Sign in to follow this  
oba hiloowlow

War deg deg ah: Madaxweyne Shiekh Shariif Sheikh Axmed oo isaga baxay shirka Nairobi

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay shirka saxiixayaasha Road Map-ka uga socday magaalada Muqdisho, iyadoo ay isa soo tarayaan arrimo dhowr ah oo ay isku hayaan madaxda Soomaalida, kaasi oo ku aadan habka dhameystirka xilliga KMG.

 

Wararka ayaa sheegaya in horay madaxda Soomaalida ugu balameen inay ku kulmeen Hotelka uu degan yahay Madaxweynaha, kadib markii Hotel kale oo ay codsadeen qaar ka mid ah saxiixayaasha uu Madaxweynaha ka biya diiday.

 

Madaxweynaha Puntland iyo Ra'iisul Wasaare C/wali ayaa ka soo daahay shirka, ka hor inta uusan Madaxweynaha ka bixin shirka, inkastoo ay jiraan arrimo dhexdooda ahaa oo shalay oo dhan ay hareysay.

 

Arrimaha la hadal haayo ayaa ah habka soo xulida Baarlamaanka oo madaxda saxiixayaasha ay aad isugu hayaan, sidoo kale waxaa la isku hayaa xubinta Ahlusuna ee u saxiixaya xulista Baarlamaanka, iyadoo labo xubin ay kala socdaan.

 

Sidoo kale arrinta kale ee la isku haayo ayaa ah talooyin uu soo jeediyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, kaasoo ahaa in tafaraaruqa ay meesha ka saaraan Madaxda, ayna isku raacaan hal musharax oo ay ku mideysan yihiin, si loo sii wado barnaamijka geedi socodka nabada Soomaaliya.

 

Madaxweyne Shariif ayaa diyaarad ka soo raacay magaalada Nairobi goor dhow, iyadoo uu imninka socdo shirka Saxiixayaasha shanta kale ah, waxaana arrintan durba ay keentay kala qeybsanaan madaxda dowladda soo kala wajahday.

 

Dhinaca kale qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana wadooyinka laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.

 

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Haween xiran hidiaha dhaqan, Mas'uuliyiin iyo saraakiil, waxaana soo dhoweyntan ay tahay mid aad uga duwan soo dhoweyntii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madax waynaha wadanka soomalia sheikh shariif ayaa isaga baxay shir maanta lagu wayday in ay ka wada qayb galan dhamaan saxiixayaasha qariirada nabada taas oo la doonahay in maanta lagu gorfeeyo sidii loo wajihi lahaa doorashada madaxwayna nimada ee lagu wado in wadanka soomaaliya loo qabto.

 

Madaxweyne Sharif ayaa isaga oo xanaqasan ka baxay hoolkii shirka isagoo u duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilmeen dadaalo lagu soo celinayo oo uu waday ergayga qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga.

 

Ilaa iyo hada laga oga sababta ku kaliftay in Madaxweynuhu uu shirka isaga kaco fadhigii shirka iyada oo ay arintani tahay tii oogu horaysay ee uu ku dhaqaaqo madaxwayne shariif tan iyo itnii uu xilka madax tinimada u qabtay wadanka soomalia.

 

Warar hoose oo aanu helayno ayaa qeexaya in ay jirto iyo hadallo isku taag taag khadka taleefanka ku dhamaray madax wayne shariif iyo Abdiwali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole kuwaasi oo sacadihii ugu dambeeyey kulamo gooni gooni ah kul ahaa hotel Magaalada Nairobi Dalka Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole wants to be informed anything concerning Khatumo and their representatives.

 

Shariff Hassan the head of parliment wants the presidential ellection to first take place before the parlimental ellection.

 

Ahlu-Sunnah was being represented by a spokesman instead of Awlibaax who signed the roadmap document on their behalf

 

Sheikh Shariif wants the committee designated to come up with the new parliamentarians dismissed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

oba hiloowlow;854632 wrote:

Dhinaca kale qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana wadooyinka laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.

