Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sultan Faisal Ali Warabe Somalia is a dead body still being dragged behind Somaliland

Recommended Posts

Faysal Cali Waraabe Oo Somaliya Ku Tilmaamay Mayd Somaliland La Dabo-Waddo, Sheegayna In TFG-du Dafirsan Tahay Midowgii Hore & Xasuuqii Muwaadiniinta Ee Kala Go’a Dambe Keenay

389170_10150385963439106_328046899105_81

“Umadda qudha ee waxa aynu nahay uu horseed u yahay Suldaan ama Caaqil xitaa reeraha ay caaqilka u yihiin ma garanayaan” Faysal Cali

 

Hargeysa (Caalami)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey siyaasada arrimaha dibada iyo halka ay marayso, Waxanay si qoto dheer uga hadlay wada hadalada la filayo in ay Somaliland iyo Somaliya dhawaan dhex maraan, si ay uga wada tashadaan aayahood mustaqbalka.

Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlayey hadalada iska soo herjeeda ee ay dhawaanahan warbaahinta isku marinayeen labada dawladdood ee Somaliland iyo Somaliya sheegay in haddii la doonayo in wada hadal dhameystiran la galo oo la isku af garto in Somaliya looga fadhiyo inay sadex qodob qiraan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maalintii shalay ka hadlayey xaflad loo sameeyey Ardey ka qalin jabisay Dugsiga Sidam ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo saameynta togan ee ay ku yeelan karto dhalinyarada.

Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlaya siyaasada arrimaha dibada waxa uu yidhi “Maanta dalka markaad eegto Waxbarashadii waa lacag, Biyihii waa lacag, Caafimaadkii waa lacag, markaa anagu siyaasad cad ayaanu arintaasi ka lahayn oo tusaale ahaan qorshayahayagu waxa uu ahaa in aanu gelino 20% Caafimaadka, sidoo kalena tacliinta 20% aan geliyo, markaa markaad qofka caafimaadkiina bilaash uga dhigtid waxna bartid wuu kaa carari doonaa waanu kaa tagi doonaa, laakiin haddii aan la wada soconin umaddu hore uma kacdo, isla markaana waxyaabo badan oo maanta inoo qabsoomi li’i waxa ay ka kacayaan waa aqoon darro, waxa ina biyo dhigatay oo si fiican inoo biyo dhigatay aqoon darro iyo jahli, waxaana ka arkaysaa jahligeena.

Umadda qudha ee waxa aynu nahay uu horseed u yahay Suldaan ama Caaqil wax nuxura oo ay sheegayaana ma jirto, xitaa reeraha ay caaqilka u yihiin ma garanayaan waxa ay ku nool yihiin, waxa is qaban waayey sida tacliinteenu kor kacday labaatankaasi sano iyo sida aanay bulshada uga muuqan.

Maanta labada cudud ee u weyn ee ina ragaadiyey waxa weeyaan qabyaalada iyo qaad, labadaasi haddii aad ka adkaataan dadkii waxbartoow ayaa la idinka doonayaa, markaan maanta meelahaasi marayo dadka ajinabiga waxa aan ku idhaahdaa bambaanu ku fadhinaa, bamkaasi aanu ku fadhinaa waa idinka (Dhalinyarada) oo haddii aan shaqo abuur la idiin sameynaynin oo aan la idin mashquulin mar uunbaad qarxi doontaan ILAAHEY idinkama dhigee, waxaan leeyahay waa in dawladda culays lagu saaro sidii shaqo lagu heli lahaa oo Telesom iyo Dahabshiil idinkuma, waa inay dawladdu shaqo abuur sameysaa oo la idin shaqaaleeyaa, taasi waa in aad culays ku saartaan”.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey siyaasada arrimaha dibada dalka iyo halka ay maanta marayso, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo siyaasada arrimaha dibada halka wadankeenu ka marayo aduunka, halka uu marayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somalia maanta aqoon yahaniin ayaad tihiin ee waa inaad wax ogaataan halka ay wax marayaan.

Bishii Feberuary 23 waxaanu ka qayb galnay shirkii London, shirkaasina guul ayeynu ka helnay oo qodob muhiima oo ah inay Somaliland iyo Somalia kala baxaan oo ay ka wada hadlaan mustaqbalkooda ayaa ka soo baxay, anigu ilaa bishaasi ilaa bishan sideedeedii waan maqnaa oo Yurub, Afrika iyo Mareykanka ayaan marayey, waxaan u marayey wax kale may ahayn ee waxaan arkayey Sunami inagu soo socota oo la doonayo in tacabkeenii la baabiiyo iyo inaga oo aan u jeedin oo qabyaalad, ururo iyo Beelo isku haysana, waxaan xooga saaray waar maxaa la isku haystaa haddii xilkii aynu isku haysanayeyna dusha lagaga imanayo, markaa nimanka la ina wada hadashiinayaa kow way ina dafirayaan in Lixdankii labada dawladdood oo isku darsamay in aynu ahayn, waa ta labaad ee way dafirayaan in la ina xasuuqay oo la isku dayey in dhulkeenii la inaga qaado, waa ta sadexaad ee waxa ay dafirayaan in aynu inagu nahay dawladd dhameystiran oo nidaamkeedii u dhan yihiin, markaa qofka taariikhdaadii dafira ee jiritaankaaga maanta dafira micnihiisu waxa weeyaan kuwan muxuu ILAAHEY u abuuray, dadkaasi ayaa jira umana jeedaan ee idinka ayaa isku jeeda.

