Sign in to follow this  
Nur

Aan Idiin Bishaareeyo!

Recommended Posts

Nur   

Kuwiinna Sabra

 

 

U Bishaaree Kuwa Sabra Quraan ( Al Baqara 156)

 

 

Mahadoo Dhan waxaa mudan Allah kaligii, Nabad ibyo Naxariisna ha ahaato kuusan dabadii Nabi kale soo baxeyn.

 

Ka Dib,

 

Maa daama uu sabarku ahaaday iimaanka badhkii ( Nisful iimaan), iyo dabci fiican oo ka mid ah dabeecadaha fiican, iyo mid nafta u hoggaamisa daacadda Allah, kana leexisa nafta macisda Allah, waxaa hadaba lagama maarmaan noqotay in la caddeeyo wuxuu yahay Sabarka, ajarkiisa, qaybihiisa , darajaadkiisa, sida ay dadku ugu kala qaybsameen marka loo eego sifaadkiisa, iyo waxyaabaha ka soo horjeeda Sabaraka samaankan ay badatay waxyaabaha dadka diintooda shaki ka galiya, oo uu noqday qofka diintiisa heysta sida qof heysta dhimbil daba, oo ay haddana noqotay xaajada ay dadku u qabaan sabarka mid aan ka yareyn xaajada ay u qabaan cunnada iyo cabitaanka. Hadaba Allah ayaan ka baryeynaa inuu nagu arzaaqo inaan ku sabarno daacadiisa, kana sabarno macsidiisa, kuna sabarno wuxuu soo gooyay oon ka noqosho laheyn ( Qaddarka), asaga aya ehel u ah taas, awood buuxdana u lehee, .......Amin

 

Sabarka muxuu yahay ?

 

Sabarku waa in laga dhowraa nafta niyad jabka, carrabkana in laga dhowro, eed sheegashada, korkana in laga dhowro is-dharbaaxidda, dhar-jeexijeexidda, iwm. Sabarku waa dabci sharaf leh oo ka mid ah aadaabta nafta lagu edbiyo, oo ka reebta nafta waxa xun, kuna kaalmeysa waxa fiican falkiisa. Sabarku waa xoogga lagu suurageliyo waxa danta u ah nafta, Sabarku wuxuu ka taagan yahay ibtilada dadka ku dhacda, meeshuu ka taagan yahay Shukriga Allah loogu mahadnaqo barwaaqada iyo caafimaadka uu na siiyey, taasaoo macnaheedu yahay, in sida ay addoonnimada Allah ay ku suuragasho markii aan ku mahad naqno kheirka nala siiyay, sidaasoo kale waxaa loo baahan yahay in lagu sabro dhibaatooyinka nagu dhaca, oo markaas ka sabirno wuxuu Allah naga reebay.

 

Mar laga wareystay Al Junaid macnaha sabarka, wuxuu yiri:

 

Waa dhadhaminta waxa qadhaadh adigoon wajigaaga kaduudin, sidaasoo kale Dhul Nuun wuxuu ku sheegay Sabarku waa ka fogaashaha xadgudubka, iyo degganaan, markaad dhadhamiso dacarta balaayada, iyo inaad muujiso kaaftoonnimo adigoo ku sugan saboolnimo nololeed ".

 

Sabarkuna waa hoggaanka nafta loogu hoggaamiyo jannada, hadaba haddaan nafta lagu xidhin hoggaankaas, meeshey doonto ayey naftu u dhaqaaqdaa ayadoon u aabo yeelin aayaheeda dambe, waxaan laga soo wariyey Salafkii Saalixa ahaa qaar ka mid ah: Ka reeba nafta wexey tabaneyso , maxaa yeelay waxaan xumaan aheyn u ma hanqal taagto siduu Allah yidhi Naftu waa mid dadka farta macsida Hadaba Allah ha u naxariisto addoon naftiisa xakameeyay una hoggamiyay naftiisa iney Allah adeecdo, kana weeciyay macsidiisa.

