Sign in to follow this  
Somalia

Leaked: New Constitutional Draft

Recommended Posts

Positive   

Hadduu sax yahay nuqulkan khaladaad badan oo xagga qoraalka af-soomaaliga ah ayaa ka muuqda. Saxniin dhinacyo badan khuseeya ayuuna u baahan karaa.

 

Tusaale..

 

Qodob ay indhahaygu aad u qabteen waa kan 7aad - Dhulka Dawladda

 

Waxaa habboon in la yiraahdo: Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ama Dhulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya

 

Wuxuu sii oranayaa qodobkaasi:

 

Gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

 

Marka la yiraahdo ' uurkooda hoose' jasiiradaha keliya ayuu hadalku khusayn karaa haddii qoraalka qaabkaas loo daayo.

Waxaan u qori lahaa sidan.

 

Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xorta ahi waxay ka kooban tahay dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo idil oo ah berri, bad iyo jasiirado oo ay weheliyaan dhammaan wixii intaas uurkooda hoose ku jira iyo wixii dulsaaran; waxaa kale oo weheliya dhammaan hawadooda sare, geyi-qaaradeedka( ma fahmin eraygaas), dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya ama sharci caalami awgeed ku soo biira Soomaaliya.-si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

 

Wax badan ayeynu sixi karnaa haddii halkan nuqul lagu soo dhejiyo oo kadina aynu dood ka furno.

 

Toosiye2.

-

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

First time of my life discovering the Constitution of Somalia. It's not that hard to understand though :P

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this