Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Village de Afrique hotel opens in Somalilands capital hargeysa+PICTURES

Recommended Posts

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Hotel Cusub Layidha Village De Afrique Oo Casri Ah Loo Dhisay

 

Hargeysa (SDWO 19/06/2012) - Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xalay xadhiga ka jiray xarun weyn oo leh qaybo kaladuwan oo casri ah isla markaana lagu soo kordhiyey waxyaabo kale oo aanay horey u lahayn Hoteelada magaalada Hargeya iyo guud ahaamba Somaliland.

 

 

xaruntan cusub oo laga furay xaafadda Jigjigayar ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qaygalay dadweyne farabadan oo gaadhay ilaa dhawr boqol oo qof kuwaasi oo isagakala yimid qaybaha kaladuwan ee bulshada reer Hargeysa iyo Daplomaasiyiinta Safaaradda Itooobiya ku leedahay Hargeysa,xubno ka tirsan golaha wasiirkada Xukuumadda Somaliland iyo dadweyne kale.

 

Cadaan Daahir Cade oo ahaa maskaxdii ka dambeysay furitaanka xaruntaasi cusub ee casriga ah oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in uu dareemay baahiday ay dadweynaha reer Somaliland u qabaan adeegga xaruntan cusub sidaa darteed uu ku fikiray hirgelinteeda "markii aanu aragnay inay Hargeysa sii balaadhanayso dadka dibadaha ka imabaya iyo kuwii sii joogay labadubana ay u baahan yihiin inay helaan adeeggyada casriga ah ee ay xaruntani hirgalisay ayaanu ka fikiray inaany samayno xaruntani African Village" ayuu yidhi Mr Cadnaan Daahir Cade.

 

 

Fadumo Siciid Ibraahim oo ku hadlaysay magaca dumarka oo halkaasi ka hadashay waxay si weyn u amaantay muuqaalka bilicda san ee xaruntaasi loo sameeyey waxaanay sheegtay inay kala garan wayday markii ay soo gashay inay Hargeysa jogto iyo inay Addis Ababa ama Nairobi joogto waa sida ay hadalka u dhigtay e "markii aan soo galay gudaha waxaan kala garan waayey inaan joogo Addis Aababa iyo inaan Nairobi joogo" ayey tidhi Inasiciid.

 

 

Professor Ismaaciil Muumin Aare oo hore u soo ahaajiray wasiirkii Cadaadda Somaliland kadibna soo xaqabtay xilka wasaaradda Hawlaha guud oo xafladdaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay xaruntani cusub ee African Village waxbadan ku soo kordhin doonto horumarka dalka waxaanu ku tilmaamay inay tahay araggti wacan iyo fikir saliim ah oo ku dayasho mudan "xaruntani waxbadan bay dalka iyo dadkaba ku soo kordhindoontaa waana wax fiican oo ku dayasho mudan" ayuu yidhi Professor Muumin Aare.

 

danjiraha dalka Itoobiya u fdhiya xarubta gacsiga ee Somaliland oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu amaanay Cadaan Daahir Cade aas aasaha xaruntan cusub waxaanu sheegay inyuu yahay nin siyaasi ah oo qayb weynka soo qaatay isku xidhka Somaliland iyo Itoobiya isla markaana horey dhidibada ugu taagay Jaamacadda Admas Univwersity College oo uu fikir keeda isagu iska lahaa "cadnaan waa nin Doplomasi ah oo qaybweyn ka qaatay isku xidhka Somaliland iyo Itoobiya anaguna waanu ku faraxsanahay hawshan qiimahabadan ee uu qabtay" ayuu yidhi.

 

 

wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Cali Siciid Raygal oo madashaasi ka hadlayw axa uu sheegay in uu soo dhaweynayo furitaanka xaruntani isla markaana uu u arko inay qabatay qayb kamida hawilihii ay iyada bulshadu uga baahnaayeen "anigu waxaan si gaara u soo dhaweynayaa furitaanka xaruntani waxaanan u arkaa in uu Cadnaan qabtay qaybkamida hawshii ay ahayd inaanu annagu bulshada u qabano waanan ku amaanayaa wixii aanu la qaban karana waanu la qabandoonaa" ayuu yidhi Mr Raygal.

 

gaba gabadii xafladda furitaanka waxaa ka hadlay wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaanu ka waramay dareenkiisa ku aadan muuqaalka xarunta cusub iyo adeeggyada kala duwan ee ay dadku ka helidoonaan gaar ahaan kuwa ka soo guryo noqonaya xiligan xagaayada ah dibadaha "waxaan u arkaa inay xaruntani waxbadan ku soo kordhinayso horumarka dalka dadka dibadaha ka soo laabanayana waxaan u sheegayaa inay ka helidoonaan adeeggyadii ay ka helijireen magaalooyinka ay ka yimdeen ama wax ku dhaw" ayuu yidhi Mr Khaliif.

 

 

Wasiirku khudbaddisaasi ka dib waxa uu xadhiga ka jaray xarunta African Village oo wixii hadda ka dambeeya ay bulshadu uga helidoonaan adeeggyo kaladuwan oo raali galin doona markii ay gudaha u soo galaan xaruntaasi sida iyada oo leh qayb cunto oo casri ah iyo qaybo kale oo ay ka helikarayaan waxyaabo badan oo kaladuwan.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this