Sign in to follow this  
Showqi

Aawey Maaddeey

Recommended Posts

Showqi   

Waryaa Maaddeey barigii aynu Xamar joogney ee aanu caruurta ahayn Waraabaha iska daayee xitaa Eri-Carbeedka aka Cali Uraaye lama cuni jirin adigana hadda ayaad noola timid Waraabaha waa xalaal ee ha la cunno. Waliba markasaad dooneysaa in ay dadku qiimo aan macquul aheyn ku iibsadaan!!! Balaayo Sikareetka kaa xaday:D

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Showqi -Cali uraaye waa ka xanaaqay saaxiib.... War xaggee hilib waraabe ka helaa it must be the hottest dish in the corner.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Meeshii aan uga halay tag, ee ka hadal. why the need to open a new thread with my name, thread-kiiba lacagaa laysku siinaa maa la yiri. Teeda kale, wax aanan dhihin hayga sheegin, warkana ka marin habaabin, haddaadan dagaal rabin!. Intaan kaa cabsanaayo aa u maleysay inaad iga adagtahay!.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^:D iska celi

Seriously, I felt sick when i have seen some pple eating Waraabe but then I have listened to Shk Umal saying is Halaal with a saxiix xadiith so I had accepted like Samicnaa wa adhacnaa but i wouldn't eat it myslef.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maaddeey;857337 wrote:
Meeshii aan uga halay tag, ee ka hadal. why the need to open a new thread with my name, thread-kiiba lacagaa laysku siinaa maa la yiri. Teeda kale, wax aanan dhihin hayga sheegin, warkana ka marin habaabin, haddaadan dagaal rabin!. Intaan kaa cabsanaayo aa u maleysay inaad iga adagtahay!.

Maaddeey, Waraabaha hala cunno si toos ah umaad odhanin, laakiin waxaad tidhi Waraabuhu waa xalaal. Cunitaankiisuna waa u barasho oo hadii aad u baranlahaydeen! markaa halkaa waxaan ka dhadhansaday in aad Bahalka nagu khasbeyso. Raali ahow hadaan si xun wax u fahmay;)

Share this post

Link to post
Share on other sites

Macallinka;857339 wrote:
^
:D
iska celi

Seriously, I felt sick when i have seen some pple eating Waraabe but then I have listened to Shk Umal saying is Halaal with a saxiix xadiith so I had accepted like Samicnaa wa adhacnaa but i wouldn't eat it myslef.

Duqa, hilibka doonfaarkaba iyo xoolaha baqtiyo xalaal ayee noqdaan markee baahi iyo macluul timaato. Laakiinse uma maleeyi any Soomaali inay cuni lahaayeen. Dhaqan ayaa jiro.

Teeda kale Umul wuxuu yiri wadaadadeenii hore wey ka hadleen, oo waxeena go'aansadeen kan ay Carabta cunaan inuunan ahayn dhurwaaga noolaha cuno, yahay kan kaliya cuno dhirta iyo anyaxa. Waa culumadeena la yaqaanay soo jiritaanka ahaa go'aan ku gaareen maadaama dhurwaaga iyo waraabaha Soomaaliya joogo yahay mid dadka cuno.

Hadda sheekhyo Sacuudiyeed iyo kuwa dabaraacaba iima xalaaleysiinaayo mid aynan awalba xalaaleysiinin culumadeena hore.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;857380 wrote:

MMA sheekh Umul wuxuu yiri sidaan:

Kutubteena Fiqiga ugub kuma aha oo Minhaajka iyo kutubta ka hooseysa waa ku taallaa, balse culumadeenna ayaa si kale u fasirtay oo yiri {waraabaha waa midka aan dhulkeena joogin waana midka nacaska ah ee dhulka carabaha jooga ee aan xoolaha cunin} ayay ku sheegi jireen,
wax diidayana ma jiro
, kutubta Imaamu Shaaficina waa ku taallaa. Mutjamaceenana waxa aysan u cuni jirin culumada ayaa tafsiirkaas siisay, haddana baahi ayaaba jirta oo dadka waxay mararka qaar gaarayaan xilligii bakhtiga u bannaanaa”ayuu yiri Shiikh Umal oo caddeeyay in w
arka guntiisa iyo gunaanadkiisa uu yahay in cunista hilibka waraabaha ama dhurwaaga uu bannaan yahay
.

Yacni culumadeena ayaa go'aansaday inay saas u fasirtaan ee wax diinta ku salaysan ma'aha. Run ahaantii markii hore warkaan aad baan uga naxay oo ku lablabooday laakiin hadii daliil saxiix ah ay timaado fikirkaada iyo sida ay adigu kuula muuqato dariishada ayay kabaxayaan. Sidaa daraadeed anigu hadaan arko qof dhurwaa cunaayo xaraam waaye ku oran maayo ilaa aan daliil kaduwan ten meesha uu sheekhu keenay oo culumo ka waawayn ay isku raacaan inuu xaraam yahay.

Laakiin anigu macuni lahayn !

Share this post

Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Showqi;857274 wrote:
Waryaa
Maaddeey
barigii aynu Xamar joogney ee aanu caruurta ahayn Waraabaha iska daayee xitaa Eri-Carbeedka aka Cali Uraaye lama cuni jirin
adigana hadda ayaad noola timid Waraabaha waa xalaal ee ha la cunno.
Waliba markasaad dooneysaa in ay dadku qiimo aan macquul aheyn ku iibsadaan!!! Balaayo Sikareetka kaa xaday:D

ku aaway waryaa, maxaad ku leedahay meeshan?, wejigaaga cusub waakan aakhirka Ramadaanta soo baxay!

Share this post

Link to post
Share on other sites

Macalinka, hadalkaan ku jiro hadalkiisa igu filan:

"Balse culumadeenna ayaa si kale u fasirtay oo yiri, "Waraabaha waa midka aan dhulkeena joogin waana midka nacaska ah ee dhulka Carabaha jooga ee aan xoolaha cunin," ayay ku sheegi jireen..."

Wadaadadeena hore si kale uma fasiran ee si saxsan u micneysteen, iyagaana aaminsanahay boqolaal sano ka horeeye Umul iyo Barbaarta maanta socoto dadkeena jahwareer ku riday.

Share this post

Link to post
Share on other sites

MMA hada wadaadadeeni hore waxay raacsanaayeen Madhabka Shaafici, madhabkaasna wuxuu qabaa in Dhurwaaga (lol magaca aa idilay) la cuni karo marka culumadeeno fasirka jeebkooda kalama soo bixi karaan waa inay meel ku tiiriyaan .

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this