Sign in to follow this  
Somalia

Faroole: Talks with secessionists not in the interest of Somalia

Recommended Posts

AYOUB   

There is a lot of negative and provocative vibes coming from a certain block regarding Mogadishu-Hargeysa talks especially Puntlanders and their Imam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

AYOUB;846576 wrote:
There is a lot of negative and provocative vibes coming from a certain block regarding Mogadishu-Hargeysa talks especially Puntlanders and their Imam.

Sheick Ayoub.

 

The opposition is everywhere. Rag badan oo Hargeysa jooga ayaa amuusay baryahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta hadal dheer ka jeediyey dibadbax lagu taageerayay wadahadalka dhexmaray madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Seekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si weyn oo qiire leh uga hadlay bilawga iyo rajada laga fili karo wadahadalkaasi.

 

Tarsan wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida ay ku faraxsan yihiin inay miis ku wada hadlaan Soomaalida iyo Soomaalida waqooyi oo mudo dheer kala irdheysnaa kadib markii siyaasiyiin ay kala geeyeen dadweynaha, laakiin wuxuu gudoomiyuhu tilmaamay inaan marnaba midnimada dadka Soomaaliyeed aysan ku jirin wax gorgortan ah.

 

“Dareenka dadka reer Muqdisho ee maanta isu soo baxay iyadoo wadahadaladu shalay ka dheceen Dubai waxay taasi muujineysaa sida dadkani u rabo in la heshiiyo oo loo abuuro midnimadii ummaddan, midnimada ummadda Soomaaliyeed marnaba wax gorgortan ah kuma jirto mana geli karto” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir oo boqolaal dadweyne bannaanbaxayaal ah la hadlay.

 

“Waxaan rajo ka qabnaa inay soo laabato midnimadii, xoogii iyo wadajirkii dalkaanu lahaan jiray” ayuu yiri.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo cod dheer oo qiireysan ku khudbeynayey wuxuu sheegay inay ceeb tahay in markasta Soomaalida ay wada hadalsiiyaandawlado iyo shakhsiyaad shisheeye iyagoo heli kara inay Soomaali ahaan u wada hadlaan laakiin wuxuu sheegay in waqti dhow taasi ay dhamaan doonto.

 

Waqtigii xooga iyo xabbada way dhamaaday!

 

Tarsan oo ka hadlay khilaafaadka dheer ee ragaadiyey arimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ragganimada iyo guushu ay ku jirto in wixii khilaaf ah looga wada hadlo miiska dushiisa, isagoo sheegay in adduunyada maanta usan ka shaqey xoog iyo in rasaas wax lagu raadiyo.

 

“Adduunyadu maanta kama shaqeyneyso xoog iyo xabbad baan wax ku raadinayaa ee waxaa shaqeynaya wada hadaliyo isfaham in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo” ayuu yiri duqa magaalada Mudisho oo bannaanxabayaal u khudbeynayey.

 

Bannaanbaxa maanta ee lagu taageerayay wadahadalada curdanka ah ee u bilawday DKMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo dalka gudihiisa ka dhaca tan iyo intii ay bilawdeen wada xaajoodka oo kii ugu horeeyay uu ka dhacay magaalada London 20-kii bishaan June.

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

I am suprised we are not even slightly thanking Farole & Puntland, honestly. Their arm twisting and presistence we are where we are today.

 

Hats of to Puntland and Farole for spear heading these wonderful days ahead and well done to Somaliland for putting the Somali people first before their clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this