Sign in to follow this  
Liibaan

Warlord Faroole Interference In KHaatumo State Affairs

Recommended Posts

Liibaan   

KHaatumo-2012.jpg

 

Warlord Faroole Interference In KHaatumo State Affairs

Lasanod Online. Sunday, August 05, 2012

 

 

 

 

Press Release:-

 

It has come to the attention of the Khaatumo Forum for Foreign Affairs that the President of Puntland, Mr Abdirahman Faroole, is casting himself, not uncharacteristically for the first time, as the self-appointed overall arbiter of the affairs of the Khaatumo people, even if they belong to a different clan, region and have their own TFG -recognised state of Somalia. Much as it is incomprehensible, what Mr Farole is demanding is something akin to a presidential prerogative to choose, through his agents, some of the MPs for the Khatumo State of Somalia and thereby press his absurd claim that the SSC regions are part of his Puntland fiefdom.

 

Needless to say, what Mr. Faroole is doing, and again not for the first time, is to blatantly ride roughshod over the on-going due selection process which is in the hands not of politicians but traditional leaders duly selected by their communities. In this regard, the selected Khatumo traditional leaders, enjoying the full endorsement of their people at every level, including the Diaspora, had been among the first to take their place at the deliberations taking place in Mogadishu and had received praise for their positive contribution to the progress of the proceedings by arbitrating or resolving disputes that arose among other traditional leaders regarding the distribution of parliamentary seats.

 

This eleventh- hour intervention from Presdient Faroole, to impose his illegitimate demand, through whatever backdoor, on other Somali clans and regions, for which he has no business, amounts to political warlordism of the past which has no place in the current process where what counts is the free will of the people and their rights to choose their parliamentary representatives through their chosen traditional leaders. If President Faroole were to be allowed to have his illegitimate way, which is blatantly contrary to the whole bases for the selection of clan MPs, it would have serious consequences for the legitimacy and credibility of the whole process. Its victim will not only be the denial of the inalienable rights of the Khatumo people to choose their MPs through their chosen traditional leaders but the whole process for which your office and the international community had invested so much. Typically, a Pandora box will be opened as other leaders or groups exploit this precedent and ask for similar prerogatives.

 

Lately, Presidnet faroole has been throwing tantrums, objecting to one aspect or other of the roadmap as the end of the transition approaches. Quite evidently, he is showing trepidation as Somalia enters a new era which he sees it detrimental to his hitherto disproportionate and rarely unquestioned say on Somalia 's affairs and seems determined to have his way to the end even if he has to scuttle the process. He should not be allowed to do this and it is time that you Mr Ambassador, as the SRSG for Somalia , and also the international community told him in no uncertain terms that he should confine himself to his elected role as president of Puntland and mind his own business when it comes to other clans, regions and their internal affairs.

 

 

 

Osman Hassan

KHaatumo Forum for Foreign Affairs,

KHaatumo State Of SOmalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Maamul Goboleedka KHaatumo State Oo Ka Digay Fara Gelin Lagu Hayo Qaabka Loosoo Xulayo Xildhibaanada Kasoo Jeeda Gobolada KHaatumo ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusub

 

 

Mugdisho: Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen masuuliyiin iyo sidoo kale waxgarad aqoonyahano kasoo jeeda deegaanada maamulka Khaatuma State ayaa waxa ay kaga hadleen qaabka looso xulayo xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah xubnaha maanta kulanka yeeshay oo goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in fara gelin cad lagu hayo soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya,islamarkaana ay ka digayaan dhibaato ka dhalata arintaasi,

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed loo madaxbaneeysiiyo qaabka loosoo xulayo baarlamaanka cusub.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cabdi Nuur Cilmi kaasi oo sheegay in faragelinta lagu hayo soo xulista baarlamaanka ay carqaladeynayso hanaanka geedi socodka ee Road-mapka loona baahan yahay in laga digtoonaado waxyaabaha qaar.