 

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Haween xiran hidiaha dhaqan, Mas'uuliyiin iyo saraakiil, waxaana soo dhoweyntan ay tahay mid aad uga duwan soo dhoweyntii hore.

Hooyooyinka waxaa laga doonayaa in ay babis iyo birqaab kala hortagaan Sh. Sharariif oo ay diyaarada ku celiyaan:D Sidani si ma'aha he has wasted a trip:o

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka naga soo garaya Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya ayaa waxaay tibaxayaan in manta uu magaladaasi ka dhofay Madaxweynaha Dowlada kmg ah ee Somalia Mudane Sh.Shariif ,madaxweynaha ayaa dhofay ayado uu magaladaasi ka socdo Shirka Saxiixeyaasha Roadmapka ee ay ku kulansanyihiin 6da Saxiixe.

 

 

 

 

Dhofitaanka Madaxweynaha ayaa waxaay ka danbeysay ka dib marki Madaxweyne Shariif uu aad uga caroday marki kursiga Ahlusunna Waljamaca uu ku fadhistay Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo ah Gudomiyaha Ahlusunna ee Gobolada Konfureed.

 

 

Sh Shariif ayaa waxaa uu watay Lataliyihiisa qaas ah a Cabdiqadir Macalin Nuur in uu Wakiilka Ahlusunna ku matalo shirka 6da Saxiixeyaasha Roadmapka Nairobi uga furmayay manta taas oo uu ka biyo diiday Gudomiyaha Ahlusunna Gobolada Konfureed Sh. Aw-libaax oo asagu ahaa Xubinta Ahlusunna u matalaysay Shirarki Roadmapka ee ka kala ahaa Garoowe 1 Galkacyo, Nairobi, Istanbuul, Roma waxaa uu sido kale ka qayb galay Shirarki ka dhacay Copenhegan Adis Ababa Muqdisho iyo Garoowe 2.

 

 

Sh. Maxamed Aw-libax ayaa waxaa uu ugu danbeyn ku fadhistay Kursigi Ahlusunna ay ku lahayd Saxiixeyaasha Roadmapka taas oo ka caraysiisay Sh. Shariif oo Xurguf Siyaasadeed ay kala dhexeyso Aw-libaax waxana taasi ay sababtay in Sh. Shariif iskaga baxo Shirki Saxiixeyaasha Roadmapka.

 

 

Gudomiyaha Ahlusunna Gobolada Konfureed iyo Madaxweyne Shariif ayaa waxaay si weyn ugu kala f******* qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo uu Sh.Maxamed Aw-libaax ku leyahay Sameyn badan ayado sh. shariif arinkaasi usan ku qanacsanayn balse beesha Calamka oo arinkaas danaynaysa ayaa ku qasbay Sh.Shariif in uu saxiixo Aqoonsiga Jubbaland.

 

 

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu sido kala ka bixintaankisa shirka qayb ka aha dalab ka yimid Shariif Xasan kaas oo ah in dorashada madaxweynaha Somalia la soo hormariyo islamarkana la dib dhigo dorashada gudomiyaha barlamanka arinkaas oo caro ku aburay Sh.Shariif.

 

 

Waxaa sido kale Jiray kulamo qaas ah oo ay yeesheen R/wasaare gaas iyo Faroole kuwaas oo ay qayb ka ahayeen xubno ka socda beesha calamka ayadon sh. shariif usan ogeyn ajandaha shirkaasi.

 

 

Arimahaas oo isbirsaday ayaa waxaa ku rixeen sh. shariif in uu iskaga baxo shirka saxiixeyaasha Roadmapka ee ka socday Nairobi.

 

 

Ugu danbeyn waxaa hada sii toos ah uga socda Magaalada Nairobi shirki Saxiixeyaasha Roadmapka ay kulahayeen Hotel ku yaala Nairobi waxana ka qayb galaya R/wasaare gaas Shariif Xasan Sh Adan Madaxweynaha Galmudug Calin Madaxweynaha Puntaland Faroole Wakiilka Ahlusunna Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax iyo Wakiilka UN ka Agoustino Mahiiga.

