Sign in to follow this  
Zaahidah

Xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa.

Recommended Posts

Zaahidah   

Alxamdulilaah wa salaatu wa salaamu calaa Nabiyinaa Muxamad wa calaa Aalihi wa saxbihi wa salam intaa ka dib.

 

Alle Xaqa uu inagu leeyahay waa inaynu Caabudno oo aynaan cidna la wadaajin Cibaadadiisa, kan Alle ugu cabsi badan baa ugu karaamo badan Adoomada Alle.

 

Intaa ka dib adoomada xuquuq bay isku leeyihiin, Alle xaq buu inagu leeyahay,Zawjka xaq buu kugu leeyahay,ilmaha xaq bay kugu leeyihiin,dariska xaq buu kugu leeyahay,naftaada xaq bay kugu leedahay "fa'acdii kula dii xaqin xaqouh",mid walba oo xaq kugu leh sii xaqiisa.

 

Waa inaynu ogaanaa mar walba cida ina dull saadhay"saartay" xuquuqdan inuu Allah yahay oo aynaan moodin sharci ay "Raggu" soo dajiyeen.

 

Hadaan ka bilowno Xaqa uu ninka ku leeyahay Xaaskiisa waa:

 

1-Adeecid ay ku adeecdo wax walba oo macruuf ah 100%"daacatu zawj bil macruuf".

2-Inaysan gurigiisa soo galin qof uusan raali ka ahayn, firaashkiisa inuusan ku fariisan cid uusan raali ka ahayn.

3-Inaysan dhibin,oysan aff iyo addin dhib ugu gaysan "an laa tusii'a ilayh walaa tu'diih",xumaan oo dhan inaysan u gaysan.

4-Inay ku shukriso zawjkeeda oo aysan ku kufrin "an tashkura zawjahaa walaa takfuruh".

5-Inaysan ka bixin guriga ilaa uu fasaxo ninkeeda ma ahane xataa masaajidka haday aadayso waa inay ka fasax qaadato.

6-Inay isku qurxiso oo ay isku ziinayso dhan labis iyo dhan nadaafad intaba, oo ay u qososho mar walba oo ay waji fur-furan kula kulanto iyo farxad

7-Inay u khidmeyso oo ay uga adeegto gurigiisa iyo caruurtiisa.

8-Inay Maalkiisa u ilaaliso aysan bixin maalkiisa ayadoon ka amar qaadan,oo aysan ka dayicin israaf ku samayn.

9-Inay ku raali noqoto inta yar oo uu Ilaahay zawjkeeda siiyay, inta la hayona ku qanacdo oo aysan ku kalifin ninkeeda waxii nafaqo ahaa oo uusan awoodin.

10-Inay caruurtiisa tarbiyeyso,oo ay si fiican u koriso jir ahaan iyo maskaxiyan intaba,kheyrka iyo wanaaga kula dadaasho"wa hiya mas'uulatun canhum".

11-Sirtiisa inay xifdiso ooy qariso oo aysan sirtiisa bixin, waxa ugu wayn sirtiisa waa arimaha sariirta ku saabsan iyo waxa dhex mara labadooda waa Xaraam inay bixiso sirtaas.

12-Waa inaysan soomin soon sunno ah ayadoo uu ninkeedii joogo ilaa uu u idmo ma ahane.

13-Waa inay wanaajisaa la dhaqanka labadiisa waalid iyo qaraabadiisa dhan, si wanaagsan waa inay ula dhaqantaa.

14-Waa inay gabadha noqotaa mid la dadaasha ninkeeda oo ku dadaasha noloshaa wanaagsan oo uu Alle dhex dhigay inay noqoto mid daa'inta oo jirta,marnaba "furiin" ku fakarin ooysan waligeed waydiisan furiin,marnaba khuluc waydiisan ilaa ay diinteeda u baqdo mooyaane.

15-In hadii ninkeda Alle oofsado oo uu geeriyoodo waa inay 4 bilood iyo 10 habeen u samayso"asay", waxaa laga rabaa mudadaas xumaantii uu u diidi jiray markuu noolaa inay sideedii hore uga fogaato, dadkii uu jeclaa ay u sammo fasho oo ay siduu u xariirin jiray ay u xariiriso

 

Intaa waa xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa.

 

Waxan ka soo naqliyay arimahaa aan soo sheegay cajalka"Xuquuqu-zowjayn" ee Sheekhanaa Cabdullaahi Xasan Xaashi"Berberaawi" xafidahullaah.