Sikastaba ha ahaatee waxaa maalmahan soo baxayay warar sheegaya in faragelin lagu hayo qaabka loosoo xulayo xubnaha baarlamaanka cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DSCN2120_1.jpg

Mogadishu, Somalia

 

 

 

Golaha Sare Maamul Goboleedka KHaatumo State oo Dowlada Soomaaliya Iyo Beesha Calamkana Codsi Udiray, Sidoo Kalana Oo Digniin Udiray Faroole Inuu Faraha Kala Baxo Arrimaha Gobolada KHaatumo

 

Masuulinta Maamulka Khaatumo Ee ku Sugan Maglada Muqdisho ayaa Codsi Ujeedieyy Beesha Calamka Taasi ku Adan inuu faroole faraha kala baxo arimaha Khaatumo isla markaasina talaabo ak qadaan.

 

Madaxda Maamulka G10-ka Ee maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya ayaa waxay Kulan ay ku yesheen Magaalada Muqdisho ee casimada Dalka Soomaaliya ay ka Codsadeen Xafiiska QM ee Arimaha Soomaaliya Ee muqdisho.

 

Kulan kani Oo ay Goob Joog Ka ahayeen madaxda maamulkha khaatumo Ee Ku sugan magalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen Inuu faroole Doonayo inuu Buburiyo dastuurka iyo Dowlada,waxayna Dignin Adag Udireen Inuu faroole arimaha maamulka khaatumo faraha kala baxo.

 

Kulan kani Ayaa waxa Ku Sugnaa madaxweynaha 3-aad ee mamaulka khaatumo Cabdi Nuur Bindhe Qaaje iyo masuulinta G10-ka Ee mamulka khaatumo iyagoona sheegay inuu Horgale Faroole Doonayo Inuu Cur yaamiyo Horu marka Dastuurka Iyo doorashoyinka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

shir1.jpg

 

 

Sheekh Shariif Wuxuu Taageero Weyn Ka Heystaa Xildhibaanada Reer KHaatumo ee La Filayo Inay Baarlamaanka Cusub ee Soo Galaan

 

RBC Radio Raxanreeb: Maxaa La Isku Qabtay???

 

 

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo saaka si caro leh kaga soo baxay shir ay magaalada Nairobi ku lahaayeen kooxda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka oo socday illaa xalay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa goordhow markii uu ka soo degay garoonka magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay taageerayaashiisa oo caleemo qoyan iyo calamo lulayey kuwaasoo kaga hortagay qeybta VIP-da ee garoonka.

 

Wariyaha Raxanreeb oo garoonka ku sugan ayaa soo sheegaya in madaxweynaha uu la hadli doono warbaahinta ka hor intaan loo kexeynin xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Maxaa la isku qabtay??

 

Kadib shirkii kooxda saxiixayaasha ay la yeesheen shalay xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa kooxda saxiixayaasha oo ka kooban lixda nin ee kala ah Sheekh Shariif, C/weli Gaas, Shariif Xasan, C/raxmaan Faroole, Maxamed Axmed Caalin iyo C/qaadir Macalin Nuur waxay shir albaabada ay u sxuirteen ku lahaayeen hotel ku yaalla magaalada Nairobi.

 

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen.

 

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada Beesha KHaatumo ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday. Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole.

 

Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday. Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!.

 

Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.

 

Madasha shirka ee Nairobi waxaa haatan isugu haray shanta kale ee saxiixayaasha oo uu wehlinayo Mahiga inkastoo wararka ay sheegayaan in Mahiga uu Muqdisho ku soo fool leeyahay si uu markale ula kulmo Sheekh Shariif.

 

Waa khilaafkii ugu adkaa ee soo kala dhexgala lixda saxiixayaasha siyaasadda Soomaalida waqtigan horbooda waxayna arintan timid xilli kaliya 15 casho ay ka harsan tahay doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka.

 

 

 

La soco Faahfaahin kale

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

walaalkis;854669 wrote:
Faroole doing what he does, the guy is doing what's the interest of puntland rather than what's the interest of Somali

people.

He's the president of......... PUNTLAND! Wow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Kulaha arimaha khaatumo hala igala tashado..oo muxu yahay marka lagala tashanayo arimaha maamul kale. Odeyga Faroole la dhoho once and for all waa in dhinac la iska mariyaa, hadaladiisa mala yacniga ah khaati baa laga jooga.

