Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Faroole Hadii Puntland ay ku qanci weydo dowlada Cusub waan ka tashan doonaa Soomaliya

Recommended Posts

Samafal   

Artcleka Dayniile oo nacaybka abuuraya yaan Faroole wuxuusan oran la isku wareerin

 

Abwaan si fiican u dhagayso MEEL reerkayaga cidaan ahayn madax ma noqon karto uu ku yiri majirto. isagu wuxuu aaminsanyahay buu ka hadlay oo ah federalismkamuhiimada uu leeyahay, shariif iyo warlord difaaciisana wuu mucaarday, marka odaygaan yaan naf lga dhigan ee wax kale ha la raadiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

August 20th 2012 · 2 Comments

 

Garoowe ( DHM-News ):- Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shalay kumanaan dadweyne salaaddii ciidda kadib kula hadlay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa si kulul uga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen amniga iyo marxaladda kala guurka.

 

C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweynaha Puntland ugu horayn waxa uu ka hadlay dilalka ka dhaca deegaanada Puntland, waxaana uu sheegay in ay ka dambeeyaan dadka kasoo horjeeda deganaanashaha ka jira gobolada Puntland.

 

“Dilalkaasi qorshahoodu waa sidii meesha looga saari lahaa amniga ay ku caan ka baxeen goboladaan aan kusuganahay mana ah wax la aqbali karo sinaba, waxaa ku hoos jirta siyaasad qabali ah oo kuwa inaga ina kamid ah ayaa wax ka wada”, ayuu yiri Faroole

 

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole waxyaabaha kale ee uu ka hadlay waxaa kamid ah nidaamka Soomaalidu wax ku qaybsato ee 4.5-ka, waxaana uu sheegay in uu yahay nidaam qaldan oo xitaa beelaha waa weyn ay ku dulman yihiin, hase yeeshee iminka la mooday in uu xal u yahay ka bixitaanka dhibaatada Soomaaliya.

 

“4.5 waa nidaam xaaraan ah oo aan sharciga waa faqsanayn, laakiin waxaa loo arkay in uu xal u yahay mushkiladda Soomaaliya, xitaa beelaha waa weyn waa maqaar saar”, ayuu hadalkiisa ku daray Faroole

 

Sidoo kale C/raxmaan Faroole waxa uu ka hadlay geedi socodka nabadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad kasoo horjeeda in Soomaaliya ay nabad ka dhalato.

 

Faroole waxa uu tilmaamay in wakhti badan lagu lumiyey samaynta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo ka bixitaanka xilliga KMG ah, waxaana uu si kulul ula hadlay dad uu sheegay in kasoo horjeedaan arrintaasi, isagoo dhanka kale ku baaqay in guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka faraha looga qaado hawlaha loo igmaday ee soo xulista Baarlamaanka cusub.

 

“Ansixinta dastuurka cusub iyo soo xuliska Baarlamaanka cusub ee laga soo saaray liiska hordhaca ah, waxaa jira dad badan oo kasoo horjeeda nabadda, sidaasi darteed waxaan ka digaynaa in dadkaasi lagu daro Baarlamaanka iyo guud ahaanba Dowladda, sidoo kale waxaan ka digaynaa in guddiga farsamada lagu farageliyo hawshooda, waxaan kale oo ka digaynaa in dadka fedraal diidka ah laga lagu daro Dowladda xitaa Madaxweyne”, ayuu yiri mar kale Madaxweynaha Puntland.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan maxamed Maxamuud Faroole waxa uu si kulul uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray Madaxweyne Shariif kaasi oo ku aadanaa in aan kamid noqoshada Baarlamaanka cusub loo diidin dadka lagu eedeeyey denbiyada ee aysan maxkamadi ku caddayn denbigaasi.

 

“Oo yaa ku xukumi lahaa adiga ayaa dalka gubay hadana raba in aad Baarlamaanka ku darsato dadkii denbiga ka galay umadda Soomaaliya, doorkaasi waxaa lahayd beesha caalamka laakiin garanmayno sababta ay uga aamuseen”, ayuu yiri si kulul u yiri Madaxweyne Faroole

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland ee ku aadan ka hadalka xilliga kala guurka iyo geedi socodka nabadda Soomaaliya ayaa kusoo aaday xilli uu caawa 12-ka habeenimo ku egyahay wakhtiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

DHM Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Farole Hadu goosto ama hadi kale, xaq buu uu lee yahay. Puntland ma waxad mooday inay uu bahan tahay somalidaa? lol. Somaliduu ayaa uu bahan puntland waxaana arki karta sida loo degan yahay puntland barakac from hamar iyo shoe-shiners from hargeisa.

 

image.php?id=710.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Samafal;858316 wrote:
Artcleka Dayniile oo nacaybka abuuraya yaan Faroole wuxuusan oran la isku wareerin

 

Abwaan si fiican u dhagayso MEEL reerkayaga cidaan ahayn madax ma noqon karto uu ku yiri majirto. isagu wuxuu aaminsanyahay buu ka hadlay oo ah federalismkamuhiimada uu leeyahay, shariif iyo warlord difaaciisana wuu mucaarday, marka odaygaan yaan naf lga dhigan ee wax kale ha la raadiyo

this fabrication is not new.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this