 

Waxaan jeclaystay inaan ku ziyaadiyo waano aan ku waaninayo gabadhaha.

 

Walaalahayga aan jeclahayow Xaqqa zawjka"ninka ku qaba" waa Cadiim"mid wayn"ee aan ogaano sidaa mana ahan inaan sahlano ,dariiqa aad janno ku galayso walaashayay waa raali galinta zawjkaaga,maxaa yeelay marka aad zawjkaaga u baari fasho ood adeecdo Allaah ayuu ku xamdin oo waxuu ku dadaali siduu kuu wanaajin lahaa adiga.

 

Waa inaad ka farxiso zawjkaaga mar walba,guri nadiif ah iyo adigoo qurux iyo nadaafad leh uu ku arkaa mar walba,ee aysan noqon gabadhii sidii carabta ku maah-maahi jirtay"qirdun fil-bayt......wa ghazaalun fi-shaaric",markay guriga joogtana ay daayeer u ekaato,markay dariiqa socotana ay deero u ekaato,waa inay markay gurigeeda joogto sida ugu qurux badan u labisataa.

 

Waa inay gabadha kula dhaqantaa ninkeeda jeclaan iyo naxariis oo ay dhowrto shucuurtiisa oo ay mar walba ka war hayso siduu dareemayo zawjkeeda,oo ay mar walba waraysato hadii dhib ka soo gaaray shaqada ama banaanka, oysan marnaba hadal uu ka naxo ku dhihin ,hadii khilaaf dhex marona waa inaysan banaanka u saarin arintooda oo ay ayaga dhamaystaan.

 

Maadaama Rabigeen wax aynaan awoodin uusan dusha inaga saarin, ma ahan inay dadku dusha iska saaraan wax uusan qofka kale awoodin, sidaa darteed zawjkaaga wax uusan awoodin ha ku dhibin dhan walba.

 

Ugu danbeyntii waa inay gabadha ku dadaasho xuquuqdaas oo idil oo aysan ka gaabin ayna ka soo baxdo xuquuqdaas hadii ay doonayso Janno lagu waarayo iyo barwaaqo aan dhamaanayn, sida ay u gudan karto xuquuqdaas na waa inay la timaado marka ugu horeysa inay Allaah adeecdo ooy raali galiso Rabigeed ka dibna zawjkeeda raali galiso ayadoo raali-galinta zawjkeeda ku raadinaysa raali-ahaanshaha Ilaahay.

 

Alle ayaan ka baryaynaa inuu gabdhaha Islaamka ka dhigo saalixaat........aamiin...

 

Wa salaamu calaykum

--------------------

Allaahuma thabitnaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal As Salafiyyah

 

Qoraal wanaagsan Allaha kaa abaal mariyo abaal wanaagsan. amin.

 

Walaal, aad baa arrintan looga wada hadlay, xuquuqda raggu uu ku leeyahay xaasakooga, haseyeeshe waxaa aad loogu baahi qabaa in laga hadlo xuquuda ay haweenku raggoga ku leeyihin, maxaa yeelay, maanta sidaan is leeyahay, haweenka Somalida ayy diinta kaga dhow ragga badi ahaan, sidaa darteed qoraal u dhigma kan oo ragga la xassusinayo waajibkooga ayaa loo baahi qabaa.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shirwac   

Originally posted by As-salafiya:

Hadaan ka bilowno Xaqa uu ninka ku leeyahay Xaaskiisa waa:

1-Adeecid ay ku adeecdo wax walba oo macruuf ah 100%"daacatu zawj bil macruuf".

2-Inaysan gurigiisa soo galin qof uusan raali ka ahayn, firaashkiisa inuusan ku fariisan cid uusan raali ka ahayn.

3-Inaysan dhibin,oysan aff iyo addin dhib ugu gaysan "an laa tusii'a ilayh walaa tu'diih",xumaan oo dhan inaysan u gaysan.

4-Inay ku shukriso zawjkeeda oo aysan ku kufrin "an tashkura zawjahaa walaa takfuruh".

5-Inaysan ka bixin guriga ilaa uu fasaxo ninkeeda ma ahane xataa masaajidka haday aadayso waa inay ka fasax qaadato.

6-Inay isku qurxiso oo ay isku ziinayso dhan labis iyo dhan nadaafad intaba, oo ay u qososho mar walba oo ay waji fur-furan kula kulanto iyo farxad

7-Inay u khidmeyso oo ay uga adeegto gurigiisa iyo caruurtiisa.

