Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta af-soomaaliga: bar ama baro ( qaybtii 2aad)

Recommended Posts

Positive   

Ramadaan kariim dhammaan akhristayaasha taxanaha kobcint aqoonta af-soomaaliga. Waa cashar kale oo aan waano ka marnayn ee akhris wanaagsan.

 

Sama-fal

 

Waayahan dambe markaan ogaaday in dhib kastaa dheef leedahay ayaan bilaabay inaan sahamiyo qaababka aan qof ahaan uga faa’iidaysan karo xikmaddaas ii korortay. Madaama aan caadiyan ka foogaado waxkasta oo aysan faa’iido iigu jirin oo dhaqankayga ay ka mid tahay inaan danaysto waxan go’aansaday inaan marmar jirka dhibo oo aan lug dheer, dhax habeen iyo dhalandhool maalmeed geliyo; taasi facii-ka-roone ayey kaa dhigaysa, habluhuna door-doorasho ayey noqonayaan, ayaan istusay, waayo jir dhisan ayaad yeelanaysaa.

 

Maalintii dambe ayaan intaan sahay qaatay ku dhacay waddo lugeed afka ii saartay dhul lama degaan ah oo omoska iyo arag-xumada aad diidayso. Maalintaas oo dhan markaan keli socday ayaan goor gelin dambe ah waxaa ii soo muuqday mutuh dhalanteed awgiis aan markii hore qori qalalan oo taagan mooday laakiin markaan soo gaaray noqday nin xayn riyo ah la jooga. Waxaa ninka garabka bidix u surnaa kiish gacanta midigna wuxuu ku sitay ul dheer oo dhinac af fiiqan ku leh; wuxuu sitay labo go’ oo midna uu guntanaa midna qaarka sare u qarinayey; kabo sandal ahna wuu sitay. Intuu hadba usha dhulka ku mudo oo yara qodo ayuu kiishka oo ay miro uga buuxeen intuu gacanta geliyo godka ku ridayey. Dhowr tallaabo markuu socdoba sidaas ayuu samaynayey; ficilkan oo markaan ninkii weydiiyey uu diiday inuu sharaxaad ka bixiyo ayaan u micnaystay waali iyo dan-laawenimo.

 

Maalintaas halkaas ayaannu ku kala tagnay ninkaas labo habeen kadibna waxaan ku soo noqday magaaladii iyo gurigaygii..

 

Muddo shan sano ah markaan dayacaad iyo daryeel xumo ku hayey jirkayga ayaan maalintii dambe iscanaantay oo intaan sahay soo qaatay ku soo dhacay isla waddadii dhulka omoska iyo abaarta ah i gaynaysay. Markaan ku soo dhowaaday halkii ninkii joogay ayaan arkay kayn hortayda dhul ballaaran deday. Markaan soo gaaray kayntii ayaan aqoonsaday in meeshu tahay meeshii miraha uu ku gurayey ninkii aan waalida iyo dan-laawenimada ku qoray. Dhir dhaadheer, qaar gagaaban, caws iyo xitaa ubax ayaa ka baxay dhulka. Cayayaan iyo shimbiro ayaad ku arkaysay. Xitaa cimilo u gaarka ah ayey yeelatay kayntu oo xiliyo roob helo oo joogto ah ayaa abuurmay. Xareed iyo dhudhubo ay biyo mareen ayaan ku arkay. Markaan saacad ku dhex lugaynayey oo aan dhinaca kale uga soo baxay ayaan arkay ninkii oo sidii maalintii hore oo kale tallaalkii u abuuraya xayntiisii riyaha ahaana ay ag daaqayaan. Sidii ayuu u dhuubnaa, caafimaad iyo xoogna jirkiisa uga muuqday; Halka aniga oo ka dhallinyaraa aan ka waar-waarsanayey oo socodku i dhibayey isagoo in door ah iga weyni tallaabo dhiibsan oo islur uusan ka muuqan ayuu isdaba dhigayey.

