Sign in to follow this  
kingofkings

Mr. President your constituent have spoken

Recommended Posts

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

 

 

Caawa oo ey bishu tahay 27/5/2012, Waxaa Teleconference isagu yimid aqoonyahanada Puntland ee Uk ku dhaqan iyagoo ka dooday mowqifka Dowlada Puntland ey ka qaadatay shirka Istanbul ka furmaya iyo qaabka shirka loo maareeyay. Waxaa si qoto dheer looga doodey Ajanadaha shirka iyo qaabka ey Dowlada Turkey u maareysay iyo casumaada ey fidisey, waxana sidoo kale la isla soo hadal qaadey cida shirka ka qeyb-galeysa sida Qurbajoogta iyo ururada Arimaha Bulshada, waxana la isla-qirey 99% dadka ka qeyb-galaya shirka iney yihiin dad kasoo jeeda Mogadishu. Sidoo kale Aqoonyahada reer Puntland ayaa falan-qeeyay Siyaasada Dowlada Turkey ee ku wajahan Soomaaliya, waxana soo baxdey in Dowlada Turkey eysan dhex-dhexaad ka ahayn arimaha Soomaaliya, xaga Horomarka Waxbarashada iyo Mashaariicda, Xili Dowlada Puntland iyo shacabkeeda laga qadiyay Mashaariicda horomarineed ee dowlada Turkey ugu deeqdey Somalia, waxaa sidoo laga doodey mowqifka Qurbajoogta Puntland ee Turkey, iyadoo la isla soo qaadey kulamo lala-yeeshay Safiirada Turkey dalalka reer Galbeedka loona gudbiyay ahmiyada Puntland iyo u xaq soorida shacabka Soomaaliyeed. Hadaba waxaan goaan saney inaan qaadano talaabooyinka soo socda.

 

A) Waxaan si-cad u taageereynaa Mowqifka Dowlada Puntland iyo shacabkeeda ee ka dhan ka ah Shirka Istanbul.

 

B) Waxaan si-cad uuga soo horjeednaa in la marin-habaabiyay shirka, isla markaana la casumey dad kasoo wada jeeda Mogadishu ee lagu astaameeyay ururada Bulshada Qurbjoog, taasina eysan ahayn Cadaalad.

 

C) Ugu danbeyn waxaan Dowlada Turkey ee aan Walaalaha nahay ka codsaneynaa iney dib u eegto Siyaasadeeda ku wajahan Soomaaliya, waxaan sidoo kale lee nahay Dowlada Turkey waa iney Cadaalad iyo xaq soorid u sameysaa ummada Soomaaliyeed, Xaga Waxbarashada Mashaariicda Caafimaadka Dhismayaasha iyo dhamaan horomarinta Guud ee Somalia.

 

 

Prof Axmed Jaamac Cilmi

Prof Mursal Xassan Khaliif

Prof Yuusuf Shire Bare

Dr Jaamac Ahmed Nuur

Dr Saalax Muumin

Dr Faarax Axmed Bari-Bari

Eng Amed Yuusuf Dhoolayare

Eng Khaliif Ashkir Hure

Eng Samatar Cilmi Joore

Eng Axmed Faarax Dhuubane

Avv. Bare Axmed Qalinle

Avv. Muuse Cumar Dhoodi

Avv. Ciise Yuusuf Xoosh

Colnel Cumar Yuusuf Sanyare

Colnel Idris Suldaan Axmed

Colnel Jaamac Warsame Muuse

Colnel Khaliif Shire Shanfool

Colnel Axmed San-dheere

Aqoonyahan, Baashi Axmed Huruuse

Aqoonyahan, Dalmar Yuusuf Maax

Aqoonyahan, Yuusuf Axmed Dhurwaa

Aqoonyahan Khaalid Aw-cali Sanyare

Aqoonyahan Bare Muuse Faras-cade

Aqoonyahan Kaarshe Axmed Cilmi

Aqoonyahan Liibaan Diiriye Axmed

Aqoonyahan Ismaaciil Maxamed Maxamuud

Aqoonyahan, Bashiir Kabayare.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madex-dhaqameedka Puntland ayaa taageray qaadacaadii Shirka Turka ee Madexwda dawlada Puntland xilli inbadan oo ka mid ah ay shalay ka baaqdeen socdaal ay ugu duuli lahaayeen Wadanka Turkiga.