 

 

Wixi warar ah ee ka soo baxa Shirka manta dib ayaan idinka soo tabin doona Insha alah.

 

 

Nuur M Caynte

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;854636 wrote:
Faroole wants to be informed anything concerning Khatumo and their representatives.

 

Shariff Hassan the head of parliment wants the presidential ellection to first take place before the parlimental ellection.

 

Ahlu-Sunnah was being represented by a spokesman instead of Awlibaax who signed the roadmap document on their behalf

 

Sheikh Shariif wants the committee designated to come up with the new parliamentarians dismissed

Correction

 

Oba, Sharif didn't want Aw-libaax to represent AhluSuna coz they were in disagreement in regards of JubbaLand therefore, Sharif wanted someone else to represent Ahlusuna. And when he saw Aw-libaax plus Sharif Sakin wanted the presidential election before the Parliamentary election wuu carooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

His time is up anyway , maxaa uu sameyn Karaa .Last moment ayuu ogaadey his being played.

Mr Dalxiis knows either way his done . This is just trying to improve his image before his sent away.

 

This is somali politics , "we agree to disagree"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

DSCN2120_1.jpg

Mogadishu, Somalia

 

 

 

RBC Radio Raxanreeb: Maxaa La Isku Qabtay???

 

Sheekh Shariif Wuxuu Taageero Weyn Ka Heystaa Xildhibaanada Reer KHaatumo ee La Filayo Inay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliaya Soo Galaan

 

 

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo saaka si caro leh kaga soo baxay shir ay magaalada Nairobi ku lahaayeen kooxda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka oo socday illaa xalay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa goordhow markii uu ka soo degay garoonka magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay taageerayaashiisa oo caleemo qoyan iyo calamo lulayey kuwaasoo kaga hortagay qeybta VIP-da ee garoonka.

 

Wariyaha Raxanreeb oo garoonka ku sugan ayaa soo sheegaya in madaxweynaha uu la hadli doono warbaahinta ka hor intaan loo kexeynin xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Maxaa la isku qabtay??

 

Kadib shirkii kooxda saxiixayaasha ay la yeesheen shalay xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa kooxda saxiixayaasha oo ka kooban lixda nin ee kala ah Sheekh Shariif, C/weli Gaas, Shariif Xasan, C/raxmaan Faroole, Maxamed Axmed Caalin iyo C/qaadir Macalin Nuur waxay shir albaabada ay u sxuirteen ku lahaayeen hotel ku yaalla magaalada Nairobi.

 

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen.

 

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada Beesha KHaatumo ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday. Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole.

 

Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday. Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!.

 

Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.

 

Madasha shirka ee Nairobi waxaa haatan isugu haray shanta kale ee saxiixayaasha oo uu wehlinayo Mahiga inkastoo wararka ay sheegayaan in Mahiga uu Muqdisho ku soo fool leeyahay si uu markale ula kulmo Sheekh Shariif.

 

Waa khilaafkii ugu adkaa ee soo kala dhexgala lixda saxiixayaasha siyaasadda Soomaalida waqtigan horbooda waxayna arintan timid xilli kaliya 15 casho ay ka harsan tahay doorashadii madaxweynaha iyo tii baarlamaanka.

 

 

 

La soco Faahfaahin kale

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulanka labada nin wuxuu dhacay saacad kadib markii uu saaka burburay shir illaa xalay lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya kaasoo madaxweyne Shariif saaka uu ka soo carooday.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen.

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada beesha *********** ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday. Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole.

Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday. Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!.

Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale waxaa kaloo jira in madaxweynuhu uu dalbadey in gudiga soo xulitaanka baarlamaanka lakala diro iyadoo ay ka diideen xubnaha kale ee saxiixayaasha khariidada Nabada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this