Sign in to follow this  
Mooge

Breaking News: Angry Sheekh Shariif frees all Alshabaab Prisoners. if you don't elect me i destroy

Recommended Posts

Mooge   

WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNE SHARIIF OO OODA KA QAADAY DHAMAAN MAXABISTII AL-SHABAAB, OO AY KU JIRAAN KUWO AJAANIB AH

 

Posted by SEK4 on August 20th, 2012

 

 

Madaxweynaha xilkiisu maanta ku ekaa ee Shariif Sheekh Axmed ayaa ooda ka qaaday maalintii shalay aheyd maxaabiis kor u dhaaftay 220 maxbuus, kuwaas oo isugu jira kuwo ay dagaalo ku soo qabteen ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo kuwo dilal iyo qaraxyo is xig xigay ka geeystay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidoo kale maxaabiista ooda laga qaaday waxaa weheliyey tiro aad u badan oo ka mid ah dagaalyahanda ajaaniibta ah ee ka garab dagaalama xarakada Al-shabaab

 

 

Xogo rasmi ah oo ka soo baxaya Taliska ciidanka asluubta oo gacanta ku haya maamulka xabsiyada dalka ayaa sheegaya in masuuliyiinta ciidanku ay diyaariyeen sida caadiga aheyd liiska maxaabiista dambiyada fudud ee uu ku dhacay xukun maxakamadeed, oo sida caadiga ah cafis loo fidin jiray dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, laakiin saacadihii ugu danbeeyey ayaa la soo gaarsiiyey wareegto madaxweyne oo faraysa in ay ooda ka qadaan dhamaan xubnaha Maxaabiista ee AL-Shabaab ee iyagu sugayey in maxakamad la hor geeyo.

 

Sii deynta deg dega ah ee maxaabiista AL-Shabaab ayaa khatar ku ah amaanka magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan dalka oo dhan, iyadoo ku soo beegantay waqti xasaasi ah oo dalku ku jiro xil kal guur, sidoo kale waxa siideynta maxaabiista AL-Shabaab welwel iyo cabsi xagga amaanka ah ku abuuray dhamaan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaliya, gudiga madax banaan ee soo xulista mudanyaasha baarlamanka iyo musharaxiinta ciida ka badan ee u taagan doorasha xilalaka kala kedisan ee dawliga ah

 

Ma cad sababta rasmiga ah ee madaxweyne Shariif ku kaliftay in uu ooda ka qaado dambiilayaasha dagaal ee khatarta ku ah xiligan aminiga iyo kala danbeeynta dalka, laakiin dadka odorsa dhaqanka siyaasadeed ee hogaamiyayaasha soomalida ayaan meesha ka saareyn in ay tahay dhaqankii hore loogu yaqaanay madaxada soomalida ee ahaa in ay qas iyo jahawareer abuuran marka xilku ka dhamaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

maybe they were pirates but we will hear more about this very soon.

 

it is very troubling shariif is acting like a warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who knows maybe , Amisom was behind it. But everyone deserves second chance. If Somalis were people who put thier country

first before acting out in thier differences , we would send elders, teachers,mothers and religious groups to Alshabab in order to bring back our

circle .There is solution to every problem because at end of the day Alshabab are Somalis, they probably are bothers,cousins,fathers ,husbands and sons of someone you know

 

Fighting and destruction will just lead to more dangerous routes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge;858455 wrote:

kor u dhaaftay 220 maxbuus,

Are you sure they are not on Shariif's own parliament;)

 

Maybe he learned some lessons from Bashar Alassad's Shibbixa gangs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this