 

Run ahaantiina, sabarku waa inuu addoonku xooggiisa wax-qabadka ah isugu geeyo waxa waxtarka dhabta ah u leh naftiisa, iyo inuu isugu geeyo xooggiisa dhib joojinta ah, inuu ka hadho wax dhibaato u keenaya.

 

Hadaba, markaan u fiirsanno wexey dadku manta ku sugan yihiin, waxaan aragnaa in qaarkood iney xoog u leeyihiin iney sameeyaa waxtarka waxa leh, laakin ay u taag la'yihiin iney naftooda kal celiyaan waxa dhibaatada u keeni kara, dadka qaarkood wexey awood u leeyihiin iney naftooda ka celiyaan macsida, hase yeeshee ayan awood u leheyn iney naftooda ku qasbaan iney la imaato acmaasha waxtarka badan leh, sida Amr-bil mcruuf oo uu ugu weyn yahay Jahaadka Allah dartiis. Sidaa awgeed waxaa hore loo yidhi, sabarku waa in lagu sugo caqliga iyo diinta iney ka hortagaan shahwadda iyo ahwaada ( waxa nafta kuu qurxiso oo fikrad ah oo ka soo horjeedda hanuunkii nabi Muxammad SACWS).

 

 

Fadliga Sabarka uu Leeyahay

 

Sabarku wuxuu leeyahay fadli aad u badan:

 

1. Ajarka ugu weyn: waxaana ka mid aha inuu Allah ka yeelay xasanaadka aan sameyno kan ugu ajar badan, (kuwa sabra umbaa loogu abaalgudaa ajarkooga xisaab la'aan) Zumar 10

 

2. Allah ayaa la jira kuwa sabra ( Allah wuxuu la jiraa kuwa sabra), Al Baqara, 153. Abu Cali Al Daqqaaq ayaa dabadeed yidhi, Kuwa sabra wexey ku guuleysteen labada nolol , saa wexey heleen Allah la jirkiisa

 

3. Jeceylka Allah: Allah wuxuu noo sheegay inuu jecelyahay kuwa Sabra ( Allahna wuu jecelyahay kuwa sabra) Al Cimraan 146, taasoo keligeed ay ku filan tahay fadli

 

4. Sabarka ayaa ugu fiican wax aan sameyno: Allah wuxuu noo sheegay in wax noo dhaama Sabarka uusan jirin ( Haddaad sabartaan se, waa talada uguu roon kuwa sabra) Al Naxl, 126

 

5. Salawaadda Allah, Naxariistiisa iyo Hanuun wexey u kulantay kuwa sabra oo kaliya: Allah wuxuu leeyahay: ( U Bishaaree kuwa sabra, kuwa Markey ku habsato ibtilo dhaha, Allah ayaa na leh, isaga ayaana mudan nahay inaan u laabanno, kuwa (sida u hadla), waxaa dushooda ahaatay Salawaad, ka timid rabbigooga, Naxariis, kuwaas ayaana hanuunsan ) Al Baqara 155-157

 

6. Guul Adduun iyo Guul Akhiro waxaa lagu xidhay Sabarka: ( Kuwii Allah aaminayow, sabra, adkeysta, (cadwga Allahna), u foojignaada, Allahna iska jira, waa intaasood guuleysataanee) Al Cimraan, 200

 

Qaybaha Sabarka

 

Sidey sheegeen ahlul cilmiga, sabarku wuxuu u kala baxaa seddex qaybood:

 

Qaybta Koobaad: Sabar lagu sabrayo Allah daacaddiisa

 

Qaybta Labaad: Sabar laga Sabrayo Allah wuxuu naga reebay

 

Qaybta Seddexaad: Sabar lagu sabrayo Qaddarka Allah.

