Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland naval forces clean pirates from the coast of laasqoray in eastern Sanaag

Recommended Posts

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee Degmada Laasqoray oo Dhirbaaxo ku Dhuftay Dablay Maraakiib Watada oo ku soo Xad-gudubtay Biyaha Somaliland.

 

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay dhinaca Bada gudeheeda, isla markaana laysku waydaarsaday

 

Lasqoray(GNS)-Iska hor imaad ayaa maanta dhex maray ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo Maraakiib ku soo jeeday Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

 

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay dhinaca Bada gudeheeda, isla markaana laysku waydaarsaday Hubka noocyadiisa, ayaa ka dambeeyay ka dib markii saddex Markab oo Rag hubaysani la socdaan u soo jihaysmeen dhineca Xeebta laasqoray, halkaasoo beryahan dambe warar soo baxayay ay sheegayeen inay imanayaan Maraakiib Qalab iyo Shaqaale u sidaa Dekeda laasqoray oo dib u dhis lagu samaynayo.

 

Wallow warar kale oo soo baxayayna ay tibaaxayeen inay deegaamadaasi dhanka xeebta Gobolka Sanaag iyo Buuralayda ku soo fool leeyihiin Kooxo Macdan qodayaal ah oo doonaya inay si tuugo ah dhulkaasi uga baadhaan Macdan.

 

Si rasmiya looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Israsaasayntan Maanta dhex marta Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland iyo Dablayda Maraakiibta saarnayd, hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Xeebaha Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Hal Askari dhinacooda ka dhaawacmay, dhanka kalena aanay wax war ah ka haynin.

 

Geesta kale Taliye ku xigeenka ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Col Cabdi Xirsi Ducaale oo aanu Khadka Talefoonka kula xidhiidhnay si aanu arintaasi wax uga waydiinay, ayaa xaqiijiyay inay Ciidankooda isku dhaceen Dablay hubaysan oo la socday Maraakiib ku soo jeeday Degmada laasqoray, kuwaasoo ilaa hada ujeedada ay halkaasi u imanaayan aan la ogayn.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay inay Ciidankoodu joojiyeen Maraakiibtaasi, ka dibna Rasaas loogu jawaabay, taasina dhalisay iska hor imaadkaasi, waxaanu intaasi ku daray inay wixii faahfaahin e la xidhiidha dhascdadaasi dib ka sheegi doonaan.

 

Degmada Laasqoray ayaa ka mida Deegaamada Somaliland ee dhinaca Xeebta ku teedsan, taasoo beryahan dambe damac badani kaga jiray Maamulka Puntland oo doonaya inay qayb libaax ku yeeshaan Did u dhiska Dekeda Laasqoray oo hada la bilaabayo, waxaana dhici karta inay puntland ka dambeyso Maraakiibtaasi hubaysan eek u soo xad gudbay Biyaha Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;837619 wrote:
Secessionist Somaliland got chased from Las Qoray, that's the truth, this guy is just embarrassed.

hey!!! tell your PL government to leave somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

I guess Somaliland is getting in that lucrative anti-piracy business. I guess that money stolen from Egal Airport project did not last, eh Mr, Silaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The Sage;837629 wrote:
I guess the infamous Puntland Marines were taking a nap that day...

Oodweyne News

 

warar sheegay in ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laasqoray ay qayb ka yihiin oo taageerayaan ciidanka Puntland ee difaaca ugu jira Somaliland

http://oodweynenews.com/news/176728-hal-askari-ciidanka-ilaalada-xeebaha-somaliland-oo-ku-dhaawacmay-dagaal-dhexmaray-maraakiib-laasqoray-kusoo-xidhatay.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this