayba tagan tahay inad cabdiweli caydo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Mooge;859852 wrote:
looool. desperate times call for desperate measures miya shekadadu. hada waxayba tagan tahay inad cabdiweli caydo.

Are you denying the ICG's reported that Gaas lost million not too long ago? So me telling the facts become desperation? Aint desperate now, actually I am feeling good just seeing you all crying out loud. Yet one person is so desperated this moment and that is Gaas not to mention his supporters they may suffer heart attacks, hope not.. He tirelessly tried to stop Galeydh no becoming an MP and he even used his roadmap membership and Faroole's to rip Khatumo PMs just to stop him, and sadly the man is in and he is causing nightmare to your lot. Your lot have tried everything to stop him so hope extreme and desperate measures isn’t your final attempt to assassin him. Tell me who is more desperate than you and your lot?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

f-300x225.jpg

Waxa xiligani Soconaya Xaflada Uu ku dhawaqayo Dr.Cali khalif Galaydh Inuu U tagan yahay Xilka Gudoomiyaha Balamanka Soomaaliya Iyadoona Xaf lad siweyn loo Soo Agaasimey Ay Wakhtigani Ka Soconayso Hotelka Saxafi Ee magalada Muqdisho Ayna Ka Soo Weyb Galeen Inta Badan Barlamanka.

 

Hoolka ay Hada Xaflada Ka soconayso aya awaxa Soo buux dhafiyey Qaar kamid ah Balamanka Iyo wafdi kale,waxana xiligani Uu Ku dhawaqayaa Inuu yahay Musharax Gudoomiyaha Barlamanka Oo Ay Usharaxan yahiin ugu Yaraan 3 Musharax.

 

Xiligani warar ka Ka Soo baxaya Hoolka Hotelka saxafi Ee Ay xaflada ka soonayso aya awaxa lagu soo sheegaya ainay inta badan Xubnaha Balamanka Cusub Oo Isaga Tageersani ka soo qeyb Galeen.

 

waxana Sitoosa Sacadani U furmaya Qudbadaha Laga Jeedinayo Xafladani Iyo Inuu Ra’iisal wasaarahii hore Ee soomaaliya Dr.Cali Khalif Kaga Dhawaaqo Jagada guddomiyaha Inuu U tagan yahay.

 

waxana Siweyn Looga Soo Dhaweyey Magalada Muqdisho Inuu yahay Ra’iisal Wazaarahii Hore Ee soomaaliya Wakhsi mudane Inuu xilkaasi Isu soo sharaxo.

 

Ugu Danbeyn Waxa Inta badan Barlamanka Ka Soo qeyb Galay Xafladani Uu kaga Dhawaqayo Musharxnimadiisa DR Galaydh ay yhaya Kuwo siweyn u tageersan Iyadoona Ay Goobta Ku sugan yahiin marti Sharaf kale.

 

 

 

http://www.lasanod.com/details.php?num=7960

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this