8-Inay Maalkiisa u ilaaliso aysan bixin maalkiisa ayadoon ka amar qaadan,oo aysan ka dayicin israaf ku samayn.

9-Inay ku raali noqoto inta yar oo uu Ilaahay zawjkeeda siiyay, inta la hayona ku qanacdo oo aysan ku kalifin ninkeeda waxii nafaqo ahaa oo uusan awoodin.

10-Inay caruurtiisa tarbiyeyso,oo ay si fiican u koriso jir ahaan iyo maskaxiyan intaba,kheyrka iyo wanaaga kula dadaasho"wa hiya mas'uulatun canhum".

11-Sirtiisa inay xifdiso ooy qariso oo aysan sirtiisa bixin, waxa ugu wayn sirtiisa waa arimaha sariirta ku saabsan iyo waxa dhex mara labadooda waa Xaraam inay bixiso sirtaas.

12-Waa inaysan soomin soon sunno ah ayadoo uu ninkeedii joogo ilaa uu u idmo ma ahane.

13-Waa inay wanaajisaa la dhaqanka labadiisa waalid iyo qaraabadiisa dhan, si wanaagsan waa inay ula dhaqantaa.

14-Waa inay gabadha noqotaa mid la dadaasha ninkeeda oo ku dadaasha noloshaa wanaagsan oo uu Alle dhex dhigay inay noqoto mid daa'inta oo jirta,marnaba "furiin" ku fakarin ooysan waligeed waydiisan furiin,marnaba khuluc waydiisan ilaa ay diinteeda u baqdo mooyaane.

15-In hadii ninkeda Alle oofsado oo uu geeriyoodo waa inay 4 bilood iyo 10 habeen u samayso"asay", waxaa laga rabaa mudadaas xumaantii uu u diidi jiray markuu noolaa inay sideedii hore uga fogaato, dadkii uu jeclaa ay u sammo fasho oo ay siduu u xariirin jiray ay u xariiriso

 

Wa salaamu calaykum

--------------------

Allaahuma thabitnaa!

Waxaan hooyooyinka soomalidoo sameynaya ma aragee, diinta inteedaan waagaas Soomalida ma soo gaarin miyaa. Waa wax cunsirinimo u eg!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Salafiya sis,

 

Jazakallah Khair for the reminders. Indeed, the pleasure of the husband lies beside the pleasure of Allah subhanahu watacala. We should aim to please them Insha'Allah, when the time comes, for the sake of Allah (swt) (even if they're unbearable). It's imperative for both the husband and the wife to know their God given rights and responsibilities and that of their partners!

 

 

Originally posted by Nur:

waxaa aad loogu baahi qabaa in laga hadlo xuquuda ay haweenku raggoga ku leeyihin, maxaa yeelay, maanta sidaan is leeyahay, haweenka Somalida ayy diinta kaga dhow ragga badi ahaan, sidaa darteed qoraal u dhigma kan oo ragga la xassusinayo waajibkooga ayaa loo baahi qabaa.

I agree.

 

Shirwac...dadkayagu inta badan diintu wey ku yartahay, inta baratayna qaar baan si fiican ufahmin. Hadaba, waa waajib inta si fiican ubaratay saaran iney kuwa kale aqoonta u gudbiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

As salaamu calaykum ikhwaanii.

 

Akhee Nur I agree with you waa loo baahan yahay in laga hadlaa Xaqa dumarka.

 

Waan ka xumahay article kan mar hore ayaan qoray oo hada ma hayo mid Xaqa dumarka ka hadlaya"macdirah".

 

Wasalaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

Originally posted by Shirwac:

quote:

Waxaan hooyooyinka soomalidoo sameynaya ma aragee, diinta inteedaan waagaas Soomalida ma soo gaarin miyaa. Waa wax cunsirinimo u eg!
Shirwac way jireen hooyooyin sameeya in ka mida waxyaabahaa,aniga waxan arkay islaan odaygeeda cagaha u maydhi jirtay markay soomaaliya joogtay oo intay cidiyaha ka jarto saliid u marin jirtay odaygeeda markuu shaqada ka yimaado.