 

Seddexdaasna waxaa koobaya waanadii Luqmaan Al xakiim uu wiilkiisa waaniyey asagaoo leh : Willkeygow, Salaadda oog, wanaaggana (dadka) far, xumahana (dadka) ka hor-istaag, (dabadeedna) wixii kugu soo gaadha ( dhibaato oo Qaddarka Allah ah) ku sabir)

 

 

Ibn Qayyin Al Jawziya wuxuu uu u kala qaybshay sabarka;

 

1. Sabar aan dooranno :

a. Sida ku sabridda dhibaatada naga soo gaarta daacada Allah, ha noqoto Salaadda, Soonka, ama Jihaadka

b. Sabarka aan ka sabarno waxa Allah naga reebay oo nafteenna ay jeceshahay, sida raaxada badan, maalka xaaranta ah, iyo macaasida

 

2. Sabar aan ku qasban nahay

a. Oo ah Qaddarka Allah (dhibaatoyinka nagu dhaca)

 

 

Qaybta Koobaad: Sabarka lagu Sabrayo Allah Daacaddisa

 

 

Run ahaantiina waxaan u baahan nahay sabarka seddex xaaladood:

 

1. Intaanan wali aan bilaabin camal daacadda Allah ah, waa in aan nafteenna ku qasabno in marka hore niyadda aan khaalis Allah uga dhigno, naftana u sheegno in howshaan la dhameynayo ayadoo dhibsaneysa, lana iska jiro inuu istustus soo galo qalbiga, siduu Allahba uga soo hormariyey Sabarka Camalka saalixa aha markuu yidhi : Illaa kuwii sabray oo la yimi camalka fiican Huud, 11

 

2. Markaan howsha guda galno, oon ku dadaalno inaan foojignaanno markaan salaadda ku jirno, kuna dadaallo sunankeeda iyo waajibaadkeeda

 

3. Markaan howsha dhameystirno: oo u baahan in laga dhowro in la faafiyo ama lagu faano si uusan camalkaas u gubanin markuu istustus niyada galiyo.

 

Qaybta Labaad: Sabar laga Sabrayo Allah wuxuu naga reebay

 

Taasna wexey ku suurogashaa inaan nafta ka dabarno macaasida Allah, kana reebno xataa iney ku fakarto, maxaa yeelay sidii u Allah noogu sheegay, waa la iska xisaabinaya waxey nafteenna ku fakarto, siduu Allah yidhi Haddaad muujisaan amaaba aad qarisaan waxa naftiinna ku jira, Allah wuu idinka xisaabin, markaasuu qofkuu doono cafiyaa kuu doonanan cadaabaa Al Baqara, 284

Waxaana ka mida sabarka noocaan ah, in uu qofku hadwalba ku fakaro sidii uu naftiisa uga fogeyn lahaa waxa u soo jiidi karaa inuu dambi ku dhaco, sida inuu indhihiisa ilaalsho iney milicsan wax Allah reebay oo laga yaabo iney xoojiso shawhwad caaqibo xun u keenta. Carrabka ilaalintiisana waa tan ugu adag dadka badakood, waana tan camalka aan sameynoo dhan lumin karta, sidaa darted ilaalinta indhaha, carrabka, iyo qalbiga waa kuwo u baahan Sabar xoog leh oo ay ku suuro gasho xasuusta Allah SWT oo joogtada ah.

 

Qaybta Seddexaad oo ah: Sabar lagu sabrayo Qaddarka Allah.

 

Allah SWT wuxuu leeyahay: Waxaan idinku dayi doonaa ( si aad isu ogaataan meeshaad taagan tihiin, saa Allah idin ma moogee ) wax yaroo cabsi( duullaan) ah, iyo baahi ( abaar), iyo in la idinka yareeyo maalka, nafta(carruurta, qaraabada), iyo miraha ( beeraha waxa ka soo go'a), una Bishaaree kuwa (ku) sabra) Al Baqara, 155

 

Maxaa yeelay Sabarku markey ballayao nagu habsato waa calaamad inaan raalli ka nahay Allah wuxuu noo soo gartay ama uu n oo soo qaybshay, wexey kaloo tilmaameysaa inaan dhibka no soo gaadhay aanan uga sheeganeyn bani Adam anagoo ka dacwooneyna kii naxariista lahaa oo naga qaadi karay dhibkaas. Wuxuuna Suubanihii na baray inaan ku hadalno : "Allah ayaa na leh, asagana waan u laabaneynaa� Musiibadeydaan Allow adiga ayaan u sheeganayaa, ee ajar iga sii, iiguna baddal waxaad iga qaaddey wax ka kheir badan.

