Sign in to follow this  
Macallinka

Fatwo Ay Culimo Soomaaliyeed Kaga Digayaan Manhajka Xassaan Xusseen Ee Takfiiriga Ah

Recommended Posts

Su,aasha:????

 

Culimadayada sharafta mudan: waxa aan idinka qarsoonayn waxyaabaha uu Xassaan Xuseen ku faafiyo muxaadaraadkiisa iyo duruustiisa kuwaas oo meel ka dhac ku ah culimada iyo ardayda soomaaliyeed ee cilmiga diinta ku

 

hawlan ,Ummaddooduna uga markhaati kacday khayr iyo wanaag, ilaa xad uu gaadhay arinkiisu in uu si badheedh ah ula jahro gaalaysiinta culimada ka dib markii uu soo dhameeyay dhaleecayntooda iyo caydooda kuna xukumay fisqi iyo inay yihiin )علماء سوء ٔاو ٔاحبار سوء( .(culimo xunxun)

 

Qaar ka mid ah cajaladihiisa waxa uu ku yidhi: ( Jamaacada Al-Ictisaam agtayda waxa ay ka yihiin koox gaalo ah oo diinta ka ridawday , waxaana loola macaamilayaa sida dadka ridooba), waxa uu ula jeedaa hadalkan jamaacada la yidhaahdo Al-Ictisaam Bilkitaabi Wasunnah oo ay ka mid yihiin badanka culimada salafiyiinta ah ee soomaaliya, sidoo kale waxa uu ku sheegay cajaladihiisii ugu dambeeyay in lagula dagaalamo oo lagu laayo culimadaas meel kasta)في الحل والحرم( .

 

Qaar ka mid ah cajaladihiisa Waxa uu ku dooday inuu banaanyahay dilka qof caalim ah haddii fasaadkiisa lagu joojinayo in la dilo , waxaana uu sheegay in ka wax dilay mujaahid yahay ka la dilayna shahiid yahay ( يكون( !!!!قاتله مجاهداً والمقتول شهيداً

 

waxa uu gaalaysiiyay cid kasta oo ku hoos nool goobaha ay ka taliyaan maamulada riddoobay – waa sida uu hadalka u dhigaye- tusaale ahaan goobaha uu ka taliyo sheekh shariif, madaxwaynaha dawladda ku meelgaadhka ah, maamullada Puntland,S/land,iyo soomaali galbeed xukunkaasna kuma kala saarin haba yaraatee ruux caalim ah iyo mid caammi ah toonna , ha aaminsanaado waxa ay aaminsanyhiin maamulada uu gaalaysiiyay ama yaanu aaminsanaane –waa sida uu sheegtaye

 

http://dailyjuba.com/wp-content/uploads/2012/08/Halkaan-ka-akhriso-Fatwo-ay-Culimo-Soomaaliyeed-kaga-digayaan-Manhajka-Xassaan-Xuseen-oo-Halgan.net-soo-gaartay.pdf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Macallinka, inta aad bold-ka ka dhigtay, caddeyn ma u heysaa?, codkiisa ama kitaabuu qoray!. Caalimka uu yiri waa la dili karaa mase gaaleysiinoo wuxuuba ka dhigay Shahiid, darajada ugu sarreysa oo qof muslim caadi ah gaaro!.

 

Ps. Waxaan su'aal maaha, waa statement!. Culimo is heysata wax ka xun maleh!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maadeey, inta aan boldka kadhigay mahayo meel uu vidoe ku sheegaayo.

 

Laakiin adigu sidee u aragtaa shiikha markuu yiri sidatan?

 

Qofkii dastuurka xayaysiiyaa, idaacadiisa ka sheegaa, ka qayb qaataa, waa murtad oo dhiigiisa iyo maalkiisu waa banaanyahay . Haduu dhinto Soomaliya lagumaduugi karo etc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Adiga Macallinka ah sxb, maxaad ka dhihi lahayd: qofkii gaalnimo xayaysiiya ama si uun uga qayb qaata waa gaal!?.

 

Xassaan fudeyd yar iyo dhiiranaan zaaid ah waan ku arkay lakin wax kasta daliil buu saaraa, culimo horena waa u tiiriyaa, tusaale horena waa soo qaataa!.

 

Aniga labada ka soo horjeedda ee ganacsiga ku jirta ayaa igala daran, runtii!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;857970 wrote:
Adiga Macallinka ah sxb, maxaad ka dhihi lahayd: qofkii gaalnimo xayaysiiya ama si uun uga qayb qaata waa gaal!?.

