Sign in to follow this  
General Duke

Ankara informs Secessionist enclave only Somalia Passport allowed to enter Turkey, Poor Xabsade

Recommended Posts

Mid ka mid ah wasiirada Somaliland oo loo diiday Visaha Turkiga (Xog Rasmi ah)

 

May 30, 2012 - Written by editor -

 

Mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan golaha wasiirada maamulka Somaliland ayaa loo diiday Visaha (dal ku galka) dalka Turkiga, isagoo qayb ka ahaa wasiiro ka kooban oo ka socdey maamulka Hargeysa oo Turkiga kaga qayb galaya shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo Jimcaha ka furmaya magaalada Istanbul.

 

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta lagu wargaliyey inaanu qayn ka noqon doonin wafdiga Turkiga tagaya ee ka socda Somaliland taasi oo lagu macneeyey isagoo Visaha ku dalbadey Baasaboorka Somaliland oo ay ku qoran tahay “Jamhuuriyada Somaliland”, arintaasi oo ay ku gacan sayrtey wasaarada arimaha dibada Turkiga oo sheegtey in ay Soomaaliya u aqoonsantahay Jamhuuriyada Somalia isla markaana Baasaboorka Soomaaliga oo kaliya ay ku bixinayso wixii Visaha ah oo la siinayo muwaadiniinta u dhashay Soomaaliya ee aan haysan Baasaboorada dawlado la aqoonsan yahay.

SBC ayaa ogaatey in Maamulka Somaliland afar wasiir oo ka tirsan ay dhawaan dalbadeen Visaha ama dal ku galka dalkaasi, waxaana la xaqiijiyey in wasiirada arimaha dibada Maxamed C/laahi Cumar, Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Macdanta & Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale & Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Axmed Cabdi Xaabsade, balse Visaha loo ogolaadey sadexda wasiir oo kale oo watey Baasaboor Ajanabi ah, iyadoo loo sheegay Axmed Xaabsade inaanu sifo sharci ah ku gali karin dalka Turkiga, hadii uu doonanaya ay tahay in uu qaato Baasaboor Soomaali ah, arintaasi oo keentey in uu ka harey diyaaradii wafdiga Somaliland ka qaaday Magaalada Barbara kuwaasi oo ka koobnaa laba wasiir iyo xubno kale oo ka socey Bulshada Rayidka halka wasiirka Macdanta & Biyaha uu Turkiga ka soo galey dhanka dalka Mareykanka.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo saxaafada la hadley wuxuu qiray arintan, isagoo sheegay in baasaboorka Somaliland ee uu haysto uu ugu soo bixi waayey Visihii uu ku tagi lahaa dalka Turkiga uuna kaga mid noqon lahaa wafdiga Somaliland ee ka qayb galaya shirka Istanbul.

Fadeexada qabsatey wasiir Xaabsade & waji gabaxa ku dhacay sheegashada Somaliland Jamhuuriyad Madaxbanaan ayaa waxaa si weyn maanta looga hadal hayaa goobaha la isagu yimaado ee magaalooyinka Somaliland, fadhi ku dirirada iyo waliba xarumaha dawlada, iyadoo dadku su’aalo iska waydiinayaan aayaha sheegashada gooni isu-taaga Somaliland oo talaaban ku noqonayso mid fashil & ceeb ku ridaysa.

 

Shirkii bishii February ka dhacay magaalada London ee ku aadana arimaha Soomaaliya ee ay soo qabanqaabisay dawlada Britain ayuu Axmed Cabdi Xaabsade wuxuu ka mid ahaa wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, iyadoo Visaha loo saarey baasaboor Soomaali ah oo loo sameeyey xiligaasi sida ay SBC u xaqiijiyeen ilo wareed oo la isku haleyn karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hustler   

Ok do you really want us to beleive this. Come on turkey wanted somaliland delegation there and had no restrictions on the delegation and getting somalia passport isnt even that hard. So try next time dukey this little self opinion article doesnt f:Dly

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hustler;836471 wrote:
Ok do you really want us to beleive this. Come on turkey wanted somaliland delegation there and had no restrictions on the delegation and getting somalia passport isnt even that hard. So try next time dukey this little self opinion article doesnt f:Dly