Maanta Somaliya aduunka ayaa u soo jeedsaday oo waxa madax tagtay waad arki kartaan, waxaad arkaysaa dad maqaaxiyaha ka sheekaynaya oo leh waa la qaldamay tegi mayno shirarka, waar waxaan leeyahay tegi mayno way dhamaatay, taariikhda Ingiriiska kama dhicin safiir waraaqihii dhiibaya oo wasiirkii arrimaha dibada garab taagan yahay, laakiin Xamar ayey ka dhacday waxaanay taasi ina tusaysaa sida muhiimada loo siinayo, maanta maaha wakhtigii aynu odhan lahayn geli mayno haddii aanynaan gelin oo aynaan inteena ka soo qabsan shirarka Somaliya socon mayso.

Haddii laga qayb galo shirarka Somaliya maaha jiritaanka Somaliland ayaa la qaatay ee waxa weeyaan habkii aynu u mari jirnay inaynu helno Ictiraafkeena ayeynu bedelnay, marka la yidhaahdo wada hadla waxa aynu doonaynaa in aynu waydiino kaw ma noo ogoshihiin in aynu laba dawladdood ahayn lixdankii, imikana labadii dawladdood ee lixdankii midna ay dhisan tahay midna ay baaba’asan tahay, markay intaasi inaga ogolaadaan ayeynu qodobada kale galaynaa, laakiin imika waxa ay leeyihiin xuduudihii hore waanu baabi’inay oo nidaam qabiila oo la yidhaahdo 4.5 ayeynu ku shaqaynaynaa, markaa idinkuna rubaca ayaad tihiin, markaa halka la inala doonaya inaga oo mirqaansan in dusha la inaga saaraa waa rubuc oo halkii lixdankii ka hooseysa, haddii aynaan arintaasi iska diidinina inaga oo leh reer hebel hadaanu nahay waxaasi aqbali mayno ayaa dawlad Afrikaan, Yurub iyo Mareykan wato dusha la inagaga keeni doonaa, taasi waa inaynu ka hor tagnaa, markaa maanta waxa weeyi in aynu laba arrimood sameyno oo ah inaynu Ciidama xoog leh sameysano, waa inaynu waxa aynu haysano iyo dhaqaalaheena inta badan ciidamo gashanaa, ta labaadna waxa weeyi waa inaynu xaga dublamaasiyada xooga saarnaa oo waa mayd la ina dabo wado ee kuwa maydka sida waa inaynu la xisaabtanaa, laakiin waxaad ogaataan ama shir ha tageen ama meel kale in aanay qaranimadeenu si fudud ku baxayn, teenaanay ku dambaynaysaa Insha Alahu Tacaalaa oo tawxiidkeena calankeena ayaana ka saraynaya Insha Alah”.

Guddoomiyaaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya wada hadalyada wakhtiga la filayo wada hadalada ayaa waxa uu yidhi “Wada hadaladii ayaa la filayaa in dhawaan furmaan, waana la inoo soo sheegayaa dhawaan wakhtiga, nimankaa Somaliya-na waynu jecelnahay in ay wax noqdaan oo aan lacagta la boobin oo maalintii Istanbul 130 Milyan oo ay cuneen ayaa lagu soo saaray oo la yidhi lacagtaasi halkeed mariseen, wax lacag ah oo dambe oo loo dhiibayaana ma jirto ee boodh ayaa loo sameynayaa, waxaanan leeyahay inagana intaan boodh la inoo sameyn aynu musuqmaasuqa yarayno.

Somaliland dawladda oo kaliya ku dayn mayno ee hareeraha ayeynu ka taaganahay halka ay tagayso iyo halka ay ku socoto, markaa Somaliland wax go’o lagu qaado ka weyn oo Berbera ayaa la qaadi kari waayey ee ma Somaliland ayaa la qaadayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

If you read carefully he is defending the talks between TFG and Somaliland against opponents. He is doing that in his own demagogic, insulting and kind of "humoristic" way. He is even calling the SL youth a bomb that is about to explode.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dadka aan waxba maqal ama dhagoolayaashu cigaalkiisay ka garan lahaayeen inuusan nuur badnayn kuwa wax maqlana way ku qoslaan markii xigmadiisu dhaafi waydo boodharka somaaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mukulaalow;842083 wrote:
No wonder they call him
"The Maxamed Dheere of the North"
;)

Waryaa xishood dont compare a warlord with a civilized Politician ,Maxamad dhere manu ahayn ki dadkisa qixin jiray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;842100 wrote:
Waryaa xishood dont compare a warlord with a civilized Politician ,Maxamad dhere manu ahayn ki dadkisa qixin jiray

Sometime an oral warlord is more dangerous than a gun warlord. Faysal may have never carried a gun but he has a loaded mouth which spew venom and non sense all times.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Mukulaalow, maxaa kaa khaldan niyo, Waraabe (hada waa Waraabe) ayaad dooneysaa in uu wax hagaajiyo......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland's right wing extremists are nervous these days as they fear the future so they start scare mongering people that "the savages want to steal your future".

Share this post


Link to post
Share on other sites

MoonLight1;842118 wrote:
Somaliland's right wing extremists are nervous these days as they fear the future so they start scare mongering people that "the savages want to steal your future".

Sultan Faisal wants to go down in history just like his uncle Sultan Cabdullahi Sultan Diiriye only this time the full package more than a half a century later everything is at stake. He is not worried he has the support of the people of Somaliland.

 

maykal-maryama.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;842100 wrote:
Waryaa xishood dont compare a warlord with a civilized Politician ,Maxamad dhere manu ahayn ki dadkisa qixin jiray

lool

 

xaaji your right Faysal is not a warlord but he and M.Dhere share common thing "Stup!dity".;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this