 

Gabadheedii ayaa North America lagu guursaday iyadana ninkeedii ayay sugi jirtay intuu shaqada ka yimaado,ilmaha ayay inta seexiso guriga iyo nafsadeeda nadiifin jirtay ka dib odaygeedii markuu yimaado iyadii iyo gurigii oo uunsi ka carfayo ayay u maydhi"qubayn" jirtay odaygeedii oo Casho siin jirtay ka dib wada seexan jireen,isagana wanaag intaa ka badan ayuu u samayn jiray gabadhaa.

 

Markaa way jiraan hooyooyin iyo aabayaal is jecel oo wanaagsan iskuna baari fala.

 

Wasalaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bismillaah wa salaatu wa salaamu calaa Nabiyinaa Muxamad wa calaa Aalihi wa saxbihi wa salam intaa ka dib.

Alle Xaqa uu inagu leeyahay waa inaan Caabudno oo aynaan cidna la wadaajin Cibaadadiisa, kan Alle ugu cabsi badan baa ugu karaamo badan Adoomada Alle.

 

Inshaa allah waax yar ayan ii noga sheagi Xaqa Xaasku ku leedahay ninkeada,

 

Xaqa Xaasku ku leedahay ninkeada waa

 

1.meherkeeda wuu ino siyo

2. waa inuu ogaado inuu isagu musuulkayahay waaxay kunoolaan lahayd oo dhan.

3.inuu siwanaagsan ula dhaqmo inuu ka ilaaliyo hadalka xun.

Ilaahay wuxu yidhi sw ‘wacaa sharuuna bilmacruuf’ kulana noolaada si fiican (surata al nisaa 19)

Waaxa kalaa allah yidhi sw ‘wallahunna mislu ladii calayhinna bilmacruuf’ haweenkuna waxay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican ( baqraa 228)

 

Ibnu cabbas wuxu yidhi marku ayadan akriyay waxaan jecalyahay inaan aniguna iskuu qurxiyo xaaskayga, iyagu baa xaq bay naqu leeyihin lamida kaan ku leenahay.

 

Ibnuu katiirna marku ayaadan inoo fasilay wuxu yidhi, hadal kaan kula hadalano dumarkeena waa inu fiicnaado, waan inaad kula dhaqanta akhlaaq wanaagsan in aad ixtriraamto inti karaan kaagaah sidaa adiguba jeclaan lahayd

 

rasuul keani scw wuxuu yidhi qofka iduunka ficani waa qofka reerkiisa u uwanaagsan anna reer kayga ayaan u wanaagsanyahay (tirmidhi 3897)

 

4.waa inuu ninku inaan nu ku nicin gabadisa waax kalaad haadi uu ku arko hadaanu ahayn wax diina ku saabsan.

Rasoolkeani SCW wuxu yidhi nin allah rumaysani inuu naco ma’aha gabadh allah rumaysan, haduu wax ku naco kolay wax kalea ayu ku jeclaan. (muslim 1469)

 

Maar asaxaabtii aya way diiyeen rasoolka SCW waa maxay xaqay xaaskayagu nagu leedahay wuxuu yidhi SCW ‘ markaad wax cunaysid iyadana cuntaysii, markaad dhar ibsanaysid iyadana ci’ibi’ (abu daauud 2142)

 

Inkastoo ninkuu reerkisa mas’uul kayahay masruuf kooda ilaahay wuxuu yidhi sw nafna laguma dhibo waxaanay awoodi karayn (baqra 233)

 

4. waxaa ka loo saran ninkaa waa inuu baro diinta oo uu xasuusiyo marka ay iilowdo.

Waxaa ugu mihiimsan inuu usheago alla kali nimadiisa iyo sidii ay asaxaabtii ilaahay u caabudi jireen una dhaqmi jireen.

Allah wuxuu yidhi SW ninka allah rumeeyoy naftaada iyo ehelkagaa ka ilaali naarta ay dadku iyo dhaqaxaan xaabo uyihiin (suratul taxriim:6)

 

 

Allah haa inaga ilaaliyo naarta.

 

 

Waxaa waanag san iin xaqa lays faro raguna ay gartaan xuuquugda ay dumarkoodu kuleeyihiin iyo caruurtooda mas uul kooda.

Sidaynu ognahay wakh tigan xaadirka ah ragii way is ga dhaga mariyaan oo xil masaaran wixii ku waajib ahaa inyaar oo allah u naxariistay mooyaane

Waxaa jiraa rag badan oon dankalahayn caruurtoodii iyo xaaskood toona oo mafrash yada iskaga barjeeya, oon waxba kaa ogayn wuxuu dadkii allah masuul ka ga digay ku sugaan yihiin, iyo niman badan oo shaqaysta laakin sapaarayde sheeganayaa oon kala ogayn amma dhankalahayn xalaal iyo xaaran.

