Sign in to follow this  
Carafaat

Somali Love songs (with lyrics)

Recommended Posts

wiil   

Hadaan caashaqa u turay

samahana u toog baxay

adna aad ku tacadiday

waa talo la yaab leh

waxaad tabato ii sheeg

 

qurux taaba qaadiyo

sharaf lagu tisqaadiyo

tacabkiyo wanaaguna

waa tamaradeenee

xagee tuhun ka leedahayee

 

haddii aad turxaaniyo

jaceyl tuur ku leedahay

ha tilmaamin ruux kale

tabta uu useexdee

caashaqaaga tab usaar

 

haddii aan talamay

jaceyl teelo ugu bogay

adna tuurtay dhinacaa

waa taa wiil habawdee

waxaa tabatay ii sheeg

 

tigaad wada jirkeeniyo

isku tiirsi noloshii

caashaqa tix gelintii

waa tab aarsigeenee

xagaa tuhun ka leedahayee

 

haddii aad turxaaniyo

jaceyl tuur ku leedahay

ha tilmaamin ruux kale

tabta uu useexdee

caashaqaaga tab usaar

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Binu calwaan binu sufiyadiin

badda loo maroowaan

barakeysaheenaa

bishaaradiisaan

barwaaqeysaheenaa

balanteey ma baaji haayee

 

buurta waa bilaayee

Binu calwaan binu sufiyadiin

badda loo maroowaan

barakeysaheenaa

bishaaradiisaan

barwaaqeysaheenaa

balanteey ma baaji haayee

 

been maley sheegee

biyo xareedaan ehee

bukaan iyo fayoow

ber u dhigaayee

 

Binu calwaan binu sufiyadiin

badda loo maroowaan

barakeysaheenaa

bishaaradiisaan

barwaaqeysaheenaa

balanteey ma baaji haayee

 

bushi makugu deyn karee

iyo waxaan noo bilneen

bilicsan iyo baaran ii ahaawe

 

Binu calwaan binu sufiyadiin

badda loo maroowaan

barakeysaheenaa

bishaaradiisaan

barwaaqeysaheenaa

balanteey ma baaji haayee

 

buurta waa bilaayee

Binu calwaan binu sufiyadiin

badda loo maroowaan

barakeysaheenaa

bishaaradiisaan

barwaaqeysaheenaa

balanteey ma baaji haayee

 

ma buuna buuneeyee

bilcaanta hadda joogtee

balaayo iyo barsi la aan

ku deeyee

 

Binu calwaan binu sufiyadiin

badda loo maroowaan

barakeysaheenaa

bishaaradiisaan

barwaaqeysaheenaa

balanteey ma baaji haayee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

http://maalmo.com/hees/h/hassan-aden-samater_saylo.html

 

Xasan Aadan Samater:

 

Lyrics by Maalmo.com

Sayloo guyaal badan

Soo baxa kaliishii

Seelseelna loo degay

Sannad geelu badi dhalay

Oo sidigtii Laalays

Nirguhu aanay socod baran

Reeraha sintoodiyo

Kaymo saar leh loo dhigay

Oo igadh mid yari sabo

Maqaar lagu salaaxay

Saameeshay gaawaha

Oo baarqab soohani

Isagoo ah laba-sabar

Soofeeyey micidoo

Ka sanqadhiyey doobtii

Salaaddiina roorsaday

Ugabkii u saniyo

Surmo dheer la tiigsaday

Saqdii dhexena roob helay

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

 

 

 

Sahra Axmed Jaamac:

 

Sange subag idaad iyo

Sumal baridii lagu shubay

Ooy sabada ceelkiyo

Sohdu tahay agtiisoo

Loogu dhaansho sacabada

Oo Sudiyo Howd sare

Seddex guure daaqoo

Weli aan sedyari arag

Oo seeto iyo dabar

Labadaba ka saahiday

Oo salow dagaal iyo

ninkii geyin saraayaha

Oo sararta naaxdiyo

Timuhu ay isku seexdeen

Oo seyn-gargorkii

Loo salaaxa guudkoo

Saxarkii ku duuliyo

Looga mayro siigada

Loo saaro kooraha

Cigalkiina loo suray

Sarajoogga iyo muuq

Sankuneefle kaligaa

Adaa suuraddiisa leh

 