So, Xabsade was left out for clan reasons huh? Even better...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sababta Xaabsade looga reebay weftigii Somaliland ee shirka Turkiye u metelaayey

 

Written by Qaran news

 

May 30, 2012 at 04:13 AM

Qaran news,(Qaran news)-Wasiir axmed cabdi xaabsade oo ka mid ahaa weftigii xukumada siilaanyo uga qeyb gelaayey shirka kooxaha somalida isku haya Istanbuul-turkiye loogu qabanaayo, ahaana wasiirka ugu da'weyn wasiirada meesha maraayey islamarkaana metela bulahsoweynta ka soo jeeda ama ku abtirsata gobolada sool iyo buuhoodle balse si weyn uga soo horjeeda Maamulka xukumada Siilaanyo ayaa ka baaqsadey inuu shirkaas ka qeyb galo.

 

Sababta loo reebay wasiir xaabsade ayaa loo nisbeeyay isagoo watay baasaboorka somaliland,xukumada siilaanyana markii hore hagratey ama kala masuugtay inay gudbiso macluumadkiisa si loogu diyaaro fiiso ama dal kugal u sahla inuu tago turkiye si uu uga qeyb galo shirka kooxaha somalida balse sadexdii wasiir ee u dhoofay Turki oo qurbameer ah ayaa wata basabooro ajaaniba. Xubnaha Qurbomeerka ah ee weftiga waxaa ka mid ah wasiirka qorshaynta sacad cali shire oo haysta UK Passaport,maxamed cabdulaahi cumar oo haysta Danish Passaport iyo Xuseen Cabdi ducaale oo wata American Passaport.

 

Isku soo wada duuboo waxaa halkaas ka muuqata foolxumooyin maamulo iyo in xukumada Somaliland tahli kari weydo inay xooga saarto sidii wasiir Axmed Cabdi Xaabsade uga dhex muuqan lahaa weftigaa metelaayey Somaliland maadaba uu siyaasad ahaan metelo ama ka soo jeedo degaanada bariga Smaliland oo tabashooyin iyo cabashooyin badani ka soo burqanayaan intii madaxweyne Siilaanyo qasirga madxtooyada soo yururey!.

 

Qarannews

Hargeysa...........:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Duke, I thought Faroole's complaint was about Turkey starting a one track policy with Somaliland and not about Xaabsade lacking an Australian passport. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;836482 wrote:
Duke, I thought Faroole's complaint was about Turkey starting a one track policy with Somaliland and not about Xaabsade lacking an Australian passport.

Faroole got an apology, a plane sent over as well as 60 delegates many with only Somalia passport to travel to Istanbul. Somaliland could not get a minister into Turkey, and you want the world to take you seriously?...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ooh Carafaat couldn't hold back his hidden secessionist.

 

So its official Xaabsade is left out in the cold? Bwahahahaha bwahaa :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
faarah22   

LOL, here is one of the sticky situations where the delusion meets reality head-on and you know it won't look dignified.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Hold back? The poor man is in tears...He thought Puntland would be left out, all the while its his secessionist enclave that is left isolated and confused..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Duke, is this how you hide your internal division. Couple days ago you were calling Faroole a foo, Islaan Bashir defied him and went to Xamar.

And now your saying he got apologies. So what changed in your position except for Turks sending a plane to pick up, isimadii xamar kasoo cararay. :D

 

Qandalawi, marka ceebta Faroole la asturiyo ma waxa lagu asturaa secessionism. nice distraction, but it failed to work sxb. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;836495 wrote:
Go help your secessionist enclave lad, they sure need as much help as possible right about now...
:D

Duke,

 

What sorta help would you suggest that these so-called secessionist need? Surely Xaabsade's visa denial is merely a short-term setback, no?

 

p.s

first-time poster, long time reader of the forum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Poor Carafat again he is following the shadows of greater men. Adeer dont worry about the Puntland delegation they all got their entry into Turkey guaranteed. PM Abdiweli, Islaan Bashir have bee accorded the respect their titles accords them. President Faroole and his 60 strong delegation are on route to Turkey.

 

You on the other hand are unable to get your Minister and traitor in Chief into Turkey...:D Ah poor Xabsade, Karma is a b....:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this