Sign in to follow this  
Garaad Bari

Budhcad badeed SNM ah oo isku dayey inay afduubaan maraakiib u socday dekeda Laasqoray

Recommended Posts

Waxaa magaalada taariikhiga ah ee Laasqoray kusoo xirtey maraakiib siday agab loogu talo galey in lagu dhiso Dekeda Laasqoray oo ay iska kaashanayaan dadka Deegaanka iyo qurba joogta u dhashey Sanaag isla markaana la doonayo in dhowaan dhidibada loo aaso deked cusub oo caalami ah.

 

Kadib markii ay maraakiibtu kusoo xiratey magaalada Laasqoray ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey dadka deegaanka iyadoo ay isu soo baxeen isla markaana ciidamada Daraawiishta ee Puntland ay si weyn amniga magaalada u sugayeen.

 

Mashruuca dibu dhiska Dekeda Laasqoray oo in badan ay umada Soomaaliyeed ee ku abtirsata Deegaanada Maakhir ee Puntland ay in dhoweydba sugayeen ayaa waxaa hormood ka ah Eng Faysal Ahmed Yusuf oo ku magac dheer Faysal Hawar isla markaana ay weheliyaan ganacsato kale oo u dhashey deegaanka.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay tibaaxayaan in intii aysan Maraakiibtu soo gaarin Magaalada Laasqoray ay bada kaga hor tageen Maleeshiyaadka SNM oo laga soo abaabuley Magaalada Berbera isla markaana dhowr maalmood ka hor soo gaarey Magaalada Maydh ee Gobolka Sanaag isla markaana rasaas ku furey maraakiibta.

 

Ciidamo Saarnaa Markabka iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa isla markiiba ka anbo baxay Magaalada Laasqoray iyagoo baacsadey Doomihii ka yimi Berbera iyadoo aan wax khasaare ah uu san gaarin Ciidamada Deegaanka iyo kuwa ilaalada Maraakiibta.

 

Dhacdadan ayaa waxay ka dhabeyneysaa Hanjabaad kasoo yeertey Maamulka Somaliland gaar ahaan Wasiirka Difaaca ee Somaliland Axmed Xaji Cadami oo isagu Asal ahaan kasoo jeeda Degmada Laasqoray isla markaana ay noqon doonto mid lagala xisaabtami doono Waziir Cadami.

 

Dhacdadaa kasoo kow magaalada Laasqoray waxaa nabadeeda sugaya Ciidamada Puntland oo isugu jira kuwa ilaalada Xeebaha iyo kuwa Daraawiishta iyadoo magaalada ay sidoo kale ku sugan yihiin ganacasto, Culumo iyo wax garad isla markaana ka qeyb geli doona Dhagax dhiga Marsada Laasqoray.

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eng: Faysal Xawar oo Daadifeeyay Hadalo Ka soo Yeeray W/Gaanshaandhiga somaliland Mr Cadami

 

(MM) Waraysi ay la yeelatay VOAda Faysal Xawar oo ka mida Ganacsata gadhwadeenka ah Mashruuca Macdanta lagu baadhayo ayaa sheegay in Maraakiibtii timi Degmada Laasqoray ay yihii kuwii dhisi lahaa dekada Laasqoray oo aanay kuwo u socda Macdan waa sida uu hadalka u dhigaye waxa kale oo ka uu sheegay in weerar lagu soo qaaday Maraakiibta dhismaha Dekada wada ay iska caabiyeen Maleeshiyoka soo duulshay Magaalada Maydh oo dhinac Galbeed kaga toosan Magaalada Laasqoray waxa kale oo uu iftiimiyay in Mashrruican dekada ay og tahay Maamul Goboleedka P/land cid kalena aan looga baahnayn in la waydiisto Ogolaanshiyo Madaama dadka Deegaanku ka mid yihiin Maamul Goboleedka P/land

 

Warasyigaa ay VOAdu la yeelatay Faysal Xawar ka dib wax khadka Telefoonka isna ugu waramay isla Idaacada Wasiirka Gaanshaadhiga Somaliland Mr Cadami oo sheegay in aanay ka war qabin cid deked dhisaysa raalina ka ahayn cidaan iyaga ahayn inay ka ogolaashiyo siiso cidii mashaariic ka fulinays Deegaanadaas

 

Isku soo wada duuboo waxa cad in Faysal yahay qof ka turjumi kara Mashruuca Maraakiibtu wado madaama uu ku sugan yahay halka laga fulinayo Mashruuca oo ah Magaalada Laasqoray Halka Wasiirkuna yahay mid debad wareega oo hadba Warbaahinta siinaya waxaanu hubin awoodaha uu sheeganaya ku kooban yihiin Magaalada Hargaysa oo uu degan yahay laakiin aan ishortaagin karin Mashaariicda laga wada Magaalada Laasqoray

 

Wasiirka ayaa u metela deegaanada Maakhir xaga siyaasada oo had iyo goor sheega inuu yahay Masuulka ugu sareeya ee wax laga waydiin karo deegaanadaas laakiin aan awood ku lahayn deegaanadaas marka laga tago mooyee inuu warbaahinta ka hadlo oo keliya taasina waa mid cadaynaysa in P/land maanta sugayso amaanka Magaalda Laasqoray Halka Somaliland Cadami u hadlayana aanay awood u lahayn inay tagaan deeganadaas

 

Maakhir Media Badhan

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   
:D How pathetic its a well known fact we don't have any pirates in Somaliland west of eastern Sanaag aka Makhiir. Instead of dealing with their own shame and living off thievery they wanna sling mud at others who choose not to partake in their criminal activities.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this