 

 

Xasan Aadan Samater:

 

Sagal gaaxday roob subax

Seermaweydo ku onkodey

Waaguna ku sarakacay

Sarajoog nin dhererkii

Cadceedduna la siman tahay

Nuurkuna sagootiyey

Oo waqal sindadab iyo

Guulaamo socotiyo

Kala soocday dhibicii

Oo midab sibaaqiyo

cadaan wada siraatiyo

madoow suul-dhalaal xiga

Seddexdaa miduun yahay

Qof suureeyey kala garan

Oo beel Sanaagiyo

Ku surmiday saraar godan

Saadaalinaysoo

bal halkuu ku simo iyo

Sugayaan inuu helo

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

 

 

 

Sahra Axmed Jaamac:

 

Dhulku saacu wada gaadh

Waanu kala sed roonyee

Meel idaha seel u leh

Riyahana salool u leh

Oo geela saar u leh

Oo dirir sagaariyo

Sagaal gudcurkuna helay

Saga xareedaan

Biyuhuna sunsumayaan

Oo saawasaawiyo

Saxal cudur lahaynoo

Salka looga degay nabad

Oo saraarta dixidiyo

Simantahay dareemadu

Oo sebiga caanihii

Lagu siiyey golihii

Habluhuna sibraar iyo

Dhiilo saabka loo tolay

Sinta bidix ku qaadeen

Subixii bariisada

Sidoodaan jalleecada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Carafaat;926923 wrote:

 

 

Sahra Axmed Jaamac:

 

Sange subag idaad iyo

Sumal baridii lagu shubay

Ooy sabada ceelkiyo

Sohdu tahay agtiisoo

Loogu dhaansho sacabada

Oo Sudiyo Howd sare

Seddex guure daaqoo

Weli aan sedyari arag

Oo seeto iyo dabar

Labadaba ka saahiday

Oo salow dagaal iyo

ninkii geyin saraayaha

Oo sararta naaxdiyo

Timuhu ay isku seexdeen

Oo seyn-gargorkii

Loo salaaxa guudkoo

Saxarkii ku duuliyo

Looga mayro siigada

Loo saaro kooraha

Cigalkiina loo suray

Sarajoogga iyo muuq

Sankuneefle kaligaa

Adaa suuraddiisa leh

Gabadhu wiilka maxay amaantay...Maashalaah...Carafaataw cid sidaa ii amaanta waan u baahnaa laakiin nasiib darro, Af soomaaliga noocan ah dumarkii yaqaanay miyiga oo qudha ayay ku hadheen ismana fahmayno. ... Af qalaad baa amaan naloogu dhigay...Af qalaad amaantu maaha...at the end of the day what matters is the gesture ...

 

A picture is worth a thousand words.

 

6348623994_d79a3ccd5e.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

 

 

Adduunyada nin dhoofiyo

ninkii degan dhulkii hooyo

nin dhergiyo nin dhowr qaday

aan dheef, aan dheef hayn

 

dhedig iyo laboodba howli kama dhamaatee

qof waliba wixii dhibay dhafoorkey ku taalaa

 

Anna dhaawaceygi

jaceyl dhidibka aastaan

la dheel dheeliyaayaa

anba kuguma dhaafeen

haddey taadu dheelido e

 

maxaa dhacay dhankaagay

u jiiftaa dhaliishuyee

ma dhiirado nimaa garab

wax lagula dhiseynee

 

nafta dhool hilaaciyo

dhibic baa u muuqdee

 

 

Anna dhaawaceygi

jaceyl dhidibka aastaan

la dheel dheeliyaayee

 

jaceylkeedu dhuuxiyo

lafahuu u dhaadhacay

dhulkoo doog dhir iyo ubax

dhamaan ekeeyey

 

dhowristeeda oo qura

ayaan dhowr ku qadayaa

weli dhaban mid kula mida

kuma dhalan aduunkuye

 

Anna dhaawaceygi

jaceyl dhidibka aastaan

la dheel dheeliyaayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Can someone help me with lyrics...not sure of some parts (underlined), I usually fill the empty spaces in songs with my own words as I did now...