 

--------------------

The last part of this ummah cannot be rectified, except by that which rectified its first part.

Share this post


Link to post
Share on other sites

salamu alycum As salafiya,

jazakal kharan for the remainder, just to inform i already posted this topic in may.

inshallah you can refer to it.

 

 

Xaqa Xaasku ku leedahay ninkeada 06 June, 2005 Dood Wadaag

 

Xaqa uu ninka ku leeyahay xaaskiisa 17 May, 2005 Dood Wadaag

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Jazakallah khairan walaalayaal, ilaahayna hana wada waafajiyo xaqa.

 

Originally posted by As-salafiya:

quote:

Originally posted by Shirwac:

quote:

Waxaan hooyooyinka soomalidoo sameynaya ma aragee, diinta inteedaan waagaas Soomalida ma soo gaarin miyaa. Waa wax cunsirinimo u eg!
Shirwac way jireen hooyooyin sameeya in ka mida waxyaabahaa,aniga waxan arkay islaan odaygeeda cagaha u maydhi jirtay markay soomaaliya joogtay oo intay cidiyaha ka jarto saliid u marin jirtay odaygeeda markuu shaqada ka yimaado.

 

Gabadheedii ayaa North America lagu guursaday iyadana ninkeedii ayay sugi jirtay intuu shaqada ka yimaado,ilmaha ayay inta seexiso guriga iyo nafsadeeda nadiifin jirtay ka dib odaygeedii markuu yimaado iyadii iyo gurigii oo uunsi ka carfayo ayay u maydhi"qubayn" jirtay odaygeedii oo Casho siin jirtay ka dib wada seexan jireen,isagana wanaag intaa ka badan ayuu u samayn jiray gabadhaa.

 

Markaa way jiraan hooyooyin iyo aabayaal is jecel oo wanaagsan iskuna baari fala.

 

Wasalaam
Subxanallah, Masha'Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zaahidah   

Wa calaykum as salaam ukhti-Muslimah.

 

Aaamiin wa iyaaki walaalo ducada aad ii ducaysay.

 

MaashaaAllah si wanaagsan ayaad uga hadashey Xaqa gabadha ninkeeda ay ku leedahay.

 

Hadii ay raggu sedexdaan arin sameyn lahaayeen guryo badan oo maanta dumay sidaa may ahaadeen ban filayaa.

 

1-Inay xaasaskooda Wanaag"macfuur" iyo naxariis kula dhaqmaan.

2-Inay xaaskooda siiyaan Meherkeeda, Nafaqadeeda,Masruufkeeda iyo Marashadeeda.

3-Inay qawaamnimadooda si wanaagsan uga soo baxaan oo ay gabadhaa iska xil saaraan wax barashadeeda iyo siday u wanaajin lahaayeen dhan walba.

 

Allaha rageena soo hanuuniyo intooda aan Xaqa garanayn, inta garanaysana Allaha u ziyaadiyo Cilm iyo Taqwaa..........aaamiin.

 

Wasalaaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

NINYAHAW NAAGTAADA DHAQO

 

Sida naagtaba looga doonayo inay adeecdo oo u adeegto ninkeeda, maalkiisana aanay ku bixin idankiisa mooyee, ayaa sidoo kalena ninka looga doonayaa inuu xaaskiisa u roonaado, wanaagna ku dhaqdo. waxa uu Eebbe Qur’aankiisa ku leeyahay:

 

(Ku dhaqda wanaag, haddaad nacdaanna waxaa dhici karta wax idinku aad nacdeen in Eebbe khayr badan dhex dhigo) (Suurat An-Nisaa: 19). Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey: “Mu’miniinta ka ugu iimaanka badani waa ka ugu edebta badan, waxaana idiinku akhyaarsan ka xaaskiisa ugu akhyaarsan.

 

Dab kastaa kolka uu dillaacayo koob biyaa kolay ku tahay waa lagu damin karaa. Anigoo haddaba aragtidaasi a amba qaadaya, ayaa waxan oran karaa dhibaatooyinka ugu badan ee qoysaska dhisan dumiyaa waxay ka billowdaan is afgaranwaa yaryar oo aan markaa micna lahayn, isla goobtaasna wax looga qaban karo, haddiise la daayo ama batrool lagu sii daro sii holciya, kolkay isbiirsadaan waxay gaaraan heer furriin mooyee faraj kale laga quusto.

