Sign in to follow this  
Che -Guevara

Same Story, Just Different Day

Recommended Posts

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday kulamo illaa caawa ka socday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada

Muqdisho oo ku saabsanaa xil ka qaadis madaxweyne Shariif uu qorsheynayo inuu ku sameeyo raysul wasaaraha KMG ah C/weli Maxamed Cali Gaas oo khilaafkii ugu adkaa uu soo kala dhex galay.

 

Kulamadan ayaa bilawday caawa ka dib markii madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed uu ku sigtay inuu xilka ka qaado raysul wasaaraha uuna kala diro xukuumadda si uu u dhiso xukuumad shaqada sii wada mudo ku siman 12 casho oo ka harsan waqtiga doorashada. Waxaana kulamada qeyb ka ahaa Wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay Danjire Augustine Mahiga iyo ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika Danjire Wafulu Wmunyinyi oo si dhexdhexaadin ah u soo galay arinta kadib markii madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay isku maandhaafeen arinta shaqo ka degida raysul wasaaraha.

 

Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweynuhu soo jeediyey in mar hadduu raysul wasaaruhu isa sharaxay oo uu cadeeyay inuu musharax madaxweyne yahay looga baahan yahay inuu xilka baneeyo si uu tartanka doorashada waqti ugu helo, isla markaana hawsha fulinta ee dawlada looga dhex saaro loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho. Waxaa xusid musan in labadii qoraal ee tubta qariirada “ROADMAP” ee lagu sameeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ay sheegayaan in musharixiinta dawlada ay ka degayaan xilka haddii ay rabaan inay “isu sharaxaan tartanka ka hor waqtiga doorashada” waxaana qodobkan uu ka mid yahay qodobada uu illaa hadda ku doodayo Sheekh Shariif.

 

Iscasilaada raysul wasaaraha waxaa sharciyan ku xiga xukuumadda oo dhacaysa, sidaasi darteedna waxay ka dhigan tahay in madaxweynuhu magacaabo wasiiro cusub oo shaqada dawlada wada iyadoo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ay yeelanayaan awooda fulinta.

 

Sidoo kale waxaa la rajeynayaa in saacadaha soo socda madaxweynuhu ku dhawaaqo kala dirista baarlamaankii hore ee u kala qeybsanaa Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow si fursad loogu helo sameynta baarlamaanka cusub ee hadda xulidiisa lagu guda jiro. Waxaana sharci ahaan ay tahay in baarlamaankii hore meesha ka baxo kahor intaan baarlamaanka cusub uusan fadhiisan sida Raxanreeb u sheegeen dad sharci yaqaan ah.

 

Xuseen Carab oo loo yeeray

 

Kulamada ka socday madaxtooyada waxaa fiidkii ku soo biiray raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise oo sida la sheegay laga codsaday inuu isaga la wareego xilka xafiiska wasiirka koowaad, waxaana C/weli Gaas laga codsaday inuu saacadaha soo socda isku casilo uuna toos ololihiida uga qeygalo. Xuseen Carab Ciise waxaa lagu dooranayaa labo arimoodoo waqtigan muhim ah; waa marka koowaade waa nin aad ugu dhow madaxweynaha iyo inuu yahay raysul wasaare ku xigeenka koowaad oo qaban kara xilka raysul wasaaraha haddii dani ay keento.

 

Warar Raxanreeb ka heshay xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas ayaa sheegaya in C/weli uu qabo in madaxweynaha iyo raysul wasaarahaba ay xilka ka wada degaan oo labaduba isla DHACAAN, maadaama madaxweynaha laftiisa uu musharax yahay, laakiin waxay dooda ka joogtaa in madaxweynaha uusan lahayn “ku xigeen”uu shaqada ku wareejiyo iyo in madaxweynuhu uusan toos ugu lug lahayn shaqada fulinta ee xukuumadda halka raysul wasaaruhu uu yahay kan gacanta ku haya hawl maalmeedka dawlada ee joogtada ah sidaa darteedna qof musharax ah ay dhici karto inuu xafiisyada dawlada uga faa’ideysto danihiisa gaarka ah.

 

Wasiirada xukuumada oo markii horaba u kala qeybsanaa Aala Sheekh iyo xulufada raysul wasaaraha ayaa haddana arintan ku kala qeybsan. Waxaana wasiirada qaar illaa caawa ay la joogeen raysul wasaaraha oo ay ku tirtirsiinayaan in mar haddii uu raysul wasaaraha meesha ka baxayo isaguna [C/weli] uu galaafto WADAADKA madaxweynaha ah oo ay isla dhacaan halka wasiirada qaarkoodna caawa ay ka afureen xafiiska Sheekh Shariif iyagoo aad ula dhacsan in shaqada laga fariisiyo raysul wasaaraha.

