Sign in to follow this  
Coofle

Suugaan iyo Sawir

Recommended Posts

Coofle   

In an attempt to make Suugaan more attractive for the younger generation, I will attach each photo with a relevant piece of Somali literature...Be free to join and add your Sawir & Suugaan

 

393235_10150445358993360_290539813359_83

“Marka loo dhibtoodaa

dharag iyo wanaagiyo

Dhaqashada la gaadhaa

Dhaydiyo gadhoodhkiyo

Dharab lagu caweeyaa

Oo malab la dhuubiyo

Dhuunyaalka buurtiyo

Dhafaruurta geeduhu

Intay soo dhawadaan

Carabkiyo dhanxanagiyo

Dhabanada yimaadaan”

~Abwaan Maxamad Muumin "Ababe"

 

284327_10150276632231897_652706896_74447

Waadigii cararaayayee

Car yay itaaban lahaaye

Dulaha caaradiisiyo

Baguu caynku ku gooyay!

 

Waadigii salalaayee

Sabadaha miranaayee

Lo'da suulasha gooyayee

Bagood gaajo sureertayoo

Sabirkaagu yaraaday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

305582_329855410404543_100001402591247_9

Wadaad iyo ninkii waran lahow, dirir u weelqaada

Wiil iyo walaal wada socdoo, waano qaba yeesha

Wacadkaad isugu dhaarateen, waafi ha ahaado

Wadankeenu waa fiicanyee, cadowga weydaarsha

Walbahaarka dhiga geesibaan, waabasho aqoone

~Garaad wiilwaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

hobiye.jpg

Guy #1 sings ; "Wiil magaalada, Soo maraanmaray, oo Mijo cas dumar, Maro la huwaday, Maalintii Ceel, Kuu midayn waa"

Guy #2 Replies: "Wiil Catootil ah, oo cad badhiya leh, maalintii ceel, kuu cidayn waa"

NB ; Those are for cattle "Lo'da Xiliga waraabka"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

A-rebel-militiaman-belong-005.jpg

Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka

Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey

Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey

Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin

Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga

Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo

Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta

Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney

Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta

Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

 

~Cali jaamac haabiil...

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Thou I didn't comment ab't this, si wacan baan ola socday laakiin, Maxaad u joojiday sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

558683_432334023445958_808630116_n.jpg

gabadhyaar.bmp

Taan dumar ku leeyahay , waa gabadh togdheeroo

Toban iyo lix jirahoo Hiddihii tilmaamee

Maxmuudi toox-weyn , sadex qayd ka tolatoo

oo daraya muuskuna , taakiyo badh muuqdee

dhacluhuna tarraxa oo, tusbax luqunta galisoo

sidii boqorad taash xidhan, hadalkeeda tirisoo

kolba erey ku tuurtee

 

~lyrics from song by the Legendary Muuse Ismaaciil Qalinle AUN "Geela-Jooji"

 

381047_10150493059169940_529499939_84831

Wixii Damal dilay

Oo dameer leeg

Oo ka daba wayn

Sooma daayaw

Ha igu soo dayn

~Cigaal shiidaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

wyre;828837 wrote:
Thou I didn't comment ab't this, si wacan baan ola socday laakiin, Maxaad u joojiday sxb

Dee wax ku darso..oo laftayda wax igu kordhi...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

wyre;828857 wrote:
Brother aniga abwaan ma ihi waxna iskuma haayo balse waan kaa faa'iiday

Anba kuma dhaamo, oo ma gabyo, mana maansoodo, Afarrey-na iskuma aadiyo, Laakiin Suugaanta jaadadkeeda oo dhan waa Jecelahay, Mudnaan gaar ahna waan siiyaa....

Share this post


Link to post
Share on other sites

mogadshu_shattered.jpg

 

Waxaan aahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya'e

Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane

Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaye

Waxay dhalay iblaysiiyo jin iyo odayo sheydaane

Abtirsiino kala sooca baa ii iskuula ahe

Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe

(Xaaji aadan Af-qalloc)

 

 

hooyo-fahmi-maysid.jpg

 

Hooyoy la'aantaa

Aduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftin lama heleenoo

Dadku uma hayaameen

Xiddig hawd ka lulatoo

Sida haad ma fuuleen

Dayax heego joogoo

Hubka laguma tureen

Hawo laguma gaadheen

Cirka hirar ka muuqdoo

Hooyoy addoomuhu

Halkay maanta joogaan

Adigow horseedoo

Intaad hanad xambaartee

Haaneedka siisee

Horaaddada jaqsiisee

(Mohamed Ibahim warsame/hadraawi)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxansaxo;829385 wrote:
mogadshu_shattered.jpg

 

Waxaan aahay qabiilkii aakhiray reer Afriiqiya'e

Abaartiyo colaaduhu anay ila rafiiqaane

Arradka iyo gaashada ayaan ehel wadaagnaaye

Waxay dhalay iblaysiiyo jin iyo odayo sheydaane

Abtirsiino kala sooca baa ii iskuula ahe

Aji iyo sab anigaa ka dhigay uun walaalo ahe

(Xaaji aadan Af-qalloc)

261lx8k.jpg

 

Same location. Eebboow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

530837_337569856290984_113906751990630_8

 

Allahayoow Cirkoo Dam Ah, Ayaad Dacal Ka Faydaaye

Markaasaa Shamsadu Daalacdaa, Dunidu Nuurtaaye.

Allahoow Dalkoo Oomman, Baad dixo Biyaysaaye

Markaasaa Dugaag Iyo Dadiyo Duunyo Ka Cabbaane.

Allahayoow Cirkoo Diiran Baad, Caad Ku Dadabtaaye

Markaasuu Daruur Culus Helaa, Di'idna Yeeshaaye

Oo Ay Dareemada Dhulkiyo, Dixidu Baacdaaye.

Allahayoow Mid Duunyo Yar, Baad Darajo Siisaaye

Markaasaa La Daba Shaanbiyaa Doobab Iyo Beele.

Alahayoow Mid Daadduumayaad, duni u dhiibtaaye

Markaasuu Ka Diihaal Baxaa Deeqna Hidiyaaye.

Allahayow Mid dawga Dhaafayaad, ku camirtaa diine

Markaasaa Duunuubtuu Iskaga Rogo Uga Danbaysaaye.

Deeqdana Adaa Wada hantee Darajo noo yeele

Allahayoow Kan Loo Dayriyiyo, Hayga Dhigin Daallin

Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday CAAWA ........!!!

~Saalax Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this