Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government is treating the rebel captives in Mandheerahargeysa prisons very well

Recommended Posts

Urur Samo-fal Oo 54 Maxaabuus Oo Laga Hayo Maleeshiyaadka Reer Buuhoodle Gaadhsiiyay Deeq Lacageed Iyo Dhaqaaleynta Xukuumadda Ee Qas-wadayaasha.

2ce85df04f10d845d088abd07283ce75_M.jpg

Hargeysa (Ramaas) May 04, 2012 – Urur Samo-fal oo Magaciisu yahay DAL-HAB, ayaa lacago deeq ah gaadhsiiyay Maxaabiistii ciidamada Qaranku ka soo qabteen Maleeshiyaadkii dagaalku ku dhex Maray Koonfurta Laascaanood iyo Sool-joogto.

 

Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay 54 Maxbuus oo jiidaha kala duwan ee Maleeshiyaadku ciidamada Qaranka kula dagaalameen laga soo qab-qabtay ayaa ururka Dal-hab gaadhsiiyay lacago deeq ah oo uu ku soo hagaajiyey nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Jaamac (Wadaad).

 

Maxaabiistan lacagta loo qaybiyey oo ku kala xidhan xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa iyo xabsiga Mandheera, kuwaasi oo xaalado kala duwan ku sugan, waxaana maxbuus kasta la guddoonsiiyay lacag dhan $ 50 doolarka Maraykanka, iyadda oo lacagta uu soo diray Mr Wadaad dhamayd $ 2750.

 

Maxaabiistii laga soo qabtay Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo qaarkood dhaawac yihiin ayaa waxa qaarkood lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee Magaaladda Burco, iyadda oo maalmihii la soo qabtay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu lacag guddoonsiiyay maxaabiista dhaawaca ah ee Maleeshiyaadka iyo waliba dhaawacyada ciidamada Qaranka Somaliland, kuwaasi oo hadda qaarkood ka bogsadeen dhaawacyadii ka soo gaadhay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Koonfurta Laascaanood iyo deegaanka Sool-joogto.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa aad ugu dabacsan Maxaabiista Maleeshiyaadka laga hayo, waxaana sida muuqata loo ogol yahay in dadkoodu ku booqdaan xabsiyada ay ku jiraan, iyadda oo aan loo muujinayn wax cadaawad ah, inkasta oo aan la garanayn in la maxkamadeyn doono iyo in la siidayn doono marka khilaafaadka siyaasadeed dhammaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

okaaaaaaaaay, it all makes sense now. the reason why the kastuumo militia are so eager to get captured in large numbers and spend a year or two in captivity is all for $50 dollars, alot of the websites are reporting large numer the prisoners are repeat offeneders oo ubartay $50 dollars kaa la siinayo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

They kidnapped most of these people, last month there was the imprisonment of 47 men, how the hell do you capture 47 men in a battle? Waa cajiib.

 

And now one believes they are being treated well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this