Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Topsecret video about USC and Kismaayo 1991

Recommended Posts

bilan   

BS, i was in Kismayo in 1991 qof kale taariikhdaan beenta ha halag dhaadhiciyo,kun jeer baan habaar waalid mari lahaa if i had the option than to see what i saw in Kismaayo, waxaan joojiyey markuu yiri aamaankuu sugay, Oba hadaad taariikh run ah rabtid wixii ka dhacay Kismaayo ask qof soo joogay, xasuuq kama dhicin la ina magaaladadba cid badan ma jooginby the time la soo galay, intay yarayd oo joogtayna iIlaahau un baa og wixii ku dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Ok, I missed a lot of activities on this thread. What's the latest argument about, let me spice up the mood, you know I can!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MoonLight1, nin akhyaar ah oo hadal lala wadaagi karo ayaad tahay. Waxyaabo run ah ayaad iftiimisay balse aniga maba rabo inaan influence kugu sameeyo balse haddii aadan hore u samayn waxaan kugu waanin lahaa inaad horta soo baarto USC inay labo u kala qaybsanayd iyo in kale markii Maxamed Siyaad (AUN) Xamar ka baxay. Ma ogtahay xitaa USC-dii ka timid dhinaca Itoobiya iyo gobollada dalka iyo kuwii Xamarba iyagoo isku dhafnaa markii hore ka dib la dhahay si dadku isku aqoodaan, amase beel walba dhaqaale ugu kabto dagaalyahannadeeda iyo dagaalka dowladda lagula jiro beel beel halloo galo, aniga aragtidayda Caydiid baad sheegeysaaye garabkii hubaysnaa markaas baa loo qayilay in awooddooda la wiiqo, arrintaan Soomaali keliya wax ay ku fekeri kartey ma ahayn. Ma ogtahay in dowladda Talyaanigu uu safiir Mario Sico la dhaho Xamar u fadhiyey iyadoo ummaddii is qaxinayso oo gaari bullet proof ah ku dhex watey wixii ka horreeyey dagaalkii Muqdisho ee Sept 1991?

Ma ogtahay xitaa Caydiid in si official ah guddoomiyaha USC keliya loo aqoonsaday bishii July 1991? Intii ka horreysey laba garab ayaa la kala ahaa? Again isaga ma difaacayo ee xoogaa taariikhda waxaan dib kuugu celinayey in sida loo moodo uusan ahayn oo awoodda USC dhan isagu haysan. Gaalkacyo illaa Xudduudka Kenya USC baa haysatey waa runtaa laakiin Caydiid ma wada xukumin.

 

Anigu waxaan qabaa markii Axmed Cumar Jees la weeraray bishii Maarso 1991 inuu ka dhinac dagaallamo ayay ahayd, khaladka uu galay kaas ayuu ahaa. Kolleey sacabbada baruur kuma haysan ee nin ay Diri-Dhabe ku wada saxiixdeen heshiis oo isagu diidey inuu jebiyo waa Jeese, beeshiisa ka diidey, Cali Mahdi iyo kooxdiisa ka diidey markii la weeraray, Caydiid made sure in inta isaga ka amar-qaadata aysan dagaalkaas ka qayb gelin, waa dagaalkii ugu horreeyey ee Kismaayo lagu qabsaday balse khaladka ugu weyn ee uu galay waxay ahayd inuu Jees u hiilliyo ayay ahayd...:D Waayo markii Jees laga takhalluso isagaa ku xigey....Xitaa Waqooyiga markaas ma goosan waayo SNM way sugeysey oo iyaguba heshiiskii Diridhabe ee saddex-geesoodka ahaa ayuu C/Raxmaan Tuur qayb ka ahaa....If you have facts I would love to listen ee ii faa'iidee. Markii dagaalkii la soo rogaal-celiyey oo USC garabkii Maanafeesto Xamar lagu soo celiyey oo Carbiska la isla imaaday ayay ahayd markuu isaguna dagaalka galay xogtaan anigu hayo, taas oo ah kii markii labaad Kismaayo lagu qabsaday oo sidaan filayo cajaladdan laga soo duubay.

Anigu waxaan aaminsanahay bililiqo iyo dil waa dhacay. Dagaal faraha la iskaga gubtona wuu dhacay sidaan maqlay sida kii Araare...IWM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Somalia;836388 wrote:
Ok, I missed a lot of activities on this thread. What's the latest argument about, let me spice up the mood, you know I can!

Somalia aan kula kaftamo ee adigu cid hebla ayaa xun inaad tiraahdo ma ahane illeen cajalad baa kaa dhex-daarane dood kama qayb qaadan kartid ee hanna wareerin.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sensei when did i say aydeed was a allright dude aint even the one defending him..

 

Bilan aniga runta hadaan ka sheego wax ka dhacay kismaayo war iyo wacaal kama hayo ma garatay. marka ha ila yaabin aqoon darro ii heeysato weeye uun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;836210 wrote:
Waa runtaa xoogaa buunbuunis baa iska jira oo bililiqo way dhacday, balse waxaan ku su'aalay Kismaayo sidaan qiyaasayo 3 jeer baa USC tagtay 1991-1992 ee midkee baad adigu joogtey?