 

Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxay ku taliyeen in kala durista baarlamaankii hore iyo shaqo ka casilida raysul wasaaraha laga dhigo maalmaha ugu dambeeya ee ka horeeya doorashada si waqtiga ka horeeya loo sii wado shaqadii dawlada oo ay masuul ka yihiin agaasimayaasha wasaaradaha, taladaasi oo aan la ogeyn in Sheekh Shariif uu aqbalsan yahay iyo in kale. Waxaana la rajeynayaa in saacadaha soo socda madaxweynuhu qaato go’aan rasmi ah oo ku aadan raysul wasaaraha iyo xukuumadda.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Bit simplistic but overall indeed you are right, it's a very similar case, where is Gacmadheere anyway he had some potential..

 

Why doesn't he just sit it out like the legend did and just let the forces that are be! We will wait for Sharif Sakiin's move, that's where the power is today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

shirii-Sharmaake.jpg

 

Madaxweynaha iyo Xukuumadii Cumar Cabdirashiid.

 

16 May, 2010 Madaxweyne Sh. Shiriif wuxuu ku dhawaaqay inuu kala diray Xukuumadii Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali talabadaas oo si weyn uu uga horyimi Raysal wasaaruhu isagoo ku dooday in aan Madaxweynuhu xaq u lahayn inuu xilka ka qaado dhego adaygaas oo dhaxal siiyey Madaxweyne Shiriif inuu dib uga laabto go’aankiisaa 20, May kadib markii uu la tashaday khuburo dhinaca sharciga ah sida lagu sheegay warsaxaafadeed Madaxweynuhu kaga laabtay go’aankaas.

 

Madaxweyne Shiriif ma kala diri karaa Xukuumada Gaas.

 

Sida uu dhigayo Axdiga Ku meel gaarka ah Madaxweynuhu uma laha awood inuu xilka ka qaado Raysal Wasaaraha ama uu kala diro Xukuumadiisa wadada keliya ee loo mari karo in xilka qaadis lagu sameeyo Raysal Wasaraaha waa aqalka Baarlamaanka ama in 2/3 Xubnaha Golaha Wasiiradu is casilaan, marka ay Xukuumadu noqoto mid gudan weyda waajibaadkeeda shaqo xubno ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanku waxay mooshin faahfaahsan qeexayana eedaymaha ka dhanka ah u gudbinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanku marka uu helo Mooshinkaas wuxuu qoraal u qorayaa Xukuumada si ay u hortimaado Baarlamaanka isagana difaacdo eedaha loo haysto markaas kadib waxaa Xukuumadda loo qaadayaa codka Kalsoonida hadii ay isku racaan 2/3 ama 67% xubnaha Baarlamaanku in Xukuumadu ka soo bixi weyday shaqadeedii ayna ku guuldaraysato inay ka hesho codka Kalsoonida sidaa ayey ku dhacaysaa Madaxweynuhuna wuxuu xaq u leeyahay inuu soo Magcaabo Raysal Wasaare cusub kaas oo hadii uu helo Kalsoonida Baarlamaanka sidaa ku so dhisaya Xukuumad cusub .

 

Heshiiskii Kampala.

 

Heshiiskii Kampala ay ku wada gaareen Madaxweyne Sh. Shiriif & Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiriif Xasan wuxuu dhigayey mudada 1 sano ee loogu daray Dowladda in aan wax mooshin ah laga keeni karin sadexda Masuul ee u saraysa Dalka Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka & Raysal Wasaaraha .

 

Axdiga Ku meel gaarka ah & Heshiiskii Kampala labaduba waxay ka hor imanayaan isku dayga Madaxweynuhu ku doonayo inuu ku kala diro Xukuumadda hadii uu jir isku daygaasi waxaa iyana aan suurtagal ka dhigi karin isku dayga Madaxweynaha mudada kooban ee ka hartay mandate kiisa, Marxalada kala guurka & Baarlamaankii oo ah mid aan shaqaynayn.

 

Shiine Culay

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It is all part of the frustration by the TFG's top leaders, it is now getting closer to what I said Weeks ago if not months, that they all are going to go; another similar ending.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think Clinton gave them the marching orders and unlike, Yeey and Nur Adde, I think these guys have been threatened with sanctions should they make any trouble and disrupt the process.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

shariif wil be a spoiler. he is really desperate now. eedo clinton is watching his suicide behavior. it would be nice if Arab got a resume booster PM title cuz he can tell his grand kids he was Prime minister of Somalia for 10 days. Lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

What does it matter? There are 12 days until the election & Shatif is sounding ever the more confused. Though to be honest most of this is speculation. Abdiweli has declared his candidacy after the Clinton meeting which is telling...

Share this post


Link to post
Share on other sites

AsadSL;855714 wrote:
He wont become president now run and tell that..

That is what many where saying in 2004 with yey. Now run and search that...:D same story different day...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Homunculus;855722 wrote:
Somais love to be contrarians. Somalia is approaching escape velocity and you still find some people trying to slow things down.

Horumarka canaanyo baan ka qaadnaa hadaanu nahay qolooyinka siyaasada Soomaaliya ku mashquulsan.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this