Sign in to follow this  
Somalia

Separatist Entity Somaliland Wants Talks Again

Recommended Posts

Somalia   

Maamulka Somaliland ayaa maanta oo talaada ah shaaciyey xubnaha uga qayb gelaya shirka ay todobaadka soo socda magaalada London kula yeelanayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ahna afhayeenka Cabdi Yuusuf Ducaale oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wada hadalka ay la furayaan Federaalka ay u saareen guddi ka kooban 5-xubnood kuwaasoo kala ah sidan:

 

Wasiirka arimaha dibadda Cabdilaahi Maxamed Cumar

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Baashe Maxmed Faarax.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan Cali.

Iyo Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.

Mar uu ka hadlayey mowqifka Somaliland ee ku aadan shirka London waxaa Ducaale hadaladiisii kamid ahaa:

 

“waxanu kala xaajooneynaa dad walaalo ah oo isku jiri jirey oo kala amba baxay ayaanu nahay, dee mustaqbalkayaga iyo danahayaga ayaanu ka wada hadleynaa”

 

Isagoo halkiisa sii wata wuxuu afhayeenka Somaliland yiri: “waxaanu la tegeynaa in qaranimadayadu ay tahay mid jirta oo go’aan shacab ku timid, oo aanu nahay qaran jira oo Somaliland la yiraahdo”.

 

Wada hadalada Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ayaa ah kuwa ay bulshada Soomaaliyeed si gaar ah isha ugu hayaan waxaase sheki laga muujinayaa go’aamada shirkaas kasoo bixi doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites

miss somalia has been divorced, sadex baa lagu furay. mr somaliland has moved on with his new life ee naagtan waalan ee rafaadka ka dhamaan la maxaa ninka daa dhigay. ileen they say theres nothing like a woman scorned. yaaaaaaaaaaaaaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this