 

Ninka haddaba doonaya inuu guri barwaaqo dego, waxa la gudboon inuu waanooyinka soddonka ah ee soo socda si fiican u dhuuxo, uga fekero, xisaabtana ku darsado. Waxyaabaha aan hoos uga hadli doonaa, waxan isleeyahay waxa weeye waxyaabo ninku hadduu sameeyo aan isaga waxba ka dhibayn, xaaskiisa ku abuuraya kalsooni, dulqaad, jacayl iyo farxad joogta ah, guurkoodana ka dhigaya kii lagu nasto oo lagu nagaado abid.

 

1- Ha xumeyn xaaskaaga. Xumeyn aad naagtaada xumeeysaa nooc ay ahaataba, waxay ku reebtaa aano urugo aan weligeed ka bixin. Waxyaabaha ay xaasku ka carooto laabteedana aanay kaaga cafineyn, xitaa hadday carrabkeeda kaaga cafiso, waxa ugu daran adigoo dila iyo adigoo caay ama ceebeyn u geeysta iyada ama ehelkeeda, amaba adigoo sharafteeda iyo karaamadeeda wax ka sheega.

 

2- Si fiican u dhaq si fiican ha kuu dhaqdee. Dareensii inaad jeceshahay iyo inaadan ka maarmin. Nafteeda u raaxee oo raalligeli, caafimaadkeedana ku dadaal. Hadday xanuusato, wax kasta u hur siday ku daawoobi lahayd, siday u caafimaadi lahaydna usoo jeed.

 

3- Ogoow inay xaaskaagu jeceshahay inaad la fariisatid, kalana sheekeysatid wax kasta ood dareemeysid. Guriga ha kusoo laaban adigoo weji cabuusan oo aamusan, taasi oo iyada ku rideeysa welwel iyo shaki.

 

4- Haku khasbin xaaskaaga inay kula wadaagto hiwaayadahaaga gaarka ah. Tusaale ahaan, haddaad caalim ku tahay cilmiga xiddigiska, haka filan inay sidaada oo kale jeceshahay xiddigaha iyo meereyaasha.

 

5- Noqo nin dhowrsan oon balwad lahayn sida aad iyadaba ka rabtid inay noqoto. Waxa jira Xadiis uu soo saaray Dhabariyy oo oranaya: (Dhowrsanaada dumarkiinnu ha dhowrsanaadaane). Iska jir inaad indhaha ka daba taagtid dumarka aan xalaasha kuu ahayn, sdia kuwa aad wadaagtaan goobta shaqo ama goobta waxbarasho, kuwa waddooyinka maraya iyo xitaa kuwa aad Taleefishanka ka daawatid.

 

6- Iska jir inaad xaaskaaga ka masayrisid. Ha kusoo hadal qaadin, kaftanba ha kaa ahaatee, inaad doonaysid inaad naag kale guursatid, hana u ammaanin dumar kale, waxyaabahaasi oo laabta ka wareemaya, kalgacalka ay kuu qabtana ku beddelaya welwel, shaki, malo iyo murugo joogto ah.

 

7- Ha xusuusin xaaskaaga xumaan iyo ceebo ay sameeysay waqti lasoo dhaafay, gaar ahaan ha ku hor sheegin ceebahaasi hana ku caayin dadka hortiisa.

 

8- Dhaqankaaga wanaaji, ayaan markaad joogtana dhaqan wanaag hor leh lasoo bax, sida aad iyadaba uga rabtid, kana digtoonow wax kasta oo xaaskaaga ka xanaajin kara.

 

9- Dhaqan iyo diin wanaagga xaaskaaga kaga dayo hadday kugu dhaanto. Imisaa rag hanuunay kolkay guursadeen haween diin leh oo dhowrsan, dhaqan wanaagsanna leh.

 

10- Isdeji, carada iyo xanaaqana iska daa. Haddaad xaaskaaga ka gardarraatid ka cudurdaaro oo ka raalligeli, hana seexan adigoo u caraysan, iyana ay murugeysantahay ooy illintu dhabankeeda ku taallo. Ogoow waxyaabaha aad ka carootaa inta badan ma aha wax astaahila inaad qoyskaaga farxaddiisa u baabi'isid eh. Shaydaanka iska naar, isdeji, ogoowna dhaqanka iyo jacaylka adiga iyo xaaskaaga idiin dhexeeyaa inay ka weyn yihiin inay ku waxyeelloobaan caro iyo is fahamwaa mar dhacay.

