Sign in to follow this  
Saalax

Mahiga: Odayaasha Dhaqanka Way Ku Fashilmeen Shaqadii Loo Diray

Recommended Posts

Saalax   

Mahiga: Daacadnimo Hadaan u Hadlo Odayaasha Dhaqanka Way Ku Fashilmeen Shaqadii Loo Diray

 

Muqdisho (RBC) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo maanta hadal u jeediyey odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa ku dhaliilay odayaasha inay ku fashilmeen hawshii loo diray iyagoo mudo kabadan labo bilood fadhiyey magaalada Muqdisho.

 

“Odayaasha waxaan u dirsanay inay soo qoraan liiska 135 oday iyo liiska ergooyinka ka qeybgalaya shirka dastuuriga laakiin haddii aan si DAACADNIMO ah idiinla hadlo odauyaashu way ku fashilmeen shaqadooda” ayuu yiri Mahiga oo hadal u jeedinayay odayaasha dhaqanka.

 

Mahiga wuxuu sheegay in hadda lagajoogo labo bilood iyo bar markii odayaasha la isugu keenay magaalada Muqdisho isla markaana waajibkii saarnaa aysan gudanin, sida uu sheegay.

 

Augustine Mahiga ayaa kulankan maanta uu ka khudbeeyay ka shaaciyey in tirada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la kordhiyey lana gaarsiiyay 275 xildhibaan kadib markii uu codsi ka yimid odayaasha dhaqanka.

 

“Waxaad iga codsateen in tirada baarlamaanka cusub oo ajhayud 225 laga dhigo 275, waxaana idiin xaqiijinayaa in codsigaasi la aqbalay” ayuu yiri Auguistine Mahiga.

 

Raysul wasaare Gaas oo digay

 

Dhankiisa raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaguna kulanka hadal ka jeediyey ayaa ka digay in haddii odayaasha iuyo ergada ay ku guuleysan waayaan meelmarinta dastuurka qabyada ah in dalku uu geli doono jahwareer dastuuri ah, ayna adkaan doonto in la sameeyo dawlad rasmi ah mudada kalaguurka kadib.

 

Raysul wasaaruhu wuxuu odayaasha markale ka dalbaday inay soo dedejiyaan tirada ka dhiman liiska ergooyinka ka qeybgali lahaa shirka shirka ansixinta dastuurka oo iilaa hadda qabyo ah, isla markaana beelaha qaarkood aysan keensan wax ergo ah.

 

Waxaa maanta markii saddexaad baaqday shirkii ansixinta dastuurka oo lagu waday inuu Muqdisho ka furmo taasoo xukuumaddana ay ku sifeysay sababo xagga farsamada ah.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are bunch of time wasting fake elders, if these people really care of thier country, they would settle thier differences without

the help of any country. The more I think of it , the more I see the picture that there is no way on earth that Somalis will ever get alone.

Is like looking for cure for a family devastated by sexual abuse, physical abuse and mental abuse internally .

 

They can try to talk about forgiveness and getting back to normality but there is no way getting back to the normal days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaalkis;852660 wrote:
They are bunch of time wasting fake elders, if these people really care of thier country, they would settle thier differences without

the help of any country. The more I think of it , the more I see the picture that there is no way on earth that Somalis will ever get alone.

Is like looking for cure for a family devastated by sexual abuse, physical abuse and mental abuse internally .

 

They can try to talk about forgiveness and getting back to normality but there is no way getting back to the normal days.

There were very few "normal" days in Somali history. We have for CENTURIES, fought one another due to tribal differences, and this is the main reason why we are still poor and backward as a people.

 

I have absolutely no faith in most of the Elders....they have no understanding of politics, and no understanding on the needs of the Somali people. After this RoadMap is over with, I'd prefer them to take a step back and never involve themselves with Somali Public Affairs again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this