Sign in to follow this  
Mooge

Media Declares Shariif a full Warlord now

Recommended Posts

Mooge   

Madaxweyne Shariif isu bedelay maanta Dagaal-Ooge

 

Kadib markii uu Madaxweyne Shariif ku goodiyay inuu amaanka Muqdisho faraha ka bixinnayo,hadii aan la aqbalin shuruudihii uu ku doonayey in Dagaal-Oogayaasha lagu daro Xildhibaanadda Cusub ayaa goobtii loogu tala-galay kulanka maanta laga wareejiyay si amniga Xildhibaanadda cusub loo ilaaliyo

 

Hadabba kulanka Baarlamaanka oo markii hore aheyd in lagu qabto Iskool-Booliisiyo,ayaa waxaa hadda goobtii lagu qaban-lahaa la wareegay ilaaaladda Madaxweyne Shariif,waxayna arintan sababtay in si loo ilaaliyo amaanka shirka hadda loo wareejiyay Dhismo-ku-yaal Garoonka Muqdisho,waxaana halkaaas ku-sugan 225-Xildhibaan oo Kaararkoodii loo qeybiyay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa maanta la soo baxay wejigii awal uu caanka ku ahaa ee Jabhadeynta,kadib markii uu ka dhabeeyay inuu amaanka Muqdisho faraha ka-saarayo,hadii aan taladiisa la-qaadan.

 

Kulankii Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inuu furmo maanta,ayaa galabta la filayaa inuu furmo,iyadoo weli ay socdaan dadaalo lagu qancinayo Madaxweynihii loo hanweynaa oo hadda u xuubsibtay Dagaal-oognimo oo ku goodinaya inuu Amniga Muqdisho faraha ka-saarayo,hadalkaana wuu ka dhabeeyay,kadib markii uu oodda ka rogay dhamaan Maxaabiistii Alshabaab iyo kuwii Ajaanibta,isagoo ujeedadiisu tahay,in Amaanka Magaaladda uu faraha ka-baxo.

 

Xildhibaanada dhaarta mari doona ee jooga garoonka Aadan cadde ayaa waxaa ka mid ah Raisul wasaaare Gaas iyo xubno badan oo ka tirsan golihiisa wasiirada, gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubno kale oo aad u fara badan, waxaana la filayaa in dhaartu ay dhacdo galabta casar liiqii sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah suxufiyiin ku sugan Garoonka oo munaasabadaas goob joog ka noqoneysa.

 

Wixii ku soo kordho Isha-Ku-Haay Shacabkamedia

Shacabkamedia:Beyra:Puntland

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa billaabatay. Whatever happened to walaalayaaloow I want a positive campaign ee Cabdiweli aan faaniyee yaan wax laga sheegin.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

ninyow abdiweli sowdiga malinba caayaya ma cid bad uga cabsanaysay. loool. i think inay wax kuu dhiman yihiin abwanow. qof waxa tahay maskax weyn lahayn.

 

maxa war haysa odaygi adeerka eed tageraysay warlord bu isu badelay. ma ku raacsan tahay in qanyare iyo xaaraan ku naax la soo celiyo. loooooool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge;858468 wrote:
ninyow abdiweli sowdiga malinba caayaya ma cid bad uga cabsanaysay. loool. i think inay wax kuu dhiman yihiin abwanow. qof waxa tahay maskax weyn lahayn.

 

maxa war haysa odaygi adeerka eed tageraysay warlord bu isu badelay. ma ku raacsan tahay in qanyare iyo xaaraan ku naax la soo celiyo. loooooool.

lol...Mr. Maskax weyne. Aflagaado.com.....this is a sign of frustration. Abdiweli ma caayin, did not call him names but I said I don't want to see him as a president. Waa isku dhex yaacday Mooge, what happed to kalsoondii, oo dharkaaba dhigan rabtaa, haddii Abdi wax noqon waayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;858465 wrote:
Waa billaabatay. Whatever happened to walaalayaaloow I want a positive campaign ee Cabdiweli aan faaniyee yaan wax laga sheegin.
:D

 

It seems that everyone is doing what they do best , trash one and make the other look clean.

 

Shiek Dalxiis maybe worse of Somali president ,but I don't see the reason behind this trashing . His no longer president .

Maybe we take sec and see if another puppet comes alone

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Shariif Saaxiibkiis oo dagaal ku qaaday Minister Goodax hoolka Baarlamaanka.

 

 

Wararka ay warbaahinta Puntlandi ka helayso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqaya in halkaas uu maanta kulan culusi ku dhexmaray madaxweynaha Dawlada kumeel gaarka ah Shariif Sheekh Axmed iyo Wakiilka xoghayaha guud ee arimaha Soomaaliya Mr.Augstine P. Mahiga iyadoona shirkaasi uu ahaa mid kulul oo looga hadlaya arimaha dardargelinta Road Mapka iyo dhamaystirka arimaha muhiimka ah ee ka dhiman qorshaha doorashooyinka dalka.