http://heesta.com/daar_hees.php?id=129

 

Waa cudur jacaylkuye

waa culay iblaysoon

weelka laga cidaadine

cantar binu shadaadiyo

cilmi siduu u galayee

uu qays cidlada dhigay

markuu culimadii dilay

inuu dumarka ciirshoo

cidhibtooda wada tiray

kuu cadeeyay aniguuye

miyaad caawa moogtahay

 

 

Cidlo galaha cidiyo

cawshiyo ugaadhiyo

geeloo cararoo caymaday

dhul caraarcar badaneey

ceegaabta gucundhadu

cidhib kulul ku celiyee

carcaraaf inaan maray (doesn't make a sense)

canaanteed la dhihi karin

aawadaa cadibanahay

kuu cadeeyay aniguye

miyaad caawa moogtahay

 

calyankaha dunida

cidi kuma waartee

hadii uu cuskado mawd

Nabsi waa cawaanoo

Waa col iyo gulufoo

cidlo kuma dhaxaayee

ceeryaan sideedii

inuu cudurka kuu cunay

cimrigaaga gaasiray

kuu cadeeyaya aniguye

miyaad caawa moogtahay.

 

Waa cudur jacaylkuye

waa culay iblaysoon

weelka laga cidaadine

cantar binu shadaadiyo

cilmi siduu u galayee

uu qays cidlada dhigay

markuu culimadii dilay

inuu dumarka ciirshoo

cidhibtooda wada tiray

kuu cadeeyay aniguuye

miyaad caawa moogtahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

http://maalmo.com/hees/k/kaskey_deeqa-4.html

 

Deeqa daawashada guud

Dayax shan iyo tobaniyo

Daruur hoorte weeyaan

 

Timaheeda waa dahab

Marka dhabarka loo furo

Wada daa Gebigood

Daa'uuskey qurux wadaagaan

 

Deeqa Daawashada guud

Dur dur aan gureyniyo

Dix biyuhu jeexoo

Duur joogta cowshiyo

Deeradaad Ku looshee

Ubaxoo dilaacaad

Deymadiisa leedee

 

Dabcigiyo aqoontaa

Dumar lagu xushaayoo

Shey dooran weeyo

 

Deeqlaha Ilaahey

Dadka uu wax siiyee

Dibnaheeda hadalkiyo

Mayaqaan deelqaaf

 

Weligeed *****b ruux

Isma eynan daba marin

Kolley deeqday deriskiyo

dad intey la dhaqantay

 

Waxaa doobsimaad hela

Dadab kii ku hoystee

Dooqeeduna raacay

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

The first one is Carca raf inaan maray

 

the other one

calyahanka dunida

cidi kuma ey waartee

haddii ul cuskada mowd

Share this post


Link to post
Share on other sites
wiil   

 

 

Cad Ceediyo Xidigihiyo

Cimilada Aduun Yada

Cad Ceediyo Xidigihiyo

Cimilada Aduun Yada

 

Cirka Aarka Joogiyo

Halka Ceynku Kaga Yaal

Adigoon Ku Caan Noqon

Carra Edegta Hadalkee

Ama Caami Kala Harin

Cirka Aarka Joogiyo

Halka Ceynku Kaga Yaal

Adigoon Ku Caan Noqon

Carra Edegta Hadalkee

Ama Caami Kala Harin

 

Isagaa Cumaamadan

Culuun Kaa Gu’ Weynoo

Isagaa Cumaamadan

Culuun Kaa Gu’ Weynoo

 

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga

Haku Noqon Haku Noqonin

Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii

 

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga

Haku Noqon Haku Noqonin

Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii

 

Caqligiyo Wax Garashiyo

Ceynaano Nabadeed

Caqligiyo Wax Garashiyo

Ceynaano Nabadeed

 

Xajadaa Cakirantiyo

Golo Lagu Cadeyn Karo

Codkarkiisa Weyniyoo

Garta Caadilkeey Noqon

Ama Caawin Karin Nolol

Xajadaa Cakirantiyo

Golo Lagu Cadeyn Karo

Codkarkiisa Weyniyoo

Garta Caadilkeey Noqon

Ama Caawin Karin Nolol

 