 

Abwan waxaan ula jeedaa kii ugu horeeyay. There was no massacre as such laakiin looting was everywhere, we went through habaar waalid for seven days and nights and the militia was coming after us daily robbing people and looting tracks and everything that is valuable .

 

 

Qofka ha waydiinin coz i was there myself rawaahu can Macalinka weeye arinku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;836504 wrote:

 

Bilan aniga runta hadaan ka sheego wax ka dhacay kismaayo war iyo wacaal kama hayo ma garatay. marka ha ila yaabin aqoon darro ii heeysato weeye uun.

LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;836444 wrote:
Somalia aan kula kaftamo ee adigu cid hebla ayaa xun inaad tiraahdo ma ahane illeen cajalad baa kaa dhex-daarane dood kama qayb qaadan kartid ee hanna wareerin.
:D

:D, haye waa noqdey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;836443 wrote:
MoonLight1, nin akhyaar ah oo hadal lala wadaagi karo ayaad tahay. Waxyaabo run ah ayaad iftiimisay balse aniga maba rabo inaan influence kugu sameeyo balse haddii aadan hore u samayn waxaan kugu waanin lahaa inaad horta soo baarto USC inay labo u kala qaybsanayd iyo in kale markii Maxamed Siyaad (AUN) Xamar ka baxay. Ma ogtahay xitaa USC-dii ka timid dhinaca Itoobiya iyo gobollada dalka iyo kuwii Xamarba iyagoo isku dhafnaa markii hore ka dib la dhahay si dadku isku aqoodaan, amase beel walba dhaqaale ugu kabto dagaalyahannadeeda iyo dagaalka dowladda lagula jiro beel beel halloo galo, aniga aragtidayda Caydiid baad sheegeysaaye garabkii hubaysnaa markaas baa loo qayilay in awooddooda la wiiqo, arrintaan Soomaali keliya wax ay ku fekeri kartey ma ahayn. Ma ogtahay in dowladda Talyaanigu uu safiir Mario Sico la dhaho Xamar u fadhiyey iyadoo ummaddii is qaxinayso oo gaari bullet proof ah ku dhex watey wixii ka horreeyey dagaalkii Muqdisho ee Sept 1991?

Ma ogtahay xitaa Caydiid in si official ah guddoomiyaha USC keliya loo aqoonsaday bishii July 1991? Intii ka horreysey laba garab ayaa la kala ahaa? Again isaga ma difaacayo ee xoogaa taariikhda waxaan dib kuugu celinayey in sida loo moodo uusan ahayn oo awoodda USC dhan isagu haysan. Gaalkacyo illaa Xudduudka Kenya USC baa haysatey waa runtaa laakiin Caydiid ma wada xukumin.

 

Anigu waxaan qabaa markii Axmed Cumar Jees la weeraray bishii Maarso 1991 inuu ka dhinac dagaallamo ayay ahayd, khaladka uu galay kaas ayuu ahaa. Kolleey sacabbada baruur kuma haysan ee nin ay Diri-Dhabe ku wada saxiixdeen heshiis oo isagu diidey inuu jebiyo waa Jeese, beeshiisa ka diidey, Cali Mahdi iyo kooxdiisa ka diidey markii la weeraray, Caydiid made sure in inta isaga ka amar-qaadata aysan dagaalkaas ka qayb gelin, waa dagaalkii ugu horreeyey ee Kismaayo lagu qabsaday balse khaladka ugu weyn ee uu galay waxay ahayd inuu Jees u hiilliyo ayay ahayd...
:D
Waayo markii Jees laga takhalluso isagaa ku xigey....Xitaa Waqooyiga markaas ma goosan waayo SNM way sugeysey oo iyaguba heshiiskii Diridhabe ee saddex-geesoodka ahaa ayuu C/Raxmaan Tuur qayb ka ahaa....If you have facts I would love to listen ee ii faa'iidee. Markii dagaalkii la soo rogaal-celiyey oo USC garabkii Maanafeesto Xamar lagu soo celiyey oo Carbiska la isla imaaday ayay ahayd markuu isaguna dagaalka galay xogtaan anigu hayo, taas oo ah kii markii labaad Kismaayo lagu qabsaday oo sidaan filayo cajaladdan laga soo duubay.

Anigu waxaan aaminsanahay bililiqo iyo dil waa dhacay. Dagaal faraha la iskaga gubtona wuu dhacay sidaan maqlay sida kii Araare...IWM.