 

 

Shirkan ayaa dhacay kadib markii socdaal degdeg ah madaxweyne Shariif uu ku tagay halka uu Muqdisho ka daganyahay Wakiilka xoghayaha guud ee Xalane iyadoona shirkan uu madaxweyne Shariif rabay inuu ku dalbado in cunaqabataynta dhanka diidista xildhibaano laga qaaday qaarkamid ah Qabqablayaashii hore ee dagaalka taasoo uu si kulul uga carooday Wakiilka xoghayaha guud uuna sheegey in qaramada midoobey aysan marna raali ka ahayn in xildhibaanada cusub ay ku biiraan rag ka tirsanaa Qabqablayaashii dagaalka.

 

Shirka oo xoogaa socday ayaa Wakiilka xoghayaha guud uu madaxweyne Shariif gaarsiiyey digniin culus oo katimid beesha Caalamka gaar ahaana golaha Amaanka ee qaramada Midoobey kuwaasoo madaxweynaha iyo xubno saaxiibadiis ah looga digay inay faraha kala baxaan arimaha baarlamaanka cusub, sidoo kalena wuxuu shirku burburay kadib markii madaxweynuhu uu la yimid codsi kale oo sheegaya in waqtiga doorashada dib loo dhigo taasoo la sheegey inay kasoo horjeedo howlaha dardargelinta dawladnimada,

 

Digniinta culus ee beesha caalamka ayaa timid kadib markii saaxiibada madaxweyne Shariif ay maanta isku dayeen inay hakad galiyaan qaybinta kaararka xildhibaanada cusub taasoo keentay in goobta kaararka ay isku gacan qaadaan wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdisamed Macalim Maxamuud Sheekh Xassan oo kamid ah raga ku dhowdhow madaxweynaha Soomaaliya uu isku dayey inuu joojiyo howlaha iyo wasiirka qorshaynta, iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah oo sidoo kalena ah gudoomiyaha gudiga Road Mapka Cabdullaahi Gootax Barre oo ay wada socdeen Wasiir kuxigeenka Waxbarashada taasoo fashilisay isku daygii saaxiibada shariif ee ahaa joojinta howlaha doorashooyinka iyo xildhibaanada cusub

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;858465 wrote:
Waa billaabatay. Whatever happened to walaalayaaloow I want a positive campaign ee Cabdiweli aan faaniyee yaan wax laga sheegin.
:D

:D :D lool ishaad ka riday..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge;858509 wrote:

Cabdisamed Macalim Maxamuud Sheekh Xassan oo kamid ah raga ku dhowdhow madaxweynaha Soomaaliya uu isku dayey inuu joojiyo howlaha iyo wasiirka qorshaynta, iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah oo sidoo kalena ah gudoomiyaha gudiga Road Mapka Cabdullaahi Gootax Barre oo ay wada socdeen Wasiir kuxigeenka Waxbarashada taasoo fashilisay isku daygii saaxiibada shariif ee ahaa joojinta howlaha doorashooyinka iyo xildhibaanada cusub

Mooge adigu sidaad rabtidba aad u dhahdide, dagaalkaani waa dhacay oo waa run baan maqlayaa....Maxaad u malaynaysaa dadkan hadda sidaan samaynaya markii ay dood baarlamaan iskaga hor yimaadaan. I wish I had a power to remove both of them and ban them from becoming Parliamentarians. I heard both of their names being called for dhaarta baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Abwaan;858465 wrote:
Waa billaabatay. Whatever happened to walaalayaaloow I want a positive campaign ee Cabdiweli aan faaniyee yaan wax laga sheegin.
:D

Sxb you must see Cabdiweli in every topic? :D :D I guess your 'little investigative journalism' on him baa wili socda :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jacpher....I guess you are the one who sees Abwaan, everywhere. Waryaa adiga orod shaqayso qabyaaladdaan iyo cido difaacaan iska daa 2012 baa lagu jiraa.....Diintana wax baad ka taqaan ee sida isku dhaan. Bal adiga ciriiri jacaylkaaga aniga Mooge baa hadal isku tuurnay ee maxaa ku soo dhexgeliyey, yaab badanaa...Waan kuu maahmaahayaa haddii mar kale aad shaqo iga dhigatid.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

lol@waan kuu maahmaahaa. In those three lines you mentioned shaqadeyda, diinteyda iyo sanadka 2012, no clue how all those related to me or Shariif advocating for warlordism. Balse iga qalee baan u fahmay. :D

 

My friend I can't stand when some of us distort others and link them up to clanism but when it's done to them, they go crazy and all of a sudden wake up from heavy sleep. I am not a fan of Cabdiweli or Shariif or Faroole at all but that doesn't mean I won't comment when others make them out of what they are not. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oh I know you don' t support them balse waad gubataa markii wax laga sheego. Jacpher sheeko maalayacniga maan iska deyno. The whole thing aad igu haysatid waa maxaad Abdiweli wax uga sheegtay? Yaad isku qarqarinee...kuwa warkooda caddaysta ayaaba ku dhaamo adi.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

So not only do you know that I admire Cabdiweli deeply in my heart but you also know I am secretive about it and I don't write about it here.

 

If you're that good about reading what is inside the hearts, perhaps you can help Somalia select good hearted people to lead the country. :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this