 

Xassaan fudeyd yar iyo dhiiranaan zaaid ah waan ku arkay lakin wax kasta daliil buu saaraa, culimo horena waa u tiiriyaa, tusaale horena waa soo qaataa!.

 

Aniga labada ka soo horjeedda ee ganacsiga ku jirta ayaa igala daran, runtii!.

Macallinkaan waa magac u yaal ee ma'aha macallin dugsiyeed. Su'aashaydii waad kaga cagwareejisay laakiin ani waxaan kuu hubaa gaalnimadaan lala ordaayo oo sida fudud dadka diintaa inta looga saaro hadana laxalaaysto dhiigooda waa khalad iska cad waana manhaj lagu yaqaano Khawaarijta.

 

 

 

Edit: Raga ninkaan ka soo horjeeda sida Umul iyo kiikale magciisi muxu ahaa? , ayaku warkooda iskaba dhaaf marba meel ayay saaraan ra'yigooda ayakoo kii hore aan kalaaban. Umul wuxuu ahaa ninkii Shariifka iyo dooladiisa Galeeyay, oo ka danbeeyay in dhalintaan al-shabaab ay meesha maanta marayaan gaarsiiyay hadana dhinaca kala ka soo jeesaday asaga oon ra'yigiisii iyo fatwooyinkiisii hore sixin........!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;857972 wrote:
SubxaanaAllah qofba kama tegin, dadka dhan waa ku raftay.

:D:D:D:D Indeed he did not even leave 1, my favourite is at 1:57 :D:D:D qosol baa la dintey

Share this post


Link to post
Share on other sites

l istaqfurullah 1.57 wuuba ka daray, ''howlihii AY iyo kuwa nuur adde hadalkii Ali gheedi iyo shariifka iyo faroole iyo muxuu ahaa siilaanyo iyo ii sheeg ina ileygii shalay la doortay oo sheydanka murtadka ah, murtadka OG'' this guy is wack.. How does Qabilism and religion work together?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Somalia;858045 wrote:
:D
:D:D:D Indeed he did not even leave 1, my favourite is at 1:57
:D
:D:D qosol baa la dintey

He sounds like Somalia version of wadaad fanaic ah, no one else would find this funny.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

Ninkaani soo maha ardaygi Umul ?

 

This kind of takfirsim started in the 1980, when men with deep pockets came to Somalia from the deserts of Saudi Arabia. Culumadeena hore, ummada ey khayr u sheegi jireen, they woul enlighten people with the love to the prophet and God. Every jimco we would lit the fire of luubaan and sing poetry to the prophet, yaa cayniyada soo xasuusta ;). Then we would

stand up aand turn of the lights and begin yet again untill the time of the morning prayer! but nowdays it seems that the so called clergy are heavily involved in the messy clanish politics of Somalia.

 

Ninkaani, who bashes out and calles somalis non-muslims is not so diffirent from his father Umal , Do you guys remember when he accused the government of being infidels while he himself made peace with Meles Senawi?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Macallinka;858041 wrote:
Macallinkaan waa magac u yaal ee ma'aha macallin dugsiyeed. Su'aashaydii waad kaga cagwareejisay laakiin ani waxaan kuu hubaa gaalnimadaan lala ordaayo oo sida fudud dadka diintaa inta looga saaro hadana laxalaaysto dhiigooda waa khalad iska cad waana manhaj lagu yaqaano Khawaarijta.

 

 

 

Edit: Raga ninkaan ka soo horjeeda sida Umul iyo kiikale magciisi muxu ahaa? , ayaku warkooda iskaba dhaaf marba meel ayay saaraan ra'yigooda ayakoo kii hore aan kalaaban. Umul wuxuu ahaa ninkii Shariifka iyo dooladiisa Galeeyay, oo ka danbeeyay in dhalintaan al-shabaab ay meesha maanta marayaan gaarsiiyay hadana dhinaca kala ka soo jeesaday asaga oon ra'yigiisii iyo fatwooyinkiisii hore sixin........!

lol @ macallin dugsi maahi!, waan ogahay taas or at least I didn't think inaad macallin dugsi tahay. Sxb, waan isku soo dhacnay oo intaas aad ka sheegtay labadaas sheekh ayaan ula jeeday!, sheekha kale waa Sh. Shible, labadoodaba waa culimo miisaan weyn kuleh diinta iyo dacwah salafiyyah, lakin markey siyaasad ka hadalkeed galeen ayey ceeboobeen!. Stil I do love them all, specially Sh. Shible for his detailed explaination of masaail al diiniyah. Kulli waa culimo salafiyah qaladkooda Alle ha u dhaafo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

Maaddeey;858160 wrote:
lol @ macallin dugsi maahi!, waan ogahay taas or at least I didn't think inaad macallin dugsi tahay. Sxb, waan isku soo dhacnay oo intaas aad ka sheegtay labadaas sheekh ayaan ula jeeday!, sheekha kale waa Sh. Shible, labadoodaba waa culimo miisaan weyn kuleh diinta iyo dacwah salafiyyah, lakin markey siyaasad ka hadalkeed galeen ayey ceeboobeen!. Stil I do love them all, specially Sh. Shible for his detailed explaination of masaail al diiniyah. Kulli waa culimo salafiyah qaladkooda Alle ha u dhaafo.