 

Waayihii dambe meel aan u soo dalxiis iyo nasasho tago ayey noqotay kayntii. Marba marka ka dambaysa way sii ballaaranaysay noolaha ku noolna wuu sii kordhayey roobka oo soo batay awgeed. Ugu dambaystii waxaa ka war helay maamulkii magaalada aan deganaa kuwaas oo mucjiso u arkay in kayn inta le’egi muddo gaaban iskeed u dhalato waxayna soo direen ciidan ilaaliya si aan loo go’ayn ama loo gubin dhirta. Sharciyo ayey soo sameeyeen lagu dhejiyey looxax la dhigay meelo habboon oo kaynta dhexdeeda ah oo laga arki karo xooluhuna inay daaqaan waa la mamnuucay.

 

Markii dambe waa la aqoonsaday ninkii kaynta tallaalay oo mushahar ayaa loo qoray xoolihiisuna inay kaynta daaqaan ayaa loo ogolaaday. Hawshiisii tallaalka ayuu waday oo hadba dhul cusub ku fidiyey isagoo aan ax iyo ux midna oran.

 

Sidaas ayey ninkaas dantii guud iyo tii gaarka ahaydba ugu fuleen; anigase danaysigii gaarka ahaa meelna ima gayn.

 

Dhammaad

 

Kelmadaha calaamadsan micnahooda ayeynu Insha-Allah u gondo-degi doonnaa.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Erayada soo socdaa qoraalka 'Sama-fal' waxay ugu jiraan sidan aan u micneeyey.

 

dhalandhool = Ku safar qorax kulool; socod maalinimo.

facii-ka-roone = da'diis ka wanaagsane; meel sare gaaray (nolol wanaag).

omos = abaar, boor iyo kulayl; habaas iyo abaar.

mutuh = muqaal aan la sheegi karin wuxuu yahay.

dhalanteed = hirar kulayl ah oo qoraxeed oo muuqaalka waxa kaa durugsan beddela.

waar-waarsi= qaab socod oo bowdyuhu inay isgaaraan la kala ilaaliyo; qaab ay u socdaan dadka ka naaxsan ( cayilan/cayila ) bowdyaha.

ax = cabasho; necayb; diidmo

ux = xanuun; wahsi; caajis.

bowdo= lugta wixii jilibka ka sareeya.

 

Insha-Allah muddo ayaan maqnaan doonaa ee hadda intaas Ilaahay ha inagu anfaco dhammaateen.

 

Aamin.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Salaamu calaykum Toosaaye

Ilaaheey ajir hakaasiiyo walaal. Ramadaan Mubarak

 

Waxaan ku weeydiin lahaa halkee baan kaheli karaa Qaamuuskan (Ingriis- Soomaali) , hada ka hoor buu iga dhumay, aad baana u jeclahay qaabka uu u qoranyahay. Fadlan iisoo sheeg hadii aad garaneeydid meesha laga helo Qaamuuskan gaar ahaan Europe, ama website aamin ah oo laga dalban karo.

Cover-ka buuga nuucaas buu u egyahay, laakiin ma garanayo Qoraaga buuga.

captureuv.jpg

 

Cabbaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Caleykuma salaam ya Abbaas.

 

Waqtigan xadirka ah garan maayo meel aad ka heli karto buuggan. Insha-Allah akhristayaasha kalena waynu u bandhigaynaa oo ciddii buuggan meesha laga helo garanaysaa inay Abbaas caawiyaan ayeynu ka codsanaynaa. Laakiin qoraaga magaciisana waad u baahan tahay inaad hesho si markaas aad u eegi karto in online lagu iibsan karo!

 

Che- waad mahadsan tahay- markasta.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Waa sheeko macaan oo darsi fiican laga qaadan karo.

 

Su'aal, sidee baa moral Af Soomaali lagu dhahaa? Tusaale ahaan, "the moral of the story was...".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Haatu;906192 wrote:
Waa sheeko macaan oo darsi fiican laga qaadan karo.

 

Su'aal, sidee baa moral Af Soomaali lagu dhahaa? Tusaale ahaan, "the moral of the story was...".

Dulucda sheekada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this