 

Taleexi, hopefully that will happen haday qof caqli leh kursiga u dhiibtaan oo arimaha dadka kale kusoo xad gudbin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aaliyyah;854786 wrote:
Kulaha arimaha khaatumo hala igala tashado..oo muxu yahay marka lagala tashanayo arimaha maamul kale. Odeyga Faroole la dhoho once and for all waa in dhinac la iska mariyaa, hadaladiisa mala yacniga ah khaati baa laga jooga.

 

Taleexi, hopefully that will happen haday qof caqli leh kursiga u dhiibtaan oo arimaha dadka kale kusoo xad gudbin.

Loool....Reer Khaatumo.....Faroole oo Olympic-ga in lagala tashan waayey Amin Amin uu ku dacaayadeeyey, oo Somalia iyo Somaliland shirkoodii ka xanaaqay miyaa u daahaya Khaatumo oo ay weli la joogaan rag iyo dumar degaanka ka soo jeedaahi?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ LOL waan arkay sawirka amiin uu ka sawiray, walee odeygaas wuu la helay. Runtii laakin waa in odeyga la iska reeba, Taas baa iga talo ah, hadii kale edab daradan uu buu wadaya. Inta yar ee wali la joogtana waa shakhsiyaal reer khaatumo matalin oo naftooda mesha u joooga. Shaksina meshuu rabo wuu is geen kara, taasi somaali oo dhan ka dhacdaa ma aha mid reer khaatumo u gaar ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Insha Allah Aaliyahh, iska sug beryahan, horta Sharif Axmed baa loo dhammaynayaa, then Sharif Hassan; madaxweynaha halla hordoorto intaan guddoomiye Baarlmaan la dooran ku lahaa, muxuu is moodey? then Faroole, isaga markii Madaxweynaha soo socda iyo wasiirada la dhiso arag, hadda musharrax ma ahan oo wax dhib ah ma hayaan.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

413-300x225.jpg

 

Golaha Sare Dhaqanka Ee Maamulka Khaatumo State Oo Eedayn Usoo Jeediyay Maamulka Puntland

 

 

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Qaar kamid ah Madaxda Iyo Odayaasha Dhaqanka Ee mamulka Khaatumo Magaalada Moqdisho ayay kaga Hadlayeeen fara galin la sheegay in madax waynaha maamulka puntland Faroole uu fara galin ku hayo Sooxulida Xubnaha uga qayb galaya maamulka khaatumo xildhibanada dawlada soomaliya

 

Kulankaas oo ay ka sooqayb galeen masuuliyiin aad utiro badan oo isugu jira Golaha G10 Golaha madax tooyada Golaha dhaqan iyo xubno wasiiro inadhawalaba kusugnaa magaalada moqdho ee caasimada dalak Somaliya

 

Ugu horayn Waxaa kulankaasi kahadlay Garaad Jaamac garaad Ismacaiil oo kamid ah odayaasha dhaqanka Ee maamulka khaatumo waxa uu ugu horayn caalamka ugu baaqay inay ilgaara ku eegaan fara galinta ba,an ee faroole ku hayo Sooxulida Xildhibadanada Beesha islamrkaan ay xor uyihiin iyaga aanayna udulqadanayn cidkasto oo fara galin kusamaysa

 

Sidoo kale waxaa iyaguna Gobtaas ka hadlay Ugaas cabdilaahi Ciise iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo iyaguna kahadlay arinta fara galinta iyagoo sheegay in dastuurka ay ku qoran tahay ina odayaasha dhaqanka ay iagu xor u yihiin cida ay beesha umatalaysa ay iyagu awood u leeyihiin inay soo xulaan.

 

Ugu dambayntii waxaa kulankaas soo afmeeray Madaxwayne Cabdi Nuur Biindhe oo isagu kamid ah golaha madah Tooyada maamulka khaatumo, isagoo sheegay ka maamul ahaan inaan udul qadanayn faragalinta qaawan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Mahiga oo Sheegay Sababta Keentay Khilaafka Inay Tahay Xulida Xildhibaanada Gobolada KHaatumo State ee Barlamaanka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this