Sign in to follow this  
Aaliyyah

Guddida Farsamada Xulista Baarlamaanka Oo Sheegay Inay Maanta Shaacinayaan Liiska Xildhibaannada-

Recommended Posts

Aaliyyah   

Lasanod Online. Tuesday, August 14, 2012

 

Muqdisho,(Lasanod ONline)- Guddida farsamada ee xulista baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan magacyada 150 xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka gudbeen baadhitaankii lagu sameeyey.

 

Mas'uuliyiin ka tirsan guddida ayaa sheegay in laga yaabo in maanta magacyada xubnaha la hayo lagu dhawaaqo, waxayna xuseen in xildhibaannada dhiman oo qaar kamid ah dib loo celiyay lagu soo dhameystiro doono labada maalmood ee soo socda.

 

Inkastoo guddidu ay hadalkan maanta sheegeen ayaa waxaa haddana weli jira muran xooggan oo u dhexeeya beelaha, kaasoo ku saabsan xubnaha xildhibaannada ah ee dib loo celiyay iyo kuwo ku andacoonaya in boosaskoodii la boobay.

 

Xildhibaannada la hayo ayaa waxaa ku jira wasiirro iyo xildhibaanno horay uga mid ahaa baarlamaannadii dalka soo maray, waxayna guddidu sheegeen in baaritaan lagu sameeyay ay ku guuleysteen, sidoo kalena aysan wax cillad ah oo ay u hayaan.

 

Guddida xallinta khilaafaadka ayaa iyaguna sheegay inay soo gaarayaan dacwooyin ku saabsan boosas xildhibaan oo lagu muransan yahay, iyagoo sheegay inay ku jiraan qorshihii ay ku xallin lahaayeen, inkastoo aysan sheegin xilliga ay kusoo afjari karaan xallinta khilaafaadyada taagan.

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this