Sign in to follow this  
Saalax

Gudoomiyaha WaqoyigaMudug oo sheegay in Ganacsatadii Somali Galbeed ay u Wareegeen Dhanka Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Gudoomiyaha Gobolka waqooyiga Mudug ee Puntland oo sheegay in Ganacsatadii Soomaali Galbeed ay u Wareegeen Dhanka Somaliland.

 

Gaalkacyo (RBC Radio) Waxaa Shabakada Raxanreeb.com soo gaartay warqad uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey uu u diray Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole, Warqadaan oo talo soo jeedin aheyd.

 

Waxa uu talooyinka Gudoomiye Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey u soo Jeediyey ay ahaayeen kuwa ugu waweynaa Dhanka Amniga, Ciidamada, Ganacsiga, Maalgalinta, Tayeyna laamaha Dowlada, Dhanka Galmudug iyo kuwo kaleba.

 

Dhanka Amniga Gudoomiye Tigey waxa uu madaxweynaha u jeeediyey in ciidamo isku dhaf oo beelaha iskawada arki karo oo kalsoonida shacabka hanan kara loo sameeyo Gobolka Mudug.

 

Dhanka Maalgashiga waxa uu taladiisu aheyd in Garoonka Dayuuradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed Yey ee Magaalada Gaalkacyo ay ganacsatda gobolka gudaha iyo dibadaba inay gacan ka gaystaan dhismaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo(Public private partnership-ppp) oo ay dowladu bixiso 51% ganacsataduna bixiso 49% dowladuna gacanta ku hayso garoonka loona xilsaaro hawshaas fulinteeda guddi ka kooban sadex isimada gobalka ah, sadex ganacsatada ah, sadix aqoonyahanka gobolka, agaasimaha garoonka, guddoomiyaha gobolka iyo duqa degmada gaalkacyo.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sidoo kale warqadiisii ku sheegay in Ganacsatadii Soomaali Galbeed (OGAANDEENYA) ay Puntland ka wareeegeen una wareegeeen Dhanka Soomaaaliland .

 

Talooyinka uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Jeedshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole Halkaan hoose ka Akhriso

 

DOWLADDA PUNTLAND PUNTLAND STATE

Maamulka Gobolka Mudug

Mudug Regional Administration

Xafiiska Guddoomiyaha The office of the Governor

 

Ref: XG/GM/DPL/Som/0034/011 10th Nov-2011

Ku: Madaxweynaha Dawladda Puntland Garoowe

 

Ujeeddo:- Warbxin iyo talo soo jeedin ku saabsan Gobolka Mudug

 

Mudane madaxwayne waxaan xilka la wareegnay 28/08/2011 waxaan u kuur

galnay xaaladda gobolka waxaan kormeer ku samaynay xarumaha ciidanka

daraawiishta,xarumaha ciidanka booliska,jeelka gobolka, garsoorka

gobolka,ilaha dakhliga gobolka sida kontaroolada, waxaan booqanay

dagmooyinka xarfo iyo galdogob iyo degaanadooda, waxaan u kuurgalnay

xaaladda amniga gobolka, xaaladda maamulka, xaaladda ganacsiga gobolka

xaaladda arrimaha bulshada waxaan shirar badan u qabanay bulshada

gobolka waxaan ka wacyi galinay saxaafadda, waxaan ku boorrinay inay

midnimadooda iyo dawladnimadooda ilaashadaan annagoo ka hor tagayna

inuusan cadowgu ka faa,iidaysan dagaalkii gobolka ka dhacay, waxaan ku

dhiirri galinay inay kaalintooda ka qaataan amniga iyo horumarinta

gobolka hadaba si loo adkeeyo hannaanka dawladnimo ee gobolka waxaan

talo kusoo jeedinaynaa :-

 

AMNIGA GOBOLKA

 

Gobolku wuxuu ubaahanyahay qorshe amni oo gaar ah maadaama uu gobolku kuyaal xudduudda p/l ee xiriirisa koonfur woqooyi iyo itoobiya ayna khataraha iyo cidkasta oo p/l cadow u ah si fudud uga soo gali karaan waxaa xaqiiqa ah inaan aminga gaalkacyo la sugi karayn haddaan xuduud loo samayn Galmudug & P/land sababtoo ah waxa gabbaad ka dhigta dhinaca galmudug cadowga diidan jiritanka dadnimo iyo waliba dowladnimo ee p/l dadkasi oo intay dhinaca dowlada puntlanad ka sameeyaan dhibaato dil, dhac ,qarax iwm ka dibna si fudud ugu tilaaba galmudug wax wax ka qaban karana aysan jirin.

 

Galmudug waa inaan yeelano wada shaqayn dhinac walba ah oo amniga

lagu wada sugi karo ciddii amnigayaga wax u dhimaysana aysan gabbaad

siin anaguna ciddii amnigooda wax u dhimaysa aannaan gabbaad siin waa

inaanu xogta is dhaafsanaa amnigana ka wada shaqaynaa.