 

Darajooyinka Sabarka

 

Sidii uu sheegay Ibnul Qayyim, Sabarku waa seddex darajo

 

1. Allah oo lagu Sabro: oo macnaheedu yahay in asaga oo qudha la kaalmeysto, fishana la kulankiisa iyo aragtidiisa Kuna sabir ( Allah), Sabarkaaguna ma ah mid aad Allah kaalmesyaneysid mooyaanee? Al Naxl 127

 

2. Allah oo Dartii loo Sabro: Taasoo macnaheedu yahay in Sabarku yahay mid ka dhashay jeceul aad Allah u qabto, ood ka soo iilaneyso waxaan asaga aheyn.

 

3. Allah oo lala Sabro; Taasoo macnaheedu yahay inaad Allah muraadkiisa oo qudha uu noqdo hammigaaga iyo howshaada ood ku sabarto, Sabarka noocaan aha waa kan ugu adag dadka, waana kan ugo ajar badan, maxaa yeelay ma sahlana markii sidii asxaabul ukduud lagu doorrimeysiiyo in dab lagu gu tuuro iyo inaad diinta ka baxdo.

 

 

Sabarka , sidii Quraanka uu ugu soo arooray

 

Ibn Qayyim Allaha raali ka noqdee wuxuu sheegay in Allah uu ku xusay sabarka 90, sagaashan meel;

 

1. Waa nala amray sabarka: Kuna sabir ( Allah), Sabarkaaguna ma ah mid aad Allah kaalmesyaneysid mooyaanee, Al Naxl 127 , Sidaasoo kale Allah wuxuu leeyahay ku Sabir Xukunka Rabbigaaga, Al Tuur, 48

 

2. Waa naloo diiday inaan sabri weyno: Hadaba sabir sidey u sabreen nabiyaashii wexey goostaan ku adkeysan jirey, (dartoodna) talada toosan ha uga boodin, Axqaaf 35, meel kalena Allah wuxuu ku leeyahay, hana noqonin sidii kii uu laqay nibiriga ( markuu ku sabri waayey dacawada reerkiisa, oo uu ka xanaaqay).

 

3. Waa la faaniyey kuwa Sabra: Kuwa ku sabra baahida iyo bukaanka, Baqara 177

4. Guusha iyo gargaarka waxaa lagu xidhay Sabarka : Haddaad sabartaan ood Allah (daacaddiisa bu foojignaantaan), ay hadda idiin yimaadaan, Rabbigiinna wuxuu idinku kaalmeyn doonaa shan kun oo malaa'ig ah oo sumaadayesan (calaameysan) Al Cimraan, 125.

 

5. Guusha dhabta ah waa jannada galiddeeda, iyo naarta oo laga badbaado, waxaana lagu gaadhaa Sabirka Salaamun Caleykum, nabadi dushiinna ha ahaato, ( ood ku mutteysateen) Sabarkiinnii, hadaba, wanaagsanaa, daarta cidhibta dambe ( jannada), Al Racd, 23-24.

 

 

Sabarka , sidii ku soo aroortay Sunnada:

 

Waxaa ku soo arooray Sunnada axaadiith aad u farabadan, hase yeeshee labo raad ayaan ku soo koobi doonnaa;

 

1. Haweentii uu soo ag maray Rasuulka ayadoo ku kor ooyeysa Qabri, oo uu yidhi Sabar oo ayadoon garaneyn inuu Rasuulkii Alllah yahay ugu jawaabtay, musiibadeyda kugu ma dhicin. oo Markey ogaatay ay u tagtay Rasuulka si ay u raalli galiso asagan uu ugui jawaabay, sabarku waa ( qabta) judha hore ( Labada Saxiix)

 

