Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Xukuumadda KMG oo kasoo horjeesatay qodobo kasoo baxay Shirkii Istanbul

Recommended Posts

stanbul: (Sh. M. Network) Shirkaani oo ay ka qeyb galayeen Madax ka tirsan Caalamka islamarkaana shalay galinkii dambe kusoo idlaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa laga soo saaray qodobo qaarkood muhiim ah oo ku aaddan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

 

Qodobadii kasoo baxay shirka oo si wayn loo falan qeeyay ayaa waxa ka mid ah, In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord, Road-Map, Garowe Principles iyo Addis Ababa.

 

In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo markii Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.

 

Markii uu soo idlaaday Shirka ayaa waxaa la hadlay Idaacadda Shabelle Afhayeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Injeneer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow kaasi oo sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Istanbul ay ahaayeen kuwa ay ku qanacday Xukuumadda KMG ah islamarkaana ay ka mid ahaayeen ballan qaad rasmi ah oo dowladda Turkiga ay u sameysay Soomaaliya iyo in laga gudbo xilliga Kumeel-gaarka ah.

 

Injeneer Yariisoow ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda ay kasoo horjeesatay qodobo ka mid ah kuwii shalay laga soo saaray Shirka Istanbul kuwaasi oo ay ka mid aheyd in guddi wadajir ah oo wax ka Maamula dhaqaalaha Soomaaliya la magacaabo.

 

Ugu dambeyn Afhayeenka Xukuumadda KMG ayaa waxa uu intaasi ku daray in shirkaasi uu ahaa mid Caalami ah islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Madax sar sare oo ka tirsan Caalamka oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiin ka socday dalalka Qaaradda Afrika, dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, wuxuuna carabka ku adkeeyay in shirkaasi uu kusoo idlaaday jawi wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galia   

Xaaji Xunjuf;837527 wrote:
its the news galia its not me u should contact mr Yariisoow

The news also reads this: Somaliland still has no recognition from anybody LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this