Horta mid aan kaa soxo, USC wixii ka horeeyay Sep 1991 hal hogaan milatari oo dhexe ayey laheyd, ayagoo qabaa'il u kala qeybsan dhanka siyaasadana ukala qeybsan laba garab ayaa misana wixii milatari iyo cudud ah waxaa looga danbeeyay Caydiid, he was the one calling all military shots, I was there in the heart of Muqdisho.

mid kalana aan kaa soxo, Cidii kuu sheegtay in Caydiid gacmaha ka laabtay Jees been bay sheegtay, Ma ogtahay in habeenkii Siyaad laga saaray xamar ee 26kii maalmo kadib (waxaan filayaa inay aheyd 28kii) uu Caydiid qabsaday Baydhabo oo markaas ahayd xaruntii Jees, ma waxaa jiray general kale oo ciidanka USC hogaaminayay oo aanan Caydiid ahayn? waa maya, mana uusan yeeleen in howshiisa loogu tago oo wuxuuba saluugsanaa in siyaasadii ay ka fara maroojisay Manafesto.

Mid kalana aan kuugu daro Abwaanow, waxaad kaloo inoo sheegtay in Caydiid uusan ka qeyb galin dagaalkii ugu horeeyay ee kismaayo lagu qaaday laakiin uu ka qeybgalay uun markii carbiska la yimid. Iga raali noqo laakiin tan waa been qaawan oo aan dhar sidan proofkeedana waxaad ka heleysaa youtube oo waxan filayaa inaad daawatay clipkii USC ee buundada araare taasoo uu hogaaminayay Caydiid, sida aan la wada socono dagaalkaas oo ay isku fara saareen wadaadadii markaas difaacayay kismaayo wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee lagu qabsaday kismaayo oo deetana waatuu caydiid dadkii maatada iyo kuwii jabhaddaba inta ka daba tagay ilaa kenya ugu galay oo xitaa askar keenyaan ah ku wax yeeleeyay.

Caydiid wuxuu ahaa nin aan garaneyn sida looga mira dhaliyo guulaha milatari ee isdaba jooga ah ee usoo hoyay, haddii uu rabo inuu dalka madax ka noqdo waxay ahayd inuu dagaalada macno darrada ah ee uu galayay iska daayo, ninka statesmanka ah waxaa lagu yaqaan in cadowgiisa markuu ka adkaado uusan aar goosan, waad ogtahay markuu Galkacyo qabsaday in habeenadii ugu horeeyayba lagu xasuuqay dhowr boqoloo nin oo u badan rag odayaal ah oo magaalada laga yaqaanay, ninbaa hadda kahor kaftan igu yiri Caydii markii hore D-block buu ka dhex baxay, kadibna H-block buu ka dhex baxay, Hadana H-sub block buu ka sii dhex baxay, kadibna asagaa iska dhex baxay oo miinadii la kacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MoonLight1 saaxiib, xogta aad hayso iyo middaan hayo isma waafaqayaan, wixii dhammaa been dheh baad ku soo koobtay. Haddiiba aad leedahay Axmed Cumar Jees Afgooye ma joogin oo ciidammadiisu koontaroolka laga billaabo ma haysan, dadka kale ayaan u deynayaa inay na kala saaraan illeen labaddeenna keliya xilligaas ma noolayne. War ninyahow anigaa Afgooye, weliba beerta Sh. Zaaid tegey, bishii Feb 1991' USC-na ma haysan. Anigu Baydhabo ma tegin, balse waxaan ogahay in Jees ciidammadiisa iyo kuwo SDM ah ay wada joogeen sidaan maqlay oo weliba uu Jees ka awood badnaa, maaddaama uu ciidan kala yimid Dhinaca Itoobiya. Ninyahow taariikhaha ayaa iskaga kaa khaldan Caydiid Kismaayo ciidammadiisu waa tageen, laakiin ma ahayn markii ugu horraysay. Wixii dhammaa baad isku dhex yaacisay asn kula kaftamee.:D. Gaalkacyo inay qabsadeen waa runtaa in dad ku dhinteenna waa runtaa, filin cowboy ah oo uu Caydiid ka yahay kaabo laadar baad bahashiiba ka dhigtay. Miyaad inkiraysaa in beesha Galmudug ay victims ahaayeen oo habeen ay ka qaxeen markii dowladdu jirtey? Ka dibna aysan magaalada soo geli karin, iyadoo xitaa dadkii qaxayey laga daba tegey qaarna la laayey. Halkaasna ay degaanka ka billaawdeen daggaallo ku dhufo oo ka dhaqaq ah? MoonLigh1 xogtaadu sax ma ahan, abigu beenloow kugu sheegi maayo ee iska soo sax saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;836634 wrote:
Che xaa rabtaa ninyahow walahi daacad ee iga tahay

You reminded me of something that happened the other day. I was at coffee shop the other day. I ran into bunch of people from my tribe sitting at table. They were talking about the civil war and how guilty free their 'leaders' were. There was kid sitting there taking all that in perhaps believing his clansmen and their warlords are all saints.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;836672 wrote:
^^ Dhaliyarada halaga fogeyo odayasha qamamuurta eeh dagaaladi Sokeeyee ka so qeyb qaatay

Internet warlords halaga fiirsado..loool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this