Ha U Caroonin Waqtiga Iyo

Calaf Waxaad Ku Weydoo

Ha U Caroonin Waqtiga Iyo

Calaf Waxaad Ku Weydoo

 

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga

Haku Noqon Haku Noqonin

Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii

 

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga

Haku Noqon Haku Noqonin

Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii

 

Cilmi Iyo Wax Barashiyo

Caruurnimo Wax Kaa Lumay

Cilmi Iyo Wax Barashiyo

Caruurnimo Wax Kaa Lumay

 

Adoon Cashirka Diintiyo

Cabsidii Illaah Wadan

Ama Caalim Weyn Noqon

Ha U Oran Cariifiga

Caggo Midaad Ku Galeysiyo

Adoon Cashirka Diintiyo

Cabsidii Illaah Wadan

Ama Caalim Weyn Noqon

Ha U Oran Cariifiga

Caggo Midaad Ku Galeysiyo

 

Ha Cadaadin Ruuxaan

Kaa Gayin Colaadoo

Ha Cadaadin Ruuxaan

Kaa Gayin Colaadoo

 

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga

HaKu Noqon HaKu Noqonin

Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii

 

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Caya Yaanka Duulee

Cidi Aaney Aragiyo

Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga

HaKu Noqon HaKu Noqonin

Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii

Share this post


Link to post
Share on other sites
wiil   

 

 

Adaa i degoo i deeqay

Adaan ku dugaashanaayaa

Adigaan dumar kaa jecleystee

Macaaney ha ii darnaan

 

Adaa deymada Hanaan ku daroo

Dayoo laafyahaa kasii daranoo

Dagani socodkaa dareen i galshee

Macaaney ha ii darnaan

 

Adaa i degoo i deeqay

Adaan ku dugaashanaayaa

Adigaan dumar kaa jecleystee

Macaaney ha ii darnaan

 

Adaa dagan iyo xishoodba lahoo

dulqaad iyo reyn mid loogu darayoo

Degmooy mid i deeqday baad tahayee

Macaaney ha ii darnaan

 

Adaa i degoo i deeqay

Adaan ku dugaashanaayaa

Adigaan dumar kaa jecleystee

Macaaney ha ii darnaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

80% of the words in these lyrics, I have never heard anyone use them in day to day life, very strange. I noticed that Somali singers pronounce each word perfectly at the cost of rhythm, harmony of the beat and vocal sound. In popular music, words and entire sentences are twisted and bend to create a synchronized effect with the beat. The other group that don't do this are the Japanese.

 

BTW, can you guys give me some nice Somali words that rhyme with mac?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Chimera;937776 wrote:
80% of the words in these lyrics, I have never heard anyone use them in day to day life, very strange. I noticed that Somali singers pronounce each word perfectly at the cost of rhythm, harmony of the beat and vocal sound. In popular music, words and entire sentences are twisted and bend to create a synchronized effect with the beat. The other group that don't do this are the Japanese.

 

BTW, can you guys give me some nice Somali words that rhyme with mac?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

 

 

Waaw.. singing this for my xaaji :D

 

Labaan xiisihu midaynin, labaa

Jacaylkana wada xambaarin

Kalsoonida wada xurmaynin

Xubigu biya dhigan kashkooga

 

Sideenana isku xaq dhawrin

ma waayaan xagal ka daace.

Halkaa xabadkaa kutaalaa

Jacaylka xuskiisa xooji

 

Adaan ku xushee xaqiiqso

Xiskayga dagtee yaqiinso

Inaad tahay Gacaliye xaajigayga

 

Labaan caashaqa xushmaynin

Xeerkiisana aan aqoonin

Dad xaasida baa dhantaala

Xilkiisana way gabaane.(2)

 

Ma nihin xaashe kuwaase

Naf aan kuu xidhay xasuuso

Bog aan kuu xalay dhex seexo

Gudoon niyad kuu xabiiba 

 

Adaan ku xushee xaqiiqso

Xiskayga dagtee yaqiinso

Inaad tahay Gacaliye xaajigayga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this