Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaglatoosiye Delegation Arrive in Oog to meet Somaliland Officials

Recommended Posts

Oog(Waaheen) Wefti uu hogaaminayo Xaglo toosiye oo wata 10 baabuur isla markaana ka kooban lixdan xubnood ayaa goor dhaweyd oo Habeenimo ah soo gaadhay magaaladda Oog.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Wasiiradda loo xilsaaray soo dhaweynta iyo wadahadalada kooxdaasi ayaa Waaheen u sheegay inay weftigaasi si nabad ah u soo gaadheen Oog imikana ay Casho wada leeyihiin.

 

Wasiir Samaale waxa uu sheegay inay isla Caawaba u soo baxayaan dhinaca Burco halkaas oo ay weftigu ku nasan doonaan, isagoo intaas raaciyay berry inay labada dhinac wadahadal toos ah ku yeelan doonaan Burco wixii ka danbeeyana ay Hargeysa u soo kicitimi doonaan.

 

Soo dhaweynta weftiga ayaa qaadatay hawl aad u culus oo tan iyo saaka qaadatay, waxaana caawa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Oog, halkaas oo loogu sii diyaariyay Casho.

 

Imaatinka Xagla Toosiye ayay Xukuumadda Somaliland u aragtaa wakhtigan Guul maadaama oo loo baahan yahay in wadahadal la galo si loo soo af-jaro Colaada iyo khilaafka ka dhex aloosnaa Somaliland iyo Beelaha Gobolka Sool iyo Sanaag Barri.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa doraad Wasiiru Dawle u magacaabay mid ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha Buuhoodle iyo Laascaanood, kaasoo dhawaan si la mid ah sida Xagla toosiye loo soo Xero galiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland needs a strong man with a strong support in Buuhoodle similar to Xaabsade who it can use as a cover for any military move. Could Xaglo be that man?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ What happened to the mighty "Ciidankii Qaranka".. They couldn't the job?

 

Let me tell you exactly S/L needs, "Leave the towns and their people alone".. You will be all safe and others will be safe as well. How difficult is that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xagla-Toosiye iyo Wefdigiisii oo soo Gaadhay Hargeysa

 

 

Hargeysa(ANN)Ergo gaadhay ilaa 70 qof oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyihii kooxdii SSC ee dagaalada kula jiray Somaliland dhinaca deegaanka Buuhoodle Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa caawa soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay heshiis nabadeed

 

hordhac ah isla gaadheen shalay wefti xukuumaddu u dirtay oo ay kulan ku yeesheen degmada Oog.

 

Wefdiga Ergada ka socda deegaanka Buuhoodle oo kooban madax-dhaqameed, cuqaal, dhalinyaro iyo xubno ka mid ah qurbo-jooga deegaamadaa ee sida weyn u taageeri jiray kooxda SSC , waxa hogaaminaya Saleebaan Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay soo ajiibeen baaqii iyo gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland u fidiyay waxgaradka deegaamadda Sool iyo Buuhoodle ee ay sanadii u danbeeyay ka taagnayd colaada soo noq-noqonaysay, isla markaana sababtay khaasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba.

 

Md. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka hadlay kulamadii ay yeesheen weftigii Wasiirrada xukuumadda ka hor intii aanay Hargeysa soo gaadhin wuxuu yidhi, “Wasiirradii waxaanu yeelanay kulan runtii qiimo baddan, anaga oo ah ergada ka timi Buuhoodle iyo weftigii xukuuumada ee wasiirrada ka koobnaa, kulankaasi wuxuu ku dhamaadey guul iyo is afgarasho waxaanuna ka wada hadalney nabad iyo sidii loo soo afjari lahaa colaada ee xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka iyo coladihii soo noqnoqonayay ee ka jirey deganadaas.”

 

Hase yeeshee Dr. Xagla-toosiye, wuxuu xusay inay kulan ay dhowaan ku wada yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sifeeyay masuul ay ka go’an tahay nabaddu ay soo ajiibeen, , isagoo yidhi, “Kulankiina guul ayuu ku dhamaadey nabad ayaanu isla qaadanay, sida qodobad nabada u kala horeynayaan iyo waxay yihiinba waxaanu ku sheegi doona hadii Alle idmo fadhiyadayada dambe oo ah kuwo Insha Allaah si dhkhso ah usoo dhamaanayo. Sida aanu Illaahay ka baryeyno kana rajeyneyno inaan xabad dambe dhici doonin dadkaa walaalaha ah, ehelka ah ee kala maarmi Karin in nabad waarta Illaahay nagu guuleeyo, madaxweynaha Somaliland waa masuul ay nabadu ka go’antahay, waana sababta aan u nimi inaan anaguna nabada qaadano.”ayuu yidhi Siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ku hadlayay magaca weftiga xukuumadda ee soo gelbiyay ergada nabada Buuhoodle, ayaa hadal kooban ka yidhi socdaalka wefdiga xukuumaddu ugu xil saartay inay ka hortagaan ergadaa, isagoo yidhi, “ Sida cad ee muuqateyba waxaanu yeelanay weftigii aadka noogu weynaa ee qiimaha leh ee uu Saleebaan horkacayey kulan hordhac ah oo albaabada u xidhan yihiin oo lagaga tashanaayey guud ahaan shaqaaqadii gobolka Buuhoodle iyo deegaankaaba sidii loo soo afjari lahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