 

11- Isku kalsooni ku abuur xaaskaaga, hana ka dhigin sida adeegto waxaad doontid kuu yeesha waxaad tiraahdidna kaa yeesha. Ku dhiirrigeli inay yeelato shaqsiyad, fikrado, iyo go'aanno iyada u gaar ah. Kala tasho umuurahaaga oo dhan, kulana dood si xikmad leh. Qaado ra'yigeeda hadduu kuula muuqdo inuu saxyahay, una sheeg inaad ra'yigeeda qaadaneysid, hadduuse ra'yigaagu kula saxsanaado si degganaan iyo dadnimo wanaag leh uga dhaadhici.

 

12- U mahad celi kuna ammaan kolkay wax mudan in lagu ammaano looguna mahad celiyo sameeyso. Xadiis uu Tirmidi weriyey baa ahaa: (Qofkaan dadka ku mahadini Allena kuma mahadiyo).

 

13- Xaaskaaga ha eedeyn, hana cambaareyn, hana barbar dhigin dumar kale ood ku leedahay way kaa fiican yihiine ku dayo.

 

14- Isku day inaad ku tartid kuna taakulaysid wax kasta oo ku dhiirrigelin kara inay aqoon kororsato. Hadday doonayso inay Dugsi ama Jaamacad dhigato, u fududee oo garab istaag, kol haddaanay waxay baranaysaa kahor imaanayn diinta, kana mashquulinayn waajibkeeda marwonimo ee guriga. Kolka ay guul soo hooyso, la farax oo dareensii inaad guusha la wadaagto, garabkeedana aad had iyo goor taagan tahay.

 

15- Si fiican u dhegeyso xaaskaaga, kuna dhiirrigeli inay kuu sheegto wax kasta oo laabteeda ku jira. Iska jir inaad ku jeesjeestid ama hadalkeeda jebisid (beenisid). Waxa jira dumar aan hadal daayin oo deriska iyo dadka xanta. Haddaba, kuwaas oo kale si xikmad leh, diintana waafaqsan arrinkooda ku daawee.

 

16- Dareensii xaaskaaga inay agtaada aamin ku tahay, ood adigu dugsi iyo duggaal uga tahay duruufo kasta ooy ka baqayso. Dareensii inaadan weligaa dumar kale ka doorbideyn kana doonaneyn.

 

17- Xaaskaaga dareensii inaad adigu masruufkeeda iyo marashadeeda mas'uul ka tahay, xitaa hadday xoolo badan leedahay. Ha damcin xooleheeda kuu xalaal ma ahee, maal bay haysataa darteedna ha kaga masuugin . Ogoow xaaskaagu, si kasta ooy taajirad u tahay inay ku farxayso kuguna qiimeynayso dadaalka aad ugu jirtid sidaad mustaqbalkiinna u dhisi lahayd, mas'uuliyaddeedana u qaadi lahayd.

 

18- Iska jir xiriirka dumarka aan kuu bannaanayn, ogoowna inay kamid yihiin waxyaabaha ugu badan ee guryaha dhisan dumiya.

 

19- Dheellitir jacaylka xaaskaaga iyo jacaylka waalidkaa iyo tolkaaga, dhinacna dhinaca kale ha uga eexan oo daraf waliba xaqa uu kugu leeyahay sii, adigoon darafka kale xumeyn.

 

20- U ahow xaaskaaga sida aad jeceshahay inay kuu ahaato, ogoowna inay iyaduba kugu jeceshahay waxa aad adigu ku jeceshahay. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Waxaan jeclahay in aan xaaska isugu qurxiyo sida aan u jeclahay inay isugu kay qurxiso).

 

21- Soo wareeji oo kusoo madaddaali guriga dibaddiisa hasoo hawa beddelatee, gaar ahaan kahor intaanay dhalin ubad madaddaaliya, wax allaale waxaad jeceshahay inay kula qaybsatana la qaybso.

 

22- Reerkeeda xariiri, dhaqaalee, si xushmad lehna ula dhaqan oo usoo dhowee.

 

23- Waqtigaaga oo dhan shaqadaada ha siin yaanay ka maseeyrine. Waqiyadaada fasaxa iyada kula qaado guriga gudihiisa ama dalxiis u kexee oo soo wareeji, yaanay caajis dareemine.

