Sign in to follow this  
walaalkis

TFg moryaans at it already

Recommended Posts

Wararka Maanta: Talaado, Jun 5 , 2012-Dagaal Ciidammo kawada tirsan kuwa DKMG Soomaaliya ku dhexmaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

 

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar askari oo kawada tirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay saqdii dhexe ciidammo ka kala tirsan booliiska iyo milateriga DKMG ah ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose.

 

Guddoomiyaha degmada Afgooye ee DKMG ah, Cabdullaahi Cabdi Axmed ayaa koox wariyeyaal ah ugu sheegay degmadaas in dagaalkii xalay uu ahaa mid fool xun oo si lama filaan ah ku dhacay, isagoo xusay in dagaalkuu xalay sadii dhexe dhacay.

 

"Dagaalka waxaa ku dhintay afar askari inta aan ognahay, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen tiro intaas ka badan," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Afgooye oo sheegay inay degmada ku sugan yihiin ciidammo qas-wadayaal ah.

 

Askartii ku dhaawacmay dagaalkii xalay ayaa qaarkood lasoo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo dagaalkan uu kusoo beegmayo iyadoo degmadaas ay dhawaanahan ka jireen muranno ku saabsan qaabka loo qaadayo canshuuraha.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose inuu isitmcaalayo awood tiisa ka badan, isagoo xusay in dhawaan uu magacaabay guddiga canshuuraadka degmada, taasna uusan isagu xaq u lahayn.

 

Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen laba todobaad ka hor xoogagga Al-shabaab oo sannado ka talinayay.

 

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkii xalay degmada Afgooye ku dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowladda, iyadoo dhawaan uu degmadaas booqday madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

I got a feeling even if shabab is ousted there will be many innocents like these. Moryaans taking the law into thier

own hands . They only captured afgoye and already they fighting .

Share this post


Link to post
Share on other sites

worrying about taxing people just come out of hell,they should concentrate on helping thm with equipment,fertilizers,seeds etc. and no taxes for couple years til they could stand on their feet & produce more to feed the hungry.

That's ugly ignorant move but then what I expect:eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

When will these fools learn?

 

But how long did they last? One week? Surely that's got to be a record :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Here come some individuals (I do not know inaan magacyo sheegsheego) Beelahooda meelahaan ku xayeesiiya, amase hoggaamiye iskus heegyo dad xasuuqa hantina dhaca buunbuuniya oo dowladda ku billaabay inay caayaan. Waxaa la yaab ah berri markii mid ay waxisku yihiin qabtana way ammaani doonaan. Soomaaliya beel dambe ka talin mayso...ee taas ogaada. Askarta dowladduna malaa'ig ma ahan oo waan ognahay, Shariifyada, Cabdiweli iyo ragga horboodayana wakhtigoodii waa iska dhammaaday oo xaalad kala guur baa lagu jiraa ee yaan indhaha la is tirin. Meeshaan waa Soomaaliya, khaasatan koofur Muqdisho, Hal beelna ma deggana oo hal kaabaqabiil wax ka maqasha ee dad isku dhafan oo xittaa dhalasho, lahjad iyo dhaqan ku kala duwan ayaa deggan maalinba in baa horumar la samayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this