Maadeyow hadaad macalin dusgi ahaanlahayd fikrika wahabiyyada waad ka ka soo noqon lahayd, soo ogid in culumada aad sheegtay in iyaga naftigooda ey yihiin kuwa fikroyooinka takfiirnmada ku fidiyey shacabka soomaliyeed. Sh Shibile waa ninka si cad cajaladiisu ku gaaleyo culumo islam, waxaa is weydiin mudan su'aasha yaa eh Ahlsunna wal jamaaca

 

 

Yaa Ahlusunna wal jamaca ah Qaybtii 3aad { 15 Feb 2009} waxaa la daabacay Sun 15 Feb 2009 08: 02: 38 Waxaan ku guda jirnay casharkeennii taxanaha ahaa ee aan uga hadlaynay yaa hlusunna wal-jamaaca ah qaybtiisii 3aad waxaan cashrradeeennii hore kusoo qaadannay aayado qur’aanka kariimka ah, Axaadiithta Rasuulk CSWS iyo Ijmaaca Imaamyaalka Islaamka. Hadda jawaabta qaybta 3aad ee ah yaa Ah Ahlu sunna wal-Jamaaca ah waxay jawaabteedu noqonysaa cidda sida saxda ah ugu abtirsata salafu saalixa. Arrimaha lagu kala garto waxaa ka mid ah waa in qofku leeyahay meel loo raaco diintiisa, meshaasna Imamyaalka islaamku caddeeyaan inay xaq tahay oo ay tahay dariiqii toosnaa ee ahlu-sunna wal-jamaaca. Qofku markuu dariiqaas xaqa ah haysto ma qarinayo imaamyaalka iyo culammada uu ugu abtirsado diinta islaamka. Laakin haddii qofku bidci yahay oo aanu heysan imaaamyaal xaq ah oo uu ku abtirsado wuxuu ku doodayaa ereyo uu ku khaldayo dadka aan aqoonta u lahayn diinta Islaamka iyo taaariikhda Islaamka. Haddii qof kasta laga yeelayo quraan ayaan aaminsanahay oo aan la xaqiijinayn layskana hubinayn inuu si sax ah u haysto iyo in kale waxaa laga yeeli lahaa: 1

 

. munaafiqiintii diinta ku ganban jirtey oo ilaahay caddeeyey inay ka beensheegayaan iimaanka iyo diinkii ay sheeganayeen قال تعالي : ومن الناس من يقول آمنا بالله وباليوم الآخر وماهم بمومنين يخادعون الله والذين امنوا وماخادعون الا أنفسهم وما يشعرون dadka waxaa ka mid ah kuwa dhahya Ilahay ayaan rumaynay iyo maalinta qiyaamha mana rumayn. Ilaahay ayay dhagrayaan iyo muuminiinta, mana dhagrayaan waxaan naftooda ahayn. Ilaahay wuxuu aayadahan ku caddeeyey inaan munafaqiintan laga yeelayn iimaanka iyo muslimnimada y sheeganayaan ayna ka been shaaegayaan. 2. waxaa lQaalallaahu tacaalaa iyo qaala Rasuulllahi laga yeeli lahaa Bidcadii Quraan aqriska badmnayd sida uu nabiga noogu sheegay axaadiista saxixa ah oo ay ka mid yihiin عن أبي سعيد الخدري قال سمعت رسول الله صلي الله عليه وسلم يقول يخرج فيكم قوم تحقرون صلاتكم مع صلاتهم، وصيامكم مع صيامهم وعملكم مع عملهم يقرءون القرآن لا يجاوز حناجرهم يمرقون من الدين كما يمرق السهم من الرمية الحديث (رواه البخاري ومسلم) واللفظ للبخاري xadiithkan ay weriyeen Bukhaaari iyo Muslim wuxuu Rasuulku CSWS ku caddeeyey in dadka bidcda ihi ay ddka k salaad badanyihiin, ka soom badanyihiin, ka camal fal badanyihiin, Quraankay aqrinayaan haddana anu kalxanyaha dhaafeyn uunadiinku ug baxayo sida gamuunku uga baxo meesha lagu gano. sababta aan bidcdaas ooga aqbalayn quraanka salaadda iyo soomka iyo camal oo dhan waxay tahay ayey diinta islamku leedahay caqiidadooda oo xun iyo diinta oo ay u fairayaan si qaldn يقرؤون القران و يقو لون من قول خير البرية و لا يجا وز إ يما نهم حناجر هم يمرقون من الدين كما يمر ق السهم من الرمية