 

24- Kolka aad guriga ka baxaysid, ku sagooti dhoola caddayn, kana dalbo inay kuusoo ducayso. Kolka aad guriga kusoo laabatidna ha ku degdegin ee waqti sii ay kulankaaga isugu diyaariso, gaar ahaan kolka aad safar kasoo gashid, aan ahayn waxa laga yaabaa inaad ku aragtid qaab iyo lebbis aadan jeclaysan inay kugu qaabisho.

 

25- Adiga iyo xaaskaagu nolosha isku il ku eega oo isku day inaad aragtida ka midoowdaan.

 

26- Isku day inaad xaaskaaga ka kaalmeysid howlaha guriga qaar. Caa'ishah (RC) waxay tiri: (Rasuulku "SCW" haweenkiisa ayuu howsha la qaban jiray, Salaadda waqtigeeda kolka la gaarana Salaadduu u bixi jiray). Waxa weriyey Bukhaari.

 

27- Isku day inaad isha ka dadabtid meelaha qaar ay xaaskaagu ku liidato, ama lagaga fiicanyahay, isna xusuusi wanaagga iyo waxtarkeeda, si ay u daboolaan ceebeheeda. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri: (Nin Mu'min ahi ma liido naag Mu'minad ah, hadduu dhaqan ku naco mid kaluu ku raacaa). Muslim baa weriyey.

 

28- Xaaskaaga shukaanso, la kaftan oo la cayaar. Rasuulku (SCW) oo nin Saxaabiya la hadlayaa waxa uu yiri: (Gabar maxaad u guursan weysay aad la cayaartid oo kula cayaarta). Bukhaari baa weriyey. Cumar bin Khaddaab (RC) oo caan ku ahaa ad-adayg iyo xoog, xitaa, waxa uu dhihi jiray: (Ninku kolku xaaskiisa la joogo waa inuu sida carruurta ahaado, kolka uu dad kale la joogana rag ahaado).

 

29- Xaaskaagu hadday kugu soo hadal celiso waa inaad dhegeysatid ra'yigeeda una dulqaad yeelatid. Rasuulka (SCW) dumarkiisu way ku ra'yi celin jireen kamana uusan caroon jirin.

 

30- Deeqsi u ahow xaaska iyo carruurtaada, waxaad u awooddana ha kala bakhaylin. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri: (Diinaarrada waxa ugu fadli badan ka aad ehelkaaga ku bixisid). Waxa weriyey Axmed.

 

Ragga waxa lagula dardaarmayaa inay dumarkooda isu qurxiyaan oo isu carfiyaan. Aayad Qur’aan ahi waxay oranaysaa:

 

(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale) (Suurat Al-Baqara: 228). Waxa weliba la sheegaa in haweeneydu kolkay barafuunka ninkeeda uriso, isla goobtaasi ku godlato, oo galmo ugu baahato. Ibnu Cabbaas (RC) waxa laga weriyey inuu yiri: “Ninku ha isugu diyaariyo naagtiisa sida isaguba uu jecelyahay inay isugu diyaarisoâ€.

 

Ninku waa inuusan kolka uu guriga joogo isdhigan oo uusan wax waliba ku dhaafin inay siday doonaan u dhacaan, balse waa inuu guriga ku leeyahay mowqif sidii isaga oo xafiiska shaqada jooga

 

Sabriye Macalin Muse

Share this post


Link to post
Share on other sites
Oocyte   

way jireen hooyooyin sameeya in ka mida waxyaabahaa,aniga waxan arkay islaan odaygeeda cagaha u maydhi jirtay markay soomaaliya joogtay oo intay cidiyaha ka jarto saliid u marin jirtay odaygeeda markuu shaqada ka yimaado.

As-salafiya,

Cago mayrid iyo isu qabeyn maahan wax weyn oo labada qof ee is qaba isu sameeyaan ama dan ha keento ama dooq ha u geeyee. Su'aasha taaganse waxaa weeye ninkaa lugaha loo saliideynayey waligii xaaskiisa cagaha ma u subkey markiisa? Mase u meyray? mise waxaagu waa Gabadhu ha dhabar jabto ninkuna ha raaxeysto?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Originally posted by Oocyte:

Why is my post deleted? instead of deleting, cant you respond to it if someone thinks highly of this list?

Waxaa ka maqnayd Adaab!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this