2. Waxaa laga soo wariyey Abi Saciid al Khudri RAC, inuu rasuulka Allah yidhi, Ruuxii is Sabrisiiya, Allah waa u sahlaa sabarka, qofna la ma siin hadiyat ka ka kheir badan ama ka balladhan sabarka ( Labada Saxiix)

 

 

Sabarka, Salaf al Saalix

 

1. Waxaa laga soo wariyey cumar Ibn Khattab inuu yidhi: Nolosheenna intuu ugu fiicneyd waxaan ka helnay sabirka�

2. Waxaa laga soo wariyey Al Hassan RAC nuu yidhi: Sabarku waa kaydka ( Kansi) ka mid aha kaydka khierka ah, Allahna ma siiyo kaydkaas, addoon Allah agtiisa laga karaameyay mooyaanee.

 

 

Nur

 

 

2006 eNuri Softwaano Service

2006 eNuri Transemantics Service

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaal,

 

Waddankeennii balaayo ayaa ku habsatay, sidaan wada ogsoonnahayna, balaayo ummad kuma habsato dambii la'aan, loogamana qaado haddeyan la iman Allah-u-laabasho iyo istighfaar, sidaa darteed, maanta waxaa loo baahan yahay in lala yimaaddo Sabar badan, kaasoo sidaa soo qornay lagu gaadho drajooyinka ugu sarreya ee Raalli gelinta Allah.

 

Waa in nafta iyo maalka laga sabri karaa haddii la waayo, si loo dhowro diinta iyo dadka, waa in la ogaadaa inuu Sabarku ka mid yahay cibaadooyinka waaweyn, oo xisaab la'aan ajar loogu hel.

 

Waana in lagu sabri kara dhib walba oo loo marayo Allah raalli gelintiisa, saa dadka is hortaagan maanta qoloba qof bey raalli gelineysaayee, anaga Allah ha naga dhigo kuwii Allah oo qudha raalli gelinaayey.

 

 

Imtixaan weyn baa la marayaa, Allaha addimadeenna ku sugu xaqee.

 

 

Amiiin

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Ramadaan Kariim, dahmmantiin, waa bishii Sabarka, iyo bishoorooyinka Saabiriinta, Allaha naga yeelo kuwii ku sabray hoggansanaanta Allah, ka sabray wuxuu naga reebay, la sabray Saalixiinta iyo kuwa ku mittida waddooyinka nabadda ( Subul Al Salaam, ayagoo ogsoon oo huba inay Allah awgii u sabrayaan. Yaana ka wanaagson Allah oo loo Sabraa?

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Labo sano kadib, waddankeennu wuxuu marayaa kala baydh ( Cross Road) cusub, midaan hadda ka hor la marin, waxaa badaha Somalia ku heraarsan maraakiib dagaal oo farabadan oo fadgiyay muddo dheer ( Maraykan iyo Yurub).

 

Maraakiibtas um socdaan iney maatada iyo masaakiinta u gurmadaan, wexey u socdaan danahooda gaarka ah, oo kala ah in Somalia laga dhigo qashin qub (Yurub), iyo meel lago qoto batroolka (Maraykan).

 

Waana saman ay ummaddii qaarkeed weli u kala qaybsan tahay qabiil oo kalsoonida ay isu hayaan ay yartahay, tau u qabaan cadowgooda guudna ay badan tahay.

 

Hadaba, ummaddu Allah ayey leedahay, maxaa yeelay, dhagarta socota inta ay le'egtahay, iyo Somalidu sidey u moogtahay, waa wax yaab badan.

 

 

Sidaa darteed, waxaan is fareynaa sabir badan, iyo in xikmad iyo xasilooni looga hortago, maxaa yeelay, waxa dhacayaa wexey ka yeelaan qofka xaliimka ahi, mid xeyraan ah.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

....... Fasbir, Innal Caaqibata Lil Mutaqiin!

 

 

Hadaba Sabir, cidhibta dambe ( guusha) waxaa yeelan doona kuwa Allah ciqaabtiisa ka dhowrsada!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this