 

Rasuulka CSWS kuma sheegin bidcada keliya in aan laga yeelayn quranka iyo axaadithta maadaama caqiddadoodu xuntahay wuxuu ku shegay in lacnaddii Ilahay ku dheceyso waayo waxay ka leexdiin dariiqii saxda ah ee diinta lagu fasiray. Sidaas waxaan ku soo ogaannay axaadiithtii saxiixa ahayd ee bukhaari iyo muslim weriyeen. Haddaba marka culammadii hore iyo xarakooyinka gadaal ka yimi la weydiinayo labadinna yaaa ahlu sunna wal-jamaca ah waxaa la weydiinayaa qoladiinnii hore mad’habka aad haysataan ee shaaficiyada mad’habka caqiiddadiinna ee ashcariya iyo dariiqadinna suufiyada soo caddeeya inay ahlu-sunna wal-jamaaca yihiin.

 

Xarakooyinka kalena waxaa la weydiinayaa mad’habka aaad haysataan ee maxammed cabdul wahaab ee wahaabiyada soo caddeya inuu ahlu sunna wal-jamaaca yahay , labada qaybood qaybtii inkirta dariiqada iyo mad’habteeda waxaa la ogaanayaa inay baadil qarinayso oo ay bidca tahay. Annagu waxaan ka jawaaabaynaa su’’aashaas wahaabiyadana waxaaan ka sugaynaa inay ka soo jawaabaan si xaqiiqadu u caddato. ليهلك من هلك عن بينة ويحيي من حي عن بينة hadda qofka si loo ogado inuu ka soo jeedo dariiq xaq ah Mad’habta ama Dariiqada Ama Jamaacada uu sheeganayo waa inay tahay:- ★ Magac Madaraso Diineed; oo anay ahayn magac layskala baxay. ★ Waa in madarasadaas ku abtirsataa Imaam Salafu Saalix ah. ★ Waa in Imamkas Sanadkiisu tixan yahay Ilaa Rasuulka (CSWS). ★ Waa in xaqnimada Imaamkaas sugeen imaamyaalka Salafu-saalixu. Waxaa nasiib wanaag ah in culammadii hore iyo ummadda Soomaaliyeed eee aan weli la duufsan uu Ilaahay (SW) ka yeelay mid buuxisay shuruudaha kor ku qoran; tusaale haddii aan u soo qaadanno abtiriska ummadda Soomaaliyeed ee dhinaca diintu waa sidatan:- ♖ Dhanka Mah-habta: Magaca mad-habteedu waa SHAAFICIYA. Iimaamka madhabta ummadda Soomaaliyeed waa iimaam Shaafici oo xaqnimada Iimaam-nimadiisa la islku raacay xilligii Salafu-Saalixa, kana mid ahaa culumadii Salafka ee Sanadkoodu tixan yahay ilaa Rasuulka (CSWS). ♖ Dhanka Caqiiqada: Waa Ahlu-sunna Wal-jamaaca, oo Ashcariya ah.

 

Magaca Imaamkeeda Caqiidada waa imaam Abul Xasan Al-Ash-cari, oo xaqnimada Iimaam-nimadiisa la islku raacay kana mid ahaa culumadii Salafka ee Sanadkoodu tixan yahay ilaa Rasuulka (CSWS). إن عقيدته إجتمع عليها الشافعية والمالكية والحنفيةوفضلاء الحنابلة ♖ Dhanka Tasawufka: Waa Suufiya Ahlu Dariiqa ah. Magaca Iimaamkeeda Tasawufka waa iimaam Abul Qaasim Al-Junaydi oo xaqnimada Imaam-nimadiisa la isku raacay xilligii Salafu-saalixa, kana mid ahaa culumadii Salafka ee Sanadkoodu tixan yahay ilaa Rasuulka (CSWS). Qaybahaan sare ee Abtiriska diineed ee ummadda Soomaaliyeed, aan xoogaa faallo intaas ka baahsan ka bixinno, si aan u helo faham ka ballaaran inta sare ku xusan ee aadka u kooban. inshaa’allaah Waxaan uga faaloon doonaa sida ay u kala horreeyaan. Waa socotaa …… Wabilaahi Tawfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this