 

Garaad Maxamed Cilmi shirwac oo ka mid ah Isimada Puntland oo warbaahinta gudaha maanta la hadlay ayaa sheegay in Isimada Puntland ay ka laabteen go’aankii ay uga qyabgali lahaayeen Shirka Turkiga islamarkaan ay dawlada Puntland la qaateen go’aanka ay ku dhawaaqday.

 

Garaadku wuxuu tilmaamay In aysan ka qaybgalayn shirkaasi, madmadaw ka jira ajandayaasha iyo waxyaabaha looga hadlayo awgiis, wuxuuna xaqiijiyay in aysan u suurtagalin isku dayo farabadan iyo dadaal ay ku bixiyeen in ay ku ogaadaan ajandayaasha shirka iyo xaqiijinta dadka lagu marti qaaday in ay yihiin kuwii rasmiga ahaa ee umada Soomaaliyeed matalayay.

 

Garaad Maxamed Cilmi shirwac oo si qoto dheer uga hadlay shirkan Turkiga iyo mawqifka Isimada Puntland ayaa sheegay in Isimada Turkiga Tagay ee reer Puntland aysan xog buuxda ka hayn shirka loogu yeeray islamarkaan si kale oo aan xaqiiqda ahayn wax looga dhaadhiciyay.

 

Garaadku wuxuu xaqiijiyay In ay jirtay qondo ahayd in qaar ka mid ah isimada Puntland la doonayay in ay malinimadii shalay Turkiga u duulaan si ay uga qaybgalaan shirkaasi lakin ay baaqdeen markii ay isla qaateen in shirkaasi in suusan ahayn mid umada Soomaaliyeed u qalma wanaageeda looga hadlayo.

 

Garaadka oo qaadacaada shirkan iyo taageerida mawqifka dawlada Puntland ka hadlay waxaa uu yiri “Muqdisho wixii aan tagnay kuma aanan arag, naloomana soo gudbin sidii aanu rajaynaynay, ka isimo ahaana waanu ka midaysanahay shirkaasi, haatan Isimada shirka tagayna si kalaa wax loogu sheegay, laakin xogta dhabta ah ee aan idinsiinayo waxaa weeye waxa Puntland ay ka biya diiday waanu ka biya diidnahay”.

 

Garaad Maxamed Cilmi shirwac wuxuu sheegay in uu ka mid ahaa Madexdhaqameedka lagu martiqaaday shirka Istanbuul wuxuuna carabaabay in aanMadex-dhaqameedkan loo soo bandhigin waxa uu shirku ku saabsan yahay wuxuuna yiri “iyadoo dareenkaasi uu nagu jirtay ayaa go’aanka Puntland soo baxay anaguna waanu taageernay maadaama Wax noo cuntama uu noqon waayay, waana ku raacsanahay taasi Madexda dawlada Puntland”.

 

Arrintanina waxay imaanaysaa xilli shacabka Puntland oo midawsan ay si wada jir ah maanta u taageereen mawqifka dawlada Puntland ay ka istaagtay shirka Istanbul ee Turkiga, waxaana suurtagal ah in xilliyada inagu soo aadan ay banaanbaxyo arrintan la xiriira ka dhacaan magaalooyinka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. President expect more of your people to speak up and denounce this blatant attempt of undermining Puntland hard work and much envied international connection. the political elite of Puntland need to wake up give the people their much and may i add painfully awaited independence. Mr. President, there is absolutely nothing in it for Puntland and PLers in somalia as of right now, so please take the next step. thank you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this