Sign in to follow this  
Coofle

Suugaan iyo Sawir

Recommended Posts

Coofle   

somalia04.jpg

 

Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ka ahaaye ((I, on my own volition, chose to fight the infidels,))

Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora waynaha'e (( It was I who said to the filthy unbeliever: “This land is not yours.))

daliilkii rasuulkii, anaa doonayoo helaye.((It was I who sought and found the prophet’s guidance.))

 

Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye((It was I who rejected again and again the infidel’s offer to buy me out,))

Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede((It was I who refused to sell my faith to gain the gates of hell))

Anaan labada daa.rood tan hore, derejo moodayne((And it was I who desired no status in the first of the two Worlds.))

 

~Sayid Muxamed Cabdulle Xasan "AUN" Also known to the infidels as "Mad Mullah"

Translation by Prof.Said sh. Samatar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

sawir-doorashada-somalia.jpg

Carruuraha la dhacay awliyada laga cadhaysiiyey

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Caawaa la kala soocayaa caabud iyo gaal'e

Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne

Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne

Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Inay curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye

Ceeryaamo subaxeed nin nool curadka roob moodye

Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide

Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e

Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

 

~Abwaan Qaasim (AUN)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

2274066-On-the-beach--Berbera-2.jpg

 

Berberi Hadday tahay

Baradii Jacaylkee

Boodhari ku aasnaa

ka badbaadi maayee

Anna inaan ku biiraa

Maanta layga baqayaa

~Siciid Saalax

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

somalia15.jpg

Beri baan, beri baan

Wax la dhaloo dhulka jiifta ahaa

Beri baan, beri baan

Bilig bilig baraar celisa ahaa

 

Beri baan, beri baan

Daba-jeex dabka qaada ahaa

Beri baan, beri baan

Rukun rukun, reeraha u wareegto ahaa

 

Beri baan, beri baan

Raamaley riyo raacda ahaa

Beri baan, beri baan

Habloweyn had hadaafta ahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

SomaliMuslimManPrayingInSA.jpg

Allahayoow, adaa qaadiroo qaniya oo wayne

Adigaan qudhaanjiyo aboor qolona moogayne

Adigaan qofkii ku baryaa kugu qasaarayne

Allahayoow adaa qaadiree qumi muraadkayga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

s-PATRICE-LUMUMBA-ARRETE-TORTURE-ET-ASSA

 

"Geesiga madow uma oggola, guusha reer Yurub,

Geerida lamuumba wadnuhu, noo gig leeyahaye,

Geygiisii goortuu qabtee, gees isugu leexshay,

Iga guura galabtuu yidhaa, geeddan loo xidhaye

Godka waxaw qoday Haamarshool, waa gedduu wadaye,

Maantaba hadday gowraceen, way ka gama'ayaane,

Dollarku meeshuuu galaba, waa genbiyi jiraye

Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane,

Raggan gacanta haystow wallee, saad-danbaad garanne

Quudheennani intaynaan geb odhan, yayna kala gaadha

Haddi kale se goor aan fogayn, gowda bal aan eegno"

 

Patrice lumumba 2 July 1925 – 17 January 1961.

(Cabdillahi Suldaan maxamed-Timacadde).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Nice one Saxansaxo

 

6348623994_d79a3ccd5e.jpg

 

Sange subag idaad iyo

Sumal baridii lagu shubay

Ooy sabada ceelkiyo

Sohdu tahay agtiisoo

Loogu dhaansho sacabada

Oo Sudiyo Howd sare

Seddex guure daaqoo

Weli aan sedyari arag

Oo seeto iyo dabar

Labadaba ka saahiday

Oo salow dagaal iyo

ninkii geyin saraayaha

Oo sararta naaxdiyo

Timuhu ay isku seexdeen

Oo seyn-gargorkii

Loo salaaxa guudkoo

Saxarkii ku duuliyo

Looga mayro siigada

Loo saaro kooraha

Cigalkiina loo suray

Sarajoogga iyo muuq

Sankuneefle kaligaa

Adaa suuraddiisa leh

 

~Heesta Saylooo

Share this post


Link to post
Share on other sites

gaarriye.jpg

 

"Aadmiyahaw hallaysani!

Amarkaagu waa been!

Waxaad uur wadaagtaan

Ugaadhaa wareegtoo

Ugbaadkiyo caleentaad

Uur wada gasheenoo.

 

Uumiyaha dhammaantii

Ilma-adeer gudboon iyo

Isir baad tihiinoo;

Noolahaad arkaysaa

Waa ul iyo diirkeed;

Waa sida indhaha oo

Kolkay midi ilmaysaa

Ta kaleeto ooydaa;

Looma uumin keligaa

Inay kuu adeegaan.

Ammuuraha badh baa sir ah;

Sida xaal u eg yahay

Ujeeddadu ka xeeldheer"

 

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this