 

CIIDANKA GOBOLKA

 

Waxaa talo ku soo jeedinaynaa in ciidanka daraawiishta laga howl galiyo magaalada aminga gudahana ay wax ka sugaan maadaama uu cadowgu dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka samaynayo magalada dhexdeeda waxaan xal u aragnaa in laga sameeyo magalada gudeheeda toban barood oo ciidan bartiiba la dajiyo gaari tagnika ah iyo labaatan askari kuwaasi oo qabanaya gaawarida aan canshuurta bixin iyo kuwa bersolka leh kuwa hubka sharci darada sita, kuwa khamrada lagu qaado ku waas oo dhamantood mutaysanaya ganaax dakhliga ganaaxana 50% kharashaadka ciidanka shaqaynaya lagu *****lo waxay kaloo ciidanku baarayaan dadka wixii la tuhmana way qabanayaan,guryaha iyo hoteeladana way baarayaan.

 

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In gobolka ciidan isku dhaf ah loo dhiso lagana guuro hab beleedka, in ciidanku noqdo mid ka howl gali kara meel walba oo gobolka kamid ah bulshada gobolkuna ku kalsoontahay tayo leh oo wax qabankara tababaran oo sharciga ilaalin kara.

 

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In sirdoon adag gobalka loo sameeyo si loo helo xogta dhabta ah ee cadowga maadaama cadowga amniga gobalka dhibataynaya yahay cadow qarsoon.

 

MAAMULKA

 

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In la dhiso/la adkeeyo wada shaqaynta hay,adaha dowladda gobolka taasi oo ka timaada dawladda dhexe maamulka gobolkuna leeyahay awoodda ugu sarraysa, xagga ciidanka, xagga shaqaalaha, xagga maamulka, wadashaqaynta oo ka hirgalinaysa gobolka hannaan dowladnimo oo xoog leh oo ku dhisan sharci iyo kala dambayn si looga gudbo is barbaryaaca wiiqay horumarkii iyo hannaankii dawladnimo ee gobolka.

 

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In dagmoyinka gobalka loo sameeyo

gole degaan oo tayo leh si ay uga faaiidaystaan mashaariicda homarinta dagmooyinka sanada 2012

 

GANACSIGA

 

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In la samayeeyo istiraatijiyad ganacsi ee gobolku yeesho, gobolka oo ku yaal goob dhextaal u ah koonfurta soomaaliya, ismamulka soomaalida Ethiopia, waqooyiga soomaaliya & dekadda ganacsi ee puntland ee boosaaso .

 

1. In gawaarida tiigaasha lagu magacaabo la joojiyo ku wasoo isaga goosha koonfur, waqooyi iyo p/land amniga gobolka iyo dawladaba khatar ku ah,gawaaridaas oo qaada huhka, qaraxyada iyo kooxaha argagixisada ah. Waa in badeecada iyo xoolahana galkacyo lagu dajiyo si loo hubiyo waxa waddanka kabaxaya iyo waxa soo galaya.

 

2. In maxjar xoolaha lagu baaro laguna nasiyo laga sameeyo gaalkacyo

lagana shaqaysiiyo shaybaarka casriga ah ee g/kacyo kuyaal laguna

kantarooli karo in ay soo galaan p/l xoolo jirran.

 

3. In ganacsatada itoobiya ee aan isir wadaagga nahay oo si qorshaysan oo siyasadaysan loogu wareejiyay s/land sidii loo soo celin lahaa la qorsheeyo soo jiidashona lagu sameeyo.

 

3. Iin bar kastan laga sameeyo xuduudaha itoobiya iyo puntland taasi

oo noqon karta talaabo ay wax isku dhaafsadaan labada dowladood

xagga ganacsiga iyo xagga amniga magaaladaas oo noqon kadha suuq xor

ah (Free zone)

 

4. In dib habayn lagu sameyo ilaha dakhliga ee gobolka iyadoo markaan

baaritaanno ku samaynay aannu aragnay inay dadka ka shaqaynaya

goobahaasi ay yihin kuwa aan waxba loo dhiiban karaynin canshuur aan

ilaalin Karin, hub aan ilaalin Karin, khatarna aan ka hortagiKarin.

 

5. In dhulka dowlada ee bannaan ee sida sharci darda ah lagu dhistay

iyo kan sida sharci darada ah lagu daganyahay qorshe loo sameyo si

looga faa,iidaysto.

 

HORUMARINTA GOBOLKA

 

Mudane madaxwayne waxaan talo ku soo jeedinaynaa markan kulamo badan la qaadanay ganacsatda gobolka gudaha iyo dibadaba inay gacan ka gaystaan dhismaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo (Public private partnership-ppp) oo ay dowladu bixiso 51% ganacsataduna bixiso 49% dowladuna gacanta ku hayso garoonka loona xilsaaro hawshaas fulinteeda guddi ka kooban sadex isimada gobalka ah, sadex ganacsatada ah, sadix aqoonyahanka gobolka, agaasimaha garoonka, guddoomiyaha gobolka iyo duqa degmada gaalkacyo.

 

Waxaan ku talinaynaa in shirkada korontada Nepco ee galkacyo la kabo

lana siiyo nafto si ay u ifiyaan wadooyinka magaalada arintaasi oo

amniga magaalada wax ka qabanaysa waxayna adeegga korontada siiyaan

xarumaha dawladda. Iyo goobaha caamka ah sida masaajidada.

 

Mudane

Madaxweynewaxaan kuu rajaynaynaa guul iyo horumar,

 

.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Maxamed Yuusuf Jaamac ———————————

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi90   

This is a sign that ignorance is widespread in somalia, in one place he is concerned about declining trade between Somali galbeed and bari but in the other hand he wants to make restrictions when it comes to trade between south and bari? yes that would be very profitable for puntland loool. Where did this guy get his education?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this