 

Wasiir Duur, isagoo tibaaxaya qodobada laga wadahadlay ee hordhaca ah, wuxuu yidhi, “kulankaasi wuxuu noogu gabo-gaboobay is-afgarad iyo heshiis waxaana laysla gartey labada dhinacba in nabada wax kasta oo ay ku xidhan tahay talaabo kasta oo loo baahdo loo qaado sidii nabad guud loo heli lahaa, is-afgarad iyo wanaag ayey noogu dhamaatey runtii. Talaaboyinka la qaadi doono iyo qaabka wax loo xalindoono arrimaha fadhiyada dambe insha Alla lagu sii lafoguro.”

 

Talaabadan ayaa ka danbaysay kadib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayaa dhowaan dalka Imaraadka Carabta kula kulmeen Saleebaan Xagla-toosiye oo waqtigaa si cad u sheegay inuu qaadanayo nabada ay Somalialnd ku baaqday.

Saleebaan Xagla-toosiye oo ah Dhakhtar u dhashay deegaanka Buuhoodle, isla markaana haysta dhalasho Maraykan ah, wuxuu sanadii u danbeeyay ahaa hogaamiyaha kooxda nabad-diidka ee SSC, wuxuuna dagaalo gaadmo ah kula jiray ciidamada qaranka Somaliland.

Socdaalka isaga iyo wefdigiisa ay ku qaateen in nabad laga dhaliyo deegaanka, isla markaana xal loo helo tabashooyinka abuuray xiisada colaadeed ee deegaankaa, ayaa la rumaysanyahay inay wax ka bedelayso xaaladii ka jirtay deegaankaa, maadaama uu ahaa xubinta ugu mihiimsan kooxda qurbajooga Buuhoodle iyo Sool ee dhaqaalaha ugu baddan ku bixinayay taageerada kooxda SSC, balse waxa jira qaar ka mid ah saaxiibadii oo u baddan qurbajooga deegaankaa iyo siyaasiyiin fara ku tiris ah oo kasoo horjeeda go’aanka uu qaatay Saleebaan xagla-toosiye, kuwaas oo doonaya ama ay suurta galtahay inay manajaxaabiyaan qorashaha la doonayo in lagu soo afjaro xiisadaha colaadeed ee ka taagnaa deegaankaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xagla-toosiye, wuxuu xusay inay kulan ay dhowaan ku wada yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sifeeyay masuul ay ka go’an tahay nabaddu ay soo ajiibeen, , isagoo yidhi, “Kulankiina guul ayuu ku dhamaadey nabad ayaanu isla qaadanay, sida qodobad nabada u kala horeynayaan iyo waxay yihiinba waxaanu ku sheegi doona hadii Alle idmo fadhiyadayada dambe oo ah kuwo Insha Allaah si dhkhso ah usoo dhamaanayo. Sida aanu Illaahay ka baryeyno kana rajeyneyno inaan xabad dambe dhici doonin dadkaa walaalaha ah, ehelka ah ee kala maarmi Karin in nabad waarta Illaahay nagu guuleeyo, madaxweynaha Somaliland waa masuul ay nabadu ka go’antahay, waana sababta aan u nimi inaan anaguna nabada qaadano.”ayuu yidhi Siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

 

Hmmm ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is not by any measure, it is by any means jeebkeyga sidee ku buuxsan karaa. Wax la yiraahdo mabda' iyo aragti adag qofka leeyahay ha sheegin.

 

Laakiin dadka saas ah ani mala yaabi waa iska daneystee. Dadka dabataagan oo difaaco, difooso u ah la yaabaa. Kuwii shalay dayaacadeynaaye ayaa maanta buunbuuninooyo, kuwii shalay buunbuuninaaye maanta dacaayad la daba taagan. Beri labadaan (ama waaba sadex) kooxdoodba wey isla dacaayadeen doonaan yaa og hee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this